Sheekh Axmed Madoobe oo Xalay Markii ugu Horeysay Kismaayo Ku Hoyday


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kismaayo (RBC) Sheekh Axmed Maxamed Islaan “Sheekh Axmed Madoobe” oo ah gudoomiyaha ururka hubeysan ee Raskambooni oo ah urur ka dhinac dagaalama ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada ayaa shalay soo gaaray magaalada Kismaayo oo toddobaadkan ku jirtay xaalad isbedel ah kadib ka bixitaankii kooxda Al-Shabaab toddobaadkii hore dhamaadkiisa.

Sheekh Axmed Madoobe oo wata gaadiidka dagaalka iyo ciidamo fara badan oo ka mid ah kuwa Raskambooni ayaa kasoo galay dhanka galbeedka Kismaayo iyadoo isla shalay galab uu kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo, kulankaasoo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo ka mid ah saldhigyada ay degeen ciidanka Kenyanka.

Kulankaasi ayaa sida warar ku dhow u xaqiijiyeen Raxanreeb waxaa looga hadlay amaanka magaalada iyo sidii ciidamada Kenyanka iyo kuwa Soomaalida u qeybsan lahaayeen hawsha sugida amaanka magaalada guud ahaan, waxaana sidoo kale laga hadlay hawlgalo dhanka amaanka oo  guud in laga bilaabo xaafadaha magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa xalay bandow la saaray kadib markii maqribkii uu qarax bam ka dhacay makhaayad ku taalla agagarka Aargada halkaasoo ay saddex ruux ku dhaawacmeen.

Ciidamada Kenya ayaa shalay isku ballaariyey magaalada oo ay maalmahanba si tartiib tartiib ah u soo galayeen.  Meelaha ay hadda fariisimaha ka dhigteen ciidamada Kenya waxaa ka mid ah dekeda, garoonka diyaaradaha, gurigii gobolk (oo dadku u yaqaanaan madaxtooyada) iyo saldhiga degmada.  Sidoo kale waxay Kenyanka weli joogaan kontoroolka waqooyi ee ay marto wadadada weyn ee aada dhanka Jilib.

Weli magaalada ma leh wax maamul ah oo heer degmo ama mid gobol, lamana oga in kooxda Raskambooni ay ku dhaqaaqi doonaan sameynta maamul Kismaayo ka shaqeeya, inkastoo ay jiraan caqabado badan oo arintaasi hortaagan ayna ugu horeeyaan sugida amaanka magaalada iyo xasaasiyad soo kordheysa oo laga qabo Kenyanka iyo Raskambooniyiinta qudhooda. [AKHRI Warbixin khilaafka Jubbooyinka]

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

10 Responses for “Sheekh Axmed Madoobe oo Xalay Markii ugu Horeysay Kismaayo Ku Hoyday”

  1. Mahdi Jaamac says:

    Sheekh iyo gaaluu xulafa la yahay meel ma wada galaan ee kala daaya

  2. ISTAR says:

    RAXANREEB KUWAANA WARKAAN IYO KUWO KALE OO BADAN BEY IDINKA XADEEN TUUGADA WAA IN AAD ISKA QABATAAN

    http://www.galcad24.com/?p=7211

  3. Diirshe says:

    Sheekh Ahmed Madoobe welcome back to Kismayo.

  4. Muwaadin says:

    ku soo dhawaw halyay Axmed Madoobe magaaladadi Kismayo

  5. [...] waxaa dilay ciidamada Axmed Madoobe, wuxuu ka soo safray Kismaayo reerka abtigiis oo Buulogaduud degan ayuu u socday… way kala [...]

  6. [...] waxay madaxweynaha kala hadleen inay rabaan in qaar ka mid ah xubnaha kooxda Raskambooni gaar ahaan Sheekh Axmed Madoobe lagu soo daro maamulka heerka gobol ee laga sameynayo Kismaayo iyo in beelaha gobolka Jubbada Hoose [...]

  7. [...] saaka ka hor intii aysan doonta ka bixin dekeda gaaray halkaasi Sheekh Axmed Madoobe oo ah masuulka ugu sareeya ciidamada Raskambooniu ee la socda kuwa Kenya, wuxuuna kulan saacad [...]

  8. [...] ayaa kulamo la qaatay Sheekh Axmed Madoobe iyo taliyaha ugu sareeya ciidanka Kenya ee halkaas jooga, waxana la sheegay in kulankaas looga [...]

  9. [...] (RBC) Sheekh Axmed Maxamed Islaan “Axmed Madoobe” oo ah gudoomiyaha ururka Raskambooni ee ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in hawlaha maamul u sameynta [...]

  10. [...] ayaa sheegaya in habeen hore qarax miino oo bartamaha magaalada Kismaayo ka dhacay uu ka badbaaday Sheekh Amed Madoobe oo ah gudoomiyaha ciidamada Raskambooni kadib markii baabuur uu la socday ay miinadu [...]

Leave a Reply