Shirkii Golaha Wasiirada oo Looga Hadlay Arimo Muhiim ah (War-Saxaafadeed)
Muqdisho (RBC Radio) Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin guulihii ay gaareen Ciidanka Qaranka, warbixino laga dhagaystay Gudigii Gurmadka ee daadadkii ka dhacay Baladweyn, iyo sidii wasiiradu isugu diyaarin lahaayeen inay sameeyaan xilwareejin.
Ugu horayntii wasiirka Gashaandhiga ahna Ra’iisul wasaare ku xigeen ayaa ka warbixyey guulaha ciidamada Qaranka iyo kuwa AMISOM ay ka gaareen, waxaana uu sheegay in ay ciidamadu la wareegeen Garoonka Ciidanka Cirka ee Balidoogle, sidoo kale ay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo si loo furo wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, Wasiirku wuxuu intaa ku daray in maleeshiyaad badan oo katirsan Alqaacidada Soomaaliya ay isa soo dhibeen qaar kalana dowladu kula jirto wada hadal sidii ay hubka isaga dhigi lahaayeen.
Sidoo Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ka warbixiyey howlaha Gargaarka ee Baladweyne wuxuuna sheegay wasiirku in xaalada hada ay dagan tahay mucaawinooyin kala duwana lagaarsiiyey kuwo kalana lagu talo jiro sidii loo gaarsiin lahaa, balse wasiirku wuxuu ka digay inay dhici karto khatar dhanka caafimaadka ah madaama xoolo faro badan oo ku dhintay fataahada wabiga ay daadsan yihiin daafaha magaalada iyadoo dadkuna iminka bilaabeen inay magaalada dib ugu noqdaan kadib markii ay yaraadeen biyihii ku soo fatahay Magaalada.
Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku booriyey wasiirada inay diyaariyaan habkii ay u samayn lahaayeen xilwareejin dhamaystiran iyadoo la wareejinayo gawaarida, qalabka xafiisyada, mashaariicda gacanta lagu hayo iyo kuwo heshiiskooda la galay iyo dhamaan dukumentiyada dowlada. Waxaana la filayaa ina xil wareejintaani ay dhacdo dhawaan madaama la magacabay Ra’iisul wasaare cusub lana filayo inuu soo dhiso Golihiisa wasiirada,
>>>DHAMAAD<<<













[...] Read the original: Shirkii Golaha Wasiirada oo Looga Hadlay Arimo Muhiim ah (War-Saxaafadeed) [...]
Cabdiweli weli wuu sii shaqeynayaa, maadaama R/waasaraha Cusub weli Barlamaanka uusan ansixin, ka dibna la dhaarin. Laakiinse waxaan ka yaabay Wasiirka koowaad ee cusub oo bixinaya interview Radio ah oo uga hadlayo Dowlada uu soo dhisi doono. Bal haddey diidaan Barlamaanka ma saas buu u dhaqmayaa.
Very nice well done abdi wali gas
abdiwali-gaas – adeer meesha isaga soo tag haku busaaradaysan e kolay xilkaas kaa wareeg adiga e noo imow waxan kusoo magacabayna gudomiya degmada jariiban e
kkk
Diirshe ma is tidhi Gaas laf buu toobin ku hayaa…..kkk…..xilwareejin inu isu diyariyey ahayd dalku wuxu leeyahay ciidan iyo shaqale ka baxsan siyasada oo marwalba joogaya raysalwasaarekastoo yimadee kkk mise waa sidaad udhigtee Gaas lacala hadiii Saacid ladiido meesha uugu dheganyay? kk Lacala one more chance kkk nice try
garowe Aleelahay adaa ka feker fiican diirshe kkk Lacala ku habsamin maysid kk