Saraakiisha Dowlada Soomaaliya Oo Ku Hanjabay In Al-Shabaab Ay Ka saari Doonaan Dhamaanba Gobalada Soomaaliya
Muqdisho (RBC Radio) Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa ku hanjabay in gabi ahaanba Al-Shabaab ay ka saari doonaan meel waliba oo ay ka joogaan Soomaaliya.
Ibraahim yarrow oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya sidoo kalana ah taliyaha ciidamada dowlada ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in ay ka go’antahay in ay Al-Shabaab ka saaraan meel waliba oo ay joogaan.
“waa naga go’an in aan la wareegno meel waliba oo ay joogaan kooxda Al-Shabaab in aan gaarno oo aan ka saarno Al-Shabaab”sidaa waxaa yiri Ibraahim Yarow oo ka mid ah saraakiisa dowlada Soomaaliya.
Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxay dagaalo kula jiraan kooxda Al-Shabaab ayaga oo kaashanaya ciidamada AMSIOM ee jooga Soomaaliya, waxaana wali ay ku suganyihiin Al-Shabaab qaybo ka mid ah gobalada Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa wali awood ku leh deegaano ka tirsan gobalada Soomaaliya waxaana la aaminsanyahay in heestaan dagaalyahano ajaanib ah kuwaasi oo ka bar bar dagaalamaya.
Dhowaan ayaa ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxay la wareegeen degmada Wanlaweyn iyo deegaano kale oo ka tirsan gobalka Shabeelaha hoose oo ay mudo ka ariminayeen kooxda Al-Shabaab.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho












[...] Read the article: Saraakiisha Dowlada Soomaaliya Oo Ku Hanjabay In Al-Shabaab Ay Ka saari Doonaan Dhamaanba Gobalada S… [...]
@ Sarkaal goormaa u danbeysey waa kuwii xoolaha qali jirey kawaanlayaal,kirishboy,mooryaan,tuugo ciciyaal darbi,ayaa ciidan laga wada dhigey iyo kuwo xirtey Gen sida dhago badan oo ahaa nin xoolaha qala suuqa bakaaraha,cali gaab oo ahaa nin kirshboy,indhacde oo ahaa tuug guryaha jabsada haddba somaliya dagi meyso inta tuugadan ay horboodayaan oo ay Gen u soowada xirteen xoolo islameed ay xaaran ku heystaan oo aan laga saari karin Muqdishow waxaa ka dhacya dagaal ahli ah oo lagu dhamaan doono sida muuqa kan madaxweynaha ka ah waa nin NGO ah oo dantiisa ah in dagaal uu dhaco ayna timaado macaluul si uu oga dhargo meesha haddba somaliya waxaan leeyahey kuwa ku faraxsan in dameerle uu madaxweyne noqdo waa mooryanta xooga ku heysta guryaha islaameed
[...] Saraakiisha Dowlada Soomaaliya Oo Ku Hanjabay In Al-Shabaab Ay Ka saari Doonaan Dhamaanba Gobalada S… [...]