Maxa Ka Jira In Abu Mansur Al-Amriiki Uu Ka Tagay Soomaaliya?
Nairobi ( RBC Radio) Warar soo baxay ayaa muujinaya in Abu Mansur Al-Amriiki oo ka mid ahaa saraakiisha sar-sare ee Al-Shabaab uu ka tagay dalka Soomaaliya.
Ninkan oo ah muwaadin reer Mareykan ah, laakin asal ahaan ka soo jeeda Asian ayaa ka mid ahaa ajaaniibta ka barbar dagaalama Al-Shabaab ee ku sugnaa Soomaaliya.
Waxa la sheegay in Cumar Hamaami uu diyaarad gaar ah ka raacay magaalada Bawaawe ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Diyaaradda ayaa la sheegay in ay ka timid dhinaca dalka Yemen sida ay wararka deegganka laga helaayo sheegayaan.
Sidoo kale wararka waxa ay lee yihiin Abu Mansur Al-Amriiki waxa diyaarada la raacay in ka badan 10-sarkaal oo Soomaali iyo ajanabi isugu jira kuwaasoo la socday markii uu ku sugnaa Baraaawe.
Warkan kama hadlin Al-Shababa oo inta badan laga qabsaday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sidoo kale waxa aan ka hadlin dowladda Mareykanka.
Haddii uu warkan xaqiiqo noqdo waxa hubanti ah in saraakiil badan oo ka tiran Al-Qaacida isla markaana u badnaa ajaaniib ay ka huleeleeyn dalka Soomaaliya.
Taarikhda Hammami
Waxa uu ku soo barbaaray deegganka Daphne, ee gobalka Alabama dalka Mareykanka halkaasoo dugsiga sare kaga qalin jabiyay Daphne High School.
Aabihiis waa reer Syria isla markaana ah Muslim ah hooyadiis waa Mareykan ka soo jeeda Irish
Ka timid Southern Baptist
Waxa uu qabaa gabar Soomaali Canadian ah, taasoo uu guursaday mar uu tagay sannadkii 2004-tii dalkaas.
Waxa uu ka mid ahaa saraakiisha sar-sare ee Al-Shabaab isla markaana ka tirsanaa Al-Qaacida, waxa uu gacan ka siin jiray Al-Shabaab soo xera gallinta ajaaniibta ka barbar dagaalama kooxdaas oo xiir la leh Al-Qaacida.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi













[...] Continue reading here: Maxa Ka Jira In Abu Mansur Al-Amriiki Uu Ka Tagay Soomaaliya? [...]
Ninkaaan aaad sheeegeysaaan waaa CIA u shaqeeeya USA… waxaaaad ogaaan doontaaaan mar uuun… waaa nin marin habaaaabiyay dhalinyaro badan ooo sooomaaali ah
Waxkasta ma iska sheegaysaan diyaarad al-qaacida leedahay oo yemen ka timi kkkkk, warkaas waa gadmi waayey ninkaan haduu cararayo awalba ma imaan lahayn diyarad al-qacida leedahayna majirto, ninkaasna waa geesi wuxuuna ubabac dhigay 18,000 askari waa halyeey sooma jeestaan, taasina waa darajada uu leeyahay islaamka in hal nin ay malaayin gaal ah ay ka kaadiyaan, walaahay anigu waan ku haystaa anigu haduu iguursan lahaa aduun kale uma baahdeen.
waxauu ka mid ahaa fayrisyadii soomaaliya yimid waa cadow nooga yimi dibada waa danbiile dagaal soomaali dhiigeeda daadiyey caruur tira badan gacantiisa ku qaarijiyey marka ay dagaalada ku jiraan oo ay dib u soo gurtaan ayuu dhabarka ka toogan jirey waa dagaal galiye xabadu marka ay bilaabato dib u baxa kii soo laabtana madax ka toogan jirey awoodna ku lahaa alshabaab waxuu lahaa sadex xaas mid uu kala yimid maraykan iyo 2bo uu ku guursaday marka iyo afgooye dhamaantoodna waa soomaali
waa dhiig yacab caruur badan laayey qaar badan marin hababiyey oo uu baray dhaqan xumo qarxis
waa nin lagu dhex darsaday mooryan gareey oo u shaqeeyo CIA mar uun cuqubada dadka uu laayey way ka soo bixi tuuga hooyadiis wasaha ah eey eey dhalay iyo inankii wasakh
K.k.k.k.k.k.k.k.
SHAMSO AHMED WAA IN LAGU SOO QABTAA DHIIGYACABAD AYAA QALBIGA KA TAHAY UMADA SOOMAALIYEED QARXINAAYEY ILAA HADANA JECEL INAAD QARXISO MAXAA KUGU KALIFAY INAA KU HAMISO GUURKA GAALKAN MUSLIMKA ISKA DHIGAYA EE CIA USOO DIRTAY SOMALIA INUU GUBO DHIIGYACABKA NACLADU SAARAN TAHAY SHAMSO ADIGA IYO INTA WAXAA AAMINSANBA NAXARIISTII EEBE IDINKA FOGAATAY AAMIIN….
Ninkan wuxuu yahay waa la yaqaan laakiin yaa ku dhaca oo sheegi kara?