Qaraxyo Khasaaro Geestay Oo Ka Dhacay degmada Afgooye Ee Gobalka Shabeelaha Hoose


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Wararka ka imaan degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose in halkaasi ay ka dhaceen qaraxyo xoogan oo lagu weeraray Saldhiga degmadaasi.

Inta la ogyahay hal ruux ayaa ku geeriyooday sadax askari oo kalana way ku dhaawacmeen ka dib markii Qaraxyadaan lagu weeraray sal; dhiga degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa iyo labo qarax ay dhaceen isla markaana lagu tuuray Saldhiga degmadaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobalka Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxyadaan halkaasi ka dhacay iyadoona sidoo kale aysan jirin cid sitoos ah u sheegatay.

Wararka ayaa sheegaya qaraxyada ka dib in ciidamada dowlada Soomaaliya ay saaka halkaasi howlgalo balaaran ay halkaasi ka wadaan kuwaasi oo ay ku raadinayaan dadkii ka danbeeyay weeraraadi.

Arimahaan oo dhan ayaa waxay ku soo adayaan xili ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay isku sii fidinayaan deegaano badan oo ka tirsan gobalkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen kooxda Al-Shabaab.

 

 RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Leave a Reply