Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan Kula Yeeshay Magaalada Kampala Dhigiisa Wadanka Uganda


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu la kulmay dhigiisa wadanka Uganda Yuweri Musafene, ka dib markii uu halkaasi shay uu gaaray.

Labadaan madaxweyne ayaa kulankooda wuxuu ahaa mid soo dhowayn ah oo lagu soo dhowaynayay madaxweynaha Soomaaliya iyo waliba wafdi uu hogaaminayay ee shalay halkaasi gaaray.

Sidoo kale laabada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeya Labadal,  iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta ka qeybgelidoono munaasabadda xuska Kontonguuradii ka soo wareegay markii uu dalkaasi qaatay xorriyaddiisa.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu wadaa in manta uu halkaasi kulamo kala duwan uu kula soo qaato masuuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan madaxda wadamada kenya  iyo waliba Masar.

Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in madaxweynaha Soomaaliya uu la kulmidoono wafdi ka socda dowlada Talyaaniga, ayagoona ka wada hadli doona arimo badan oo ay qayb ka tahay isbadalka ka dhacay Soomaaliya iyo sdii dowlada Talyaaniga ay u taageeri lahayd.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkiisii ugu horeeyay oo kaga safro wadanka wuxuu ku tagay magaalada kampala halkaasi oo uu kaga qaybgalayo munaasabad lagu xusayo Sanad guuradii 50-aad ee ka soo wareegatay markii ay xuriyada qaateen shacabka reer Uganda.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan Kula Yeeshay Magaalada Kampala Dhigiisa Wadanka Uganda”

  1. [...] Originally posted here: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan Kula Yeeshay Magaalada Kampala Dhigiisa Wadanka Uganda [...]

Leave a Reply