SAWIRO: Ciidamada Dawlada Iyo Amisom oo Gaarey Garoonkii Ciidamada Cirka ee Ballidoogle
Ballidoogle (RBC) Ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ayaa maanya sheegay inay la wareegeen garoonkii hore ee ciidanka cirka Soomaaliya ee Balli-doogle oo ahaa garoonkii ugu weynaa ee ciidanka difaaca cirka Soomaaliyeed xilligii ay jirtay dawladii dhexe ee dalka.
La wareegitaanka Amisom iyo dawlada ee Balli-doogle oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa timid kadib markii Sabtidii duulaan ay qaadeen ciidamada wadajirka ah ay ku qabsadeen degmada Wanlaweyn (Daafeed) oo qiyaastii 93-km u jirta magaalada Muqdisho halkaasoo ay horey ugu sugnaayeen ciidamada Al-Shabaab.
Ururka Al-Shabaab illaa hadda kama hadlin qabsashada garoonka Balli-doogle.
Garoonka Balli-doogle wuxuu Muqdisho u jiraa qiyaastii 115-km oo dhan koonfureed ah, wuxuuna degmada Wanlaweyn kaga beegan yahay jihada galbeedka oo ku toosan dhanka magaalada Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Baay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wax dagaal ah aanu ka dhicin garoonka kadib markii ciidamada wadajirka ay galeen, iyadoo ciidamadii Al-Shabaab ee halklaasi joogay ay mar hore isaga bexeen.
_________________________________________________________
RBC Radio
Raxanreeb.com






















Amazing! I don’t know how i feel about this?
ALLAAHU AKBAR MUNAAFAQIINTII WAA LAGA SAARAY DALKA INSHAA ALLAAH INTA HARTAYNA WAA LAGA SARAYAA.
DAALIMIINTII DAALIBAAN MEEL HAYDIN GEEYAAN.
KHAWAARIJTII WAA UDHAMMAATAY.
Walaalayaal waa in uu qofku hadalka afkiisa ka soo baxayo ka fiirsado. Nabigeenuu (scw) wuxuu innoo sheegay in qofku hadal uu si fudud u yidhi oo aanu fiirsan uu 70 sano naarta ugu sii hoobto. Haddaba in Allahu Akbar loo yidhaado gaalaada (amisom) ayaa qabsatay Balaydoogle , muxuu xukukeedu noqonayaa?
Waxaa mahadnaq Eebbe ah in kooxdii dhunsanayd ay haad geed waayey noqdeen.
Cali-Dhuux baa ku tiraabay:
Meesha Sayid-Maxamed uu ka yiri ku beddelo Ina Godane.
KU; Mahdi Jaamac- walaal waxaa ku haysata aqoon-yari xagga diinta ah, waxaan kuu sheegi gaal iyo muslinba axad kasta xumaanta uu geysto waa laga abaal marin Ilaahay hortiisa.
[...] Uganda ayaa xaqiijiyey in afar askari oo ka tirsan ciidankooda ku sugan Soomaaliya lagu dilay deegaanka Ballidoogle ee gobolka Shabeelaha [...]
[...] oo Al Shabaab ay ku qaaday maanta kolonyo gaadiid ah oo marayey inta u dhexeysa deegaanka Leego iyo Garoonka Ballidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose oo ay la socdeen xildhibaano iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka [...]