Midowga Africa Oo Soo Dhaweeyay Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya
Muqidsho (RBC Radio) Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Boubacar Diarra ayaa u hambalyeeyay Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo loo magacaabay ra’iisal wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya
Ambassador Diarra ayaa ku sifeeyay tallaabo horumar leh oo horrey loogu qaaday taasoo dhabaha u xaareysa nabadda iyo xasiloonidda Soomaaliya.
Wuxuu yiri dowladda Soomaaliya waa ay guulsan doontaa maadama la soo maray xilliyo adag .
Wuxuu yiri “Maanta waxa la soo dhameeyay xilliyo adag oo shaqo kuwaasoo sannado badan qaatay si loo soo dhiso wax cad oo la isla xisaabtami karo ,” ayuu yiri Ambassador Diarra.
Howgalka Midowga Africa ayaa ka warsuga in la soo dhiso gole wasiiro oo cusub kuwaasoo uu soo dhiso ra’iisal wasaare, taasoo sal dhig looga dhigaayo lixda tiir ee siyaasadda ah uu sameeyya madaxweynaha.
Ugu dambeyn waxa uu yiri AMSIOM waxa ay ballan qaadeysaa in ay sii wado taageerada ay sii neyso dowladda Soomaaliya si dalka loo xasiliyo iyadoo beesha caalamkana ay taageerada ay sii wadeyso.
Halkan ka soo baxay wakiilka midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Boubacar Diarra ayaa ku soo aadaya iyadoo Midowga Yurub iyo QM ay soo dhaweyeen ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi













Sawirkaan miyaa ah Baubakar Diara?