Puntland oo Soo Dhoweysay Raysul Wasaare Saacid, Shuruudna Raacisay (WAR-SAXAAFADEED)
Garowe (RBC) War saxafadeed goordhow ka soo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay soo dhoweyneyso magacaabista raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo shalay madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ee dalka.
War saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Raxanreeb ayaa u qornaa sidatan;-
Puntland State of Somalia
Garowe7 October, 2012
War- Saxaafadeed
Dawladda Puntland ee Soomaalia waxay soo dhoweynaysaa magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.
Waxay Dawladda Puntland hormuud ka ahayd nidaamka Federaalka ee Soomaaliya 1998 iyo 2004, waxayna sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaadatay dhamaystirka geeddi-socodkii lagaga baxayey ku-meel-gaarnimada [Roadmap] iyo dhamaystirka Dastuurka federaalka ah.
Waxay Dawladda Puntland weli diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalinteedii ahayd sidii lagu gaari lahaa Dawlad Somaliyeed oo Federal ah oo dhamaystiran.
Waxay kaloo diyaar u tahay in ay qayb weyn ka qaadato dib-u-heshiisiinta Somaliya oo muddo 22 sano ka badan xad-gudubyo bini-aadanimo iyo mid siyaasadeed ay soo gaareen.Dawladda Puntland, waxay Dawladda Federaalka ku qiimaynaysaa kulana shaqayn doontaa hadba sida ay u fuliso heshiisyadii hore loo galay iyo nuxurka uu qeexayo Dastuurka Federaalka ee Somaliya [Constitutional provisions]
sida:• Ilaalina Dastuurka Federaalka ee Somaliya,
• Hirgelinta iyo dhamaystirka nidaamka Federaalka ah
• Taageeridda dhismaha Dawladaha xubnaha ka noqonaya Dwladda Federaalka ee Somaliya oo dhismahoodu socdo sida, Jubbaland iyo kuwa kale ee ka dhalanaya deegaanada Digil iyo Mirifle iyo qaybaha kale ee Somaliya
• U sinnaanta deeqaha caalamiga ah ee magaca Dawladda Federaalka lagu helo.
Ugu damayntii waxay Dawladda Puntland si gaar ah isha ugu haynaysaa ku dhaqanka awoodaha Dastuurka ku qeexan ee xafiisyada Dawladda Federaalka.
-Waxaa ku saxiixan;
Wasaaradda Warfaafinta, isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka DPL
____________________________________
RBC Radio













Asc.
Waa caadi in ay puntland soo dhaweeyso RW-saaraha cusub.Waayo puntland waxay ka mid tahay dalka iyo dadka uu u noqondoono RW.Soo dhaweeynta hore kadib arini waxay ku xiran tahay suu wax u kala qorsheey Ina Shirdoon.Warse waxuu joogaa markii loo yeeriyo waxkasta oo ay tahay in uu isagu iskiis u suubiyo.
ma xuma
waxad hada qoraysen oo aad lahayden kulan xasaasiya la yeshay qof nugal kaso jeeda ayey rabta puntland iyo war saxafadedku wa iska hor imaanaya ama idaahad qabil noqda ama idaahad somaliyed.
Horta taas hadal xun ma ahan, Faroole maantuu ugu hadal fiicanaa, ma xuma in la xisaabtamo, Xamar kaliyana wax lagu cuno, ee waa in Soomaaliyoo dhan la deeqsiiyaa waxa tuugsiga lagu soo helo, inkastoo aan anigu aad ugu soo horjeedo Federalnimada uu Faroole doonayo, iyo taan rabo inay Soomaali u wanaagsantahay, Faroole Federalnimada uu rabo, waa mid aan Soomaali wanaageeda ka shaqaynayn, Bal hada maxaa laga yeelin Gaalkacyo ileen Galmudug ma rabto inay Puntland raacdo, Puntlandna sidoo kale, maxaase laga yeelin Hiiraan. Anigu xalku wuxuu ila yahay, Soomaali uma baahna Maamul goboleedyadaan Itoobiya laga soo maanguuriyay, taas oo itoobiya kalia loo isticmaali karo, maxaa yeelay waa dad waxkasta ku kala duwan, federalnimada Soomaaliya ku fiican waa tan Maraykanka oo kale oo Gobol walba la yiraahdo, Governor haloo sameeyo, iyo gole deegaan, Dhaqaalihiisana asaga halagu celiyo.
waa war fican Raxanreeb wa website degdeg ah
jaale wasiir nin wayn qool ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday waxaana wanaagsan intaadan hadlin inaad hadalka miisaanto oo aad ku fakirto hadalkaan aad ku hadlayso uiyo hadaladii hore ma is burinayaan hadalkaan kaa soo yeeray durba waxaan ka dhadhansanayaa waxaan rbaa ku hadlayaa afkee furan, marka ogow af iska furan oo miisaanayn cid dhul ka qaadaysa ma jirto sheekhow isku meel ma galaan jubaland iyo maamul goboleedyo klale la dhisayo waan taageerayaa khaatumana uma ogoli inay maamul samaysato waxaan ku talinayaa shacabka waqooyi bari reer buntlandow muuse waa kaa maantay waxaa la joogaa ama la yimid waqtigii aad qaswadayaasha iska qaban lahaydayn aad meesha kayntaan umaad xikmad leh oo hadalkooda miisaama oo aad iska tuurtaan madaxdaan afkay furanta ah.
wasaamu calaikum
asc waan filayay war saxafadedkaan lkn shurdahaan maan filayn hada arintu waxay u muqata ninkaan hada la magacabay in uusan lixbilood ka badsanayn sidii cadadu ahayd, ee ninkii ka horeyay ee farmaajo lixda bilod ugu dhacay isaga iyo xakumadisiiba kkk marka madaxweyne faroole hal mid ban ka cod san lahayn taas oo ah bal in uu u daayo kan inta uu sanadka ka dhamaysanaayo? kkkkkkk
Alla xikmad waynaa. Walee fiiriin culus baa loo diray kooxda. Hawiye Action group. Viva Puntland and Somalia
Dhaman shacbka ka soo jeeda Puntland ee ku nool qurbaha lama qabno inaan soo dhaweyno nin hab qabiil lagu keensadey oo ay naag kilkisha soo gashatey oo naagta aheed qaadwale oo ka soo jeeda cadaado oo somaliida lagu yaqaano in lagu afduubto ajanibta lacagna laga qaato ninkani waxaa keeney waa Gacmo dheere oo ay xidid yahiin ragan oo ahaa raggi somaliya burburiyey oo xaaranta kawada dhargey oo guryo xaaran ah wali ku jiraan anaga mala qabno inaan soo dhaweyno oo waxa naga dhaxeysa waa xabad Kismaayo hadduu tago waa la tooganyaa ha diyaar garoobo
[...] More here: Puntland oo Soo Dhoweysay Raysul Wasaare Saacid, Shuruudna Raacisay (WAR-SAXAAFADEED) [...]
Wow wa arin fican in puntland so dhowayso wana waxan ka filayanay hadan nahay shacabka puntland si gasto dowladu ay madax ka noqden beladwayne iyo wixi koonfurta ka si ah hadanu nahay waqoyiga somali wan sow dhowayn wana in shacabka somaliyeed dhibta ka baxan iyo qabyalada iyo exeda iyo nin jacayal puntland viva somalia
Aad iyo aad nin rag ahi waa kii mowqifkiisa caddeeya waan sugeynaa waxa ay la yimaadaan illeyn wax puntland ka daadsani majiraane,
Puntland Waa maamul haykalkii dawladnimo oo dhan u dhisan yihiin wixii aan u qalmin qoorey ka leedahay cagteyna ku dhufaneysaa,
Puntland lama loodin karo danteedana wey taqaan, Xaqiiriinta, Khaatumaseegyadii meelahaan ka nacnaclayn jirey iyo mooryaantu taas ha ogaadeen
Viva puntland
Masha allah, hadan nahay shacabka puntland wan sowdhawaynayna mar hadii madaxdayada iyo mamulkeno so dhaweyay,
waan soo dhawaynay naah lkn ha ogaado haduu kaleexdoh fedaralka inuu taagan yahay 91kii waxii la soo dhafay marka waxaan kula talan lahaa dadka qaar waan ognahay inay haysoh dhul la aan marka waxaan usheegaynaah inay ku qancaan inta markaas aydagan yihiin oo ah deegaankooda
kkkkkkkkk Nafey ba’. Waa qoom aad cabsi oga muuqato, kalsoonidu ka maqantahay, kana liita bahalkaan yaree Jiirka ah. Yaa u baahan soo dhaweyntiinna maadaama ay soo dhaweyntiinna iyo sii caroodkiinuba isku mid yihiin. No body. ZERO! Cid ay Kurbo ku hayso ma jirto.
Inaad Raysal Wasaaraha taageertaan iyo Dawladaba cid idinkala tashanaysa ma jirto. Waa wax aad ku khasbanyihiin option kalana ma haysataan oo aan ka aheyn in aad hogaansantaan sidii rati hayin ah. Hadii aad hadalkeyga iska dheh u qabtaan, car diida Ina Faarax Garaad kana hor imaada Dawlada waakaase. Xiniinyahaas ma lihidin Ragbaa mar hore idinka siibay. kkkkkkk Baabah!
waa wax wanagsan wana in la taageero raysal wasarah cusub hadii kale dalka iyo dadkuba ka biximayan is-edayn iyo kala shaki waxa la raba in la isu-tanasulo waxan illahay uga rajayanaya inuu ku guuleeyo xilka raysal wasaraah cusub puntland way ku mahadsantahay sida sharaftaleh ee ay u taageertay
prof piccolo naa hooy biikalaay
isgaray faroolana iska qabay adiguna isgaro xaalkii waa isbadalay dowladu
rasmi nooomoor jahad amxaar aadis majirto bur bur waa uuu dhamaaday hadaka hadaka
usluub uyeel hadii kale haadaa kaadhargaysa
mara lama jabin karo heshiisyadii lagaga soo baxay dhibaatada,keenayna nabada iyo horu socodka,puntlandna waa mamul goboleedka aduunka laga ictiraafsan yahay,wasiirada ka soo jeeda puntlandna waa in lagala tashadaa puntland,kuwa jubolandna waa in lagala tashadaa ahmed madoobe.
wabilahi tawfiiq
Tan anigu uma arko soo dhawayn ee waa. Layli shaqo guri loo siiyay Xassan Shiikh. Wada shaqayn tuna waxay ku xiran tahay markii jawaabahaga aanu aragno.
asc.
Waa wax lagu farxo go’aanka ay Puntland qaadatey. Waa guul hor leh oo u soo hiyatey umadda Somalia waana sida kaliya ee Soomaali ku heshiin karto ayaan qabaa.
Mihiimku waa in la ahaado sida Ameica, uk, Uae, EU iwm.
Wixii xumaa ee ahaa Soomaali weyn waa guul in laga baxey oo ay maamuladu ka dhaxeyso waxa guud.
Waa GUUL
www
@Midkaan prof piccolo isku sheegay. Waxaan ku leeyahay dadka Cadaado dega waa kaa sharaf badanyihiin. Deegaan Soomali waxba kama sheegaayo laakiin waxaad ogaata horaa loo yidhi nin kuu yahay buu ku moodaa nacasyahow adaa tuug ah oo budhcadna ah
asc dhamaantiin waa salaaman tihiin fikirkayga ku aadan faroole waxaan u malaynayaa waa diidi la haaye runtaa loo sheegay in sida ay u lee yihiin baasa boor kiisa asagana ay u sheegtaan gaalo xoog satay loona sheegay dawladaan aygu ay dhisteen haduu mucaaradana ay laftiisa khal khal galinyaan saas dar teed caradii qabyaalada waa ilaaway asagii baa baqay
ASC Arinku waa in latageraa PM cusub ee Jamhuuriyada Somaliya lagana danbeeyaa wuxuu soo go’aamiyo qabiilkana meel la iska dhigaa qaranimana laga shaqeeyo dadka oranaya hadalada aan munaasibka ku ahayn midnimada JSomaliya rabana ineey hoos joogaan cadow soo jireena sidaasna ku raadinaya madaxtinimo waa wax lagu hungoobay keenina kara hoos u dhac balaaran oo ku yimaada sharaftii iyo dadnimadii sinjinimo ee beelaha dega PLand siiba jufada aad kasoo jeedo. Mida kale caydu waa hubka dumarka kuwooda carmalka ah oo 50 jirada ah marka halyska dhaafo cayda oo Somalida wax hala qaybsado ee yaan wax lala qaybsan Amxaaro oo hal weji halala yimaado wejigaasoo sharftaada kor u qaaday laakiin inaan xayeeysiiyo dawlado cadow ku ah jiritaanka JSomaliya waa danbi weyn oo aad ku haligmaysid viva JSomaliya sc.
xukuumada puntland waa caadi inay ika fiiriso ishana ku hayso waxa xamar ka dhacaya dadka ku soo baxaya jagaooyinka sare ee dowlada soomaaliayana waa wax qabiil lagu salaynayo puntland na ma doonayso inay dayacdo dhaqankeeda , dastuurkeed, sumcadeeda, iyo danaheed xukuumadeed ee hab federal mana rabto in nin hab qabiil qaysi ku yimid uu sida uu doono isagoo jagadiisa ka faaiidaysanaya uu ku takri falo.waana mahhhhhhad sssssssssan ttttttttttttihiiiiiiiiiiiiiin
wwww waan fariin sax ah wana kufaraxsanahy taageerada ay dawlada puntland sheegtay lakiin aniga waxaan u arkaa inay tahay markii aad wax sax ah oo dastuuri ah oo cadaalad ah oo somlida wax u ah aad keentaan ayaan sibuuxda idiin taageraynaa ama idinla shaqeyneynaa hadii sikale loo dhigo waa hadba sidii aad ushaqaysaan ayaan idiinla shaqeynaynaa badal waa hadii aan aragno wax dastuuka kabaxsan anagu shaqo kuma lihin wwww waa warkii aal libaax madaxweyne faroole ciyaarahiisa wey bilowdeen ama qayliya ama haqaylina waxaan sugnaa wa hadalka faroole oo live ah dadk puntland leh wax laydinka weydiin maayo adeer taas waa khasab waayo waa somalai barkeed wana dawlad beesha caalmku ay ictiraafsantahay waxeedana meel saartay marka horey ayaa xasad iyo habaar wax nalooga qaadi lahaa waayo kuwan khatumo seeg H/group acoin ayaa habaar wax nooga qaadi lahaa marka hadiiba anau nahay shacabka puntland dal iyo dibad waxaanu taageersanahy hadii uu noqdo raysalwasaha nin wadani ah oo cadaald hadii kalena sideeni 6 bilood kadib waan eryeynaa sideenii wayo faroole wuuba kahelaa dhashaas cml jubaland waxaa madaxweyne ka ah janeral shekh adan madoobe viva madaxweyne abdirahman mohamed mohamud faroole AAR LIBAAX2
PUNTLAND WAX LA DHAHO MA JIRTO WAA GOBOLKA BARI OO KALIYA MARKA FAROOLANA WAA GUDOOMIYE GOBOL. XITAA LAGALAMA TASHAN CIDA LAGA DHIGAAYO RAIISAL WASAARAHA. MIDA KALE RAXANREEB DOWLADA PUNTLAND INAA DHAHDAN WAA QALAD. WAXAA WAAYE MAAMULKA PUNTLAND INAA DHAHDAN WAAYO PUNTLAND WAA GOBOL DOWLAD MAAHA EE ISKA DAAYA QABIL TAGEERKA
kkkk waxaa iimuuqda in dad badani dhiiga uu ku karay waxaad udiraar garawdaan 21 sano oo kale oo aad xabashida hilibka cayriin u karisaan somali dawlad rasmi ah ayeey yeelatay 21 kadib dawladii Halgamaa Siyaad ayaa u danbaysay hadana waa taariikh dadkii ayaa 12 sane kahor idin hugaamin jiray ayaa soo noqday cabaadka iska daaya iyo calaacalka
Madaxa Wasiirrada ee la doortay waa nin aan horey u meel sare uga soo shaqayn, walow ay aqoontiisu hagaagsan tahayna, waaya’aragnimo uma lahan shaqada hadda loo dhiibay iyo mid u dhowba. Iyadoo taasi jirto, wuxuu ku gowracan yahay oo looga fadhiyaa ku dhaqanka xeerka federaalka, ama Cadaado ha ku dhasho ama Lughaya ‘e waxaa indho iyo dhego u noqon xeerka Soomaaliyi wada dhigatay, haddii uu baal marana Soomaali oo dhan bay u taal in ay ka tashadaan.
War-murtiyeedka Puntland waxa uu iila eg yahay xusuusin madaxweynaha dalka lagu xusuusinayo in uusan ku weecan marinkii Shariif iyo jaallayaashiis ee ay hantida dalka ku dhunsadeen, xeerkana ku tunteen.
Kuwaan Khaatumo u qaylinaya, adeer haddii xeerku idiin oggolaado in aad ismaamul goboleed noqotaan, cidina idiin ma diidi karto, sidoo kalena cidina idin ma siin karto wax uu xeerku idiin diiddan yahay. Haddii xeerku idiin oggolaado ismaamul, waad heli doontaan, haddii kalena labada maamul ee hareeraha idinka xiga ayuun baad mid ku biiraysaan.
Odaygii faroole ahaa shalayna tol la taliyo malahen maantana tol runta u sheego ma qabo.sababta aan sidaa u oranayo waxey tahay faroole in kursigaanu beelo ka dhaxeeyey isagu ma moodeyn ee wuxuu moodayey in beeshiisa kaliya kursiga leedahay markuu hada waaga ku baryeyna wuxuu la soo booday shuruudo waqtigoodii dhamaday sabatoo ah somaliya wey ka baxday kumeel gaar dowlada jirtana deeqo milatari ayey heli doo dagaankii dowladnimada diido waxey ku muquunin doontaa xoog.Puntlandna waxba kama duwanaan doonto al shabaab iyo somaliland oo ah laba kale oo in awood loo isticmaalaa xaq tahay,midnimada iyo wadajirka umada somaliyeed waa muqadis.
Fiicnaanta faroole ee maanta melez ayaa
Ayaa naartii aadey iyo mahiga oo aan talo
Hayn iyo sakiin oo shubay hadal macaanaantu
Waa taas tabaraa meesha dhigtey reer puntland
Waa iney iska qaadaan dhibka faroole koofurtii
Uu idinku xuuxin jirey waa ay dhamaatey sheeka
Dii wiilka faroole ee xaaraanta ku haysta u sheega
Kkkkkkkkkkkkk
Raxanreeb waa websad kala haga soomalidan jahawareerku ku dhacay 22sano oo u baahan kala hagida aad baanad ugu mahadsan tihiin guuuuuuuuuuuulaysta.
puntland raysal wasaarahu waa wiilkoodii waana inay soo dhaweeyaan waa xaq,balse isagana waxaa laga sugayaa sidii uu u qaabili lahaa,arimahooda,guuuuuuuuuuuuud iyo mid gaaaaaaarba.
Hadda waa laga baxay gacmo daaliskii ijiid aan kujiidee,waana guuuuuuuuuuul lagaaray.
ASC, dhamaantiin. Aniga waxaan u arkaa in maamulka Faroole uusan wali deeyn qaswadanimadii, laakiin, marba hadii prime ministerka aan laga dhigin qofkasoo jeeda puntland, oo misana beesha la rabay in eey noqoto prime minister ka soo jeeda, Madaxweeyne Hassan Sheikh Mohamud tilaabo “strategic” ah ayuu sameeyay. Hada waxaa kaloo loo baahanyahay in aan Faroole iyo qof ka agdhow aan “portfolio” culus cabinetka looga dhiibin, si siyaasada “containment” ah ee lagu sameeynayo Faroole iyadoo aan dadka uu hogaamiyo waxba loo dhibin eey u guuleeysato. Insha’allh, waa laga taxadarayaa in Faroole iyo inta Somaliya aan rabin in eey dhulka kasoo kacdo eey inta nidaamka Dowlada gudaha usoo galaan eey dhexda ayagoo ugu jira eey misana baabi’iyaan, amaba eey fursadaha iyo waqtiga dowlada ka dhumiyaan sida horey u dhacday. Ugu dambeeyn, bal u fiirsade hadalka eey Faroole iyo kooxdiisa inta fikireen lasoo shir tageen, waa fitno, waa wax eey qabyaalad ka muuqato, waa qeeyrul mas’uulnimo, waana dhagar loo baahan yahay in laga digtoonaada. Waxaa mahad leh, ilaaheeygii af iyo gacmo eey wax ku qoraan siiyay kooxda Faroole, sababtoo ah ayaga ayaaba dabinka iyo xumaanta iyo xasadnimada ku jirta banaanka noo soo dhigaayo. Ee, anaga shacabka Somaliyeed iyo dowlada aan taxliil amaba “analysis” ku sameeyno hadalkooda iyo ficilkooda sidaas ayaa shartooda looga nabad gali karaa. Waa in aan qaswade Faroole aan laga yeelin in asaga oo raba is muujin “spotlight” uu kismaayo iyo dhulka digil iyo mirifle ka hadlo. Ha laxasuusiyo in uu inta uu shaqo uusan laheeyn gali lahaa, in uu ka shaqeeyo dib u heshiisiin iyo walaaleeynta dadka maamulka Puntland horey u dhistay oo hadana kala dhaqaaqaay sida Khaatumo iyo waxii la mid ah. Mandate cusub oo dowlada haloo sheego oo ah in la rabo in dadka la walaaleeyo, oo dowladaan la rabo in eey dadka isku aruuriso oo kalsoonida ka dhaxeeysa dadka Somaliyeed la rabo in lasoo celiyo. Guul ayaan u rajeeynayaa Dowlada Somaliyeed iyo prime minsiter Abduqaadir Faarah Shirdoo, “Saacid” kii dadka Somaliyeed wanaaga iyo horumar ku saacido ilaaheey hakaa dhigo.
War nimanyahow Su’aal? Dhaqanxumadu reer Faroole bay caado u aheyde anagana ma inay nagu daartaan bay rabaan. Marwada Raysal Wasaaraha Caasho Xaaji Cilmi maxaa reer Faroole daba dhigay? Saacid Faarax Garaad mucaarada hadaad rabtaan Laakiin hadii aad mar danbe Gabadhaas Murwada ah wax ka sheegtaan ama aad tixgalin weydaan ama aad meelahaan kaga hadashaan, anaguna waan idinla walaaqanaynaa qurunka.
Wax kale sameyn mayno, Waxaan tilmaamaynaa dhaqammada gabdhaha reer Faroole laga bilaabo Hodan Ciise (Xaaska Gaas) lagu geeyo Duqda Faroole kkkkkkkkk. Waliba la kala daldaloolo badan kkkkkkkk
Ma ahan dhaqan Soomaaliyeed in gabdhaha wax laga sheego mana wanaagsana. Hadaba reer Faroolow waxaan idinkaga digayaa in aad Gabadhaas dumaashidiin ah ku xadgudubtaan oo aad aflagaadeysaan. Waa talo!
Waa hadal fiican, Puntland waa iney ka hadashaa wax alaale iyo wixii Soomaali daneheeda ah maa daama ayaga wax laga weydiiyo wadanka sidoo kale waa iney ka hadashaa Jubaland maadaama ay tahay degaanadeeda.laakiin waxan maqli jirey hadaan hadlo waa afsalax ku dheg hadaan aamusana Ariga sida laga daynmaayo.Faroole iyo dhamaan Reer Puntland haday wanaag ku hadlaan ma waxbaad ka sheegeysaan?. Ilaah Soomaali quluubtooda haysku soo jeediyo.Ilaaheen hala jiro Puntland iyo Soomaaliyoo dhan Aamiin.
Su’aashu waxay tahay maxay qabankartaa Dowladaan hada la soowado ? Haku mashquulina Arimaha (Puntland)May god protect & Safe , Soomaaliya waa federal system waana lagu hishiiyay Hadii aay
Isku dayaan Hawiye Action group oo wata Saacid ineey Ka leexiyaan Waxii lagu Hishiiyay Oo loo Arkey ineey Soomaalia markale Kumidoowdo intaan Puntland Sheegin Waxaan sugnaabaa Un,Au,& Arab Comunitys , Caalamka & Puntland waxaa kaga baxay inaan meshaan soo gaarno blood & Treasure . Soomaalia hadii lajajuubi karo waxaa Jajuubi lahaa isagoo waxkasta ku samee yay si uu shacabkiisa ugu gumaado Hubkoodii & Ciidankoodii ( So call kacaankii socialist ahaa ) Dowlada dhexe Mayeela neeyso Awood danbe oo shacabka lagu Baa bi iyo ,waa arkeynaa in waxii lagu hishii yay
La geesmaro ,Viva Puntland Soomaalia
Kkkkkkkkkkkkk pl is a joke
ascww salam kadib aad ayaa ugu mahad celinayaa webka RBC howsha uu shacabkiisa uhayo waa guul lataaban karo soo dhowayntaasi wlkayga yahya aad ayaad umahadsa tahy fikirkaaga ayaa kahadashay waaa siday kula noqotay lkn idaacadu ama webku waa web u adeega bulshada tankale wlky wiilka mudug wl waa sax lkn somalya 22sano ayey qori caaradii ku jirtay xalka ugu dhow oo layskugu keeni karo waa federal waayo wax kasta lagu soo tijaabi soomali faroolena waa shakhsi fikir kuleh dalka ragii soo jeediyey ayuua ku jiray fedelar waa ku mahadsan yihi inta ka shaqaynaysawl hadii daddkii DHURWAA noqdeen waa in xal loo helaa xalkuna waa dhow yahy inshaallh ee somaliyey carqalada joojiya oo isfahma aduukaa la tarrtama fedel waxaa lagu gaarikaraa dowlad cudud leh hadii kale aa ku jiidee ijiid waa gacma daalis………………
TO:KAN CADAADO WATA:ma dhinaca mooryaanta baad ka socotaa?????? walaal dawladnimo waxba kama taqaaniine oo annagaa waligayo idin hagi jirnaye,!!!!!!!!!!!,Faroolena waa Saacid adeerkiis,balse cadaado ma tuuladii gaajada ahayd oo dadka ajaanibta ah waayeelada lagu af duubanaayay soow maaha,puntland iyo Faroole uma baahna waxaad ka hadlayso oo Allaa u deeqay,bad,cir iyo beriba way ka najaxeen oo gaajana kama jirto,somali xaqeedii adaa lagugu ogaa oo aykaa degi wayday oo xalaashu ku dhibtaa,bililqo ku naax ah,dawladnimaduna,iyo kala dambayntuna,aday ku dhibtaa oo ay kaa degi la’dahay,kkkkkkkkkkkkkkk.!!!!!!!!!!!!!!!!!!.
ascww salam kadib aad ayaa ugu mahad celinayaa webka RBC howsha uu shacabkiisa uhayo waa guul lataaban karo soo dhowayntaasi wlkayga yahya aad ayaad umahadsa tahy fikirkaaga ayaa kahadashay waaa siday kula noqotay lkn idaacadu ama webku waa web u adeega bulshada tankale wlky wiilka mudug wl waa sax lkn somalya 22sano ayey qori caaradii ku jirtay xalka ugu dhow oo layskugu keeni karo waa federal waayo wax kasta lagu soo tijaabi soomali faroolena waa shakhsi fikir kuleh dalka ragii soo jeediyey ayuua ku jiray fedelar waa ku mahadsan yihi inta ka shaqaynaysawl hadii daddkii DHURWAA noqdeen waa in xal loo helaa xalkuna waa dhow yahy inshaallh ee somaliyey carqalada joojiya oo isfahma aduukaa la tarrtama fedel waxaa lagu gaarikaraa dowlad cudud leh hadii kale aa ku jiidee ijiid waa gacma daalis………………
@cadaado naagta wadatah noo daah magaceena nalama lihide anakaa leh umana ogolin in dadka lagucaayo “cadaado” ogaysiis naagtaas cadaado wadata 10magac ayey wadataa waanaag cuqdad qaiil qabta, waxaan usheegayaa haday islaan tahay magaceena hanoo dayso..
Runtii illaahay waxuu qoray ayey Soomalidu mari “Maamulna wax lagu ordo ma aha ee waxaan leeyahay illaahya ha la garab galo (Saacid).
Mida kale umada Soomaaliyeed waxaa ka maqan in Illaahay uu yahay kan wax irsaaqa ee aan asaga u noqono waayo Illaahay waxuu ayad quraan ah ku yiri “Qofkii ka jeesta xuskayga waxaan ku ciriirinayanaa Maciishada waxaana soo saari doonaa malita yoomil qiyaame asagooo indho la’aan aha” ee fadlan haddaan qof wax waydiisanayno aan illaahay waydiisanao aana iska dayno aqoon la’ aanta ku dhisan qof bini aadan aha inaan wax waydiisanayno.
Waxaana hadalkayga ku soo gab gabaynayaa illahay cadowgiisa allaha uga gargaaro umada soomaaliyeed hana ku baraarujiyo inay wax uga fiican jirin inay asaga u noqdaan.
Waryaa Cadaado, maad tashatid ood la midowdid Galmudug si aad uga badbaaddo handadaadda Ahlu Suunam iyo tan al shabaab iyo tan burcad=badeedda? MAdaxweyne shariif baa is lahaa wax kasta gacantay kuugu jiraan,. markii dambena waad ogayd in la baray macnaha federalism. Lacagta Qadar iyo Kuwait laga keenay dab uun bay koonforurta u keenaysaa haddaan laga hortagin, markaa ogow madaxweynaha Dowladsda federaalka Soomaaliyeed muu ka hor iman karo aabbaga federaalka, haddii kale arrimuhu waa kasooni kala noqosho, ogowna, federaalku waa habka keliya ee lagu keeni karo Somaliland oo goonni isu taag doonaysa.. Middda kale ha u ducayn ra’iisal wasaaraha waayo nacayn Buntland baa kaa soo butaacay, wallaahi wanaag baan u arkaa hadduu Tiicey la midoobo Galmudug, illeen sacad lagama maarma e waanu is naqaanaa e.kkkkkkk
Waa war fiican waana jawaab rasmi ah ay bixin lahayd dowlada Puntland Raysal wasaaraha cusubna asaga bay u taalaa inuu sida uu wax u maareeyo waxayna Puntland cadeesay in saacid uu matalo shacabka iyo Dowlada Puntland waana Tan Manta ka Timid Puntland
ASC Dhammaan akhyaarta halkaan faallada ka bixisay warlkaaan ka soo baxay reer Puntalnd. Soomaaliya waxaa halkaan soo gaarsiiyay waa caddaalad darro soo bilaabatay 1960 kii. Markii aan dawladnimada helney wexeey ahayd in Prime Minister la siiyo reer Waqooyi oo markaas yimid Majeerteen ayaa ka dhaadhiciyaya madaxweynihii xilligaas ee ina Cabdulle Cismaan in uu Prime Minister siiyo wuuna ka yeelay waa caddaalad darradii ugu horreysay ee la sameeyo, marka la yaab ma lahan nin ay shuruudo la yimaadan waayo horaa loo yiri hasha maqaarka diideysaa meelo dal daloola ayay ka eegtaa. Hadii aan nin ah la siin PM waa waxba kama jiraan iyo qasku ha socdo. Wallee waa la idiin fahmay dheh cid bareek idiin qabanaysa malahan kuwiinnaan reer faroole ee qandaraaska ku soo qaatay in ay Soomaali sii kala fogeeyaan. Waa la ogaa wixii ay ku dhigeen Shariif markii uuw ax walba ka yeelay si uu kursiga mar kale ugu fariistyo meeshii ay dhigeen waa la ogaa. Marka the new president has taken the right decision of naming PM from non Majerten. Guuul
Inuu soo dabco dantaa ku qasabtay. faroole waxa uu wada isagaa keenay laakiin koofurta arinteedu waxeey noqotay Alla wata wehel uma baahna. Iasaga ujeedaduu kalahaa roadmapka waxa ay ahayd reer puntland mooyee inta kale madaxa ka garaac. Allle ma oran taas. Sirmaqabe saab baa biyo u celiya. nina ma necba hadii ayba naceyb aqoon lahaayeen sida butland ayay qabiil ahaan isgu abaabulu lahaayeen. waaba dad iska xaaran.
Laakiin faroolow ogoow waxwalba sidii Ilaah ugu tala galo ayay noqonayaan.
Qandalaawi, maxaad Khatumo karabtaa bowe reer bari baa canaasiir lagu ogaaye,Qandalaawi nooga sheekee dagaal dhexmaray daraawiisha iyo reer bari.Muxuu yiri ina cabdule xasan “Maduqayne reer bari wuxuu doonayuu helay daayeerku meeluusan marin dan max jeex siisay” qandalaawi farah kala bax Khatumo.
abdiwaxid
MHS
Dankuug
Sharciga aad sheegayso xaguu ka yimi ma waxyibaa mise waa wax bin adan samaystay,Tan labaad Khatumo go ankeeda iyadaa leh nina wax waydiin mayso.snm iyo ssdf Soomaalya iyagaa loo haystaa oo gaalo soo adeegsatay, waxay dhoobdhoobteena leh, kafiirso hadalkaaga.Khatumo dad borofishinal ah baa dhistay,sidee wax looga waydiiyaa amatooriin.
Abdiwaxid
MHS
Wallaahi ma u malaynayo in faroole uu aqbalayo wax aan ahayn, waayo waa nin xanuunsan oo heer kulkiisa qabiil gaaray meel uusan ka soo noqon karin, saas darteed waa ku qasban yahay in uu is ilaaliyo waayo Soomaali oo dhan ayaa taageersan ra, iisal wasaaraha cusub, waxaanse la yaabay mahan Faroole oo keliya ee waa Maxamuud Saleebaan oo dhan.
Waan ku faraxsan nahay wax kasta oo uu ka xanaaqaayo Fardaro Faroole oo isaga iyo wiilashiisu boobeen hantidii reer Puntland
ASC Waan ka xumahay in RBC RADIO noqoto meel u gaar ah dad khaas ah komentis aan soo qoray manta 04.01 ayaa weli wuxuu ku jiraa moderation kuwii iga danbeeyeyna waad soo geliseen marka sida HD iska xira meesha waad danbeysaan qabiilna qaranimaa ka weyn waana lays bartey iska xira dukaanka waxba kuma heysaan meesha barbari no1 ayaa tihiin sc.
faroole wiil dheh. qeelada caruurta waxaa kataran mida odayaasha waa weyn kkkkkk
aad ayaan uga hellay war saxaafadeedkan sida taxadarka iyo qiimaha leh loo qorey, midna waan u sheegeynaa raysulwasaaraha meesha waxaad ku timid awood qeybsi beeleed waxaadna ku fadhidaa kursigii daarood, hadii aadan si fiican ula shaqeyn maamulka puntland cidlo ayaa ku leh waanan inaadan caqabad ku noqon maamul u sameynta jubaland oo aad dadajisaa una sahashaa tashiilaadka aya uga baahan yihiin dawlada dhexe adoo waliba ku difaaci doona dastuurka la dhigtey,
intaas hadaad yeesho alle sahal hadii kale,,,,,,,, inta kale dib ayaan ka sheegi
wiil mudug sxb yaa ku yiri galkacyo marabto puntland sxb waad iska qoratay magaca glk waxa leh wa layaqan sxb wana puntland xafad xuna inaad siiso magalada waa khald wxas waa la is ku dilaa sxb xafada xaran ta aahan waan iska goynaynaa sxb glk waa magala puntland sxb dadaka lehna wa layaqan nin ka soo cararay bandiiradley iyo xarar dhere ma shegan karo glk waa magalo darood sxb waan punland sxb sxb hadan doono sxb anaga isku filan doladna wa fadaral sxb macan marka wax ha isku qaldin waxsaxda sheeg ama ka amus sxb gal mudug marabto galkacya ah sxb galakio hadada timaado fiiri nimanka ad shegayso inata aay magalada ka dagan yihiin 100 waa 5 sxb kkkkkkkk marka ma 5 sinaysa magalada xolayahow wxasoo kale baa somali isku dira sxb inay is raacdo suu dada xolahoduu sinaya dada kale shit
walee faroole runta wax tuso ayuu waayay kkkkkkk viva SOOMALIYA , UMA BAAHANIN TAAGEERO PUNTLAND Gaar ahaan Canaasiirta . waana la iidiin taliyaa far iyo suul ayaa la iidinkugu yeerayaa hadii aad amarka diidaana waa la idin edeb barayaa reer puntland majirto jixin jix iyo baryo Galmudu ayaa idinka shaqeyneyso Khaatumo viva somalia iyo somaliland.
kkkkkkkkkkkkkkk
ASC, dhamaantiin walaalayaal. @Cali Jagag, walaal, aniga waan taageersanahay in maamulka Tiiceey eey isku darsamaan Galmudug maadaama dadku eey wada dhasheen, waxbadan oo walaalnimo, islaanimo iyo dano badana iskaga xiran yihiin, waliba waxaan insha’allah mar aan fogeeyn gogol sal balaaran loo dhigayaa qabaai’lada daga Galgaduud iyo Mudug oo dhan si maamul hal ah, oo dadka ka wada dhaxeeyo, lagana wada faa’iideeyso loo helo, taasna labadaan gobol kaliya kama faa’iidaayaan, ee Somali oo dhan ayeey faa’iido u noqoneeysaa. Sidaasoo kale, ayaan rajeynayaa in gobolada Jubada iyo Koonfurta oo dhan maamulo eey ku midoobaan u sameeystaan dadka eey danta ka dhaxeeyso oo dhan. Ahlusunada aad sheegeeyso ee walaalaheen Dhuusamareeb iyo Guriceel damceen in eey iskaga dhiciyaan nimanka argagixisada ah ee alshabaab ee rabay in eey dhib u geeystaan dadka degan labadaan magaalo. Anaku anagoo magac iyo shaar soo badalan ayaan iska dhicin naqaan, oo xabad iyo maar ayaa naga dhaxeeyso alshabaab. Laakiin maadaama qorshihii alshabaab lasoo afjaray, ayaga laftooda, waa ahlusuno ‘e amaba walaalaheen dago labadaan magaalo ee Galgaduud waa in eey jahawareerka iska daayaan hadii kale dhowrkii sanaba balaayo iyo ibtilo ayaa lagu saladayaa
Therefore, waa in midnimo gobol gobol inta laga soo bilaabo ilaa lagaarsiiyo Midnimo guud oo dadka Somaliyeed oo dhan wada gaaraan.
kkkk, mida ah waan talin jirnay, waa “past” qalad ayeeyna aheeyd hadaad talin jirteen, laakiin hada kabacdi iyo “new blood” dhiiga cusub ee Somalida hogaaminaya malaga yaabo in eey noqdaan Faroole & Co. oo ah burcad qaswado ah, oo eey muqadas tahay in “containment” amaba koombo lagu haayo ilaa eey dadkooda dhinac ka raacayaan, si Somaliya u gaarto himiladeeda, iyo bashbash iyo barwaaqo. Thank you all for reading.
@xiireeybaangado, lol, adiga kaalay dhalashada Cadaado iga qaad, waan ognahay waxaad tahay, afkana dadka maqaban kartid, “douche bag” ayaad tahay.
@caraseedo, been baad sheegeeysaa, ee hadii Faroole uu Saacid adeerkiis yahay hasoo dhaweeyo oo qaska haka daayo, wada dhalasho been ah oo lagu qaraabto ayaad ka hadleeysaa. Mida kale, hadii Faroole uu ilaaheey nimco siiyay, maalin walba kiishka sokorta ee Somali soo tuugsato, qeeybteena hanaloo shubo ma dhihi laheeyn
KU SOCOTO QOLYAHA HILMAAMSAN IN PUNTLAND AY LEEDAHAY MAAMUL KAASOO GAR U LEH IINU SHACABKA REER PUNTLAND U HADLO
QOLYAHAN WAX HILAAMSAAN DOCC A YEERNIMADA ISKA DAAYA
DADKA DHIBSNAAYA MARKA LA YIRAHDO MAAMULKA GAROOWWE WXAAN KU LEEYAHAY ADEER HA DHIBSN WAXAY LA MIDDTAHAY MAAMUL MAGAALO MADAX LOOGU YEERAY SIDA KUWA ADUUNKA KA JIRA
MAAMULKA PUNTLAND WA SHAAQADIISA ARIMAHA SOOMALIYA INUU KA HADLO
k.k.k.k.k.k.k.k waxa ameesha maraya waa MIND OF BHD HOLDER wale inan faroole jeclahay mcnaha hada hadaan kahor imaano PM ka waxaa naloo arkayaa qaswadayaal lkn markii jubaland iyo raxanwayn state la diido waxa inoo furmaya wado ah dastuurkaa la jabiyay aaway federalismkii k.k.k.k.k.k kalsoonidaan kala noqonay xasan mida kale dadka puntland ubooteynaya miyiina HELI COPTERKII IYO MIIGAGII ciidamada badda puntland ujeedin war la.an aa idin haysa VIVA PUNTLAND
Marka hore p/land dadka daba jooga waa dad haray oo ayagii wax qabsan waayey maamul yar oo muuqda sameysan waayey marka waxaynu leenahay p/land ilaah bay ka magan gashay xasad tan kale p/land waa dowlad ma doonayso in soomaaliya ay wax danbe isku qaldaan maamulaka p/land ayaa shacabka ka wakiil ah waan raacsanahay mid yar iyo mid weyn haduu la xisaabtamo dowlada dhexe maxaa ku jaban haduu sii afeefto maxaa ku jaban ileyn waxaa laysku haysto waa yey dhicin wixii ragii hore sameeyeen ileen koonfurta soomaaliya gacma gacmeen baa ku badatey mudooyinkii danbe hantidii shacabka oo lakala qaybsadey dadkuna baahi laysay marka p/land dadkii magacooda wax lagu soo qaatey la mid tahay la soco waxaa la yiri mar idage marlabaad imo dago ogoow p/land this time monitoring every penny dont forget that
waxad tihiin xaqiiqdi dad qabiil wx kuqora danaha ugaarkaana fiirsada ale kabaqo oo kaliya ma akhrista webkaan xishood
waxaad tihiin dad qabiil ee xishooda oo ale kabaqa qabiilkiina kaliya ma akhristo webkaan
Jaalle Wiil Mudug hal meel baad wax ka eegtay.Meeshoo ah in ay Galmudug Gaalkacyo wax ka dagan tahay waad sheegtay hase ahaatee aysan meel kale ka talin.Puntlandse waxay leedahay ardi aad iyo aad u balaaran bad iyo Biriba.Ugu dambeyn arinta federaalku waa say u bilaabatay.Saasaana puntland goosatay danina ugu jirtaa.Dadka ka horjeeda arinta federaalka waa dad an haysan dhul ku filan sidaada oo kale.Waxaanse kugula talin lahaa in aad iska soo dhiibtid Puntland si laguu siiyo dagaan joogto kuu ah inta noloshaada ka dhiman.
Dalka Somalia hal madaxweyne buu leeyahay,qabiil kastaa degaankiisa oo keliya ayuu mas’uul ka yahay,ma jiri doono lamana ogolaan doono qabiil qabiil kale wax u yeeriya ama u go’aamiya.
Punt land shut up shut up , soo joogso ninkii Laga waayo soo seexaa laga hela , abaa viva Hasan Sh m viva jawaari viva p m saacid punt land ashunka ku adima
Raxanreeb
Waad ku mahadsantihiin sida hufan eed ugu adeegeysaan aqristayaashiinna waanad ku ammaanantihiin aqoonta iyo wacyiga idinka muuqda.
Soomaalida Ilaahey danahooda ha garansiiyo. Waa ineysan xaqaa,iqa naga indho tirin xamaasadda qabiilku. Qofka soomaaligaa waxaa kala jiidaneysa afar arrimood oo u kala horreeya sidaan:
1. Dantiisa shakhsigaa
2. Qabka iyo wax uu maslaxo moodayo oo qabiilkiisa ku saabsan
3. Xamaasad diineed oon qoto dheer laheyn
4. Qarannimada iyo soomaalinnimada
Afartaas arrimood ayaa isku sameeya interference ama is dhex gal. Wuxuuna qofka soomaaligaa ugu macangag sanyahey oo aan waxba la fahamsiin karin marka ay xamaasad qabyaaladeed heyso ama mid diineed.
Dad badan dhalasho ahaan ayey Faroole u difaacayaan oo qiiro ayaa wadda. Laakiin isma weydiinayaan siyaasaddiisu maxey uga dhigantahey qarannimada iyo wada jirka soomaaliyeed.
Sababtoo ah dadkaasi iyagaa markii horeba xagga prioritiga ama kala hor marinta qabiilka ayaa uga muhimsanaa qarannimada.
Ma ahan taageerayaasha Faroole oo kaliya ee waa dhammaan soomaalida waxa sidaas ka sameysan nasiib darro.
Siyaasadda Puntland ee ku wajahan qarannimada soomaaliyeed way ka wax dhibaal badantahey midda Somaliland marka runta laga hadlo oonan afka baarkiisa hadalka ah ku kaaftoomin.
Maamul goboleedyo iyadoo kalaa oo ku xiran dibedda oo aysan dowladda dhexe waxba uga xirneyn ayey dooneysaa Puntland iney dalka u kala qeybiso.
Hadii sidaas la sameeyana shaki la,aan waa sidii Midowgii Sovieti iyo Ugoslavia oo waa la kala tegayaa mooyee wax lama wada lahaanayo qaranna lama wada ahaanayo.
Laakiin qofka soomaaligaa waa qof danta malo awaalkaa ee qabyaaladda wax ku qiimeeya.
Bal Puntland sida hadda ay ku socoto maxey uga geddisantahey Somaliland dadka aan is weydiin karin maxey tahey garashada laga sugayo?
Waxey kaliya oo uga geddisantahey waa in Somalilanda geed ay ku xirantahey oo saameyn aysan ku laheyn siyaasadda Koofurta, Puntlanda ay inta gooni isku taagtey usii hanqal taageyso iney intii kalena sii kala jarjarto iyadoo u mareysa waxa loogu yeero federalismka oo ku yimid baqo maal ama black mailing loo soo marey dowladaha deriskaa iyo jirro soomaalida heysatey markaas.
Federalismka muqaddaska nalooga dhigayo oo caammada afka loo gelinayo oo qabaa,ilku u wada hanqal taagayaan waa trojan horse(burburin gudahaaga ah) ee ma ahan wax dan soomaaliyeed ku jirto. Laakiin innagoo jirran oon waxba iska diidi karin ayaa dad cadow ah waxey iskaga keen dhigeen iney na daaweynayaan, markaas ayey faleebbo federalism ah(daroogo) dhiigga noo raacsiiyeen!
In daroogadaas nalagu sumeeyey aan iska nadiifinno si tartiib tartiib ah oon caafimaadkeenni dib usoo ceshanno miyey dantu ku jirtaa, mise inaan addicted ku noqonno oon iyada joogteyno?
WAlaale Federalism si qalad ha u fahmin oo waa daawada Keliya ee soomaali ku kala badbaadi marto xilligan!!!, Sababta? Aan uga dhigayana waa 1, USC, 1991 waxey Muqdisho ku sameyeen waa wax aan Taariikhda lagu xusi doono aniga ayaa ku dhashey oo xanaanad, dugsi hoose, dugsi dhexe, dugsi sare, ku dhameeyey waxaan kaloo ka bilaabey Jaamacadii Ummada ee Gaheyr ilaa sanadkii labaad oo burburkii ayaa igu soo galey, Walaale Jabhadihii Somaliya la dirireyey Xukuumadii Kacaanka wey kala hadaf duwanaayeen SSDF waxaa lagu aasaasey in ay xukunka ka tuuraan Dowladii Kacaanka kuma guuleesan oo waxaa Dawladii Kacaanka ay buunbuiniseyin ay Qabiil iyo xukun jaceyl ay jabhadaas loo aasaasey! hadiiba aan ku raaco dacaayadaas maxaa ku jaban in Dawlad ay dadku doorteen hadii ay boobeen Askar aanan shuqul ku laheen maamul madani ah oo Shuuciyad iyo Diina dirir iyo eex Qabiil iyo lunsi iyo xatooyo xoolo dawladeed iyo mid shacbiba ay la timid sow xaq miyeysan aheyn in lala diriiro oo ummada a lagu bararujiyo qatarta ka soo socota in ay ka feeljignaadaan? Miyeysana chi in?. 2 SNM waxey ku saleysneyd aasaaskeeda in midnimada iyo Qaranimada Somaliya ay kala dhantaalaan waxeyna ku dhaqaaqeen mar allaale markii ay fursadaas heleen in hadafkoodii u qarsoona iney ku dhaqaaqaan oo ay ku dhawaqaan iney Dawlad gaar ah ay ka yihiin Dalka intiisa kale ka go’een “Qiyaano Qaran”!!!. 3 USC waa Jabhadaas ugu fursada fiicneyd ee ku guuleesata in ay xukunka ka tuuraan Dawladii Kacaanka Laakiinse waxey ku dhisneyd Jabhadaas Mabda Isir naceeb, Dawlad naceeb, iyo Dal naceeb, Qaranimo naceeb, oo waa wax aan laguba soo koobi karin waxii Umada badeen halkaan!!!!. Walaale intaas oo dhan ay jirto aya reer Puntland dhibta ay reer waqooyi ka cabanayaan waxaan dheereen in Dawladii Kacaanka dhibta inaga soo gaartey qolo ay gaartey ma jirin waxaan kuu sheegayaa Walaale 1991 Galkacyo in 700 dad ka badan inTodobaadyo gudahooda lagu laayey ka soo tag Kismaayo haba sheegin!!! Waxaas oo idil waan liqney Somali si ay u kala tegin baan Puntland loo unkey!! Kol hadii dadkii is dileen oo lakala tegey Caasimadii dalku lahaa ay qolo gaar u sheegatey!! Gaalo Magac ay dhul soomaaliyeed beri ula baxdey hadii ay walaalaheen waqooyi isugu yeereen Dawlad ka gaar ah Koonfur, ayaa keentey in Puntland dhismaheeda uu hirgalo 1998 ka dibna Somaaliya Federal ay sidaa ku noqoto, si dalkii uu wali isku heysto qolada oraneysa waan go aynaa iyo tan oraneysa anagaa Iska leh meel hebla ay meeshooda ugu gooni noqoto danta guud ay onaga wads dhaxeeso. Waa in waxna lawada yeesho waxna lakala yeesho. Tusaale Emmaraadka waa federal Sheekh waliba magaadiisa Ayuu Amiir ka yahey mid guudna wuu u dhaxeeyaa!!!. Walaale waan lugubrious dheeraadey iga rai noqo federalku waa xal!!!!.
[...] Xukuumada Puntland dhawaan ayey soo saartay baaq ay ku taageereyso Raiisul wasaaraha cusub ee dalka Mudane Shirdoon. [...]
[...] Xukuumada Puntland dhawaan ayey soo saartay baaq ay ku taageereyso Raiisul wasaaraha cusub ee dalka Mudane Shirdoon. [...]
[...] Puntland wuxuu tageeray dowladdii ra’iisal wasaare Saacid soo dhisay oo wuxuu xusuusiyay ra’iisal wasaaraha xilka ka saaran dhammaystirka wixii lagu [...]