Raxanreeb.com oo Xafiis Cusub ka furatay Magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Minneapolis, MN (RBC): Waxaan marka hore salaan aad u qiimo badan qormadda ugu  marinaynaa dhamaan dhageystayaasha iyo akhristayaasha bogga Raxanreeb (RBC Radio) ee kula baahsan dhamaan dacalada Dunida, waxaana idiin sheegaynaa  inaysan socoteen howshaan idinka la´aantiin . Sababta oo ah caalamka aanu ku nool nahay haddii la dhiso ama la furo noocayada kala gedisan ee meheradaha ama xirfadaha sida (Ganasiga Dukaamada, Hoteladda , Makhaayadaha, Telefishanada , Radiyaalka, Joornaalada , Tiyaatarada  iyo kuwo kale oo badan ) waxaa hubaal ah haddii aan loo helin macaamiil ama dad joogto ah oo ku xiran una muujiya taageero joogta ah inaysan soconeyn oo ay xirmayaan, taas waxaa dhinac socota bedelkeeda inuu niyad jab ku imaanayo shaqsigii ama kooxdii meherada ama hawsha u sare kacdey !. Akhristayaal iyo dhageystayaal waxaad noo muujiseen taageero iyo dhiiri gelin joogta ah taas oo nagu kaliftey in aa naan marna ka caajisin hawsha iyo shaqada aanu u hayno guug ahaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Warbixin guud akhristayaasha Raxanreeb.

Sida aad la socotaan mudadii uu shaqeynayey Raxanreeb.com waxaa aad u soo kordhayey akhristayaal iyo dhageytayaal aad u tiro badan , kuwaas oo ka soo kala booqanaya dhamaan dacalada ama Qaaradaha  dunida aynu ku nool nahay .Haddaba maamulka RBC waxa uu qaadey talaabooyin badan dhawr jeer kuwaas oo ahaa inuu kor u qaado mar walba sever-ka Bogga ama Website-ka si mar walba aysan akhristayaashu ama dhageystayaashu u waayin ama culays uusan uga noqon, maantana waa ALLe mahadiis. Sidoo kale inuu kordhiyey Xarumaha iyo Goobaha sida ( Muqdisho, Boosaaso, Hargeysa, Nairobi iyo meelo Qaarada Yurub ah) iyo inuu mar walba soo saaro weriyayaal Tayo iyo Aqoon wanaagsanba u leh warbaahinta ,Weriyayaashaas oo maalin iyo habeenba u taagan inay ka  haqab tiraan dadweynaha baahida wareed ama xaaladaha isbedelka badan ee ka jira Soomaaliya iyo Dunida kaleba.Waxaa kaloo jira Aqoonyahano ,Siyaasiyiin, Weriyayaal iyo waxgarad kale oo ah Tiirarka ay ku taagan tahay RBC oo qayb lixaad leh ka qaatey shaqada iyo horumarinta warbaahineed, taas oo aan marnaba la hilmaami karin.

Shaqada iyo waxqabadka xafiiska Minneapolis ee Gobolka Minnesota

RBC Radio
1007 E Franklin Rd
Minneapolis MN
Tell [612] 615-9556

Xafiiskan wuxuu ka shaqeyn doonaa dhinacyada isku-xirka iyo horumarka Bulshda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ha noqoto dhinacayada Ururada(Community) kala gedisan( Kuwa adeegyada Bulshada ka shaqeey, kuwa Dhalinyaradda lagu dhiiri gelinayo (Ciyaaraha), Kuwa goobaha Waxbarashada Iskuulada iyo meelaha waxbarasho ee kale , kuwa Caafimaadka ka shaqeeya, kuwa ka hortaga dhaqan-xumadda Bulshada iyo dhamaan  meelaha kale ee Bulshada laga horumariyo ee  ka dhisan Gobolka Minnesota.

Xafiiska RBC  ee Gobolka Minnesota waxaa uu dhawaan daah furi doonaa joornaal cusub oo la yiraahdo “The Somalian“  kaas oo mid noociisa oo kale ah ku cusub qeybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaliyeed waxaana oo uu loogu talagaley Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota.

Xafiiska RBC waxa kale oo uu kala shaqeyn doonaa dadweynaha ku nool Qaarada Waqooyiga Ameerika sidii ay u heli lahaayeen xayaysiin aad u sareeysa dhamaan dadka ama kooxaha haysta meheradaha Ganacsi ee kala gedisan sida ( Dukaamada kala gedisan, Maqaayada , Xawilaadaha iyo ganacsiyada kale), ayadoo loo balan qaadayo farsamo sare  iyo qiimo dhimis fiican.

Booqo

Raxanreeb.com
1007 E Franklin Rd
Minneapolis MN
Tell [612] 615-9556

 

Share

4 Responses for “Raxanreeb.com oo Xafiis Cusub ka furatay Magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota”

  1. Cadaado says:

    Congrats Raxanreeb, keep up the good job and wish you success.

  2. WAAD GUULEYSATEENE GUUSHA ALLAHA IDIIN SII KORDHIYO, AMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN

  3. Haad says:

    Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo!

    Waan ku faraxsanahay in aad shaqadiina balaarisaan. Xafiiska cusub waan tagi doonaa oo soo bookhan doonnaa Insha’Allah.

    Anigu Minneapolis baan joogaa meesha xafiiska aad ka furateenna 20-30 minutes drive bay ii jirtaa.

  4. HANBALYO HANBALYO WAAAAA GUUUUUUUUUUUUUUUL WAYYN RAXANREEB AAD AAD YAAN WARKIINA IYO FIKIRKIINA IYO BARNAAMIJYADIINA AY UYIHIIN KUWO TAYO LEH XAFIIS KANA LUGTAAN SOO GALINAYAAH IGAMADHEERA DAR DAARAN KU SOCDA WABKA RAXANREEB WAR DHAX DHAXAADA SUGAN OO AAN BEEN LAHAYN DAACADNIMO WADANIYAD BAKHAYL LOOMA GARGAARO BEEN NA MAAHA WAA WAX SUGAN CODSI CODSI CODSI DALKA BARASHADIISIYO SAWIRADII SOOCELIYA MEELAHA DALXIISKIYO QURUXDA NOOBADI BIGJAR WACAN KASOOQAADA UBADKA NIYADIISIYO DAL IN UUJIRO DAREENSIIYA DAALO IN AY RAACAAN IYO DALXIIS AAN USHEEGNEEH SAWIRKA NOOBDIYA GUUL GUUUL RAXANREEB

Leave a Reply