Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa oo sii-deysay Masuuliyiin Musuqmaasuq loo xukumay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC):- Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta xorriyaddoodii u soo celisay Guddoomiyihii hore ee gobolka Maroodi-Jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) iyo Agaasimihii guud ee Wasaaradda dib-u-dejinta Somaliland Axmed Cilmi Barre.
labadan Xubnood ee maanta la siidaayey iyo shan qof oo kale oo Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ay sheegtay inay ku heshay falal musuqmaasuq oo bilawgii bishii March 2012 loo xidhay eedaynta ah inay lunsadeen raashin mucaawino ah oo ay dawladda Cuman ugu deeqday danyarta iyo barakacayaasha Somaliland, gaar ahaan Saamigii Hargeysa loogu talagalay oo ay Xamarje iyo Axmed xubno ka ahaayeen loo xil-saaray qaabinta Raashinkaas, ayay Makamaddu ku xukuntay xadhig laba sano illaa toddoba sano u dhexeeya.
3-dii June ayey Maxkamadda Gobolka Hargeysa Xukunka ku ridday Axmed Cumar X. Cabdillaahi oo ahaa Badhasaabkii gobolka Maroodi-jeex, Agaasimihii hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre, La-taliyihii Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Siciid Cismaan Jaamac saddex nin oo ganacsadayaal ahaa iyo nin Urur waddani ah oo qaatay Qandaraaska soo saarista Raashinkaas oo isagu maqane ahaa.
Haddaba, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka Maroodi-Jeex Cabdaraxmaan Hayaan ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay inay xorriyaddoodii heleen labadan xubnood ee arrinta musuqmaasuq muddada u xidhnaa.
Xubnahan oo Warbaahinta la hadlay ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey siiddeyntooda, isla markaana tilmaamay inay Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Hargeysa samaysay caddaalad. “Aad baannu ugu faraxsannahay inay Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Hargeysa caddaalad samayso oo ay maanta xorriyaddayadii noo soo celiso, waxaanannu u mahad-celinaynaa cid kasta oo siiddeyntayada ka qayb-qaadatay iyo cid kasta oo xadhiggayaga ka damqatay.” sidaa ayey yiraahdeen labadan xubnood ee maanta la soo daayey.
Afar nin oo kale oo ka tirsanaa toddobada qof ee arrinta musuqmaasuqa ku xukunnaa ayaa hore loo sii-daayey, ka dib markii qaarkood Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo cafis u fidiyey, halka la-taliyihii hore ee Madaxweyne ku-xigeenkuna xadhiggiisa oo sannad ahaa iibsaday, waxa maqane isaga oo ah ay Maxkamaddu xukuntay nin Guddoomiye u ahaa Urur waddani ah oo qandaraaska daabulka raashinka la musuqay qaatay.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa oo sii-deysay Masuuliyiin Musuqmaasuq loo xukumay”

  1. [...] Continue Reading: Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa oo sii-deysay Masuuliyiin Musuqmaasuq loo xukumay [...]

Leave a Reply