Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha Ee Muqdisho
Muqdisho (RBC Radio) Wararka ka imaanaya xaafada Suuqa Xoolaha ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax khasaaro geestay.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan uu ahaa bambada nuuca gacanta laga tuuro isla markaana lagu weeraray askar ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya.
Qaraxa kadib ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sameeyeen howlgal inkastoo aysan jirin cid ay kusoo qab qabteen, sida ay sheegayaan wararka halkaasi naga soo gaaraya.
Xaafada suuqa xoolaha ee Degmada Hiliwaa ayaa inta badan waxaa ka dhaca qaraxyo ciidamada dowladda Soomaaliya lagula eegto halkaasi.
Ciidamada dowladda ayaa maalin waliba waxa ay degmadaasi ka sameeyaan howlgal sida ay sheegaan ammaanka ay ku xaqiijinayaan.
Waxaa la aaminsanyahay in Al-Shabaab ay ka danbeeyaan weerarada iyo waliba qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho, inkastoo ay jiraan weeraro mar marka qaar aysan sheegan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] See more here: Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha Ee Muqdisho [...]