Qarax Ka Dhacay Bartamaha Magaalada Kismaayo (Faahfaahin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kismaayo (RBC) Qarax xoog badan ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay bartamha magaalada Kismaayo xilli ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada ay saaaka dhameystireen gelitaankooda magaalada.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow guriga madaxtooyada Kismaayo oo ku dhow Aargada magaalada, waxaana sida dad ku dhow xaafadahaasi ay Raxanreeb u sheegeen in qaraxa uu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay oo qaraxday.

Lamasoo sheegin khasaare ay dad gaarsiisay hase yeeshee waxay dad deegaanka oo agagaarka Aargada ku sugan ay sheegeen in miinada oo aad u xoog badneyd ay burburisay gidaar (derbi) guri ku dhegan guriga madaxtooyada ee gobolka looga arimin jiray.

Saraakiisha ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada Soomaaliya weli kama hadlin qaraxa maanta ka dhacay magaalada. Wuxuu qaraxa ku soo beegmay xilli ciidamadii ugu badnaa ay maanta galeen magaalada gudaheeda.

Xaalada magaalada ay degan waxaana ciidamada huwanta ee magaalada jooga ay ku sugan yihiin fariisimo ay magaalada ka degeen oo ay ka mid ah xarunta maanta agagaarkeeda qaraxu ka dhacay.

 

RBC Radio

Share

Leave a Reply