Qorshaha 100-ka Maalmood ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: Dawlada Cusub ee Soomaaliya oo Markii ugu Horeysay Dhiseysa “Golaha Fatwada” Dalka
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheynaya dhismaha guddi culimaa’udiin oo ka kooban culimada ugu caansan dalka kuwaasoo loo sameyn doono xafiis ay dawlada kala taliyaan.
Sida ku cad qorshaha 100-ka maalmood ee dawlada cusub oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Raxanreeb waxaa madaxweynaha iyo xukuumada cusuba ay xooga saari doonaan labo qodob oo aad u waaweyn kuwaasoo dadka qaarkiis ay ku tilmaameen kuwo ahmiyad weyn leh haddii sidooda loo fuliyo.
Qodobka amaanka iyo xasilinta
Qorshaha 100-ka maalmood ee xukuumadda cusub iyo madaxweynaha ayaa dhigaya in awooda koowaad ee dawlada la isugu geyn doono sugida amaanka dalka iyadoo sida qoraalka ku cad ay qeyb ka tahay dhismaha ciidan awood leh oo looga maarmi karo ciidamada AMISOM ee dalka hadda jooga iyo dib u dhaqancelinta maleeshiyaadka leexsan ee ku dhex jira ciidamada dawlada.
Dawlada ayaa qorsheyneysa in ay kaalmo weydiisato dawlado ay ugu horeyso Turkiga iyo qaar Carab ah sida Masar iyo Qadar si ay dhaqaalaha iyo qalabka ciidanka lagu tababarayo ay uga bixiyaan, sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay saraakiil madaxooyada ku sugan.
Dib u heshiisiinta
Qorshaha 100-ka maalmood ee dawlada madaxweyne Xasan Sheekh oo Raxanreeb ay heshay ayaa sidoo kale qeexaya in markii ugu horeysay la isu keenayo culimada diinta ee Soomaaliya laga yaqaano kuwaasoo loo sameyn doono gole ay ku mideysan yihiin si ay dawlada uga talobixiyaan waxyaabaha ku saabsan dhanka diinta. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweynuhu rabo in culimadan ay ka qeybqaataan olole weyn oo dhalinyarada iyo guud ahaan Soomaalida dal iyo dibad joogta loogu sharaxayo in dagaalada ay wadaan Al-Shabaab iyo Al-Qaacida inay yihiin kuwo hareermarsan diinta Islaamka iyadoo ay arintaasi sharaxaad ka bixinayaan culimo waaweyn oo dadku dhageysan karaan.
Sida qorshaha ku cad, waxaa dhismaha golaha fatwada ee culimada Soomaaliyeed ku xiga in dawladu bilawdo qorshe dib u heshiisiin poo lagu micneeyay “mid sal ballaaran” isla markaana meel hoose oo illaa qabiil iyo qoys loogu heshiinayo si loo xalliyo dhibaatada dheeraatay ee Soomaaliya.
Qorshaha dib u heshiisiinta ee dawlada laguma xusin sida dawlada cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u wajaheyso wadahadalkii furnaa ee u dhexeeyay dawladii ku-meelgaarka ahayd iyo maamulka Somaliland oo weli ku doodayo inuu yahay maamul ka go’ay Jamhuuriyada inteeda kale.
Fiiro Gaar ah: La soco Qeybo kale oo qorshaha 100-ka maalmood looga hadlay oo Raxanreeb faafin doonto maalmaha xiga insha Allaah.
__________________________________________________
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi












Masha’Allah!
Waa xikmad aad u cajiib ah. Mowqif mideysan iyo Muruq mideysan. Waa inta kaliya oo aan u baahanahay ee la ladi weynay 22 sano.
Hadii Gafuurculusta iyo cida nagu soo jiheysay ee arrimahaan kasoo horjeeda aynu markaan si xikmadeysan oga hoos siibanno, cid dambe oo soomaaliya celinaysa oo horumakeeda hor istaagi karta ma jirto.
Halloo yeero Culimadeena sharafta leh sida, Sh. Maxamed C. Umal, Sh. Mustafe X. Ismaaciil iyo Culimada kale ee cilmiga u saaxiibka ah. Shacabkuna iyaga ha u dhaga nuglaadeen oo hadii ay dhahaan Cirka Gala, aynu halmar duulno.
Waxkasta ow dhiso oow magac culumo u bixiyo kolley wax natiija makeeneyso ku darso kuwii 2009 shiray owna hogaaminayay bashiir salad.kuwan cusubna wax kheyr kama fileyno.
Ilaa hada sidaan rabay bay wax walba u socdaan, guulaystaal geedigay wadaay………wadaay…..wadaay.
asc dhaman bahda raxanreeb,com aad iyo aad ayaan idinkaga mahad naqaya sida wacan e aad inogu so tabisana akhbaarta mahad allah ka sokow,,,,hagag tan kale anigu maahi saxafi sidaa aad ku xusteen warbixinta ka hor in aan la dabacan karin lana xafidan karan ,,,wa war wanagsan lkn waxa jira wararka qaar ama suradaha qaar aan u baahdo inaan si shaqsiyan ah yacn i madama an wariye ahayn ,,,,in aad dagsado ama an qoral i cajabiyay ka qato qayb ka mid ah ,,,amar la an hadi an qato dabcan waad diideen waxa ay noqonysa xatooyo sax,,,ok bal inaga qanciya hadaynu nahay akhristayaasha raxanreeb.com sida aynu ka yelayno qoralada iyo sawirada aynu ka helno???mahadsanidiin mar kale wsc
Salaamun calaykum bahda raxanreeb.
Arintani ma ahan markii ugu horeysay oo waxa soo shaac bixiyay SOMALIMEMO bil ka hor ku dhawaad in rag badan oo la afan dawlad ku sheegtan ay rabaan inay sameeyaan guddi culimo ku sheeg ah si wixii la doono loogu marsado oo uu kamid yahay BASHIIR SALAAD ninka lagu magacaabo inta badana dhaleeceeya Alshabab marka waa uun dabkii holcayay kuii shuba baansiin waxayse ila tahay kuwa culimada sheeganaya inay Allah ka cabsadaan oo daacadnimo iyo dadaal u galaan si dhab ah in heshiis loo sameeyo gaaladana meesha laga saaro ogaada inat gaal uu joogo Soomaaliya waligeed dagaalku wuu socon.
Bashiir Salaad iyo Nuur baaruud waxan kula talin lahaa doon sii degaysa ha raacine kolayba waad u durbaan tumaysaane.
SC
Golaha Culimada Somaliyeed hadaba mid magaa wata wuu jiraa laakiin su’aashu wax ey tahay Culimada uu mideynayo waa kuwee`? hadii koox culimo ah uu isku keeno soo culimada kale oran meyso looma dhama?iley iyagu kama mid aho kuwa madaxweynhu xulaye soo lama yaabo in diintii mar kale lagu sii kala fogaado?culimo la mideyn karo somaliya ma joogto maanta laakiin waxaa jooga culimo wadamo dibada ah xiriir la leh oo rabta iney siyaasad iyo kursi ku gaarto diinta iyo culimo weli ah kuwo diinka fidintiisa ku siman oo xaafadaha laga helo oo caruurta diinka bara sidaasna waxoo nolol maalmed ah lagu siiyo sidaas darteed madaxweynu culimadu uu ka hadlayo ma kuwa diinta siyaasada ku gaar leh baa mise kuwa weli xaafadaha dugsi quranka ku yaho? anug madaxweyna waxaan qabaa inuu culimo gooni uu isku keeno uu iska daayo wadankana ku hogaamiyo sidii nabad loo gaari lahaa oo uusan koox gooni ah xil aan jirin u abuurin.
asw salaanka dib waxay ilatahay inuu musiibo hadda qoorta gashaday sababtoo ah wadaado ayagaa dibu heshiisiin u baahan GOLANA kuma midoobikaran saa awgeedna 4sano daye 40 sano kalaxulistoodo kama badna kii liiska iska waaayaaana wuxuu soo saaraya FATTAAWO assaga kadhan ah amaba diinka logassaaray , arintaas hakafiirsado.!!!!!! waxaa taas baddalkeeda u roon inuu ashqaas diinkooda lagu kalsoonyahay hoos ulatashado .
TUUGADA WAAAY IDINKA XADAAN
http://www.galcad24.com/?p=7206
Ninkan Madaxwaynaha ah sidi aan ugu rajo weynayn maalinki la dooranayay waxbadan baa iska baday, balanqaadyadii il;aa hada waxba kama aanu hayno, wararka xafiiskiisa ka imaanayana waxay sheegayaan inu maray wadadi shariifkli ka horeeeyay, Wadaadkan qoslaya waxa uu egyahay mid fashilmi doona maadaama uu la jaanqaadi la’yahay nidaamka dowliga ah