MUQDISHO: In Ka Badan 30-Oday oo Ka Soo Cararay Balcad oo Soo Gaaray Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Xarunta degmada Balcad

Muqdisho (RBC) In ka badan 30 odayaal deegaanka Balcad ka soo jeeda ah oo ka soo cararay degmadaasi ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho kadib markii ay sheegeen inay u dulqaadan waayeen caburin iyo cagajulgleyn ay kala kulmeen gudoomiyaha degmada Balcad Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole).

Odayaasha oo illaa 34 xubnood gaaraya dhamaantoodna ah dad ka soo jeeda beelaha degmada Balcad ayaa shalay markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxay kulan la yeesheen sii-hayaha wasiirka arimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud iyagoo u gudbiyey cabasho rasmi ah oo ay ka wadeen gudoomiyaha degmada.

Suldaan Cabdow Makaraan oo ka mid ah odayaasha ka soo qaxay Balcad oo telefoon kula hadlay Raxanreeb ayaa sheegay in magaaladii ay ku noolaayeen ay ka soo carareen kadib odayaasha qaarkood la xirxiray qaar kalana gudoomiyaha degmada Balcad uu bilaabay inuu ugu hanjabo dil shirqool ah.

“Waxaan arinteena u sheegnay gudoomiyaha gobolka, sidoo kalana wasiirka arimaha gudaha waa u tagnay maanta [shalay].  Meesha dhibaato ayaa ka jirta waa in dawladu soo faragelisaa oo ay wax ka qabtaan..” ayuu yiri Suldaanka.

“Odayaasha waxaa ku jira nimanb la dhahay waa idin dileynaa, qaar waa la xiray..ninka gudoomiyaha degmada ah qaati ayaan ka taaganahay” ayuu sii raaciyey Suldaan Makaraan.

Odayaasha oo si wadajir ah saxaafada ugu waramay ayaa sidoo kale ku cawday in waxyaabaha maamulka degmada aysan faraha la gelin, balse gudoomiyuhu uu had iyo jeer odayaasha ku qasbo inay u fuliyaan waxyaabo isaga dano u ah.

Isbaarooyinka yaalla wadada

Odayaasha waxay kaloo ka qeyliyeen in isbaarooyin sharci darro ah ay ku soo bateen wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo Balcad isku xirta taasoo dhan 30-km isla markaana ay yaalaan illaa 14 isbaaro oo dhamaantood baabuurta dadweynaha iyo kuwa ganacsiga lacago xoog ah looga qaato iyadoo maamulka degmada Balcad ay qeyb ku leeyihiin isbaarooyinka.

Waxay sheegeen in markii isbaarooyinka ay soo bateen ay keentay in raashiinka iyo waxyaabaha kale ee nolosha aas aasiga u ah ay qaali noqdeen dadkii liitay ee ku noolaa degmada Balcad iyo guud ahaan gobolkana ay awoodi waayeen inay noloshooda dabaraan isla markaana ganacsigii degmada uu hoos u dhacay.

Odayaashan shalay ka soo qaxay degmada Balcad ayaa sheegay inaysan dib ugu laaban doonin magaalada illaa inta dawlada wax ka qabaneyso dhibaatooyinka ay ka soo carareen, waxaana wasaarada arimaha gudaha iyo madaxweynaha dalka ugu baaqeen inay arimaha Balcad si deg deg ah xal ugu raadiyaan.

 

RBC Radio

Share

3 Responses for “MUQDISHO: In Ka Badan 30-Oday oo Ka Soo Cararay Balcad oo Soo Gaaray Muqdisho”

  1. Omar says:

    hadaysan Si dag,deg ah Xal uga gaaran Dowladda Fadaradaa Arintan Wxa soo noqonaya CIIDANKII ALSHABAAB

  2. Puntland boy says:

    War askartaan la sheegayo oo umadii baada jidka uga qaadeysa see wax u jiraan aawey askartaan madaxdoodii ? Hadiise niinkii tuutaha qaba uu umada baarto see kalsooni shacabku ciidanka ugu haynayaan , mase la dhihi karaa afduubkii baa u roonaa shacabka , Askartaan laga cabanayo Hadiiba dowlad ku sheegtu wax kaqaban weydo Cidamadaan hala kala diro hubkana halaga dhigo dibna haloosoo dhiso Ciidamo laga keenay Puntland , Soomalilanad & Jubaland waa hadii larabo in la badbaadiyo meeshii laoran jiray Soomaalia , Viva Puntland & Soomaalia

  3. Ali soomali says:

    degmooyinka iyo gobolada mas’uuliyadooda haloo dhibo dad aqoon leh ee yaan loo dhiibin mooryaantii shalay shacabka dhibaateyneysay.

Leave a Reply