Shir Looga Hadlaayay Ammaanka Gobalka Geeska Africa Ayaa Lagu Soo Gabagabeeyay Nairobi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC Radio)  Waxa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay shir looga  hadlaayay ammaanka gobalka geeska Africa, kaas labadii cisho ee la soo dhaafay ka halkaas halkaas.

Shirka ayaa waxa si gaar ah looga hadlay arrimaha ammaanka wadamada Soomaaliya iyo koonfurta Sudan.

Shirka ayaa looga hadlay siddii wax looga qaban lahaa ammaan darida ka taagan dalka ku yaala geeska Africa, kaasoo 21-kii sano ee la soo dhaafay dagaallo ay rabshado ka socdeen.

Shirka dhinaca Soomaaliya waxa uu u matalaayay wafdi uu hoggaaminaayo sii hayaha wasiirka arrimaha gaashandhiga Xuseen Carab Ciise

Dhammaan madaxdii ka soo qeybgashay shirka ayaa goobta ka sheegay in loo baahan yahay siddii wax looga qaban lahaa ammaan darida ka taagan wadamada Koonfurta Sudan iyo Soomaaliya, isla markaana sheegay haddii aan wax laga qaban in ay saameyn ku yeelan karaan wadamada gobalka.

Wasiirka gaashandhiga Soomaaliya ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay isbadal ka dhalatay isla markaana dowlad rasmi la sameen doono, iyadoona inta badan dalka laga xoreeyay Al-Shabaab sida uu hadalka udhigay.

Shirka ayaa lagu soo dhaweeyay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM in ay gudaha ugalaan magaalada dekadda leh ee Kismaayo halkaasoo ay ku xooganeyd Al-Shabaab.

Dhinaca kale sii hayaha wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Samad Sheekh Maxamuud ayaa shaki galiyay shir dowladda Kenya ay ugu qabatay beelaha ka soo jeeda gobalka Jubbada Hoose, kaasoo looga gun lee yahay siddii maamul loogu sameen lahaa Kismaayo.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkaas dowladda Soomaaliya aysan la socon, oo wixii ka soo baxo aysan iyaga masuul ka ahayn.

Wuxu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay maamul u sameyn doonto magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya, halkaasoo horaantii toddobaadkii hore ay ka baxday Al-Shabaab.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

1 Response for “Shir Looga Hadlaayay Ammaanka Gobalka Geeska Africa Ayaa Lagu Soo Gabagabeeyay Nairobi”

  1. [...] Continue reading here: Shir Looga Hadlaayay Ammaanka Gobalka Geeska Africa Ayaa Lagu Soo Gabagabeeyay Nairobi [...]

Leave a Reply