MSF Oo Ka Digtay Qoxootiga Soomaalida Ee Kenya Ku Nool In Dib Loo Soo Celiyo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC Radio) War-bixin ay soo saartay hey’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa looga digay in qoxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha qaxootiga  woqooyi-bari ee Kenya in dib loogu celin karin Soomaaliya.

Madaxda Hay’adda MSF ee Kenya Dr Elena Velilla oo saxaafadda kula hadashay Nairobi ayaa sheegtay in hadda aanu suura gal ahayn in qoxootiga Soomaalida dib loogu celiyo dalkooda, iyadoo xitaa magaalada Kismaayo laga qabsaday Al-Shabaab.

Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki oo ka mid ahaa madaxdii ka qeybgashay shirkii sannadlaha ee QM waxa uu u sheegay beesha caalamka iyo QM in dib loo celiyo qoxootiga Soomaalida ee dalkiisa ku nool, kuwaasoo uu sheegay in dhibaato xagga ammaanka u keeneen Kenya.

In ka badan 500,000 oo qof oo Soomaali u badan ayaa ku sugan xeryaha qaxotiga ee Dhadhaab, kuwaas halkaas tagay tan iyo sannadkii 1991-dii

Kenya waxa ay doonaysaa in qoxootiga Soomaalida loo raro goobo ay sheegtay in laga xoreeyay Al-Shabaab isla markaana halkaas gar-gaar lagu siiyo.

MSF ayaa ku tilmaantay Warkaas Kenya ka soo yeeray mid “lagu dag-dagay”.

MSF ayaa sidoo kale sheegtay in xaaladda xeryaha qoxootiga gobalka waqooyi-bari dalka Kenya ay hadda tahay mid aad u liitada, isla markaana ay ka dilaaceyn cuduro ay ka mid yihiin daacuun caloole.

Kenya ayaa hadda ka walaacsan ammaanka dalkeeda, maadama ay hadda qeyb ka tahay howgalak AMISOM ee Soomaaliya.

Kenya waxa ay hadda ciidankeeda ku sugan yihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, halkaasoo ahayd meeshii u dambeesay ee gacanta ugu jirtay Al-Shabaab.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

2 Responses for “MSF Oo Ka Digtay Qoxootiga Soomaalida Ee Kenya Ku Nool In Dib Loo Soo Celiyo”

  1. hersi says:

    Marka hore Soomaaliyaa dawladd baa aa jirta dhawaana naad ayaa lagu sooo dabaalidoonaa dalka haadii qorrshhe fiican looo dejiyo sidii nabadiiidka iyo kuwa xulufada la ah oo gababaabsi ah looggu dhabar adeeg ciribtirkod kuwa ay duufsadeena looga soo celiyo dadkaasna hadii ay dalkkooda fursad ka helaan waa u soo noqonayaan iyaga iyo dalkoodana karaamadii ay lhaayeen baa u soo noqonays.
    Kuwa jecel inay ku hayaan dibadda shaqo laaan aaa ku dheceysa dal markuu burburo ay shaqo iyo mushahar helan
    Dhank kale qofwalba oo garaad leh waa ogyaahay in Madaxweynaha cusub hadii uu Raiisalwasaaraaduu uu doorto Cabdi Wali uu ku guulaysankaaro shaqada sugayso Qof cusb hadii uu isyiraahdo ku xiirfadayso oo nin la qabiil ah dalka waa la qaadaanayaa asagaana sabab u ah. Cabdiwali waa nin horay u soo shhaqeeyay kala yaqaanana xubnaha dawladda iyo siiday isula shaqeeyaan iyo shaqadodaba.
    Hadii loo daayoo shaqadiisa Soomaaliya mddo gaaban bay horumr gaaraysaa

  2. [...] ay soo saareen hey’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF iyo Hay’adda u doodda xuquul-aadanaha ee Human Rights Watch ayaa looga digay in qoxootiga [...]

Leave a Reply