Madaxweyne Xasan Sheekh Safarkiisa Ugu Horeeya ee uu Dalka Dibada Uga Baxo Xaggee Buu Ku Tagi Doonaa?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadka dambe markii ugu horeysay dalka dibada uga dhoofi doona tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimada Soomaaliya bishii hore tobankeedii.

Madaxweynaha ayaa sida wararku sheegayaan  u dhoofi doona wadanka Uganda halkaasoo uu kaga qeybgalayo munaasabada “Golden Jubille” oo loogu dabaaldegayo 50-guurada ka soo wareegatay xornimada wadankaasi, iyadoo ay munaasabadaasina iman doonaan in ka badan 14 madaxweyne oo adduunka daafihiisa ka socda.

Wasiirka warfaafinta Uganda haweeneyda lagu magacaabo Karooro Okurut ayaa maanta wariyaasha ugu sheegtay magaalada Kampala in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tagayo Kamapala bishan 9-keeda.

“Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuxuu nop xaqiijiyey inuu ka soo qeybgali doono munaasabadan weyn” ayey tiri haweeneyda wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta Uganda ah.

Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi ayaa sidoo kale munaasabadaasi ka soo qeybgali doona, waxaana warar ku dhow Villa Soomaaliya ay sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu kulan Kampala kula yeelan doono madaxweynaha Masar Maxamed Mursi oo isaga laftiisa dhowaan ku guuleystay doorashadii wadankiisa ka dhacday.

Madaxweyne Mursi ayaa ah siyaasi ka soo jeeda ururka Ikhwaanul Muslimiin oo sida la sheego xiriir dhow la leh madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo la taliyaashiisa waxaana jira ballanqaadyo taageero ah oo madaxweynaha Masar u sameeyay dawlada cusub ee Soomaaliya, sidaasi awgeed ayaa kulanka labada nin uu muhim u yahay.

Safarka madaxweynaha

Safarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ku tagayo dibada ayaa ah kii ugu horeeyay ee uu dalka uga baxo tan iyo markii la doortay bishii hore bilawgeedii, waxaana xusid mudan in Uganda oo ah wadan ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya ay noqotay meeshii ugu horeysa ee dibadda ah ee uu cagta dhigo madaxweynaha cusub ee dalka.

 

RBC Radio

Share

8 Responses for “Madaxweyne Xasan Sheekh Safarkiisa Ugu Horeeya ee uu Dalka Dibada Uga Baxo Xaggee Buu Ku Tagi Doonaa?”

  1. abdi says:

    war nimanyahow naaagees badininaa war maxaa idinka galay war puntland baa wax wadaagtaan ee kuwaas xayaysiiya

  2. Ali Soomali says:

    madaxweynuhu muxuu ka baaqday shirkii arrimaha Somalia ee New york iyo kii golaha guud ee UN, sababtana wuxuu arrimaha horyaala waddanka gudihiisa ay ka mid tahay asagoo raadinaya ras’usalwasaare, runtiishirarkaas waxay ahaayeen kuwa muhiim u ah Somalia hase yeeshe madaxweynaha wuxuu u wakiishar ras’ulwasaarihii hore, maanta oo kampala looga yeeray wuu u socdaa asagoon weli ras’ulwasaare soo magacaabin, sey wax u jiraan?

  3. SSC says:

    kkkkkkkkkkk

  4. ali somalia sxb madaxwaynaha waa uu saxan yahay hadana ma aadayo isaga oo aan rasulwasaarihisa aan macaabin waayo sharciga waxuu qorayaa in 30 bari ku soo magaacabo hadana waa dhamaanaysaa maalinta uganda aadayo wadankeena waa leeyahay PM dhamaystiran oo wanaagsan waa in aad fishaa

  5. dr xuluuliye says:

    New prime minister of somali dr ali isse abdi

  6. [...] Nairobi (RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Kiinya Mwai Kibaki ayaa berito isku arkaya magaalada Kampala markii ugu horeysay, sida ay sheegeen saraakiil madaxtooyada Soomaaliya ka tirsan. [Booqashada Madaxweynaha] [...]

  7. [...] Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Kiinya Mwai Kibaki ayaa berito isku arkaya magaalada Kampala markii ugu horeysay, sida ay sheegeen saraakiil madaxtooyada Soomaaliya ka tirsan. [Booqashada Madaxweynaha] [...]

Leave a Reply