Shirkada Hormuud oo $ 100,000 Dollar Ugu Deeqday Badbaadinta Dadkii Uu Ku Fatahay Wabiga Shabeelle


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa ugu deeqday lacag aad u badan dadka saamaynta ay ku yeesheen fatahaadaha uu ka sameeyay wabisga shabeelle gobalka Hiiraan.

Shirkadaan ayaa goordhow ku dhawaaqday in ay bixinayo lacag gaaraysa $100,000 Dollar oo ay ugu talagashay in lagu badbaadiyo dadkaasi ay saamaynta balaaran ay ku yeesheen fatahaadaasi.

Cali Shiikh Yaasin (Fadhaa) oo ka mid ah masuuliyiinta shirkada isgaariinta Hormuud ayaa wuxuu sheegay in deeqdaan ay ugu tala galeen in lagu badbaadiyo dadkaasi.

Cali Fadhaa ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in lacagtaan haatanba ay bixisay shirkada isla markaana uu sii bilowday gurmadka loo samaynayo dadka reer Baladweyne.

Wabiga Shabeelle ayaa wuxuu ku fatahay xaafado badan oo ka tirsan gobalka Hiiraan waxaana fatahaadaasi ay saamayn balaaran ay ku yeelatay dadka magaaladaasi iyadoona ay geesatay khasaaro isugu jira naf iyo maal.

Hormuud Telekom ayaa ah mid si weyn utaageerta Dadka dhibaateysan xilliyada ay masibooyinka Rabaaniga ah qabsadaan sida fatahaadaha iyo abaaraha Soomaaliya waqtigii ay ka jireen.

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Share

4 Responses for “Shirkada Hormuud oo $ 100,000 Dollar Ugu Deeqday Badbaadinta Dadkii Uu Ku Fatahay Wabiga Shabeelle”

  1. [...] Read More: Shirkada Hormuud oo $ 100,000 Dollar Ugu Deeqday Badbaadinta Dadkii Uu Ku Fatahay Wabiga Shabeelle [...]

  2. galmudug says:

    Haaa masha allh shirkadaan waa shirkad wadani ah waana oga mahad celinaynaa qof walba oo u gurmanaya shacabkaas dhibaateesan

  3. Hiiraan_Man says:

    Waa talaabo wanagsan oo kudayasho mudan.Jazakumallah kheyr.

  4. xaawo says:

    mansha allaah ilaah ayaa idinka abal marinao malinta qiyaame waxaad samay sen wax wanaag san waxaan rajeynayaa umada soomaaliyeed inteeda kale inay idinkaga daysadaan wanaaga aamiin

Leave a Reply