Masuul Ka Tirsan Dawlada Soomaaliya oo Shaaca Ka Qaaday in Shirkadihii Heshiisyada Shidaal Baarista Kula Jiray Dawladii Dhexe Ay Soo Laaban Karaan
London (RBC) La taliye ka tirsan wasaarada Tamarta iyo Macdanta ee dawlada Soomaaliya oo lagu magacaabo C/laahi Xeydar ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Soomaaliya ay u yeereyso shirkadii heshiisyada shidaal baarista la galay dawladii dhexe ee dalka wixii ka horeeyay 1991-kii.
C/laahi Xeydar ayaa arintaasi ka sheegay shir arimaha Soomaalkiya looga hadlay oo toddobaadkan ku soo dhamaaday magaalada London halkaasoo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin dawada Soomaaliya ka socota iyo shirkado ganacsi oo waaweyn oo ay ku jiraan kuwa shidaal baarista.
“Waxaanu siineynaa ahmiyad weyn shirkadihii hore” ayuu yiri C/laahi Xeydar oo u waramay Reuters shirka London kadib.
La taliyahan ka tirsan wasaarada Macdanta iyo Tamarta ee dawlada Soomaaliya ayaa Reuters u sheegay in shirkadaha ay aadka u daneynayaan ay ka mid tahay shirkadda Chevron oo Mareykan ah, BP oo Ingiriiska laga leeyahay iyo Shell oolaga leeyahay Holland. Shirkadan ayaa ka mid ahaa kuwii heshiisyada kula jiray dawladii militariga ee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
“Runtii waxaan arkay dad badan oo aad u daneynaya shidaalka Soomaaliya sida Sheel iyo Chevron, halkaana waan isku aragnay..” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Dawladii dhexe ee dalka ayaa heshiisyo shidaal baaris kula jirtay shirkado ajnabi oo u badan kuwa reer galbeedka kuwaasoo dalka isaga baxay markii ay dagaalada sokeeye qarxeen.
Burburkii dawlada dhexe ka dib waxaa jiray heshiisyo kala duwan oo ku saabsan baaritaanka shidaalka Soomaaliya kuwaasoo maamulo kala duwan ay la galeen shirkado ajnabi ah, waxaana ka mid ah maamulka Puntland iyo Somaliland inkastoo shirkadaha caanka aysan heshiis la gelin.
Shirkadihii ka dambeeyay 1991
La taliyaha wasaarada Macdanta iyo Tamarta oo la weydiiyey sida dawladu ka yeeleyso shirkadaha heshiisyada la galay maamulada kala duwan ayaa wuxuu sheegay in shirkadahaasi lala xaajoonayo hase yeeshee aysan yeelan doonin “wax ahmiyad ah”.
Dhawaqa dawlada Soomaaliya ayaa noqon kara mid xanibaad saari kara heshiisyada Puntland iyo Somaliland ay galeen oo qaarkood ay haddaba socdaan, gaar ahaan heshiiska maamulka Puntland iyo shirkada Horn Petroleum oo hoostagta Range Resources. [AKHRI Warbixin ceelka Shabeel 1 ee Dharoor]
Dhanka kale, la taliyaha wasaarada macdanta C/laahi Xeydar oo ka hadlay khilaafka Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan dhanka badda ee koonfurta dalka ayaa wuxuu sheegay in murankaasi loo xalin doono “si saaxiibtinimo leh”.
Kama uusan hadlin damaca Kenya ee ku wajahan shidaal baarista koonfurta badda Kismaayo halkaasoo Kenya ay dhowaan shaacisay inay shidaal ka baaraneyso. [AKHRI warbixin damaca Kenya]
Waxaa xusid mudan in Kenya ay dhulka ay shidaalka ka baareyso oo ay ku jirto xeebta Kismaayo u taqaano “dhul biyood lagu muransan yahay”.
Khubaro caalami ah ayaa sheegtay in haddii shidaalka Soomaaliya la soo saaro ay Soomaaliya ka dhigi karto wadanka ugu qanisan geeska Afrika isla markaana tirada shidaalkiia uu ka badan karo wadanka Kuwait oo ka mid ah wadamada shidaalka fiican soo saara ee Bariga Dhexe.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi












Ninkaan C/laahi Xeydar ee la taliye lagu sheegayo, waxuu u muuqdaa nin LAALUUSH kasoo qaatay shirkadihii horre ee wadanka wax ka baari jiray oo waqtigoodi iyo sharcigoodiba dhacay.
Waxuu rabaa inuu aflagaadeeyo Shirkadaha waa weyn ee Caalamiga ah ee eey Puntland heshiiska la gashay ee ladhaho Horn Petroleum iyo Africa Oil oo laga leeyahay wadanka Canada.
Ma oga miyaa Shirkadahaan heshiiska lagalay Puntland ineey sharci ku imaadeen, oo dawladii cabdullaahi yussef iyo tii Sheekh Shariif eey u saxiixeen.
Ma oga miyaa dawlad goboleedka Kurdistan ee kadhisan wadanka Ciraaq ineey iskeed ula gasho heshiisyo shirkadaha baara Saliida?? Oo xataa markeey dawlada dhexe ee Ciraaq eey damacday ineey soo faragaliso heshiisyadii Kurdistan region eey gashay in eey Kurdistan ku hanjabtay ineey ka go’eyso ciraaq??
Marka ninkaan aflagaadada ku haya shirkadaha Puntland shidaalka ka baara ma waxuu rabaa inuu khilaaf cusub kasameeyo dawladaan cusub oo lagu rajo weynyahay iyo gobolka Puntland?
Ninkaan dadka halaga qabto!
Shirkado haduu wado oo shiidaal ka baaraya goboladaa kale ee wadanka sida Hiiraan, Galgaduud, Shabeelaha dhexe, Bay iwm, waa la fahmay, ee ma ahan inuu sumcad xumo iyo khilaaf usoo jiido shirkadaha Puntland wax ka baara hada.
Hadii uusan waxaan ka laaban ha ogaado inuu khilaaf weyn uhorseeday wadanka!
a/s/c caasha waaley ha is waalin soomaaliya meeshii shidaal laga helaba waa inoo barwaaqo wayna nawada deeqi ee aan iimaan sano qaybaaladu waa ta halkaa ina dhigtaye aan qaranimo ka fikirno
Adigu hada ma waxaad leedahay Puntland waa la mid Kurdistan? kkkkkk. Dad wadan leh baad tihiin ee inaaderrow maxaad Kurdi u sheegan?
Ta Labaad shirkadahan aad sheegaysid ee Africa Oil iyo Horn. Waa shirkado yar yar oo lacag farabadan suuqa kaga sameyey baadhitaankii shidaalka Puntland, waana kuwii ku guuldaraystay oo iminka u malayn maayo in ay sii joogi doonan. Maadame ay lacagtii/share priceka intii ay rabeen ay ka sameeyeen, si been iyo buun buunisna suuqa maalin walba u galin jiray shidaal baan helnay ama u dhownahay.
Waxaana filayaa hadii xitaa ay shidaal heli lahayeen in ay shaqada ku wareejin lahayeen shirkadaha waa ween sida BP, Shell iyo Conoco.
WAX FIICAN HADAAD KA SUGTID WAA NIN YIRI QASHIN BAA GALI OO WAX FIICAN BAA IGA SOO BAXI
Waa nin xumaan aay daashatay. Waana tii la yiri doqoni meeshii lagu diriray bay ogeyd ee ma ogeyn meeshii lagu heshiiyay. xaydar waxaan u sheegayaa in laga tegay wixii horay u jiri jiray oo hal meel la isaga talin jiray, haatan waa federaal waxna la wadaago waxna si gaar gaar ah loo kala yeeasho. Sidaas darteed wax badan baa ka qaldan ee xaydarow ku noqo dastuurkii la wada qortay oo lagu wada heshiiyay.
Waxa la iskaga horkeenayo reer puntland, dhan warbaahin iyo dhan dadka gudahoodaba ah wixii loo adeegsadaba waa gorgortan iyo cabsi galin lagu hayo masuuliyiiinta reer puntland si ay u jilcaan wax badan dhanka shidaalka ahna looga saxiixdo, Dooladii soomaaliyana maantey ku soo darsantey, Haddaba wixii reer puntland ah, ha’ baraarugeen, 22 sano lawada socdey maxaa keenaya waxkhtiyadii shidaalka la qeybsan lahaa in la’isku kaaya diro oo sidaa aynu shidaaal la’inoo ogol yahay aynu weyno, war reer puntland nimada goooska aynu ku qabsanno, federism aynu gooska danbe ku qabsanno si aynu u noqono united arab imarates oo kale habka ay u wada qeybsadeen qabiiladoooda,.
waryaarahee waxaas ka daran madaxwaynaha oo leh raisalwasaraha magacabistiisa waxaan kala tashan baydhabo iyo baladwayne xagee wax ka khaldanyihiin????????? raisalwasare waxuu kasoo magacaabin hadaba maxaa u diiday inuu waydiyo fikirkooda hadii sikale loo dhaho baydhabo waxay qaateen booskooda oo ah jawari, baladwaynana madaxwaynaha ayaaba kasoo jeeda marka magalooyin xubintoodii qaatay maxaa wax loo waydiin oo magalooyinka aan waxba helin loo waydiin wayay???? aaway farole adaa maanta kajira nin ah oo hadalkiisu saamayn leeyahay ee arintaan maxaa uga aamustay mise xisbiyadii lalahaa waxaa laga furin puntland baad mashquul ku tahay ????????????mise shekada waad ka shakisay oo markii lakeeno wiil ah oo aan matelin oo beelo kale ku shaqaysanayaan ayaad rabtaa inaad tirahdid booskaas waa nalaka bililiqaystay oo inankaa nama metalo.??????????????
Anigu waxaan u arkaa nin maseyr hayo horta yuu matalaa tan kale yaa u dirsaday inuu ka hadlo arimahaan yuu umada u horseedin tafaraaruq hadii taasi dhacdo ha ogaado p/land inay goaan cad ka qaadanayso waxa federaalka la leeyahay ma ogyahay inay soomaali kala guurtey oo ay wadaagaan oo kaliya federaal maamulka lama wadaago cid walibaa ayadaa ismaamusha waxayna xaq u leedahay inay la soo baxdo wax walbaa oo dhulkeeda ku jira waxaan dad maaha maalin walbaa orgi aan aduunka la socon baa xogaa laaluusha meel ka qaata markaasuu nac nac la yimaadaa
Yan lagu dag dagin shidaal laga soo saaro somaliya ee waa in xooga la saaraa sidii kenya looga hortagi lahaa oo damaceeda boobka ah ganaca loogu dhufan lahaa.Mida kale somaliya waqtigaan xaadirka ah shirkadihii hore hishiisyadii jiray iney sidooda yihiin waa loo sheegi karaa laakiin in shidaal laga baaro somaliya waxaa ka horeysa dowlada somaliya oo somaliya oo dhan gacanteeda soo gelisa oo maamul iyo kala dameyn kusoo celiso kana dhigto wadan dagan oo dadkiisu qeyraadka ka soo baxa si dagan ku heli karaan.
ASC Mr Xeydar waan soo dhaweyneynaa arinta in Somaliya Khayraadkeeda si fiican loo maareeyo Dawlada cusubna maamusho loogana amar qaato maadaama Somaliya Dawlad buuxda loo aqoonsadey caalamka oo dhana soodhaweeyey, Shirkadaha bililiqadana wadana la ganaaxo qofkii keeneyna maxakamd lasoo taago maxaa yeeley waa xatooyo xoolo dadweyne shacbka Somaliyeed ha ogaadaan in maanta Somaliya Dawlad xoog leh dhalatay gobolada Somaliyana caasimadda laga xukumayo hadana waxaa socda qorshe Xildhibaan kasta meeshii laga soo doortay loo diray oo xaafiis looga furayo marka howshu waa socotaa hala tageero midnimada iyo hurumarka Shacabka Somaliyeed ee muslimka ah yaanan la taageerin khariirada uu wato cadowga soo jireenka ah iyo dabadhikifyadooda Viva Soamliya sc.
Caasho Waal, walaal waxaa kaa maqan iney Somalia ku jirtay ku meel gaar 20kii sano ee la soo dhaafay oo aysan wax heshiis caalami ah geli karin, marka adigoon putland iyo baasoland ku boodin shuruucdana dib u fiiri dowladda cusubna haka hordhicin. Tan kale shidaalka aad ka hadleyso ee putland ma kii uu Faroole nagu lahaa baa waxaa lagu soo saarayaa laba bil gudahooda kadibna cid is weydiisayba aysan jirin?
waxaam ahay nin ka shaqeeya canoco
waxaa laga helay puntland shidaal badan laakin waa iibsadeen oo waxaa iibsadey pb iyo shell iyo conoco waana waxahada lagu dhissyo maashaariicda faraa badan ee ilaa buuhoodle la dhisaayo 3waana deeqaa soomaali
Dadka PL oo is waalaaya, ninka waxa uu kahadlay maahan puntland ee waa shirkadihii ka nilaabay shidaan radis ama sahan gobolada badaanir iyo shabekada hoose. Calaameeyeyna meelo ay ma midyihiin xaafadaha madiina.ama dharkenleey oo uu 1991 kii siyaadbare bilaabay in uu kalawareego guryaha dadkii daganaa si loo baneeyo, ilaa afgooye iyo baraawe marka shirkadihii howshaa bilaabay.oo ah kuwa ugu waawayn dunida hadii u welcome back yiri puntland maxaa kaga jira?
Somaliland, puntland iyo shirkadaha ay la heshiyeen waxay kula heshiyeen nidaam tuuganimo oo aan waafaqsaneyn xeerka heshiisyada caalamiga ee shidaal qodista, shirkaduhuna ma aheyn kuwa caalami ah ee waxay ahaayeen kuwa qoro-qoro ah, hadday maanta dhalatay dowlad rasmi ah waxaa soo noqonayaa shirkadihii caalamiga ahaa ee ka hawl gali jirey dhulkan, mana jiri doono qabiil intuu la soo heshiiyo shirkado tuugeysi isla markaasna hoos cararo shirkado qoro-qoro ah inuu dalkana soo geliyo waxaan dhici doonin. shidaalka dalka waa la soo saarayaa si sharciga waafaqsanna waa loo qeybinayaa gobolada oo dhan.
waryaara aflagaadadu ma fiicnee ka fiirsada luqadiinna macnahaygu waa maxaad somaliland noogu lamaaninaysiin maxaa yaal somaliland maxay haystaan war qabiil yar oo meel isku shareeray sidee baad puntland ula simi kartaan waryaa hooy halakala xishoodo war 22000kmsqr[somaliland] miyaad lasimaysaan 212000kmsqr[puntland]
cali somali nin fiicanaadtahay laakiin xoogaa nuqsaanyaraa kugujirta ee iyadana waa lagaa baabi indoonaa insha allaah waxaa kaloo jirta ninwalbaaba goofkiisa asaa iskaleh marka xaakaagalay cidday hashiis la soo galeen m isse beledkiina baahi baddan maa kajirta eeboow wax la aan noqon mayside ciddii shiddan caanaha lacab