Midowga Yurub Iyo QM Oo Soo Dhaweyay Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Qaramada Midoobay iyo midowga Yurub ayaa u hambalyeeyay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo loo magacaabay Sabtidii shaley loo magacaabay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya,

Wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso iyo Augustine P. Mahiga,oo ah wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay wadajir uga soo saareyn Nairobi , ayaa ku sheegay in ra’iisal wasaaraha cusub uu soo dhisi doono xukumad tayo wanaagsan.

Cervone d’Urso ayaa u rajeeyay ra’iisal wasaaraha cusub ee uu soo magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mid guuleesta.

Waxa uu yiri midowga Yurub inay diyaar la yihiin siddii ay ula shaqeyn lahaayeen ra’iisal wasaaraha Cusub Cabdi Faarax Shirdoon, kaasoo dhisi doono bay tiri xukuumad gacan ka geesata xasilinta dalka isla markaa karti iyo hufnaan leh.

Waxa kaloo uu yiri danjiraha, madaxweynaha waxa uu magacaabay ruux ku haboon shaqadaas Saacid oo ah ganacsade kaasoo la soo shaqeetat dowladii hore 1980-kii.

Saacid ayaa ka tagay Soomaaliya 1991-dii, markaas oo dowladii u dambeesay ay burburtay, waxa uu xarumo ganacsi ah ka furtay dalka Kenya, Xaaskiisa waxa ay ka mid tahay baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Mahiga ayaa war uu soo saaray ku sheegay ra’iisal wasaraha cusub ee la magacaabay Saacid ay codka kalsoonida siin doonaan baarlamaanka isla markaana uu soo dhiso golle xukuumad kuwaasoo la yimaad fulin sax ah.

 

Danjire Mahiga

Danjire Mahiga

Danjiraha ayaa ku ammaanay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo magacaabistiisa ra’iisal wasaare karti leh iyo aqoon, maadama waqti badan uu gaaliyay.

Wuxuu sheegay in ra’iisal wasaaraha cusub uu  soo dhisi doono xukumad dhexe oo door ka qaadata siddii lagu hanan lahaa nabadgalyadii iyo xasiloonidii ugu dambeesay ee Soomaaliya loo helay.

Wuxuu kaloo yiri Mahiga xafiiska QM ee siyaasadda dalka Soomaaliua UNPOS waa ay la shaqeyn doonaan si dhow dowladda Soomaaliya oo saldhig u ah lix tiir oo muhiim ah, taasoo uu soo sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu tilmaamay Saacid ra’iisal wasaaraha cusub in uu soo dhisi doono dhowrka toddobaad ee soo socota xukuumad lagala tashay dhammaan dhinacyada dalka oo uu ku jiro madaxweynaha iyo baarlamaanka.

Wuxuu kaloo ku booriyay dhammaan golaha wasiiradda la soo magacaabi doono in ay noqdaan kuwa isla shaqeeya oo xalin doona wax yaabihii dhibka badnaa ee soo maray dalka ku yaalla geeska Africa.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

 

Share

Tags:

1 Response for “Midowga Yurub Iyo QM Oo Soo Dhaweyay Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya”

  1. [...] Visit link: Midowga Yurub Iyo QM Oo Soo Dhaweyay Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya [...]

Leave a Reply