Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay In Caalamka Uu Haatan Taageersanyahay Soomaaliya
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya Prof Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay ka faa’iideestaan taageerada beesha caalamka ay u hayso Soomaaliya.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in xiligaan ay beesha caalamka ay dadaal badan ugu jirto sidii gacan weyn loo siin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee mudada dheer ku soo jiray dhibaatada.
Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in caalamka uu diyaar u yahay in Soomaaliya uu ku taageero wixii ay doonayaan in gacan lagu siiyo.
Waxaana uu ugu dambeentii tilmaamay in hada uu dhamaaday waqtigii la dhihi jiray Soomaaliya waxaan ayaa u roon anaga ayaana u doornay laakiin maantana uu arinka yahay maxey rabaan Soomaalidu oo aan kasaacidnaa islamarkaana looga baahan yahay Soomaalida in ay ka faa,iideysaan dhamaan howlahaas oo idil.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkaan wuxuu warbaahinta uu siiyay ka dib markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho asgoona ka yimid magaalada kampala ee xarunta wadanka Uganda.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] Continue Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay In Caalamka Uu Haatan Taageersanyahay Soomaaliya [...]
soomaali waxay ku horumari kartaa wax ay iyadu qabsato ee kuma horumari karto baryo gacmo hoorsi , sidii uu hore u sheegay abwaankii soomaliyeed .baryo laguma hodmo hanti dadkale ,
waa in aan ku fakaraa sidii aan wax uqabsano madaxweynhu waa inuu usheegaa dadka soomaalida ah in ay isku tashadaan oo wax wada qabsadaan