Sanad-guuradii Koowaad ee Dhismaha Khaatumo State oo Dhawaan la Xusi Doono


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC Radio) Dhowaan waxa la xusi doonaa sanad-guuradii koobaad ee samayntii Khaatumo. Guulo dhowr ah bay Khaatumo gaadhay- guusha ugu wayn waa helista xildhibaanno magaca maamulkaas curdinka ah wax ku helay. Seddex ka mid siddeedii xildhibaan oo Khaatumo ay sad u heshay waxa la siiyay Buntland, waana go’aan ka cadhaysiiyay taageerayaasha Khaatumo.

Muxuu go’aankaasi ku salaysnaa?

Kadib samayntii Khaatumo, qaar ka mid ah madax-dhaqameeddada (Garaaddada) iyo siyaasiyiinta ayaa kulan Nayroobi kula yeeshay xubno ka tirsan beesha caalamiga. Hoggaamiyayaasha siyaasadeed iyo dhaqan ee Khaatumo waxay ka cawdeen maamullada dhinacyada ka xiga. Xubnaha beesha caalamigu waxay ku taliyeen in Khaatumo wada-hadal la yeelato Buntland iyo Somaliland, waana talo u cuntami waysay reer Khaatumo. Dooddan waa mid lagala soo dhex baxay doodda lafta dhuungashay ku noqotay Somaliland: LA HADAL MUQDISHO.

Maamulka Puntland oo warqad u diray beesha caalamiga ayaa ku dooday inuusan ka horjeedin xaqa ay reer Khaatumo u leeyihiin samaysashada maamul balse inay doonayaan in la wada hadlo. ” Haddii kale marba beel baa shir abaabulanaysa oo ka baxaysa Puntland” buu maamulka Puntland ku dooday. Waa dood maangal ah waxayse ku fiicnayd in dooddaas si cad loogu soo bandhigo Khaatumo.

Dhibaatada ugu wayn oo soo foodsaartay Khaatumo waa mid la xiriirta tamartii iyo taageeradii ay si shuruud la’aan ah u geliyeen Puntland oo hadda ah maamul cudud leh oo la aqoonsan yahay. Somaliland laf ahaanteeda wax badan bay ka dheeftay taageerada reer Sool waayo qaar ka mid ah asaasayaashii Puntland ( xusuuso Xaabsade) baa ku biiray Somaliland oo fududeeyay in Laas Caanood hoos tagto maamulka Somaliland ka dib markii isaga iyo madaxweyne ku xigeenkii hore Puntland, Xasan Daahir Afqudhac, ismaandhaafeen.

Xasan Daahir Afqudhac waxa lagu xusuustaa inuu yahay ninkii lagu qanciyay in ciidankii Puntland oo fadhigiisu ahaa Adhi-caddeeye loo raro Muqdisho si ay u noqdaan Ciidamadii Dowlad Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed, iyadoo aan la helin heshiis odhanaya ” Somaliland hore u ma sii socon karto dhinaca Laas Caanood”.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay sheegayaan in dhawaan wadahadalo ay dhex mari doonaan xubno ka kala socda Puntland iyo Khaatumo, inkastoo Khaatumo iyo Puntland aysan lahayn awooddihii siyaasaded oo ay lahaayeen toddobo bilood ka hor.

 

Malyuun Cali
Raxanreeb.com
Nairobi Kenya

Use Facebook to Comment on this Post

Share

19 Responses for “Sanad-guuradii Koowaad ee Dhismaha Khaatumo State oo Dhawaan la Xusi Doono”

  1. prof piccolo says:

    VIVVO Khaatumo guleysta oo S/Diidka ka baxa oo isdaba qabta oo khaatumo sameysta oo aad u dhantihiin ileen raggiina muqayilka racsan waxaan kula dardaarmi laha iney somali qeybsamin siilanyo ay u dhamtey oo somaliweyn dadkiisa uu qadey marka Viivo Somaliya

  2. Laascaanood says:

    Khaatumo State hal sano majirin misana waxay ka qeylisiisey oo jiif iyo joogba u diidey maamulada guunka ah ee Somaliland iyo Puntland. Waxay xitaa kaga adkaatay Khaatumo maamuladaas xaga siyaasada federal ka iyo Muqdisho oo maanta waakaas r/wasaare loo diidey in pl lasiiyo waxaana taas ku timid cadaadis waftiga Khaatumo ee Muqdisho saareen madaxda cusub ee dalka.

    Guuul Khaatumo State of Somalia allow dhowr aamiin

  3. Xasan says:

    ha la wada hadlo, Soomaaliyeey nabad nabad, walaalnimo

  4. Yaxye says:

    mashruucii lagu salaan tagay miyaa lagu wada hadal tagayaa? Faroole wuu ka badiyay Galaydh and co.

  5. bahal bari says:

    aloow reerkaas isku soo aruuri midse ogaada biniaadamku haduu dhuunta uu wax ka maqlo waa dufaabaan

  6. kaale says:

    Waryaa bahal bari, war Hungurigu ceeb ma aha, ee hanyarida baa ceeb ah , war Garowe imow oo wax doono, iska illow xijiga.

  7. qalanqaali says:

    waleee qosal baa iga dhamaaday wab seedada wixii la doono miyaa lagu soo qoraa oo aan jirin khatumo waaan la yaabanahay meel ay ka hawl gasho iyo meel xarun u ah lama yaqaana cid madax u ahna lama yaqaan idinkuna waxaaa leedihiin sanag guuro ma odayaashi ku shiray taleex shirkodi baa sand ka soo wareegay macquul bay ahaan lah ayd maxayn ay qabteen waa iyaga ixaaq iska celin waayaye ma jeerteen saa ugu soo jeeda mucaaradkana ku ahee mase wa ay ka xun yihin nimanka dawlad ay samaysteen puntland adeer qorshaheeda kama asaagiin ka hareee puntland ha fiirsaniyee isja cesha asaagiin khatuma ama labaxa ama dhimasho la baxa puntland waa ya jirin waa dawlad calan leh

  8. Ma goblamin darwiishkii geenyadu ma daalaan.

    Khaatumo waa bridge isku xidha somaliya

    Waa dhulkii gobonimo u dirirka waa dhulkii barakeysanaa ee darawiishta.

    Maanta siyaasada somaliya maamulka garoowe anagaa uga faro dhuudhuuban oo joogna. Waxaana qayb ka leenahay deeqaha somaliya magaceeda lagu soo helo. Sida schoolarshipka. Deeqaha biliadamnimada.

  9. gaasira says:

    raxanreeb.com
    khaatumo sanadguuradeedii 3 bilood baa ka hadhay ma jacayl aad khaatumo u haysaan baad sanadguuradeeda ugu diyaar garoobaysaan mise massage kalaad noo maldahaysaan malyuuneey wax wada hadalo ahi ma jiraan p/land iyo khaatumo dhexdooda dhacdooyinkaad halkan ku soo qortay iyo sanadguuraduna isma raaci karaan ma commentiskii khaatumo lagu caayayaey baad u xiisooteen ayaamahan raxanreeb comentiskii baa ku yaraaday alaa kareem

  10. khaatumaawi says:

    VIVA Khaatumo State Of Somalia qoraaga aad ayaad u maahdsan tahay webka http://www.raxanreeb.com waa webka ugu cadaalisan wbeseed yada somalida halkaas ka haya waana wabka wixii xaqiiq u baahan ay ka dheehdaan waa idinka mahad celianynaa tnx

  11. sh:alidheere says:

    a/c raxanreeb madadka reer sool kaliya ayaa akhrista yaabe maxaa loo waayay hadalada aan meesha haysan wax dafciya oo u jawaaba dadka khaatumo udoodaaya hargaysa iyo garoowana wax ka sheegaya waxaan waydiin lahaa hadii buurawadal wadada laga jaro bari waqooyina laga jaro guumays is fatatiirku maxuu noqonayaa soo madixii lagaama doodase qabiilnimda iyo tan xuduuda gumaysiga keebaa saxan dowladase leh sadexda madaxwayne maxay ka walaxtahay ? dadka soomaali haloo daayo hadii qaran la waayo qabiil meel lagu tagimayo soomaalaa ku tagi lahayd marka dadow aashaa hadal alow xaqa uhiili

  12. Deerjeego says:

    Waryee Khaatumaawi, beenta dhaaf, deeq ma lihide sowtan lacagtii ganacsatada loogu talogalay Hargeysa lagu koobay. Ha is wareerin . Khaatumo waa sida rooxaanta, ma jidho aduun baa aaminsan kkkkkkk

  13. wadani says:

    maxuma hadbaal dagtee maxay gaartay ?

  14. Bulshaawiyare says:

    wadahadal waxay ku dhaabti ma laha, Anigu Khaatumo ayaan taageersanahay waanse arkaa in Faroole dooddisu sax tahay, ha la wada haldo. Malyuuna way sheegtay inagaa shuruud la’aan taageernay Bunlan

  15. Fayod says:

    Horta raggoodu maxay ugu hadlaan sida foodlayda! Cay iyo caraatan badanaa! Ufiirsada raggoodu waxay uhadlaan sida gabartaan Qurux Khaatumo! Waa garan karaa sida aad u ciillan tihiin laakiin wax iskula hara una dooda sida wanaag ah! Mida kale kan yiri Puntland hal qabiilaa isku koobay waxaan leeyahay qabiilada dago Puntland marka laga reebo \, \ayaa ugu sadwayn! Ilaa maalintii la aasaasaay ilaa maanta waxaad haystaan Mdxwyne ku xigeen iyo wasiiraba! Bal dadkale hadoodo maanta! Arinta kale Laascaano xoree maalin walba iska ilaawa! Idinkaa xajisan waayey! Fiidkii inaad seexataan idinkaa isbaday not Faroole!

  16. Ali soomali says:

    Khaatumo hal sano ka dib, waxaan dhihi karaa wey guuleysatay, halkaas ka sii wada halgankiina, waddo fiican ayaad ku taagan tihiin oo aad u aayi doontaan mustaqbalka.

  17. gaasira says:

    fayod
    adeer meel aan fiidkii la seexani majirto gaalkacyo iyo boosaaso ba fiidkaa laydinku khasbay in laydin seexiyo markii wiilal yaryar oo afka duubanaya laydiinka soo diray baraxlay si ay idiinku ugaadhsadaan degaankiina oo fiidkii idiin seexiyaan taasna idinkaa is baday laaska nin u dhashay weeye ka fiidkii seexiyaa idinka yaa fiidka idin seexiya ??????????????? at least laaska lama ugaadhsado aqoonyahankeeda iyo ninka ugu fiican ee waxaa lagu ugaadhsadaa maryo calasta snm oo laga xaaraantinimeeyey inay magaalada dhex mushaaxaan

  18. qabqabsey says:

    Laba Cali soo quuste Hargeisa ayay u socdaan ,intaanay iman waa in ay la hadlaan xaabsade iyo xagla toosiye ,Baashe,kayse,xildhibaan indho indho iyo gudoomiye ku xigeenka barlamanka iyo qaar kaloo badan oo danta umada somaliland ka taliya oo ay ka jawaabaan colaadii ay umada dhex dhigeen

  19. [...] Garaad C/laahi Garaad Soofe oo ka hadlay soo dhoweynta ay dadka reer Buuhoodle u sameeyeen shalay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay isaga iyo odayaasha kalaba inay dib ugu soo laabtaan deegaankii ay ka yimaadeen isla markaana ay sii wadi doonaan u adeegida shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Khaatumo. [...]

Leave a Reply