Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo Xafiis Ka Shaqeeya Danaha Ganacsatada ka furatay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso [Sawirro+Dhagayso]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Cali Axmed Gamuute oo Xariga ka Jaraya Xafiiska Cusub

Boosaaso[RBC Radio] Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Puntland ayaa maanta ka furtay gudaha Garoonka diyaaradaha ee Bandarqaasim Xafiis caalami ah oo loogu talagalay inuu ka shaqeeyo isku xirka Ganacasatada iyo dadka doonaya iney maalgashi ku sameystaan Puntland.

Munnaasabad kooban oo Xafiiska cusub Xariga looga Jaraayey laguna qabtay gudaha Garoonka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Cali Axmed Gamuute,Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid,Maareeyaha Garoonka diyaaradaha ,Ganacsato iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland iyo Ganacsatada oo ka Sheekeysanaysa Horumarinta Ganacsiga Puntland.

Maareeyaha Gegida Diyaaradaha ee Boosaaso Bashir Muuse oo ka hadalka furay ayaa sheegay in Xafiiskan cusub uu noqon doono mid isku xiri doona Ganacsatada iyo Maamulka Garoonka,wuxuuna intaas ku daray in ay soo dhaweynayaan wadashaqeyn ay yeeshaan Ganacasatada iyo iyaga.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid oo ka hadlay muhiimada Xafiiska cusub ayaa sheegay in uu ka qeybqaadan doono horumarinta Ganacsiga iyo Isku xirka Ganacsatada Puntland iyadoo sidoo kalena buu ay ka faa’ideysan doonaan Ganacsatadda kale ee dooneysa iney maalgashi ku sameystaan Puntland.

Wuxuu tibaaxay in Garoomadda Diyaaradaha caalamka kuyaala ay yihiin kuwa kaliya ee laga daawado hormarka uu wadankaasi leeyahay taasina ay ku kaliftay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland iney Xafiis ka furato gudihiisa si dadka Ganacsatada ah iyo kuwa doonaya iney dalka maalgashi ku sameystaan uga helaan Xogta Ganacsiga deegaanka.


Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid

Halkan ka Dhagayso Hadalada Guddoomiye Siciid Xuseen Ciid Guji Halkan

Mudane Siciid Xuseen ayaa sheegay in Ganacsatada kasoo degeysa iyo kuwa ka dhoofaya Garoonka ee doonaya iney maalgashadaan Ganacsida Puntland ay ka heli doonaan gudaha Xafiiska xog badan oo ku saabsan Ganacsiga Puntland iyo arrimo ay kamid yihiin:

01. Wargays ka Sheekeyna Ganacsiga Puntland.
02. Buugga Diiwaanka Ganacsiga oo u ko qaranyahay guud ahaan Ganacsiga dalka ka bannaan.
03. Buug ka Sheekeyna furasadaha Ganacsi ee dhanka maalgashiga ee ka bannaan iyo wax soo saarka dalka oo iyana lagu soo bandhi doonaa gudaha Xafiiska.

...”"‘Xafiiskan waxaa Insha ALLAAH rajeyneynaa inuu ka qeybqaato horumarinta Ganacsiga,isku xirka Ganacsatada,Waxaana aad ugu mahadcelineynaa Maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso gacanta lama ilaawaanka ah ee ay naga siiyeen furitaanka Xafiiska…”"”ayuu yiri Guddoomiye Siciid Xusee Ciid.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Cali Axmed Gamuute

Halkan ka Dhagayso Hadalada Wasiirka Ganacsiga Cali Axmed Gamuute Guji Halkan

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Cali Axmed Gamuute oo daah-furay Xafiiska cusub ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan ay soo dhaweynayaan,wuxuuna tilmaamay in uu noqon doono Xafiisku mid ay ku nasataan Ganacasatadu isla markaana ay iyana ku kula Xog qaataan dhigooda ka dhoofeysa Garoonka arrimaha ka Ganacsi ee ka jira dalka sida Ganacsiga,Warshadaha iyo beeraha intaba.

Waxaa yiri oo kale Wasiirku …”“” Waxaa loo sameyn doonaa bandhig weyn oo balaaran laguna soo bandhigo wax soo saarka Puntland kaas oo noqon doona mid waxna laga iibsan doono,canshuurtiisana ay noqon doonto mid fudud,laguna dhiirigelinayo dadka dhoofaya iyo dadka soo degeyba labaduba iney isku arkaan wax soo saarka dalka iyo ganacsatadii oo ah iney isku bartaan ku oagadaan,martidoodana kusoo dhaweyn karaan…..”"”ayuu yiri Wasiirku.

Ganacsade Maxamed Muuse Geelxoor

Halkan ka Dhagayso Hadalada Ganacsade Maxamed Muuse Geel-xoor Guji Halkan

Ganacsade Maxamed Muuse Geelxoor oo isna kamid ahaa Ganacasatada kasoo qeybgashay furitaanka Xafiiska ayaa u duceeyey Xubnihii kasoo shaqeeyey furitaanka Xafiiska,wuxuuna ku sifeeyey in gudaha Garoonka ee bud-dhiga looga dhigay uu yahay kaabayaasha dhaqaale ee Ummad weliba ku faanto.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa muddooyinkan danbe wadey dardar xoogan oo ay ku sameyneyso kobcinta Ganacsiga iyo kaabayasha dhaqaale ee Puntland iyadoona lagu amaano iney ka qeybqaadatay arrimo  badan oo dhanka horumarka Puntland.

____________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

6 Responses for “Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo Xafiis Ka Shaqeeya Danaha Ganacsatada ka furatay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso [Sawirro+Dhagayso]”

  1. abdulaahi says:

    This is a good start.
    Waa loo baahanyahay in la hormariyo ganacsiga guud ee umada

  2. [...] See more here: Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo Xafiis Ka Shaqeeya Danaha Ganacsatada ka furatay Garoonka… [...]

  3. Caarif says:

    Wasiirada Puntland shacabku waxay sameystaan un bay isku ag sawiraan laakiin ayagu dowlad ahaan waxba sooma kordhiyaan

  4. Daljir says:

    Hambalyo waa wax qabad fiican oo kudayasho mudan

  5. Aadbaan ugu faraxsanahay in aan yeelannay raysulwasaare cusub oon ku meelgaar ahayn, aadbaan ugu faraxsanahay in PUNTLAND ay soo dhawayso raysulwasaaraha cusub ee madaxwayne xassan uu soo magacaabay kaasoo aan filayno inuu noqon doono ninkii soomaali u baahnayd haddaysan wadadu ka qaldamin.
    TALO SOO JEEDIN:
    DOWLADDA SOOMAALIYA:
    Talada haddaan lawadaagin wax ma saxmaan soomaali hawada tashato
    waxaan kula talinayaa madaxda cusub inay ogaadaan in dadka soomaaliyeed ay isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal.
    1. inaanay boogaha damqin.
    2. waa inay ka dheeraadaan eexda iyo nacaybka.
    3. Waa inay kadheeraadaan qabyaaladda iyo caddaalad darida, iyo
    4. Waa inay kadheeraadaan wax walba oo keenaya in halkii lajoogan sanado kahor dib loogu laabto.
    PUNTLAND:
    waxaan kula talinayaa madaxda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee puntland inay ogaadaan in ummadda soomaaliyeed isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal u halgama sinnaanta iyo caddaaladda.
    waxaan idin oran lahaa waad ku mahadsantihiin sida aad isugu howsheen in soomaaliya ay dowlad aad ka midtihiin yeelato, waxaad ku dadaashaan
    1. puntland waxaan ka codsanaynaa inaysan soomaaliya ka go’in.
    2. in ay u dulqaataan waxwalba oo khalad ama is fahan waa ah oo uga yimaada madaxda cusub.
    3. in dowladda soomaaliya ay kala shaqeeyaan sidii dalka dib loogu dhisilahaa.
    4. in soomaalida ay ka caawiyaan in maamuladooda ay dhistaan iyagoo madaxbannaan oon lagu samayn wax faragalin ah.
    5. in ummadda soomaaliyeed ee ay dib u dajinta siiyeen ay sii hayaan lana dadaalaan.
    6. in dastuurka iyo sharciga ay il gaara ku hayaan si dalku aanu dib isugu dhexyaacin, maxaa yeelay wixii lagu heshiiyay haddii laga bayro waxbaa qaldama.
    SHACABKA SOOMAALIYEED
    Shacabow RABBI utoobad keena, kana tuuga in dal iyo dad midaysan uu nasiiyo oo barwaaqo iyo horumar ku jira inta adduunka ka dhimman.
    FG:
    Waxaan ogaysiinlahaa soomaalida arimo dhowr ah:
    B. ogaada soomaali waxa halkaa ina dhigay waa caddaalad darro aan inagu dalbanay, hadii aanan caddaaladda baadigoob ugu dhaqaaqinna sidan kama baxayno.
    T. soomaali muddo badan ayay wax inaga qaldanaayeen sidii loosixilahaana waa adkaatay, mar haddii maanta aan heshiinay helnayna dowlad aan ku meelgaar ahayn waa inaan dhowrnaa wixii soomaali ku heshiisay, ku dadaalnaa midnimo iyo isku soodhawaansho wanaagsan.
    Mahadsanidin
    ASALAMUCALAYKUM W. W. B.

  6. sareedo says:

    ascw siiwada dadaalka wadanka waxa dhiso gacmo isku dhagan oonlaheen qabiil iyo qurinkiisa waxana idiin sheegi hadda waxad heysataan dowlad ee yeynaan idin qabsan siddii koonfurta oo jab iyo halaag yaan la saadsan intaad waagaradkeyga anoo ah gabar ka soojeedo koonfurta soomaliya walaalo hada waxan heysanaa meel hadii debka kaco meel aan aadno ee yaan laweeyn meeloo cararo wcww

Leave a Reply