Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa wuxuu ku soo laabtay magaalada Kampala ee xarunta wadanka Uganda halkaasi uu kaga soo qaybgalay xuska 50-sano guuradii ka soo wareegtay markii xuriyada ay qaateen shacabka wadanka Uganda.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la socday maanta markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu magaalada Kampala kulamo kula soo qaatay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxda wadamada Kenya Ugandda Burundi iyo waliba masuuliyiin kale.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wuxuu la soo kulmay qaar ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi Uganda ka dib markii ay xalad soo dhowayn ah ay u sameeyeen.
Wuxuu ahaa safarkiisii ugu horeeyay oo uu dalka kaga baxo safarkaan uu ku tagay magaalada Kampala madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] Read the article: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay [...]
Wax la cayriyo been baa ugu gaabisa. Nimanka waxay been ka sheegeen aqoontooda. Layaab aduun. Waxay la mid noqdeen kooxdii kubada cagta oo been ka sheegay dadooda. Kooxdii laga qaad dhibcaha. Ku aqoontooda beenta ka sheegay muxuu noqon xeerokooda. Fiiri link aad. Yaabtide
Waxaan Daawaday sawiradii iyo video laga soo duubay Markuu Madaxweynaha la kulmay Musaveni. Hab maamuuska fooshaxun iyo sharaf ka dhaca loo soo dhaweeyay waligey taas oo kale hore uma arag mana maqlin. Ninka Uganda Madaxweynaha u ah ilaa iyo heerkaas inuu isku kibriyo uma heysan laakiin booqashadaan wax badan Baa iiga baxay ninkaas. Waxay aheyd ilhaano iyo bahdil, waxaaba ugu darneyd markay madaxtooyadiisa ugu tageen. Salaanta jees-jeeska looga qaaday, kibirka loo fariistay, iyo protocol ah in Wadan dhan Madaxweynahooda lasii fariisiyo kuraas, cabaar kadibna uu qolka kale kasoo baxay midkii Uganda waa khalad. Waxaa sida saxda ah in Ninka martida loo yahay diyaar ku yahay albaabka kuna soo dhaweeyo ‘Head of State kale ‘ instantly iyo face to face. Waxaa kasii daran markuu Hillary Clinton ku qaabilay isla meeshaas hadda ka hor iyadoo ah Wasiir, Waxaa loo suray calanka Maraykanka dhabarkeeda. Laakiin Madaxweynaha Somalia waxaa loola dhaqmay like you are not a legitimate President yet. Isagana waaba qoslayaa oo dhoola
Waxay ahayd meel ka dhac aad u weyn sida Madaxweynaha loogu galay Yuganda, laakiin waxaa igaga soii dartay markuu asagana uu sii qoslay, marna uu hoos hoganayey asagoo socda marna fadhiya. Ninkaan wuxuu u baahan yahay Protocol 101 in la baro inta uusan na sii ceebeyn. Sidee buu ku ogolaaday inu fariisto meel astantii waddanka uu matalayey aan la surin. Reer baadiyenimo miyay ka ahayd mise garasho la’aan.