Siddee Israeli Iyo Iran Saameeyn Ugu Yeesheen Shirkii Sannadlaha Ee Golaha Loo Dhanyahay Ee QM (Warbixin)
New York (RBC Radio) Kaddib markii dhawaan xarunta Qaramada Midoobay ee New York uu ka dhacay shirkii sannadlaha ee golaha loo dhan yahay, ayaa wax yaabaha sida weyn ay saxaafadda toddobaadkan wax uga qoreysay waxa ka mid hadaladii halkaas ay ka jeediyeen madaxda wadamada Israel iyo Iran.
Ra’iisal wasaaraha Israel Binyamin Netanyahu ayaa madasha shirkii 67-aad ka sheegay in qad cagaaran loo yeelo Nukleerka Iran, isagoo markaas adduunyada tusaayay qatarta xukuumadda Tehran ay ku lee dahay wadamada reer galbeedka.
Mr. Netanyahu,ayaa isagoo wata warqad ay ku suwiran yihiin heerarka ama maraaxisha Nukleerka dalka Iran soo ag istaagay goobta, waxana uu daf-daf la soo dhafay qorshaha Iran ay damacsan tahaya.
Wuxuu yiri “ Habka kaliye ee looga hortagi karo barnaamijka Nukleerka waa iyadoo loo sameeyo qad cagaaran, taasoo ah mid lagu joojinaayo sii bacriminta hubak wax gu maada”
Wuxuu intaas ku daray walaaca laga qabo hubka Nukleerka Iran in uusan maanta ku koobneen Israel ee xittaa dalalka carabta ay dariska yihiin uu walaac heesto.
Waxa uu yiri “Walaaca aan qabno waxa nala wadaaga Carabta aanu dariska nahay”
Inta uu khudbadiisa watay waxa uu ku soo hadal qaaday in 70% Yuuraniyomka laga sameeyo shidaalka uu kordhay taasoo ka dhigeysa heerka nukleerka 90% sida uu hadka u dhigay.
Hoggaamiyaha Israel waxa uu doonayaa in colaada ay u qabaan Iran in ay la qaybsato adduunyadda.
Israel waxa ay dooneysaa in tallaabo milatari laga qaado Iran, si looga hortago bacriminta Yuraaniyomka Nukleerka dalka Iran.
Iran mar kasta way in kirtaa in ay sameeesaneyso hub Nukleer, waxana ay iska fogeysay in ay Qatar ku tahay Israel.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, oo khudbad ka jeedinaayay shirkii New York toddobaadkii hore, ayaa u muuqday in uusan rabin in uu ku sii dheeraaro arrimaha Iran, laakin waxa muujiyay in ay loo baahan yahay in laga hortago hubka ka immaanaya Iran, laakin aysan diyaar u haayn iyaga in qad cagaaran lagu soo rogo xukumadda Tehran.
Netanyahu oo la hadlaayay madaxdii joogtay shirka ayaa yiri “ Haddii kooxo argagixiso ah oo isku xiran haddii ay idiin soo damaaciyaan ma waxa u maleeneesiin in aad ku bad-baadeesan bariga dhexe, yaa ku badbaadaya Yureub? Yaa ku badbaadaya America ama meel kale? waa in marka dib loo eego heerka hubka Nukleerka Iran qiyaasa sida uu yahay hadda hubka nukleerka.”
Mareykanka ma taageerasan yahay Israel gurbaanka ay tumeyso ?
Xoghayaha difaaca Mareykanka Leon Panetta goor sii horeysay waxa uu sheegay in xiriirka Netanyahu iyo Obama mar hore la tijaabiyay, taasoo in uu muran keeni karo in qad cagaarah loo sameeyo hubka Nukleerka Iran.
Wuxuu yiri “Xaqiiqdii Madaxweynaha Mareykanka iyo ra’iisal wasaaraha Israel iyo wadamada kale go’aan ku saabsan in qad cagaaran loo yeelo hubka Nukleerka Iran ma ahan mid la isku raacay,”
Wuxuu u sheegay Panetta Majaladda Foreign Policy in dhab ahaan erayga qad cagaaran uu yahay mid muran keenaya, taasoo dadka ku sameen kara Kansar.
Muxuu Ka yiri Madaxweynaha Iran Shirka New York ?
Madaxweynaha Iran Maxamuud Axmdiinijaad markii uu bilabay khudbada waxa uu weerar afka ku qaaday madaxda reer galbeedka, kuwaasoo uu yiri iyaga ayaa ka dambeeya colaada ka aloosan dalka Syria.
Khudbada markii u bilaabay Nijaad waxa goobta si hal haleel uga baxay ergo ka socotay reer galbeedka oo ay ugu horreyaan Mareykanka iyo Israel kuwaasoo aan dhageesan hadalka madaxweynaha dalka Iran.
Wargeyska ka soo baxa Israeli ee Haaretz ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay wado qorshayaal ay galaan gal ugu yeelato bariga, iyadoo hadda xulafo la sameesatay xukuumada Syria ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Bishaar Al-Asad.
Israel waxa loo heestaa gumaad ay ka geesatay marinka Gaza ee dhulka Falastiiniyiinta sannadkii 2007-dii markaasoo dad rayid ay u adeegsatay hubka cad ee ka mamnuuca dagaalka.
Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas oo jooogay shirkii golaha ammaanka QM ayaa hadda doonaya in sannadkan uu ku soo gabagabeeyo damaca ah in Falastiin ay xubin ka noqoto aduunka.
Si kastaba, shirka kalkan waxa arrimaha hareeyay meel sare ka gashay xiisada ka aloosan labada wadan ee Iran iyo Israel oo mid kasta saaxibo ku leh aduunka.
Israel waxa ay Iran u aragtaa cadowga ugu horreeya ee gobalka ku lee dahay, waxana ay allaaba sameesaa wax kasta oo ay ku carqaladeeneyso hubka Nukleerka dalka Iran.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Bariga Dhexe















warkani waa war dunida laga fiirsadey ee maxaad kaloo nooheysaa? ninka madaxweynaha loo magacabey inuu yahey FBI,CIA,MUSAD mala socotaa? marka arinkaas ka hadla Plz marka hore
The details of an Israeli attack on Iran are revealed in Jonathan Bloomfield’s book, “Palestine.”
RBC. Mahadsanidiin laakiin waxaad iiga jawaabtaan qoraalkiina waxaa uu 100% si faahfaahsan uga hadlay warkii Netanyahu wax walba uu sheegay oo faahfaahsan ayaad soo gudbiseen.
Laakiin Najad warkiisii mid kamid ah ankee maydan soo qaadan , Sawirka kooban ee laba far ku kooban micnihiisa iyo qudbadiisa iyo waxyaabaha uu kayiri shirka waxa idinkala muhiimsan warka Netanyahu , RBC ayadanu way kabaxday shirka markuu Najad istaagay sheekada sidaa miyaa
Teenaa nahaysata ,mahsaakilaad keenaa meelaan kala dhigno la nayay qofka raba inuu Soomaali
Ku mashquuliyo topic Gaan fadlan Dood Soomaali wax taraysa soo dhex dhig , Viva Puntland & Soomaalia