Ra’iisal Wasaaraha Kenya Oo Uga Warbixiyay Baarlamaanka Dalkiisa Halka Uu Maraayo Howgalka Soomaaliya Ay Ka Wadaan
Nairobi (RBC Radio) Ra’iisal wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga ayaa hortagay baarlamaanka dalkiisa, isla markaana uga warbixiyay howgalka ciidanka Kenya ay ka wadaan Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha ayaa u faah-faahiyay baarlamaanka Kenya dhaqaalaha QM ay ku siiso ciidanka Kenya howgalka Soomaaliya, maadama toddobaadkan ay qabsadeen magaalada Kismaayo oo ahayad magaaladii ugu weyneed ee gacanta Al-Shabaab ku hartay.
Wuxu yiri Kenya waxa ay si rasmi ugu biirtay howgalka AMISOM oo ay taageerto QM bishii January balse si rasmi ah loo aqoonsaday bishii August ee sannadkan, isla markaana waxa ay kiibirtay AMISOM ee July.
Wuxuu yiri howgalka ciidanka Kenya ay ka wadaan Soomaaliya ilaa hadda waxa lagu waayay 17-askari oo shan ka mid ah la la’yahay.
Kenya oo hadda si rasmi ah ugu mid ah howgalka AMISOM , iyadoo baarlamaanka dalka Kenya ay ansixiyeen bishii December 2011-ka.
Wuxuu yiri “ Howgalka aan ka wadno Soomaaliya waxa nagu qasbay markii Al-Shabaab ay soo weerartay xeebta iyo gudaha dalka Kenya, halkaasoo ay dilal geesteeyn.
Wuxuu kaloo u sheegay baarlamaanka dalkiisa markii uu howlgalkaas bilowday waxa yaraaday qatarta ka immaaneysay Soomaaliya.
Baarlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay in markii howgalka Kenya ay ka bilowday Soomaaliya waxa aad u yaraaday dhaqaalihii Kenya ka soo gali jiray dalxiiska, waxana ka sii horreeyay weeraro iyo afduubyo ka dhacay halkaas.
Kenya waa markii ugu horreysay ee howgal meel ka baxsan dalkeeda ay ka sameeso, waa markii ugu horreysay ee ciidanka Kenya ay guda ugalaan wadamada dariska mid ka mid ah.
Ciidanka Kenya waxa ay hadda ku sugan yihiin magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay isaga baxday Al-Shabaab.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi












[...] Read More: Ra’iisal Wasaaraha Kenya Oo Uga Warbixiyay Baarlamaanka Dalkiisa Halka Uu Maraayo Howgalka Soomaal… [...]