Sarkaal Kenyan ah: Kismaayo Waxay La Kulmeysaa Dhibaato Hadii Axmed Madoobe La Magacaabi Waayo!!
Kismaayo (RBC) Afhayeen u hadlay militariga Kenya Col Cyrus Oguna ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Kenya ay ka walwalsan tahay in dadka reer Kismaayo ay u arkaan ciidamadooda kuwo qabsanaya dekeda weyn ee Kismaayo kadib markii toddobaadkii hore ay kala wareegeen ururka Al-Shabaab oo magaaladaasi ka talinayey mudo ku dhow shan sanadood. [DAAWO SAWIRO KISMAAYO]
Cyrus Oguna oo u waramay wariye ka tirsan wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in weli dadka Kismaayo aysan wax farad ah u muujinin ciidamada Kenya, “waayo axay weli ka cabsi qabaan Al-Shabaab”ayuu yiri.
“Ma rabno in naloo arko ciidan wax qabsanaya..” ayuu yiri Oguna oo la hadlay wariyaha Reuters oo safar ku tagay Kismaayo.
“Dadku marna ma rabaan in noo muujiyaan calaamad farxadeed, aamusnaantooda ayaa waxay kuu sheegeysaa in weli ay jiraan xubno Al-Shabaab oo harka gadaashiisa isku qarinaya” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Oguna.
Wariyaha Reuers ayaa sheegay in dadka deegaanka aysan xitaa fiirinin marka ay baabuurta ciidamada kenyanka dhex marayaan waddooyinka habaaska badan ee Kismaayo oo mar ahaan jirtay saldhig ay ku xooganaayeen ururka Al-Shabaab.
Axmed Madoobe iyo xilka gudoomiyaha gobolka
“Mid ka mid ah ragga loo maleynayo inay jagooyinka sarsare ka qabtaan Kismaayo waa Sheekh Axmed Madoobe” ayuu yiri wariyaha Reuters. Isagoo ku tilmaamay Sheekh Axmed Madoobe inuu yahay dagaalyahan ka soo barbar dagaalamay askarta Kenya ee mudada sanadka ku jirtay gudaha Soomaaliya.
“Waxaa jira warar been abuur ah oo dhahaya ciidamada Kenya ayaa qabsaday Kismaayo. Taasu mahan arin hadda taagan. Mustaqnalka Kismaayo wuxuu la yaalla dadkeeda” sidaasi waxaa wariyaha u sheegay Sheekh Axmed Madoobe oo garkiisa cinrada ah ku gudiidiyey cilaanka xinaha kuna lebisan dharka cagaaran ee ay caanka ku yihiin maleeshiyadiisa Raskambooni sida wariyaha Reuters ee tagay Kismaayo uu sheegayo.
Laakiin sarkaal ka tirsan sirdoonka kwenya oo aan rabin in la magacaabo oo la hadlay wariyaha Reiters ayaa sheegaya in haddii Sheekh Axmed Madoobe aan loo magacaabin gudoomiyaha gobolka in markaasi Kenya ay la kulmi doonto dhibaato weyn oo ka soo wajahda Kismaayo.
“Axmed Madoobe waa nin soo dagaalamay mudo dheer, waana hogaamiyaha kaliya ee nala joogay furinta hore ee dagaalka, haddii aan isaga loo magaavin gudoomiyaha gobolka markaasi Kismaayo waxay la kulmi doontaa dhibaato weyn” sidaasi waxaa markale wariyaha u sheegay 28-jir ka tirsan sirdoonka Kenya oo ku sugan Kismaayo kana gaabsaday in magaciisa la faafiyo.
Diblomaasiga ugu sareeya siyaasadda Mareykanka ee Afrika Johnnie Carson oo toddobaadkii hore la hadlay Reuters ayaa sheegay in Kismaayo uu ka dhici doonoloolan xoogan oou dhexeeya beelaha dhexdooda kaasoo ku saleysan cida maamuleysa magaalada.
Si kastaba wariyaha Reuters ayaa wuxuu leeyahay dhibaatada ugu weyn ee ka taagan Kismaayo waqti xaadirkan waa loolanka adag ee u dhexeeya qabiilada kala duwan ee ku hardamaya cida maamuleysa magaalada kadib bixitaanka Al-Shabaab taasoo horseedi karta dagaalo hor leh oo dhiig uu ku daato oo ka curta Kismaayo markale.
——————————————-
Xigasho: Reuters












alaa kariim alaw yam yam iyo qadaad wayn damacooda naga samata bixi waxaan weligood indhaha kor noogu qaadina maantay na hungureeyeen waar ma r dhegta ha la qandharuufto kenyanka ha istaaqfurunlaysteene
waa runtii axmed madoobe ayaa usoo halgamey.dadka iskaleh afmadaw,badhaadhe xagar jamaame,ayaa gudooyiye noqonaya,ninkayimid galgaduud waxba meeshan kama aha,mida kale raxanreeb ilmaadeerayaa anaka iyo reer gedo waan idiin simanahay,haduu iskudayo xasan sheekh maxamuud inuu diido axmed madoobe waa inoo dagaal ,absame waa 7 million ilaa 40 sano waa inoo dagaal,
kkkkkk Su’aal Sargaalka?
——>Adigu maxaad tahay markaad WADANKA SOMALIA amar siineeysid? Swaaxili fooqal Swaaxili
war waxu doqonsanaa, yaaba rumeysankara MAANTA inuu qof kenyaan ah ama ajanabi ah uu inoo sheego qofkii ku haboon maamulkeena?
Madoobaha lasheego soo mawato magaca “Ras Kambooni” oo tuulada xeebta kutaal ah?? Maxaa u diiday inuu Ras Kambooni maamul ugu sameeyo oo hogaankeeda unoqdo? Maxaa ku kalifay magaalo 10 Qabiil wada degto, oo 5-tii meelood eey hal meel kooxda Ras Kambooni labaxday ka degaan inuu Fowdo ka abuuro??
=====>> Qofka iimaanka la’ miro geed saaran ayuu udaadshaa mirahii uu gacanta ku haystay!
Sida loo socda waxaa layskaga daba imaan doonaa tuulada Ras Kambooni oo lays wiidiin “soo Baajuuni ma degto Ras Kambooni, oo looguma imaan asalkii, maxaa ka qadiyay maamulkaas Baajuunta???? Markaas ayaad Kismaayo inooga hadli????
kkkkkkk Yaaba war isku haya!
======> Dhageysta meeshaan waxaa ladhaha SOOMAALIA, waa lawada degaa, ama nabad kula dega boqolaalka qabiil ee meesha wax ka dega, ama fadlan kooxda Ras Kambooni labaxday ku laabta Gaarisa, Godey iyo Jijiga oo gaalada kasoo xoreysta dhulkaas, dhulkaani aad qaska ka wadaan waxaa degan dad wada muslimiin ah oo waligood wada deganaa, waligoodna wada degi doona!
=====>> OGEYSIIS KUWA WALI DAGAAL USOO DHADHAMAYO -Dadka SOOMAALIA Waxeey kasoo daaleen dagaal iyo isqabqabsi ee dabkii 21-ka sano soo holcayay yaana laguugu kor damin!!!
shiekh adeen madobe xafiddulah,waa arin fiican.
kismaan yo ayaan daranaa
Maamulka Kismaayo wuu sahlan yahay kii waqtigii maxaakiimta un buu noqon doonaa
Guddoomiyaha gobolka Absame waa mid iska caadi ah
Guddoomiyaha degmada waa mid sidoo kale ay qaadan doonto beesha Sade
Maamulka intii kale waa in la qaybiyaa waxaan ku saleeyay waqtigii maxaakiinta ayuu ahaa oo ay u direen 14 qof oo soo qiimeeya qabaailka heer gobol iyo heer degmo taasoo sidaa u kala qaadeen laakiin suuro gal ma ahan mana noqon doonto guddomiyaha iyo kan degmada beel kaliya in ay wada qaataan ama maamulka lagu soo daro beelo aan ciidankii soo dagaalamay ku jirin amaba aan nabad u rabin kismaayo keeni karina nabadda magaalada
maamul u sameenta kismaayo waxay u taalaa hooshaas dadka walaalaha oo kunool jubooyinka
viva somaliya aadan madoobe waa dadka u dhashay deegaanka hadii loo magacaabo waa tagerenaa
walaalooba jubaland dadka kunool guuleesta
Caasha waal, waa adigan Kismaayo iyo Kenbooni ku qafiifay iyo keenyaan baa wax amrayee, Kuwa kale ee Xamar iyo Soomalia inteeda kale dadka ku laaya kuna gumeesto ma aragtid miyaa? misa waxaa tahay tahay habartii markeey indha beeleeysay bakaylaha arktay hadeey maroodi maqashana bakayle mooda?
MAXAA KISMAAYO IYO KENYAAKA TUKE CAMBAAR LEH KA DHIGAY? MAAD WAX KA SHEEGTAAN SANWEYNTA KALE EE XAMAR LA WAREEGTAY HATAA BOOLIS AY IYGA KEYIHIIN KEENSADAY?
MISA WAXAA TAHAY KUWII AFKA DUUBNAA?
General Axmed Madoobe waa mujaahid u dagaalamay Jubbaland oo la og yahay in beeshiisa ugu tun wayn tahay.
Waxa khiyaameey shabaab kadib markii isaga oo u fadhiya nabad iyo in xilka Kismaayo lagu wareejiyo ay xabad ku billaabeen.
Waxaa ay weerarka ay ku qaadeen oo dhiigga Kambooniyiinta ku banneeystay been iyo marin habaabin diineed.
Axmed waa uu sugnaaday ilaa uu maanta uu Kismaayo gacanta kaga dhigay.
Kenyanka isaga uma yeeran waayo muddo sanad kadib ayay Kenyanka soo galeen.
Xataa haddii ay Kenyanku imaan lahaayeen codsigiisa waxaa uu haystaa takhriij sharci ah oo oggolanaaya kaalmaysiga gaalada.
Waayo shabaab ma ahayn xaraka Islaami oo ka been sheegtay diinta saxda ah
Waxay shabaab banneeysteen dhiiga culimada iyo umadda.
Shabaab waa khawaarijda casriga
Kuwaa u baahan in madaxa la jabiyo
Maanta shabaab waa jabeen waxaana jabiyey Somali oo dhan gaar ahaan Raskambooniyiinta.
Kambooniyiinta waxay ka yimaadeen Jubbaland oo caasimaddeedu tahay Kismaayo
Waxay maanta hanteen magaaladooda oo xaaranta ay ku haysteen Shabaab, walaalaha galguduud iwm
Guul for Kambooniyiinta
Jab iyo hoog waxaa uuu u sugnaaday Godane iyo mooryaantii USC oo la baxday walaalaha galguduud
Guusha waxaa leh Kambooniyiinta Jubbaland
waxaan layaabanahay sababta ciidamada raaskaampooni ee qabtay kismaanyo qaylada looga kicinhayo kuwa qaylyi haya maxay ooga saariwaayeen horaan alshabaab magalada.takale soo ma ahaan dadkii udhashay jubooyinka waxay udaadiyeen dhiigoodii iyo maalkoodiiba hadii looga carari hayo kaqabiil ahaan soo ma ahaan kuwii lahaa gobalka ee udhshay?shalay waxaa maamuli hayay magaalada barer hiiraale oo aysandagin beesha uu kasoo jeedo ee mareexaan iyo moorgan oo lamid ah iyo beesha habargir oo aan dagin ayadunah wax qaylo ah lagama muujinin markay joogeen kuwaas oo aysan dagin beeaha aykasoo jeedaan kismaanyo?dhulka ragii lahaa baa imaaday oo soo rogaal celiyay cidna laga tashanmahayo maamulka jubooyinka somaaliyeey ee dalka yaan loogu celinin xiligii uukasoo baxay ninkii ubaahan in uu gablamo kismaanyo haimaado
Dadku way hadlaayaan oo meeshu waa shimbirayahow heesa sxb ragbaa meesha u soo dagaalamey mudana furin iyo xabad ku soo jiray xaqu wuxuu yahay in lagu abaal mariyo axmed madoobe waa mujaahid yuuna cidna kala tashan deg deg maamul raaskambooni ha sameeyo dadka gedo iyo buaale ka qaylinaya aan aragno meeshay aadaan
wuxuu yiri waa faras cade hahade yaa kujoga waxd iswaydiiseen kismanyo ya mamulaya mase iswaydiiseen yaa kataiya maxy se ku danbayndonta
Dameer madoobe isna baray raran doonaan kinyatigu waxaa hubaal ah in meeshaa kismaayo aanay Kinya aayar ka bixi doonin jini nikii keenaa saara waa hawl u taala Ogaadeen ciid
wax abdimadoobe layiraahdo meeshaan loogama baahna,,hadii loo dayn lahaa shiikhal baa kabursanaysay,, kimaayana raskomboni kaliya maqaban dhililbta beenta ah joogiya,,dhumaal,abaas,ninanka ciidamada tfg hogaaminaya baa qabtay,,kenyana idinka dhicinmayso markey idinku soo jeestaan,,
there was no tribe admistertaion last 22 years , where have guys been? ma kenyatiga baa kuso lonayey,,kkkkkkkk,, the first man who brought in kismaayo was cumar jees, i gues you forgeten that,? hadii danta lafiiriyo meshaan waa mamul loosameeyo dadka dagaanka ahna laga qayb galiyaa,,hadii lagu hasheshiin waayo beelaha kadaga meesha baa ugu liita rer ugu horeeya oo seeftu qaadayso
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
yyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy
Kenya. Ayadaa xoraysay. Kismayo. Amarkeeda banana shaqayn sida ugandheeska amarkooda xamar uga shaqeyo Caqliga mooryaanta an kuu Aqaan waxay Rabaan in ugandheeska ay cimaamad ku qariyaan ,kenyana tosh ku ifiyaan laakiin ugandheeska. Cimaamad ma qorin kartaa ujeedda mooryaanta Waa ninkii Aan ila siyasad ahayn Waa daba dhilif caqligaas oo ah kii mooryaanta.
NAYAA CASHA JINOOLEEY ANIGA WAALO KU ORAN MAYO EE DOQONYAHAY URTAY NAYAA AFKAAGA HUURADA LEH NOOGA DAA HALYEYGEENA AXMED MADOOBE, WAA INOO DAGAAL HADDI AY DOWLADDA INA SOO FARA GELISO. HA NOOLADO HALYEY HAGAAMIYAHA DHABTA MADAXWEYNAHA JUUBO LAND EE KA SAARAY KISMAAYO DULLIGII GUMAYSANAYEY. VIVO KABLALAX. CAR MANTAY TAALLA YAA HOOYO DHASHAY EE ARRINTA KISMAAYO KA HADLI KARA HABEEN IYO MAALIN HAD IYO JEER VIVO KABLALAX
Yaann la isku wareerrin dhegeysiga dadka iyo qabiilada banaanka wax ka sheegaya Sheeekh ADAN Madoobee waa nin joore ah waa nin yaqaan sida loo ala joogo asaaana hogaamiyiihii
Dadka Degaanka ayaa ka tashan doona cidii ay masiirkooda u dhiiban donaan *Axmed Madoowe waa u dhashay degaanka lakiin waa jooga kuwo ku dhashay Sida Col. Cali Carees iyo Siyaasi Maxamed Amiin oo Reer Waamo ah oo ay isku heeb yihiin ….Wait and See Solutions ayey Jubbaland ku jiraa dal iyo dibbad kama seexdaan cida ay hogaanka noqon doonto mustaqbulka Jubbooyinka..La arkee…
Iska hadlow iska hadlee, waa iska caqli meesha axmed madoobe CID u dhiibaysa jirto raggii lahaa baa JOOGA waxba raxanreeb ha beerlaxawsan iyo waa is yaqaanaan marka waxaa daran in sidaadii uu caqliga kaa noqdo 2012 iyadoo la joogo Anna ogow sidaydii aan kuula dhaqmi jiray waxba ka badalimaayo
Talo ayaa u baahan tahay ehelse kuuma joogo
Viva ogadenia
@Caashaay
Anigu inta kale ku dari karimaaye Sheekhu ma ogtahay inuu ka soo jeedo qabiilka keliya ee sadex degmo oo banaanka ka ah iyo Kismaayo oo uu iyana ugu badan yahay qabiilkuu ka soo jeedaa dego,ma aqoon la’aan baa meesha kaa haysa mise waad is yeelyeelaysaa.Gobolkuna waa shan degmo ee la soco degmada Jammaame uun baa taraxda.
[...] Sida il wareedka sheegayo wafdiga IGAD waxay madaxweynaha kala hadleen inay rabaan in qaar ka mid ah xubnaha kooxda Raskambooni gaar ahaan Sheekh Axmed Madoobe lagu soo daro maamulka heerka gobol ee laga sameynayo Kismaayo iyo in beelaha gobolka Jubbada Hoose laga soo wada qeybgaliyo maamulka. Saraakiisha Kenya ayaa qaba aragti ah in Sheekh Axmed Madoobe uu soo galay halgan dheer sidaasi darteedna laga dhigo gudoomiyaha gobolka. [AKHRI HADAL KA SOO BAXAY SARKAAL KENYAN AH] [...]
alaahu akbar nin gurigiisa soo gubay ayaa guri dadopw rabo inuu yirahdo garka ayaa i gaduutay xoreynta kismaayo, waryaa marka kismaayo usoo cararaysid waa soo daayacday jigjiga ,godey ,qabri dahare o uu ku garaaco tigree uraayo oo in jir badan, marka waxaad rabtaa inaad hadana daayacdo kismaayo waa lagu yaqaanaya cabdi bile ordaayo ayaad tahay ,sxb kismaayo dadkii deganaa ayaad rabta intaad usoo wadatay gaalo san weyn aad tiraahdo anaa xoreeyay, iska ilow wali game adag aya kusuga dadki dega ayaa hadana kaa xoreysanayo adaa lagu sugayay fulay nimadii shalay 1991 ugu oroday hadana tarbuunka ayay kuu fadhiyaan, waxaa lasugaa kaliya ilaa san weynta ay ka tagaan waa lagaa tuuranaa.