Raysal Wasaaraha Oo ay La socdaan Golihiisa Wasiirada Oo La Horgayn Doono Baarlamaanka
Muqdisho (RBC Radio) Iyadoo madaxweynaha Soomaaliya dhowaan uu magacaabay raysal wasaare cusub ayaa hadana waxaa haatan soo baxaya warar sheegaya in Raysal wasaaraha iyo golihiisa wasiirada isku mar la hor keeni doono baarlamaanka.
Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in haatan madaxweynaha Raysal wasaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ay ku howlanyihiin magacyada golaha wasiirada cusub.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in haatan intooda badan ay diyaar yihiin xubnaha ka mid noqonaya xukuumada cusub ee Soomaaliya ee laga sugayo in uu soo dhiso Raysal wasaare saacid.
Raysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo golihiisa wasiirada ayaa isku mar hor tagi doono baarlamaanka Soomaaliya sida la sheegay si xildhibaanadu ay codka ka soonida u siiyaan.
Dastuurka Soomaaliya ayaa qaba in Raysal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada oo isku duub ah in la horgeeyo baarlamaanka si ay u helaan codka baarlamaanka ama ay u waayaan.
Xubnaha ka mid noqonaya xukuumada cusub ee Soomaaliya ee wasiirada ayaa intooda badan waxay noqon doonaan xubno ku cusub siyaasada Soomaaliya sida ay sheegayaan wararka aan helnay.
Waa markii ugu horaysay Raysal wasaaraha iyo golihiisa wasiirada oo isku duuban la horgeeyo baarlamaanka tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho















[...] More: Raysal Wasaaraha Oo ay La socdaan Golihiisa Wasiirada Oo La Horgayn Doono Baarlamaanka [...]
Madaxwenaha iyo gudoomiyaha barlamaanka maxaa ka galey soo xuluda goloha wasiirada?
Sharci meesha ma jiro!!!!!
Wa run shaqada wa lakala leyahay
Mudane Raysal Wasaare kheyr Allaha ku siiyo waxaan kaa sugaynaa in aad naga saarto kana hortimaadid fikirka Amxaaradu keentay ee ah Federalka si naloo qeyb qeybiyo deetana Qaybana loo goosto Qaybana loo xukumo oo loo dulleysto. Dadbaa Federal, Federal ku waashay waana hal koox oo qabiil ku saleysan, marka waa in Deegaanada dib u habeyn lagu sameeyaa kadibna Federaalka Afti dadweyne loo qaadaa. Sida hada Deegaannada qaarkood ay yihiin oo aysan isugu dheelli tirnayn waa in wax laga badalaa marka hore inta aanan Tillaabo la qaadin.
Waxaan ahay dadka laga badanyahay ee Puntlad kunool oo leh laguna dulmo maalin kasta oo xaqooda meel looga dhaco. Hadii sida ay xaaladu tahay Federal nalookugu sii daro, hade Waxaa loo daneeyay qabaaillada waaweyn oo had iyo goor dulmi ku haya qabaaillada yaryar ee ay wada dagaan.
Sidoo kale Mudane Raysal Wasaare waxaan codsanaynaa in aadan ka labo labeyn in aad noo fuliso hamigeena iyo barnaamijka ah in Puntland lagu sameeyo Reform ama Restructuring dhinaca Dhulka ah si la isugu dheelli tiro saameynta ay qabaaillada dhulkaas wada dega isku yeelanayaan loogana hortago in qabaaillada waaweyn ay ku tuntaan xuquuqda kuwa yaryar. Sida dhabta ah qabaaillada Puntland degan ee looga tiro badanyahay farac ahaan loogama tiro badna ee waxay qabiilladaasi ku kala baahsanyihiin degaan ahaan Soomaaliya oo dhan, Koonfurtaba ha u badnaatee.
SIDAAN IN LA SAMEEYAA ILA HABOON MUDANE
Mudane Raysal Wasaare,Si Qabaaillada Puntland dagan ay isugu dheelli tirmaan, sidaan ha la yeelo;
1, Ha lala tashado qabaaillada muhiimka ah ee Puntland looga badanyahay ee aan ku qanacsaney sida hada ay wax yihiin. Runtii iyagaa mudo waday inay Socially iyo Geographically-ba Reform ku sameeyaan Puntlandta maanta oo siyaasadii iyo dhaqaalihiiba hal qabiil isku koobay.
2, Gobolka Nugaal ha lagu daro Khaatumo State. Sidaas daraadeed, Sool iyo Nugaal kaliya ha Noqdeen Khaatumo State. Dhulka Khaatumo oo aan reebay waxaan ugu talo galay (Marka Sanaag laga reebo) in ay halkaas Iyaga iyo Awdal State la isku laro si ay awoodoodu u le’ekaato gobolkii Somaliland la Oran jiray waqtigii kumeel gaarka hadase sidiisii hore ee wakhtigii Maxamed Siyaad Barre (AUN) ku soo noqday maadaama Barisamaadkii hada dib loogu noqday oo aan kumeel gaar iyo ciyaar ciyaar ka baxnay.
3, Labada Gobol ee Bari iyo Sanaagna ha la isku daro si Boqortooyadii Cali Shire bal mar kale usoo bidhaanto taasoo runtii aheyd mid dalkeenna qaybtaas Bari iyadu waligeed ka kobcin jirtay Dhinaca Ammaanka iyo Dhaqaalaha hadase markii rageedii cid kale ku aamineen ay Goboladaasu noqdeen meel Amxaaradu hilibka Cayriin ku cunto Biirtana ku dhanto.
4, Labada Gobol ee kala ah Mudug iyo Galgaduudna ha la isku daro. ( Galdogob, C/Waaq, Cadaado, iyo Baraxleyna Hobyo ha ka sameysteen Deked hana ku heshiiyeen illeen ma kala adkee). Haday reer Baraxley Hobyo sheegtaanna don’t worry, sheeko baraleeydii Cali Yuusuf baa Hobyo ka talin jiray aheyd baa la ciyaarayaa intaasina Dood ugu filan labada ciidan ee Gaas-Dhagoole iyo Birqalax.
Mudane Raysal Wasaare Markaad sidaas yeesho kadib Federalka afti dadweyne u qaad si aan u aragno cidda Diida iyo cidda yeesha.
talo, tusaale, xurmo iyo wada shaqeeyn ayaa ka galay.Ee idinka maxaa idiin uray mise kuwa aan waxbo maqlin waxna arag waxna aqrin waxna qorin ee wax uriya keliya miyaa ka mid tihiin. Somali kuwaas ayaga ayaa dib u dhigay
kkkkkkkkkkkkk puntlander waad iga qosalsiisay raisalwasaraha isagaa tiisii haysataa oo 4ta sano hadiiba loo daayo xamar aan kasoo dhamaanayn waxaad rabtaa dadka majorityga ku ah putland in lakala qayb qaybiyo siaad adigu u noqotid majoratiy laakiin taas ilaahbaa baa baxsha oo saacid oo aan wali baarlamaanka hortagin waxba haka sugin laakiin tale kale ayaan kuu hayaa faroole halagu taagero arinta xisbiyada beelaha laga tirabadan yahayna 1 xisbi hasamaystaan xataa hadii xukun ay wayaan ,ninkii ay codka siiyaan ayaa soo baxaya oo beelaha hada ah majaroty waa kala qayb qaybsamayaan oo nin walba xisbi ayuu furan markaas beelaha laga tira badan yahay gorgortan hala gelaan xisbigii ay dantooda ka arkaan.
hadal lama dul saarnaado kkkkkk waxu waxuu u hadlayaa sidii nin la hayste ah oo kale waa ciilqab kana hadlaya caloosha markaad sii fiiriso waxuu yiri inan gumeed baan ahay siduu isagaba sheegay mise qolooyinkii baad tahay ha is qarin ducuf yahow aan ku ogaanee ahdii lagu ciilay noo sheeg qoladaada aad ku sheegtay in lagaa tira badan yahay ogoow buntuland waa federaal ku seexo qalbigana u sheeg
waar waxaan xun jaahilka ah ee wax aan islahayn isku dhoobdhoobaya ma xuu ahaa.soomaalia inay qaadatay nidaam federal ah ee aduunku ku dhaqmo,waa wax maanta la wada ogyahay{draft} ayaa meel walba yaal aduunkuna maanta waa global.saacid caashana waxba ma badalikaro,ee waxaad waydiisaan dhulii mareexaan degi jiray mee?
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kani waa mid aan tullo iskaa daaye xataa hal cariish soomaaliya kuma lahan ee waxa uu rabaa sheeko qaaad iyo mirqaan inuu uiskaga hadlokkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
ASC Ugu horayn wax la yiraahdo tiro badni meesha iigama muuqato laakiin waxaa iiga muuqata Amxaaro ku tiro badsasho maxaa yeeley Reer PLand isma tirin weli mudo 22 sano ah tiro koob ma’uusan dhicin hadii la leeyahay Kurdiyiin ayaan nahay oo waa tiro badanahay waxba teri meyso waxaa loo baahan yahay waa Dadnimo iyo diin ku saleysan caqiido laakiin looma bahna tiro badni ku saleysan Amxaaro libinteed iyo in aad hilibka naagihiina ee ceeriin aad siisan Amxaro. Mida kale waxaan soo jeedin lahaa dadka isku haysta maanta PLand waa dadkii meesha aay maanta mareyso dhigey PLand khaatumo xumana badey marka waxaan oran laha bedel kadeg boqortooyo maahan meeshu dhaxaltooyo maahan meeshu, hadaad tiro badan tahay diinta ku difaac haku difaacin dastuurka Amxaarada, guushuna waxeey ku danbeyneysaa dadka caqliga lehna ogyihiin dadka aad ku magacowdeen in laga tiro badan yahay insha’allaah sc.
Puntlander waa talo macquul ah habaka timaado qof cuqdad qabe,e
sabab too ah feedaralku waa wax larabo in awoodda soomaaliyeed lagu wiiqo oo ayaga laysku mashquuliyo
puntlander ninka sheegtay adeer nacayb qabiil baa kaa urahaya lakiin kaad baryeysid iyo adigu waxaad wax kaqaban kartan mahan laakiin adeer waan kuu nasteexaynayaha cuqdad iyo cadaab aakhiro ha isku darsan
wax federal layiraa majiraan federalna waxaa raba kaliya. haduu wax isku haayo madaxweyne soomaaliyeed hasoo tartamo shacabka soomaliyeedna taageero haka raadsado waan ognahay soomalia nin xoogle. ayaa ku nool dadka laga tirada badan yahay intey kasoo gelaayaan maamulka soomali oo dhan idinka ayaa isnacsiiyay dadkiina raaca xamarna imaada xilka madaxdinimada utartama hadaad guuleysatiin waa idin taageereeynaa walaalaheen soomali ayaa tihiin lkn putland waxaan u.qaan . ileen inta kale xoog ayaad kumaa mushaan .
@puntlander
dacaayadiiste beenaale xaqiir ah oo nolosha iyo horumarka reer puntland u quuri waayey ayaad tahay ciilka ku hayaana wuu ku haynayaa ilaa yowmul qiyaamaha illeyn xasad dawo malahae
dadnimadu waxay ku jirtaa in qofka aad tahay sheegatid kolley ama dheere khaatuma seeggii meelahaan ka barooran jirey baad tahay ama mooryaan xun oo xaaraan ku naaxae maad is caddaysid
raisul wasaaraha aad sheegeysidna yaaba wax u og xaggeese xukumaa bal haddii uu kuu awoodo qarasta ha kaa miiro iyo murugada kaa buuxda
puntland iyo dadkeedaba ilaahow dhawr
Ku: Jugsodhacay
Ninka aan isku degaanka nahayow, waan ku salaamay saaxiib. Waxaad isoo xusuusisay habartii reer Yurub ee markii la yiri Africa gaajaa loogu dhimanayaa tiri, “May Keeg cunaan?”
Walaal waxaad iila muuqataa nin aan wax badan ka warqabine, bal aan isku dayo in aan wax yar kaaga bidhaamiyo xaaladu sida ay tahay.
Arrinta Xisbiyada ee hadda Puntland laga wado magac ahaan way u qurxoontahay laakiin wax ay xaalada hada iyo nidaamka jiraba ka badalayso ma jiraan. Aniga iyo beesheyda yartaa xisbiyadu waxba usoo kordhin maayaan. Dulmanayaal unbaan iska sii ahaaneynaa. Markii uu xisbi abuurmo, 5tii ruux 4 kamid ah waxay noqonayaan reerka meesha u badan halka soo harayna ama waa beesheyda ama waa beel kale. Maadaama marka Puntland dhexdeeda la isku doorto ama la isku dooranayo sida loo kala qaraabo iyo ehel badanyahay, way adagtahay in axad beesheyda kamid ahi uu tallaabo horay u qaado.
Inta ay Puntland sidaan tahay, dadka laga badanyahay culays ka yaraan maayo dhab ahaantii. Waxaan xisaabiyay xilliga ugu dhow oo uu axad beesheyda kamid ahi Puntland Madaxweyne ka noqon karo ama Madaxweyne ku xigeen. Waxaa iisoo baxday waligeed inaysan dhaceyn kkkkk. Kaliya waxay ku dhici kartaa hadii Dhulka iyo Dadka Reform lagu sameeyo. Waa tanaa sidii ay wax iila muuqdeen;
Markii Puntland la yagleelay ilaa iyo hada qaab baa jiray ay wax u socdeen. Sida ay wax u socdeen daraadeed, waa in reero, beelo, iyo qabiilooyin badan ay marka hore xilka Madaxweynenimo iyo xilalka muhiimka ah soo qabtaan inta aan beeshayda loo imaan maadaama lagu tirinayo kuwa yaryar. Kow Waxaa la galay jawi la yiraahdo Maxmuudi. Waa khad aysan soo gali karin cid aan reer Maxamuud aheyn. Maxamuud atmosphere waxaa lagu bilaabay marxuum C/llaahi Yuusuf (AUN) oo matalayay reer Cumar. Kadib waxaa loo gudbiyay Cadde Muuse oo matalayay reer Cismaan. Kadibna waxay usoo gudubtay reer Ciise oo uu matalayo C/raxmaan Faroole. Waxaan isweydiiyay, Goormaa jawiga Maxmuudiyada ah laga baxayaa? Waxaa iisoo baxday in ay adagtahay in cimiladaas laga boxo maadaama ay reer Cumar hada kadaalinahayaan oo ay raagsadeen inay xilka dib ugu soo noqdaan. 8 ama 10 sano Waa ka wakhti dheer xagooda Intaas ka badanna ma sugi karaan. Cismaan iyo Ciisana waa la mid oo 8 sano ka badan Xilka lagama maqnaan karo.
Umuuraha Eebe lagama quustee waxaan is iri hadiiba Maxmuudi era laga gudbo soo beeshayda yartaa wax usoo dhawaan mayaan? Anigoon haa iyo maya dhihin baan tiro ugu dhaqaaqay; Hadii ay mucjiso dhacdo oo ay reer Maxamuud soo dhaafto waxaa ku xiga reer Saleebaanka kale sida, Cali iyo Ugaar. Hadii ay kasoo gudubtana Waa reer Ibraahiim. Markaan Harti kor oga baxay oo ay ii dhimanyihiin qabiilooyin waaweyn oo gaar ah sida Tanade iyo Yuusuf, baa waxaa iisoo baxday in shaqsiga beeshayda ah ee ugu dhow oo Puntland Madaxweyne ka noqon kara uu yahay jiilka 33aad ee aniga iga dambeeya. Waa dhowr qarni. Maxmuud era kaliyaan 15 sano ku jirnaa, walina iyaga unbaa hada tartanka wada.
Ayaantii reer Khaatumo galbadeen baan maalin qoslay. Waxaan niyada iska iri, “Hadiiba qeybtaani tagtay soo Waiting List-gii Madaxweynenimada beeshayda usoo dhawaan maayo?”. Walaal Jugsodhacay heerkaasaan maraynaa adiguna Xisbiyo ha la taageeraad leedahay. Arrinkaagu waa Keeg ha la cunodii habarta reer Yurub. Aniga, Beesheyda, iyo beelaha yaryarkaa oo dhan waxaan sugaynaa Ilaahay iyo Raysal Wasaare Saacid, waxaanna dalbanaynaa Reform rasmi ah oo lagu sameeyo Dhulka iyo Bulshada Puntland.
Codsi
Jugsodhacay sxb maahmaahdaa ila gashay Habarta reer Yurub ee xumaan kalama jeedo. Hadii aad dhibsato maahmaahdaas sorry! Hadii aad reer Mudug ama reer Galgaduud tahay kaliya unbay ku dhibaysaa. Waxay dhahaan, “Nacallaa kugu yaal rag aqoon xumaa, ma naagbaa/habarbaa wax rag loogu maahmaaha ah.”
waxaan umalaynayaa hadii labdan masuul meel fog iskamariyaan wax sixun usheeg iyo dulmi doon doqon QABIIL KUQAWLAYSTA oo haysta moryan udheganugul geerida xaqdarada ah iyo goblaminta hooyo iyo aabe somaliyed iyo munaafaq kudhuunta caasimada iyo cirifyada dalka oo halkaas kasoo afuufa dabaysha dulmiga iyo qabyaalda cilmieedka lamoodo muwaadin u ololeeya xaqiisa ama looqaadan karo in uu u ololeeyo siduu xumaan iyo cagajugleyn wax loogusiiyo intaas iyo fekerada shisheeye ee doorsoon haday kahor istaagaan dalka iyo dadka somalied oo ay ilaahay talada saartaan oo hoos iyo korba loo xiriirsho bulshada walaalaha ah ee lays wada suray daacad iyo dulqaad caadifad iyo cuqdadi kadheertahay looguwada shaqeeyo waxaan hubaa in ay umadu kabad baadi doonto hadimooyinka iyo jilaafooyinka caade qaate yaasha somaliya kala irdheeya oo kala qoqobayna DIGNIINTOOSA OO AAN BARYO IYO JIXINJIX LOOMUUJIN OO DUNIDANA LATUSO IN LAGAARAY WAQTIGII UU DHAMAADAY DHABCAAL NIMO IYO SIYAR OO KOOBAN U FEKERE IN LASOODHAAFAY OO SOMALI MARKALE DAWLAD NOQOTAY CAASIMADANA DEGDEG LOOGU SOODHAWEEYO DADKII KACARARAY EE SOOMAALIYEED DAGALKII MUGDIGA IYO DHIIGA EE LAGUWAAYEY DAD IYO DUUNYO IYO DALBA EE UU WADA EEDAY SOMALI
Bravo Puntlander. Iska dhici kuwii laaftaada yar kugu liidaan. Cadkaaga hadaadan goosan, balaq xataa laguuma soo tuuraayo.
Waxa aan kala dooraneyno dhab ahaantii ma ahan federal iyo dowlad dhexe, ee waa inaan noqonno dal mid ah oo qaran ah iyo inaan dowlado yar yar oo qabaa,illo ku saleysan kala noqonno. Amaba aanan waxba noqon,sababtoo dowladahaas yar yar ma wada najaxayaan.
Federalku waa fowdo iyo is qab qabsi hadda iyo kow ah mana shaqeyn karo. Laakiin waxaa gadaal ka riixaya dowladaha somaliya deriska la ah iyo soomaalida qaarkeed oo loollanka awooddu uga muhmsanyahey dalka aayihiisa.
Ama isagaa meesha ka baxaya ama Soomaaliyaa meesha ka baxeysa. Wax ka dhaxeeyaa ma jiraan.
Horaa looyiri Xukunkaaga Waxa Suuliya Sadex Arimood.
1) Gacmo Laaban. ( Waa Bakhaylnimo)
2) Gar Leexsan, (Waa Cadaalad Daro)
3) Go, aan Jilicsdan. ( Waa Nin aan Go, aan Lahayn.)
Hadda waxa Kamuuqata Masuuliyadda Madaxweyne Xasan Shiikh, Jileec Badan.
Sidaa Daraadeed Filimaayo inay Wax Badani isbedeli doonaan. Somaliya. (Halla Eego,)
horta ninka wata puntland iyo ninka wata jugsodhacay@ aan midba mar sikooban ugu jwbo ninka wata puntland ninka iska ciyaaraya ayaad tahay oo wax xikmad ku jirto ku hadlin ninka wata jugso dhacay@ abto majority aan ku soo cel-celisay hal aya laga yiri maanta reer khaatumo iyo reerka haya xukunka puntland waa labo qabiil oo is le’eg sidoo kale warsangali ama reer maakhir ama leelkase kama badnidin ee waxasu waa faan dumareedkii la idinak bartay anigu ma jeclayn inaan ku jawabo balse runta laga fursan maayo hadii la isa-sii qod-qodo sheekaduna waxay kuso aruraysa garowe iyo qardho marka 2012 jiraa ee warka badan iska daya hadii kale toosh aya la isku ifin dona
kkk war ileen haduu hadal xikmadu ka dhamaato wa sidan? kkk ninka wa puntlad aad ban ugu qoslay waxana kala garan la ahay inuu yahay reer garowe ciyaar wada iyo inay daacad ka tahay waxa uu sabuuradii ka buuxshay
@puntlander waa iga qoslisay waa wax aan soo dhawaynayo in qof dareenkiisa sheego. Ogow xuquuqda qofka xukun kaliya maahan. Somalia meelo ka mid ah xuquuqda aas aasiga ee aadanaha ayaysan haysan. @ faratelo is fiiri adigu inta aadan ugudbin dadka kale. Khilaaf, nacayb iyo dib u socod nimadaada waxay dhashay xerada inoo qaybi. Yaa Xamar Wayne iyo cabdicasiis dhulka dhigay ma amxaaro? Madafiicdii la dhigay jidka warshada 1992 ee lagu jeediyay xaafado magaalada ka mid ah burburka ay sameeyen Ethiopian iyo Maraykan mid a masamayn. Dowlandaan ay maanta Hawiye Action Group hogaanka u hayaan horumar iyo dad isku wad ka sugi mayo. Wax walbana inay cadaadan maalmaa naga xiga
qaranimada aan taageerno ayada ina deeqdee qabiilkana yaan wax laga sheegin yaanan lagu qaraaban labaduba way reebantahay ogaada dhalinyaro mida kale aan idin xasuusiyee hadii nin reer qansax la doorto reer qansax imisa ayaa ka soo gaaraya xilkisa oo dheef ah ?
puntland yarka wata -xun baa tahya meesha isfaaninta iyo munafaqaynta kala tag orod garowe soo qaado been badna wuxu ma somali aya laangaab isku sheegta oo dhahda ana laangaab ah mid walba wuxu isku haysta waxay balo ka dhacday e kkk sxb filmka waa lagu fahmay ee reerkan aan noo faaninayso waan naqaana hadaad rabto inaad beel xayaysiiso wado kale soo mar ana laangaab ah caqli maahee
@puntlander
Adeer wlhi dadka waad ka qoslisay good job waana arrin loo baahan yahay in wax laga qabto,dadkana waxaa ugu xun qofka xantama ee aan mowqifkiisa gudbisan karin inta aad ka hadashayna dhammaan waa wax jira. Xaqiiqiyan waxaa tahay waxgarad qof kasta oo reer puntland ahna waa oo sidaada waxgarad ahna waa ogyahay inay arrintaasi jirto balse wax kaqabashadeedii inyar ayaa Ku howlan oo aan anigaa Kula hadlaya kamid ahay,markaa waa soo dhow yahay isbeddelkuye ha sugi waayin
Waxaadse ogaataa in dadka aad sheegtay oo aad kasoo jeeddid laga rabo inay soo xulaan qof xilkaas ka bixi Kara,ogowna waxaa la rabaa qofkaasi inuu noqdo kulli mid walba dantooda gaarka ah fulinaya dadkii uu kasoo jeedayna aan la Kala dhiman alyacni haba ugu darnaadeen qoladaan si gaar ah oo caddaaladda kafog inuu u dhaqaaleeyo illaa iyagu waa dowlad kunoole qofka caynkaas oo og inuu aakhiro naarta gelayo soo diyaariya cid taageerta oo kursiga Ku fariisisa waayi maayo e.
Qolooyinka xanaaqsan oo ninkaan puntlader maagaya waxaan leeyhay waxba cusbada ha isku kicinana ee aashiin.. Thank you puntlander halkaa ka wad.
ninka la baxay puntlander walall magaca aad sidatid iyo qaabka aad u hadlaysid waa kala fogyihiin hadalkaguna waa wax aan qaymo lahayn oo waali ah wax aad ka hadlayso waligay waxka hadla iyo wax kufakara midna ma arkin marka wax kale kuma lihiye illahay haku caaiyo
[...] wareedyo ku dhow xafiiska raysul wasaaraha ayaa Raxanreeb u sheegay in raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu xalay madaxweynaha oo Kenya ku sugnaa u sheegay in wasiirka uu si dhakhso leh uu ugu soo laabto [...]