Raysal Wasaare Saacid Oo Ka Waramay Xukuumada Uu Soo Dhisi Doono


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay xukuumada uu soo dhisi doono isagoona sheegay in ay haatan wadaan wadahadalo ku aadan sidii loo soo dhisi lahaa xukuumad tayo leh.

Cadi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in uu wado dadaal xooggan oo uu ku soo xulanayo Xukuumad awood leh, isla markana ka qeyb qaadan karta isbadelka ka dhacay Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay Raysal wasaaraha Soomaaliya hadii uu codka kalsoonida ah uu ka helo baarlamaanka Soomaaliya inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh.

Wuxuu ssheegay in si gaar ah diirada loo saari doono amaanka wadanka iyo waliba dib u heshiisiinta, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aanan loo dul qaadan doonin in amaan darida ay sii socoto.

Raysal wasaare Saacid ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay sidoo kale in xiligaan wixii ka danbeeyay laga hortagi doono musuq maasuqa maadaama Soomaaliya mudo dheer lagu eedeeyay in Musuqa uu wax weyn ka noqday.

Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa hadda sugaya codka kalsoonida in ay siiyaan golaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya si uu u guto waajidbaadka loo igmaday.

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

16 Responses for “Raysal Wasaare Saacid Oo Ka Waramay Xukuumada Uu Soo Dhisi Doono”

  1. [...] Read the original post: Raysal Wasaare Saacid Oo Ka Waramay Xukuumada Uu Soo Dhisi Doono [...]

  2. [...] wasaare Saacid ayaa balan qaaday hadii baarlamaanka uu ka helo codka kalsoonid ah, in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo wax ka qabata amaanka [...]

  3. Aadbaan ugu faraxsanahay in aan yeelannay raysulwasaare cusub oon ku meelgaar ahayn, aadbaan ugu faraxsanahay in PUNTLAND ay soo dhawayso raysulwasaaraha cusub ee madaxwayne xassan uu soo magacaabay kaasoo aan filayno inuu noqon doono ninkii soomaali u baahnayd haddaysan wadadu ka qaldamin.
    TALO SOO JEEDIN:
    DOWLADDA SOOMAALIYA:
    Talada haddaan lawadaagin wax ma saxmaan soomaali hawada tashato
    waxaan kula talinayaa madaxda cusub inay ogaadaan in dadka soomaaliyeed ay isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal.
    1. inaanay boogaha damqin.
    2. waa inay ka dheeraadaan eexda iyo nacaybka.
    3. Waa inay kadheeraadaan qabyaaladda iyo caddaalad darida, iyo
    4. Waa inay kadheeraadaan wax walba oo keenaya in halkii lajoogan sanado kahor dib loogu laabto.
    PUNTLAND:
    waxaan kula talinayaa madaxda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee puntland inay ogaadaan in ummadda soomaaliyeed isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal u halgama sinnaanta iyo caddaaladda.
    waxaan idin oran lahaa waad ku mahadsantihiin sida aad isugu howsheen in soomaaliya ay dowlad aad ka midtihiin yeelato, waxaad ku dadaashaan
    1. puntland waxaan ka codsanaynaa inaysan soomaaliya ka go’in.
    2. in ay u dulqaataan waxwalba oo khalad ama is fahan waa ah oo uga yimaada madaxda cusub.
    3. in dowladda soomaaliya ay kala shaqeeyaan sidii dalka dib loogu dhisilahaa.
    4. in soomaalida ay ka caawiyaan in maamuladooda ay dhistaan iyagoo madaxbannaan oon lagu samayn wax faragalin ah.
    5. in ummadda soomaaliyeed ee ay dib u dajinta siiyeen ay sii hayaan lana dadaalaan.
    6. in dastuurka iyo sharciga ay il gaara ku hayaan si dalku aanu dib isugu dhexyaacin, maxaa yeelay wixii lagu heshiiyay haddii laga bayro waxbaa qaldama.
    SHACABKA SOOMAALIYEED
    Shacabow RABBI utoobad keena, kana tuuga in dal iyo dad midaysan uu nasiiyo oo barwaaqo iyo horumar ku jira inta adduunka ka dhimman.
    FG:
    Waxaan ogaysiinlahaa soomaalida arimo dhowr ah:
    B. ogaada soomaali waxa halkaa ina dhigay waa caddaalad darro aan inagu dalbanay, hadii aanan caddaaladda baadigoob ugu dhaqaaqinna sidan kama baxayno.
    T. soomaali muddo badan ayay wax inaga qaldanaayeen sidii loosixilahaana waa adkaatay, mar haddii maanta aan heshiinay helnayna dowlad aan ku meelgaar ahayn waa inaan dhowrnaa wixii soomaali ku heshiisay, ku dadaalnaa midnimo iyo isku soodhawaansho wanaagsan.
    Mahadsanidin
    ASALAMUCALAYKUM W. W. B.

  4. Aribaawo dr saacid welcome ayaan ku leenahay. Reer khaatumo iyo reer gedo waa guulwadayaashii kacaanka.

    Waxba isla waayimayno. Dee xamar vila somaliya anigaa joogna wixii inaku soo dabafayliwaya hadee ariboowe alle ha saa urursho kkkkkkkkkkkkkkk.

  5. muslim Somali says:

    Dhammaan walaalaha soomaaliyeed, assalamu Calaykum, ka dib
    Waxaa dhab ah in la soo maray marxalad adag, waxaana la marayaa waqti aad muhiim ugu ah ummadda soomaaliyed. In kasta oo ay weli magac tahay, haddana waxaan leenahay dowlad soomaaliyeed oo dunidu wada aqoonsan tahay. Marka loo fiiriyo 15 sano ka hor waxaan maraynaa meel wanaagsan. Ilaah baa mahaddaas leh.
    Waxaa ku waajib ah qof kasta oo Soomaali ah inuu la yimaado waxqabad, kana qayb qaato tubta nabadaynta iyo dib usoo celintii sharafta Soomaaliya. Waxaa ugu yaraan qofku awoodaa inuu dalkiisa iyo dadkiisa u duceeyo habeenkii saqda dhexe. Waxaa kale oo wax tar wayn ah hadal wanaagsan oo dadka loo jeediyo. Tusaale waxaa noogu filan talooyinka dhaxalgalka ah ee uu soo qoray ‘WADANI XALAAL AH’. Waxaa kale oo suurtogal ah qofku inuu si toos ah uga qayb qaato dhismaha dalka.

    Waxaa reebban in la quusto oo la yiraahdo khayr ma soo socdo. Ama in la is aflagaaddeeyo oo wax laga sheego shakhsiyaad, qabiillo, gobollo IWM. Taasi waxay dib u dhigaysaa isku imaadkii iyo midnimadii.

    Ugu danbayn madaxwaynaha cusub iyo ra’iisuwasaaraha uu soo magacaabay iyo weliba xukuumadda ay soo dhisi doonaan, waxaa dhab ah in ammaankooda ay ilaalinayaa ciidamo ajnabi ah. Go’aannadooda iyo tallaabo kasta oo ay qaadaana sidaas baa loo ilaalinayaa. Waxaan ka sugaynaa inay jeexaan waddo arrintaas looga bixi karo. Ayada oo aan dagaal iyo iska hor imaad dhicin in la abuuro ciidan soomaaliyeed oo ugu yaraan amniga madaxda Soomaaliyeed lagu aamini karo.
    Sidoo kale waxaan ku qiimaynaynaa waxqabadkooda. Laakiin qabiilkooda iyo fikradahooda waxba laguma miisaami karo.
    Ilaahay waddankii Soomaaliya ha noo soo celiyo.

  6. garsoor says:

    saxiin wadani wax kheyr ayaa kaasoo yeeray ilaahay hakusiiyo waxaad ku hadashay kheyrkeeda waayo pl waxay ahyd hooyada soomaaliyeed waana meesha soomaali ka dhiman ladahay waayo soomaali isuma noola marka ishaad ka tuurtay sxb kaman daali doonto waxay waliba isha ku hayndoonta waa dastuurka iyo sid waxloomaamulo waayo waxa maskaxbadan ayaa dadkaga luntay iyo wakhti badan waan lasoconaynaa ninkasta oo isku daya inuu soomaaliya khalkhal galiya ama isku daya mahadsanid

  7. Yassin says:

    Wadani xalaal ah, arinta aad kahadleysid waa arin yididiilo leh waana arin wanaagsan , laakiin sida muuqata ma’ahan si wax ku hagaagayaan. Markaa waxaa dhihi lahaa inta Somali isu imaneyso qolo waliba meesheeda ilaahey ha ku nabad yeelo.

  8. ama ama says:

    macquul ma noqonkartaa in ay xildhibaanadu diidaan ninkaan oo madaxweynuhu ugu talogalay in la diido sababo badan oo laga sheegayo ninkaan macquulse ma tahay 57 musharax oo intooda badani si walba uga xirfad badnaayeen xag aqoon xag khibradeed xag siyaasadeed in uu uga doortay maxaa ka danbeyn kara uma muuqato dawlad tani tii shariifka ayaa si walba uga fiicnaan doonta waana la ogaan doonaa.waana burburkii soomaali ku jirtay bilowgii kala taga oo kismaayo ka bilaaban doona sida ay tani wado kadibna baydhabo iyo puntland iyo galmudug,eebow na mooti anya madiina iyo dameerka muuna.nin walow goofkaaga xagso

  9. Diirshe says:

    Jaalle R/Wasaare bal horta ha lagu ansixiyo inta aadan ka hadlin Golaha Wasiirada. Mida kale marnaba ha isku daying in Goloha Wasiirada aysan dhaafin 18, waa haddii aad dooneysid inay wax kuu kala socdaan.

  10. Fayod says:

    Darwiish Dabadhilif adiga siyaasadaadu waa: Ninkii hooyaday guudsadaba waa adeerkay! Habarta hadaa Faroole soo Furay cidadii ayadoon dhamaysan ayey galbis tahay! Waxnagu cusub maaha taasi oon waligeen waanu idin niqiin!

  11. Omar says:

    I’m very worried about HAG and the serious influence it have on our priminister’s cabinet selection process .

  12. hersi says:

    waxaa loo baahanyahay aqoonta xubnaha daladaha siday kala yihiin iyo siday isula shaqeeyaan iyo siday isu hoostagaan la socda dawladda waa machine hadii aad shaqadiisa aqon meel ma gaarayo. Dadka dawlad shaqadeeda yaqaan kor buu ka fiirsanayaa markii dawlad la dhisna waa garanaraa in ay soconayso iyo inay fadhiisandoono
    Is majuujis iyo qosol sawiradooda lagu soogalo horay baa loo arkay “qosolka waqtiga la joogo waxaa haboon in laga xishoodo”

  13. Afdhub says:

    Waa in uu ka jawaabo
    Jawaabaa waxyaabaha lagu eedaynayo oo qaadka iyo maandooriyaha kale oo lagu eedaynayo.Hana soo dhiso dawlad fiican oo kuwa diriraya iyo kuwa aan dirirayn heshiisiisa.

  14. hassan says:

    bismillah priminstarkaan cusub uma eka nin wax weyn kusoo kordhinkara madaxweynaha maxaa yeelay ma’ha nin maamul soo qabtay ama aqoon uleh arimaha dowladda (how thinks are to be done) dowladkasta oo aduunka joogta waxey ku socdaan qad loojeexay iyo dad loocarbiyeeyey oo howsha wada. anaga maanta labadaaba lama hayo. waxaanu nahay umad indha la,’ dhago la’ naftoodana xadaaya. Maanto soomaalia waxey ubaahantay hogaan adag iyo in si wadajir ah loo darso sida looxalinlahaa dhibabka taagan ey ugu horeeyso nabadgalyolaanta, caafimaadka,waxbarashada,dhaqaalaha waxaa soo dhanna waa isku xiranyihiin hadii mid lawaayo wax dhismaaya majiraan laakiin waxaa larabaa in lagarto meesha wax lagabilaabi lahaa iyo wixii lid ku ah horumarka si meesha lagasaaro
    aniga shaqsi ahaan waxey ilatahay dadka qurbajoogtada ah in ey wadanka waxkabadali karaan hadii dowladdu ey lashaqeyso sida in ladhiirigaliyo wax soosaarka beerah,xoolaha nool iyo kalluunka la’buuro warshado yaryar oo farsameeya waxyaalah ey soosaaraan wexey abuureysaa shaqooyin dowladda waxaa looga baahanyah in ey dhiirigaliso dhoofinta(exportation )culeysna saarto soodajinta(importation) maxaa yeelay waa in suuq loofuraa wax soo saarkeena nabadgalyo xumo waxaa keena shaqo la’aanta hadey san shaqo jirin dhaqaalo majirikaro waa wax sidii silsaladii ookale isugu xiran waxaan u baahannay dad aqoon iyo alla kacabsi leh

  15. [...] kale wararka ayaa sheegaya in haatan intooda badan ay diyaar yihiin xubnaha ka mid noqonaya xukuumada cusub ee Soomaaliya ee laga sugayo in uu soo dhiso Raysal wasaare [...]

  16. waan ka xumahay says:

    Kii faqiirka ahaa ee lafihiisa iyo naftiisa u huray inuu ummaddan bedbaadiyo, wax uun baad ka sheegeyseen, lacag buu xadey, waa fool xunyahay, aqoon ma leh, siyaasad ma yaqaano, waa jilicsanyahay iwm, kii lacag haysta oo aan xoolo dad weyne u baahnayn wax baad ka sheegeysaan.
    Soomaalida waxaa u malaynayaa iney rabaan maxmiyad iyo gumaysi iyaga isma xukumi karaan.

    waa xaasid soomaalida, haddii Malag loo soo diro inuu xukumo wax uun bey ka sheegayaan.

    Soomaalinimada waan ka qoomameynayaa inaan ka mid noqdo. waa ummad cawaan ah.
    Waaanse u dhashey maxaad oran?

Leave a Reply