Maxamed Axmed Caalin Oo Ku Laabtay Gaalkacyo

Maxamed Axmed Caalin
Gaalkacyo (RBC Radio) Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug , Maxamed Axmed Caalin ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo ee koonfurta Soomaaliya.
Caalin oo saxaafadda kula hadlaayay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in loo baahan yahay siddi loo soo afjari lahaa khilaadka ka dhex jira isaga iyo maamulka hadda ka arrimiya Galmudug.
Wuxuu yiri “ Waxa aan ku boorinayaa dhammaan wax garadka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug inay kaallin weyn iska saaran siddii loo soo afjari lahaa khilaafka ka dhex jira isaga maamulka hadda talada haya.”
Madaxweynihii hore Galmudug ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo.
Mar uu la hadlaayay dadka ka qeybgalay soo dhaweyntiisa ayaa waxa uu yiri “ Waxa laga maarmaan ah in la dhiso maamul dadka oo dhan uu dhan yahay oo la isku raacay, waxa aan ballan qaadayaa in aan ka shaqeyn doono siddii la isugu keeni dhammaan dhinacyada is khilaafsan iyadoo aan ka talineyno ayaaha Galmudug” ayuu sheegay Caalin.
Caalin waa markii ugu horreysay ee uu tagay Gaalkacyo tan iyo markii uu madaxweyne noqday Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo horrey taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya noqday.
Wali immaashiyaha maanta uu yimid Gaalkacyo ka hadlin madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
Weli waxa jira khilaaf iyo is-qabqabsi ku saabsan maamulka Galmudug, kaa soo dhowr jeed laga hadlay.
Radio RBC
Xafiiska Wararka Gaalkacyo












[...] See more here: Maxamed Axmed Caalin Oo Ku Laabtay Gaalkacyo [...]
Assc.
Labadaas nin ee reer Galmudug waxaa madaxweyne ah kii ay dadweynuhu codkoodu u bato.Waase markii cod bixin sax ah la qabto ama la qaado.
Asc maaxweynaha galmudug oo galkacyo Ku soo laabtay Mohamed Ahmed caalin waa nin dalka iyo dadka wax u taray waaye marka kan saxda oo jira waa asaga kuwa madax isku sheega ah ummada wey ogtahay