R/W Shirdoon laga Taageray Magaalada Gaalkacyo (Sawiro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon ”Saacid” ayaa khadka telefoonka khudbad uga jeediyey kulan lagu taageerayey oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kulankan oo ahaa mid aad u ballaaran ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Mudug ee Puntland,qeybaha Bulshada iyo mas’uuliyiin horeyey xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Puntland ayadoo kulankana lagu qabtay Hotelka Golden Palace ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Axmed Muuse Nuur Gudoomiye Kuxigeenka maamulka gobolka Mudug ee Puntland oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in dadka ku dhaqan gobolka Mudug ay si wadajir ah u taageerayaan Ra’isulwasaaraha Dalka islamarkaana ay la shaqeyn doonaan sida uu maamul goboleedka Puntland horey u ballan qaaday.

Siyaasi Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Puntland ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay sida ay xiligan umadda Soomaaliyeed u wada taageerayaan hogaanka cusub ee Dalka loona baahanyahay in si isku duubni ah looga faa’ideysto fursada ay Soomaaliya maanta heysato.

Qaar ka mida nabadoonada gobolka ayaa iyaguna dhankooda muujiyay dareen soo dhawayn, waxayna Ra’iisul wasaaraha ugu baaqeen inuu soo dhiso xukuumad waxqabad leh.

Ugu dambeyntii Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) oo kulanka khudbad khadka dhanka telefoonka uga jeediyey ayaa uga mahad celiyey

dadka ku dhaqan gobolkaasi iyo guud ahaanba sida ay taageeradooda u muujiyeen waxaana uu ballan qaaday in dhammaanba howlaha loo igmaday uu si hufan u gudan doonno,dadka soomaaliyeedna waxa uu ka codsaday iney si wadajir ah ula shaqeeyaan.

Tan iyo markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’isulwasaaraha Dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka dhacay xaflado dibad-baxyo lagu taageerayo kuwaasoo Soomaalida ay ku muujinayaan taageeradooda.

Kulankan lagu taageerayo Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xili baarlamaanka Soomaaliya maanta ay soo gudbiyeen in Ra’iisul wasaaruhu uu muddo labo maalmood gudahood uu horyimaado, lana filayo maalina arbacadaa inuu hortago mudanayaasha si codka kalsoonida loogu qaado.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

23 Responses for “R/W Shirdoon laga Taageray Magaalada Gaalkacyo (Sawiro)”

  1. [...] More: R/W Shirdoon laga Taageray Gaalkacyo (Sawiro) [...]

  2. [...] Read the original: R/W Shirdoon laga Taageray Magaalada Gaalkacyo (Sawiro) [...]

  3. FARATELO says:

    ASC Waa guul usoo hoyatay Gobolka Mudug dantiina ayaad taqaaniin adinkaan ugu Caqli badan uguna Somaliyeeysan siiba Gobolka Mudug sidaas ku wada kalana fahma Qaran Iyo Qabiil sc.

  4. Jugsodhacay says:

    Adeer.. Waa. Rag. Mawqifkoodu cad Yahay. Mucarid AMA muxafid

  5. Dhuudo says:

    Waxaani wax dhici kara maaha. Waa dhabarjabin Iyo khiyaano dawlada iyo shacabka Puntland laga galayo oo ay maleegeen Gaagaab Iyo waxa la midka ah oo xukunka jecel.

    Arrintan wax loo dulqaadan karo ma ahan. Madaxweyne Faroole afcadbuu ku sheegay in ay Puntland go’ayso hadii  aysan xilalka sare ee ay xaqa u leedahay helin. Maxaa hada keenay in aan u sacabino dadkii sidaan ogaa noo galay?

    Aqoonyahanadeenii bay laayeen waqtigii dawladii milatariga aheyd. Maatadanadii bay xasuuqeen, barkadahanagii bay dudumiyeen, gabdhahayagii bay adoon ku fasaxeen. Sidee baanu marka maanta ugu sabcinaa? Shalay waad ogeydeen inay dadkayagii qaarna xasuuqeen qaarna kasoo barakiciyeen jubadahoose, sideebaan marka dad aan waligood daahireyn ugu soo dhaweynaa dhulkayaga markale?

    Ama u sabciya ama ha u sabcinina Ninkaani wax uu soo kordhin karo ma jirto ee adinku ha isceebeynina reer Gaalkacyoow intaad leedihiin Dr Faroole iyo dawlada ku xumeeya. Walee inuusan idin kala aqoon adinkiyo Faroole ee cadow waa cadow. Bal nin naagi wadato muxuu idinku soo kordhin? Dadkaan xoolaha ah ha ogaadeen waxa ay u sacabtumayaan inuu yahay cadow ay wataan cadow kale oo layiraahdo H. A. G. Group.

  6. LIBAAX MUGUG says:

    To saciid Cali….dadka walaalaha ah ha isku dirin, garowe waa somalia, muqdishona waa somalia….isku dirka iyo dab hurinta iska daa….xasaasiyad aadan waxba ku heleynin iska daa ood dadka isku gubayso,…sawirka dhurwaaga ahna iska saar oo sawir wanaagsan soo qaado

  7. Afdhub says:

    Danahooda ayey ka shaqaynayaan ee cid waxba uma dhimin . Waa sida.

  8. runta says:

    @dhuudo inan gumeed baad tahay uurka ka buka shalay gabdhaha lakufsaday ee aad sheegayso ayaa adigana ku dhalay sababtoo ah hadaad xalaal ahaan lahayd saas umaadan hadasheen alow yaa ogaada majeerteenka nooca ay qoraan baad tahay viiiva reer galkacyo wixii bukaa ha dhintaan

  9. bursaalax says:

    madaxda puntland ayaa taageeray sidaa darteed waa caadi in la taageero lkn sidii puntland sheegtay il gaara ayaa lagu hayaa
    puntland waa muqadas nin taageeradi waa caadi waxba puntland kama badali karo

  10. cadaalah says:

    kkkkk dhuudo walaal is qabooji qabiil dhan baad leedahay waa cadawgeena, caqli xumada ka ducayso

  11. Caasha Waal says:

    10 qof ayaa meesha fadhida, aaway shacabkii magaalada Gaalkacyo, aaway Garsoor & Israac iyo xataa Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug waa in lawada arkaa dee, hadiiba lawada taageeray Raisulwasaaraha cusub maa sifiican durbaanka loo tumo oo loo bood boodo, see waaye!!!

    hadii–kale waxaan lahaa, aaaheey!!!

  12. @dhuudo dhulka alla kula goo waa maxay ninkaan sharta soo uruuriyay war soomaali cusub ayaa bilaabanaysa adigu sida aad u hadleyso hadii laguula xisaabtamo wax badan ayaa kugu soo baxaya adeer ka raaxayso soomaaliyi adiga oo kale way kamaaran taa inta fiicana ama puntland haku noolaato ama soomaaliyada kale haku noolaatee waa 99% adoo kalena. Waa 1% so malaguu baahno soomaaliya markey hagaagtana ethiopia u car xaaraamiyahow Soomaaliya ha is raacdo

  13. Atoore23 says:

    War waa Gaa-gaab iyo kooxdiisii mucaaradka ahayd.Gaa-Gaabna dhawr bari ka hor Xamar buu joogey.
    Marka shirkaas ay ka soo qeyb galeen dadka an labaatanka dhammay waa sheeko ay ku soo heshiiyeen Gaa-gaab iyo dad Xamar jooga.Waxba kama qabo in la taageero Saacid,laakii hadda ma aha.Taageeridda buuxdaa waxay ku xiran tahay sida uu wax u qeybiyo Saacid.

  14. Atoore23 says:

    KU.Jaalle Runta.
    Saaxiib waxa uu sheegay Afdhuub waa wada run ee adigu maxaa cad oo ad ku beeinaysaa?
    Waa laga fiican yahay sida ad u cayday Afdhuub.Afdhuub waxuu sheegtay dhib weeyn oo soo gaaray.Jawaabtaaduna waxay ahayd in aad ka raali galisid ama tiraahdid goormay sidaasu kugu dhacday iyo yaa kugu suubiyey.Haddii uu hadal dhaw yahay lagama raadiyo meel fog.

  15. Mukhtaar says:

    Alla isku duubnaa reer puntland ilaahey ha’idiin siyaadsho, bal daya sida ay u yaryihiin dadka meesha iskugu imaadey, halkaa waxaa ka cad iney ku xiranyihiin puntland administration, walle faroole waa laga danbeeyaa, dad badanna maanta ayeey garwaaqsadeen faroole inuu arimo badan ku saxanaa siduu waagii ssc durbadiiba uga soo horjeestey xaglatooosiye maantana inoo cadaatey gamuun somaliland laga soo ganey inuu ahaa,. .

    Guuleysta reer puntland gacmahana iska qabsada iskuna samra, iskana ilaalsha reer muqdisho waligiinana ha hoos imaanina dadkiinana wax la qeybsada hana ku danbeeynina sida reer sool oo meel cidla ah laga helay oo markaa siilaanyo ku jees jeesa isagoo hadba nin jamhadeeya u soo dira, qalbi jabka ugu weyneet abid baa maanta haysata iyo ciil.

  16. Canjeel says:

    @ Runta

    Dhuudo ma kuwii Kacaanku bacrimiyaa kkkkkkkkk nabee sideed u hadalyay kkkkkk
    Tolow Jareerkee dhalay ma Walandi mise Ubuq? kkkkkk

    Dadka reer Gaalkacyood oo uu wax ka sheegayo waa kuwii dhaladka ahaa oo aan naqaanay ee malaha kanu waa . kkkkkk baa ah kuwa dhaladkaa oo aan u abtirin karnaa ilaa .

    Balo kugu dhacday ma dhahaa doqonsanaa, waxaaba iigu daran magaca uu wato Dhuuso ku lahaa kkkkkkkk

  17. Yoonis says:

    L Lk waan soo dhaweynaynaa anoo reer gaalkacyo ah welcome R/K saacid wixii kale oo Somali ah oo wax garad ah Waa inay taageeraan wax kasta oo soomalinimo lagu gaarayo sababtoo ah gabi baan ka laad laadnaa gacmaha is qabsada oo kac walaalayaa !!!!’

  18. Puntlander Man says:

    Gaagaab. baa iiga muuqda meesha. Kkkk faroole sidaa wax uga qaadi maysid

  19. Ali soomali says:

    @dhuudo, walaal somali oo dhan ayaa godob kala gashay, kuwaad adigu ka dhalatay eed la’aan ma tihiin, waxaas oo dhan xukun xun ee keligiis-talis ah ayaa ka dambeeyey, kuwo somali ah ayaa xukunkaas waxay ka tirsanayeen awgeed somalinimadii uga baxay, ummad haday mar walba gocoto wixii soo maray horay uma socoto, haddii aanan iska deynin qofka lagu shabadeynayo (labelling ) qabiilkiisa wax noo qabsoomayo ma jiraan ee yaanan dib u eegin xukun milatari oo 22 sano ka soo wareegatay, aan horay u socono mustaqbalkana aan higsano qabiilna wax uu noo kordhinayo ma jirtee aan ka hormarino tan qaranka.

  20. mohammed ali says:

    waad salaamantihiin dhamaantiin ASC.
    qolyahan taageeray raysalwasaare kusheegan cusub, ma shakhsiyaad danaystayaal ahbaa mise, siyaasada raysalwasaaraha baysan lasocon. Way cadahay in uu raysal wasaare ku sheegan cusub uusan ku shaqaydoonin maamul federaal ah wuunu ku qeexay 6 qodob uu ku shaqaydoonto dowlad ku sheega uu soo dishayo. Anigu ma’arko maslaxad dadka reer puntland khaasatan mudug. Gudoomye ku xigeenka gobolka mudug wuu ku xad gudbay hawshii loo dhiibtay.

  21. xaali muse says:

    saacid faarax garaad waa halyay usoo baxay soomaaliya inanka hiddahiisa dawlad nimo iyo maamul waanga ku salaysnaaa ayaa ku duugan ee bal car yaa ka yeelo talo iyo tusaale dacawaa tiri walle ree aan ogahay ma guuro intay yeeshii lagu guuri lahaa jarjartay marka saacid faarax garaadow howl culus baa kuu taale alaha kugu guulaysiiyo aamiin aamiin waligaa nin jilicsan oo ha yeeshaale ah ha noqon yes man ha noqon ha ku dhaqaaqin waxaan guud ahaan soomali dan uru jirin yaan lagugu dayin bahasha udhuro cabdi shirdoon iyo faarax garaad guulayso

  22. Keena Diid says:

    Wali gaa,gaab iyo ina siciid samater miyey hadlayaan waa labada puntland ugu foosha xun uguna liita gaa, Gaab isaga waa layaqaan wargeyskii xidigta oktober ayuu iska dhuuqijirey kacaan afweyne ayaa usoo uraya

  23. Waayeel says:

    bakh bakh ama Gaagaab dhaha ama geesoole dhaha waad ku qasbantihiin in aad taageertaan R/W Saacid
    kuwii hore oo kale ma.ahan KMG ma ahan waa R/W rasmi ah
    kacaankii ayaan arkaa rag wax ka sheegaya oo ma dawlad somaliyeed ayaa kacaankii kahoraysay ama ka danbaysay abaal laawayaal caqli xun dhed

Leave a Reply