RAAD-RAACA: Afhayeenka Raskambooni oo Sheegay In Shirka Ka Socda Nairobo Maamul Goboleed Loogu Soo Sameynayo Jubbooyinka
Kismaayo (RBC) Afhayeenka ururka Raskambooni C/naasir Seeraar Maxamed ayaa sheegay in hadda magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolada Jubbooyinka ka jirin wax maamul ah balse ay qorsheynayaan in maamul loo soo dhiso gobolka.
Afhayeenka Raskambooni oo caawa wareysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in ay ka warsugayaan shirka ka socda magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kiinya halkaasina lagu soo dhisi doono maamul goboleed uu sheegay inuu ka talin doono Kismaayo.
“… Maamul hadda maamul ku-meelgaar ah iyo mid rasmi toona kama jiro, waxaad ogtahay in meesha la yiraahdo Nairobi uu ka socdo shir, shirkaasi ayaan maamul gobol loogu soo sameynayaa Jubbooyinka oo idil.” ayuu yiri C/naasir Seeraar oo la weydiiyey cida ka talisa Kismaayo.
Xaalada Kismaayo
Afhayeenka Raskambooni ayaa sheegay in xaalada guud ee Kismaayo ay tahay mid xasiloon isla markaana “ciidamada Soomaalida ee wada socda iyo kuwa Amisom” ay ka taliyaan Kismaayo. [DAAWO SAWIRADA KISMAAYO]
“.. Waxaa kaloo aan sameynay guddiyo farsamo oo hawsha sii wada, magaaladana waxaa jooga oo gacanta ku haya ciidamada Soomaalida ee wada socda iyo kuwa aad sheegtay ee Amisom” ayuu sii raaciyey Seeraar hadalkiisa.
Wuxuu si kulul u weeraray warbaahinta ka hadasha xaalada Kismaayo iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee gobolka ka socda kuwaasoo uu sheegay inay si xun uga waramaan arimaha Kismaayo iyo Raskambooniyiinta.
Dhanka kale afhayeenka ayaa sheegay in maanta hawlgal ay ka sameeyeen xaafada Calanley ay ku soo qabteen bambooyin iyo waxyaabo qarxa oo guri dad degan yihiin lagu qariyey kuwaasoo ay ku soo heleen xog ay dad siiyeen iyadoo qarax bambaano oo lagu weeraray ciidankooda uu ku geeriyooday hal qof oo rayid ah.
Hadalka ku saabsan arimaha maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ee uu caawa bixiyey afhayeenka Raskambooni ayaa soo baxay saacado kadib markii kulan ahaa kii ugu horeeyay galabta magaalada Kampala ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Kiinya Mwai Kibaki oo labaduba booqasho ku joogo caasimada Yugaandha.
Kulanka labada madaxweyne ayaa warar ka soo baxaya waxay sheegayaan in arimaha Jubbooyinka iyo qaabka maamul u sameyntooda looga hadlay iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu Kiinya uga mahadceliyey duulaanka lagu jabiyey Al-Shabaab ee laga fuliyey Kismaayo, laakiin dhanka kalana uu codsaday in Kiinya wixii maamul u sameyn ah ay uga dambeyso dawlada Soomaaliya. [AKHRI FAAHFAAHINTA KULANKA]
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska yimid 10-kii bishii hore ayaa warqad uu u diray dhowaan dawlada Kiinya wuxuu kaga dalbaday in la hakiyo kulan qorshihiisu ahaa in maamul loogu yagleelo gobolada Jubbooyinka kaasoo ka dhacayey magaalada Nairobi.
Kenya iyo Kismaayo
Sarkaal ka tirsan sirdoonka Kenya oo ku sugan Kismaayo ayaa wareysi uu maalmo ka hor siiyey wakaalada wararka Reuters ayaa sheegaya in haddii Sheekh Axmed Madoobe aan loo magacaabin gudoomiyaha gobolka in markaasi Kenya ay la kulmi doonto dhibaato weyn oo ka soo wajahda Kismaayo.
“Axmed Madoobe waa nin soo dagaalamay mudo dheer, waana hogaamiyaha kaliya ee nala joogay furinta hore ee dagaalka, haddii aan isaga loo magaavin gudoomiyaha gobolka markaasi Kismaayo waxay la kulmi doontaa dhibaato weyn” sidaasi waxaa markale wariyaha u sheegay 28-jir ka tirsan sirdoonka Kenya oo ku sugan Kismaayo kana gaabsaday in magaciisa la faafiyo. [HALKAN KA AKHRI FAALADA SARKAALKA]
_________________________________________________________
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi















waa iney Kismaayo u taliyaan guul baan leenahey hadaadan nahaey guul waa in somaliya laga gooya oo lagu dara kalinka 6aad ee Kenya ay xukunto mooryanta laga fogeyaa
Waa bisayl wakhtigu keenay. Oo looga tashanayo in aysan mar danbe ka dhicin gobolkaas dhaqan mukulaal madow. Maanta waa nin walba iyo bugcadii ilaah ku abuuray u tasho Waana in inta badan hogaamisee inta laga badan yahay. dadka laga badan yahay ay xuquuqdooda oo dhan helaan. Ma ahan in mar danbe la isku dul noolaado. Dadka mucaaradaya fikradaaan ka waran hadii ay ku doodayaan in caasumada wadanka ay rabaa. In dawlad goboleed u sameeyaan. Alla maxaa dhaqan mukulaal madownimo dawladnimo loo ma leeyay. Maxay wada yeelen karnaa hadiiba casumada qaranka aad lasoo istaagtay. Goofkaan unukaa leh
Waxan. Rabaa jubaland. Oo gedo ku jirto. Ahmed mad oboe. Iska dhaaf. Jini haduuba rabo haxukumo laakiin. Jubaland Hadii nin xamar lagu waardiyeeya. Uu rabo in looga danbeyo Waa u caqli xumo kamana duwana. Dameer. Intuu is cajibayay. Qaylo ku dhuftay.
Hambalyo iyo bogaadin baan u gudbinayaa RAXANREEB! Hab saxaafadeedka cilmiyeysan ay u qorto wararka, iyo maraajicda badan ay isla maqaalka ku kabeyso, ayaan jecleystay. Taas oo ka soo burqaneysa xirfadleynimada, runlownimada iyo waddaniyadda ee qalinleyda ku farayareysata rugtan loo bogey ee RAXANREEB.
Keep up the good work!
Dr. Abdulqadir “Tallman”
war noqoda qabiilkaad rabtaan ama ama intiinaba way idinku fillantahay wayna idinka soo hartaa nimcadaas balse axmed madoobe ceeb calayk meesha aad nairobi aad dulinimo raali kaga noqonayso maad caasimadaadii maamulka lagu dhisaa maad tiraahdid anigana ha la i abaal mariyo waayo alshabaab ayaan jebshay dheh balse adoonsi miyuusan kablalax ka daaleen teeda kale
goormay yeesheen soo tii la yiri deegaanku waa u dhalasho meesha ma caano iyo dhulxul miayay keenaan puntland ayay leeyhiin garowe iyo boosaaso bariis cade iyo caano way leedahay ha ku cunaan halkaas.
kismayo waxaa leh oo xaq u leh daaqsin ayuu ku yimid waatii abaarihii la geeyay dawladii maxamed siyaad bare teeda kale somali ma ahan ee somaliga ayay ku hadlaan waa ayay la mid yihiin hadii ksimayo yesho oromana iyo cafar uraago ayaa yeelanaysa
Caqli xumo baan u jeeda. Iyo kukulo garab ordaysa. Magaca amison wadata
Kismaayo Soomaali baa leh,NFD Soomaali baa leh,Soomaaligalbeed Soomaali baa leh.Qaran baa leenahay hadaan Soomali nahay,madaxweyne,baarlamaan iyo wasiir 1aad baan sameysanay.Walaalayaal meel dhow wax ha ka arkininee arinka sidaan u dhaama.Qowmiyad Soomaalinimo ku abtirsanaa nahay inaga daaya caqli xumada qabyaaladda qaawan ileen waan ku soo jabnay.Midnimo iyo wadajir baa guul lagu gaaraa.Qof walbo qabiilkuu ka tirsan yahay waa uun magac u yaal ee magaca weyn ee aan leenahay kaas baa nooga wanaagsan eey eey dhalay waa ninkii iilka laga waayo ee Soomaalinimo ka soko yaan la istaagin aan quwan yeelanee.Sidaas ma u fahanteeen? Guuleysta geedigana wada
Waa sax in Maamul ka Gobollada Jubboyinka aan Xamar laga soo dalbi karin. R/waasaraha iyo Madaxweynaha Soomaalia, Labduba waxay ka soo jeedaan Galgaduud. Markaa gurigii ay ka soo jeedaan ka ab ka ab baa dayanacn oo maalin walba Shabaab ku amar ku taagleysaa. waddankaas intay xoreeyan, ka dibna maamul ha u sameeyaan ayagoo adeegsanaya kuli qaba’ilada daga dhulkaas oo kala ah . Meelaha aan shaqo lagu lahayn ha laga daayo af ku taaga.
waxas soco meeso dowlada somalia marma ogalaan meeso in kismaayo maamul loo samenayo hadii loo sameeyana loo qeebsan doonoo 4.5 oo ah sida somali wax u qeebsado marka yaa leesku daalin hadalkaag akhyareey
Kenya haku daba ganbanin, alshabaab in laygu labalo waa shamaatay, waxaa kugu soo wajahan ururka xoreyta kismaayo, kuna ugaarsan doona ilaa afmadow. Hadaah maanta qacan tahay, maku waari doontaa waaye sheekadu. Kenya wax haka celiso
War horta raskabooni moryaantu ma kenyanbaa ?maa maxay Kenya maamul kismaayo u samayneysa? ,adeer kismaayo Somali baa lehi Hadaad Kenya dooneysaan move to Kenya..kismaayo dowlada somalia uunbaa maamul u samaynkara…soomaaliya soomaali baa leh.
Waxaa cajiib ah raskambooni in eysan weli garan karin in dhulkaan somali iyaga ka hor joogtay loona yaqaan dad kooyto ah,anigu waxaan qabaa in aan somalida mar kale qoriga isku qaadan sababtoo ah somali markii horeba waxey isku dagaashay cadaalad daro iyo eex maka kooxda raskaambooni waxaan oran lahaa hadii aad hub heysataana ma noqon doono mid somalida kale cabsi galiya kenyaatiguna qaraabo gooni ah lama tihidiin sidaas darteed dantiina waxaa ka dhax heli kartaan somalida dhaxdeed hadiise aad dooneysaan in kenyaatigu maamul idinsiiyo dhulkiisa taga oo goboladiisa maamulayaal ka noqda.laakiin riyada ah jubooyinka inaad boobtaan iska ilooba somalida kale ayaanan weligeed yeeleeyn.
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk uraago leee iga dheh kkkkk bantuu dadka la dhahaayay xaqooda aaway somaliyeey, hadii xamar dad sheegteen oo puntland dad shegten hargeysa dad shegteen , marka kismaayo , casimada umada somali halaga dhigo hee marka si ey dadka dhan u qeyb sato . qolo waalba wey dagtaa kismaayo , waa casimada somaliya , mogdisho wa au dhamaatay waa xero bahala galeen ah wan ku dhashay hadana wax aan ka nacbanahay ma jiraaan waxana ku nacay xaraaan quute ayaa joga
Dhibmallaha hhadii shirka Nairobi ka socda ay kuwa ku shiraaya yihiin dadka degga Jubooyinkaa wa wanaagsantahay arba jabhadka haduu uu ogolyahay dawladdana ma diidikarto hadii qolyihiii qaswadayaasha ahaa oo uu ka midyahay Cabdiisamada ay wax isu diriin
AMA cabaada AMA ooya kismaayo waxaa katalinaya Axmed Madoobe mooryaanta iyo eyda damaca waalan ee laga soo waa ridey galgaduud maanta loo joojinmaayo kuwa kale yaryarka ee silickunoosha ee ay alshabaab ku shaqeysanjitey iyaga cagta ayaa lamarin biyaha waa laga iibin sidaas ayeyna ku fiicanyihiin
Raxanreebey yaa leh kismaayo maad noosheegtaan
Shir iyo maamul aan beelaha degaa Kismaayo Gobol ahaan u dhamayn waxba ma soo kordhinayo. Shir iyo maamul looga dan leeyahay in lagu fogeeyo ama laga sadbursado beelo kale oo Daarood iyo Somali ah waa dhagar horleh oo aan cidina mahadin doonin.
KISMAAYO WAA INAY DHUSTAAN MAAMUL LAMAGAC BAXAY JUBALAND AXMED MADOOWE MADAXWEYNO KANOQDO ILEYN ASAGA AYAA XUREYSTAY MADAXWEYNAHA IYO REYSALWASAARAHA SHUQUL KUMA LEH WADANKA WAA FEDERAL NIN WALBO GURIGIISA HA DHISTO WAA DHAMAATEY SIDII KACAANKA WAX WALBO XAMAR LAGA XUKUMAYA KISMAAYO DEKEDEEDA AYAABA KU FILAN MADAXWEYNAHA WAA QALDAN YAHAY WUXUU YIRI HIIRAAN HA IS MAAMUSHO KISMAAYO ANAA MAAMUL UDHISAYO ASAGA MIYAA XUREYSTEY DAWLADA SOOMALIYA HADEY DIIDO FEDERAL SOOMALIYA NIN WALBO DHULKIISA AYUU GOOSANAYAA
KISMAAYO DADKII LAHAA BAA UTASHAN EE DADKA QAYLINIYO MAMUL HA USAMEEYEEN BALADWAYNE IYO MUQDISHO
waar horta ee jilciyoo Raaskabuni waa maxay ma qabiil baa ? waa iga dhab wallaahay ee ma ii sheegi kartaan
Waa wax laga xumaado in soomaalidu si aan xishood laheyn ay gumeysi ugu ordayaan. Iyagoo heli karaa xuquuqdooda iyo karaamadooda iyagoo dalkooda siyaadadiisa ku hoos jira.
Fahamkii dowladnimada dhan ayaa ka qalloocdey. Waxaa cajiib ah in ninka ka tirsan sirdoonka ciidanka Kenya oo leh Axmed Madoobe waa in loo magacaabaa guddoomiyaha Kismaayo uu ka mowqif dhowyahey ninka afhayeenka u ah Raaskaambooni iyo dad badan oo halkaan ku jira tacliiqoodu!
Ninkaasi isagoo hadalkaasi gar darro ku yahey oo uusan xaq u laheyn, ayuu haddana yahey nin ka yimid dal nidaam iyo dowladnimo ka jirto oo waxa suurta galkaa iyo waxa kale ilaa xad wuu kala garanayaa.
Axmed Madoobe in jago muhim ah laga siiyo Kismaayo ayuu ku doodayaa. Ma ahan arrin haddii niyad sami jirto ku adag dowladda in Axmed Madoobe ay u magacowdo guddoomiya gobolka Jubbada Hoose sida Tarzanba u yahey guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Laakiin in Kenya lagu shiro lasoo dhisto dowlad goboleed madaxweyne leh ee inta lasoo gelbiyo Kismaayo la keeno. Oo Kenya maamulkaas u tababarto ciidan mileteri iyo mid booliis oo sannado halkaas ku barbaariso ilaa uu cagihiisa iskaga taagayo. Dadka waxaas u hanqal taagaya waa waashey oon fikir caafimaad qaba ku fakarin.
Waxaa la oran karaa maba fahamsana natiijada ka dhalaneysa hadalkooda. Anigu ma aamminsani iney Kenya ku fakareyso waallidaas ceynkaas ah.
Haddey ku fakartana ceeb iyo jab weyn ayaa kasoo gaaraya. Maamulkaasna wuxuu sharci ahaan iyo waaqic ahaanba la mid noqonayaa maamulkii ay Israel ka sameysey Koofurta Lubnaan oo aakhirkii sidii loola dagaalayey isaga iyo Israelba ay Israel dantu ku qasabtey iney 2000 kun ay ciidankeedi kala baxdey isna hore usii raacey Israel.
Haddaba ka faa,iideysta taariikhda oo qaladkaas oo kale ha gelina shisheeyuhu uma tabar badna sidaad moodeysaane.
Kismaanyo soamli oo dhan ayey ka dhexeysaa jareer iyo jileec, maay iyo maxaa tiri laakiin qoladii si gooni ah isu siiso iyadaa ayaa banaanka la dhigayaa ama kenya soo wata ama iska daaya. Midda kale qof waliba guriga oo deggen yahay ayuu leeyahay dhulka banaana dowladda ayaa iska leh.
waxan marka hore salamayaa una mahadcelinayaa wariyayaasha raxanreeb meel walba ay joogaan ,markan u soo noqdo aragtidayda aad ayaan ugu bogaadinayaa ciidanka raskambooni oo ah ciidanka dadka degaanka ah ,in muda ahna durka ugu jirey inay alshabaab ka xoreeyaan magaaladoodii waxan leeyahay hambalyo. midan kale ee madaxweynuhu uu ku leeyahay wa in anaga nagala dambeeyaa maamul u dhisida kismaayo ,ma waxa uu iloobay waxa dastuurka fedralka ku qoran ,kaas oo ah in dowladan ay tahay fedral system qolo walbana ay iyada tahay inay maamul ay ku mideysan yihiin soo dhistaan dadkuna ay raali isaga yihiin ,ader goofkaaga wad joogtaa kumana banaana inaad kismaayo aad ka hadasho .hadii kale waxanu ku arkaynaa dameerkii iska ciyey kkkkk
Aadbaan ugu faraxsanahay in aan yeelannay raysulwasaare cusub oon ku meelgaar ahayn, aadbaan ugu faraxsanahay in PUNTLAND ay soo dhawayso raysulwasaaraha cusub ee madaxwayne xassan uu soo magacaabay kaasoo aan filayno inuu noqon doono ninkii soomaali u baahnayd haddaysan wadadu ka qaldamin.
TALO SOO JEEDIN:
DOWLADDA SOOMAALIYA:
Talada haddaan lawadaagin wax ma saxmaan soomaali hawada tashato
waxaan kula talinayaa madaxda cusub inay ogaadaan in dadka soomaaliyeed ay isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal.
1. inaanay boogaha damqin.
2. waa inay ka dheeraadaan eexda iyo nacaybka.
3. Waa inay kadheeraadaan qabyaaladda iyo caddaalad darida, iyo
4. Waa inay kadheeraadaan wax walba oo keenaya in halkii lajoogan sanado kahor dib loogu laabto.
PUNTLAND:
waxaan kula talinayaa madaxda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee puntland inay ogaadaan in ummadda soomaaliyeed isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal u halgama sinnaanta iyo caddaaladda.
waxaan idin oran lahaa waad ku mahadsantihiin sida aad isugu howsheen in soomaaliya ay dowlad aad ka midtihiin yeelato, waxaad ku dadaashaan
1. puntland waxaan ka codsanaynaa inaysan soomaaliya ka go’in.
2. in ay u dulqaataan waxwalba oo khalad ama is fahan waa ah oo uga yimaada madaxda cusub.
3. in dowladda soomaaliya ay kala shaqeeyaan sidii dalka dib loogu dhisilahaa.
4. in soomaalida ay ka caawiyaan in maamuladooda ay dhistaan iyagoo madaxbannaan oon lagu samayn wax faragalin ah.
5. in ummadda soomaaliyeed ee ay dib u dajinta siiyeen ay sii hayaan lana dadaalaan.
6. in dastuurka iyo sharciga ay il gaara ku hayaan si dalku aanu dib isugu dhexyaacin, maxaa yeelay wixii lagu heshiiyay haddii laga bayro waxbaa qaldama.
SHACABKA SOOMAALIYEED
Shacabow RABBI utoobad keena, kana tuuga in dal iyo dad midaysan uu nasiiyo oo barwaaqo iyo horumar ku jira inta adduunka ka dhimman.
FG:
Waxaan ogaysiinlahaa soomaalida arimo dhowr ah:
B. ogaada soomaali waxa halkaa ina dhigay waa caddaalad darro aan inagu dalbanay, hadii aanan caddaaladda baadigoob ugu dhaqaaqinna sidan kama baxayno.
T. soomaali muddo badan ayay wax inaga qaldanaayeen sidii loosixilahaana waa adkaatay, mar haddii maanta aan heshiinay helnayna dowlad aan ku meelgaar ahayn waa inaan dhowrnaa wixii soomaali ku heshiisay, ku dadaalnaa midnimo iyo isku soodhawaansho wanaagsan.
Mahadsanidin
ASALAMUCALAYKUM W. W. B.
Dadka ku haya Madaxweynaha Iyo raisal wasaraha waxa ay ka soo wada jeedan Galgaduud, maxay yihiin ayaga, i mean kuwa ka yimi Kilinka shanaad, north eastern iyo Puntland maxaa ka hadlinaya ayaga AMA maxey tahay sababta ay dadkaas ay isku xijineysaa gobilka kaligood… Dadka waa ku filan yahay goblalka ee afxumada iyo af lagaadada joojiya
Kkkkk ala maxaa la qayliyay. Adeer waa xaqiiq oo ninkasta isaga ayaa gurigiisa maamul usamaysanaya lkn cidi kaa yeeli mayso adioo leh sidaas hadana aniga ayaa maamul u sameenaya dad kale. Hadii yiraah maamul goboleed ayaan dhisaynaa inta ay ka daganyihiin ha maamushaan anigu dhulka aan daganahay anaga ayaa maamuanayana. Afmadaw oo 150km ujirta kismaayo hanoo soo dhaafina. Hadaad diidaan cirka soo gooya adinka iyo kenyaankuba
Hadaad rabtid in aad bulsho baratao. Ugu horayn fiiri qaabka dawladnimo oo ay ku dhaqmaan. Yacni noole kasta noociisuu dhalaa. geel lo ma dhalo. Dadka cilmiga fakarka barta waxay isku raaceen sida u waasho qof u dhar dhigo. In bulsho dhan u waalan karto. Sidaa imagine dhacday bulshana waxay ku wada socoto waxaa ugu fiican xisaabtan xaqiiqda ku dhisan. Xoogu bulsho isku haya mar buusan shaqayn. Xiisahuna waa dhamadaa. Xalka ugu fiican mudo shaqeeya waxaa la isku raacay xeer xisaabtan dhab ah ku yimid. Tusaalooyin. Serbia waxay Balkan ka talinaysay boqolaal sano. Xoogay qaranimada ku ilaalin jireen waxaan nacayb ahayn ma keenin markii xaagii dabac galayna waa lakala tagay. Mid kale wadanka Canada iyo Belgium bulshooyinkaas iyagoo in kabadan Yugoslavia kala af iyo dhaqan ayaa kala kaxayn kastaa fashil ku dhamaata sababtu waa xal xaqiiqa ku dhisan.