Soomaaliya: Nidaam La’aan. W/Q CabdiJaliil Maxamed
Soomaaliya: Nidaam La’aan
CabdiJaliil Maxamed
Jallil45@hotmail.com
Oktoobar 10 2012
Magaca maqaalkan waxaad ka dheehan kartaa in si guud Soomalidu ay u la’adahay ama u hareer marsantahay nidaamka dawliga ah. maqaalkani waxaan ula jeedaa inaan ku iftiimiyo habraac la’aanta dawliga ah ee ka jirta soomalia inta aan ka gaaro. soomalia waxaa lagu sheegaa dal ay midayso waxyaabo badan oo ay wadamo badan oo caalamka ahi aysan dadkeedu midayn waxaana kamida in soomalidu tahay dad isku diin ah, dhaqan ah, af ah iyo waliba isku midab ah. hadaba waxaad ogataan in dadka noocaas oo kalle loo tilmaamaai aaney inta badan hal dal kuwada noolayn aduunka maanta.
Suaashu waxay tahay dhamaan arrimahaasi waa kuwii sahli lahaa in dadka noocaas ahi ay yeeshaan nidaam iyo midnimo maadaama aysan jirrin wax lagu kala sooco oo ay muujinayso waxa afka qalaad lagu yiraahdo “ethnic difference”. hadaba Soomaliya: nidaam la’aan waa maqaal aad ay ula yaabi doonaan dhamaan cid kastoo aan soomali u hayb sheegan waayo waxay og yihiin wax mideeyo dad oo ay Soomali wada haysato kaddibna kama gadmayo maankooda in dad noocaas ahi ay noqdaan nidaam la’aan. hadii aan usoo daadadgo dulucda maqaalkani waxaa soomalida ku dhacay is badal saamayn wayn ku yeeshay nolashii qof kasta oo soomali ah. waxaa dalkii lagu sheegi jiray jamhuuriyada toddobada ka dhacay is badal siyaasadeed oo ay soomali horboodayso aysana ka marnayn gadaal ka riixid shisheeye haba ahaadeen kuwo aan dano qalafsan ka lahayn soomalia. Waxaa soomalia ku sugan ciidamo shisheeye oo inta la ogyahay Africa ka yimid inta la sheegsheego ama aan la ogayne caalamka oo dhan ka yimid. Ugama hadlayno maqaalkan waxa ay u yimaadeen iyo danaha shisheeye ee waxaan ku gaabsanayaa danaha Soomaali iyo sida au hiigsan la adahay oo ay u ugu horayso fahan la’aanta nidaamka dawliga ah.
Soomaaliya maanta waxaa ka jira dawlad rasmi ah oo leh gole wakiilo si toos ah uga yimid hogaamada dhaqanka umada soomaliyeed kuwaas oo si aan toos ahayn uga turjumaya shacabka soomalia, waxa barlamaakaasi horyimid musharixiin u taagnaa kursiga dalka looga arrimyo ee madaxwaynaha. waxaana sihufan ay u qabsadeen doorasho golle loo joogo waxaana ay doorteen madaxwayne kaas oo ugu danbayn doortay wasiirkiisi kowaad. si kastaba ha ahaatee dawladan oo ah mid federaali ah waxaa muuqda in ay xadidantahay nadaamka ay ku shaqayn karto. Dawlad kasta oo federaali ah waxay leedahay ujeedooyin ku kalifay in ay nidaamka federaal adeegsato, Soomaliya wali ma cada sababta kaliftay nidaamkan lakiin kaba soo qaad federaali qabiili ah oo aan ahayn qawmi waayo qawmiyadu waxay leedahay waxay kaga duwantahay kuwa kalle oo ay dalka wadaagaan lakiin Soomaliya laguma sheegin taariikh ahaan qawmiyad ka gadisan mid kalle oo dalka ka jirta. qodobkani waa nidaam la’aanta ugu horaysa ee ay Soomaliya lugaha kula jirto sida ay uga baxdana amaba ay ugu socotana aysanba u muuqan.
Aan niraahno Soomaaliya oo federaali si kastaba ha u noqotee nidaamkee laga rabaa?.
Nidaamka federaaliga ah oo ay dawladi ku dhaqantaa waxa u leeyahay ujeedooyin xaddidan oo markii horaba kalifay in lagu dhaqmo marka danbana leh sababihii loogu dhaqmi lahaa . soomalia waxay isku darsatay iyadoo aan lahayn asbaabo keenay in federaal ay ahaato iyo waliba iyadoo aan lahayn qaabkii ayba xataa ugu dhaqmi lahayd. Dawlad kasta oo federaali ah waxay leedahay maamulo deegaameed leh ismaamul hoosaad leh shaqooyin xaddidan si toos ahna u hoos taga dawlada dhexe ee federaaliga ah. maamuladaasu ma lahan awood ka baxsan mida nidaamka federaaliga ahu qeexayo. Hadaba Soomaaliya marka ugu horaysaba malahan dawlad deegaameedyo aan ka ahayn kuwo siyaasadaysan oo laftirkooduba aan cago ku taagnayn, ma lahan xisbiyo siyaasadeed oo mid dawlad deegaan ilaa heer federaal shaqeeya waana tan keentay in siyaasada dawlad deegaamadu lidi ku noqdaan tii federaalka ama dawladii dhexe waayo ma jiran hadaf siyaasadeed oo ka dhaxeeya maamul goboleedada iyo dawlada dhexe.
Hadaba waxaan kusoo gunaanadayaa Soomaaliya waxay cagta saartay tub ay ku daadsan tahay qodxo iyo walxo badan oo ay halis ugu tahay inay ku baab’ado waxaana ugu horaysaa in magaalo hoostimaada Soomaliya ay ahaan waydo mid Soomaaliyaysan.
qoraaga : cabdijaliil maxamad













If you don’t understand why we need federal system than you should not be writing about somali governance . I don’t know where you have been in last 50 years or so, but I can tell you there will never be a country called Somalia if we don’t respect the federal system and the new constitution.After completing my grade 4 education I had to travel 900km to come to Mogadishu for middle school and the humiliation and the name calling I had received fom my classmates in mogadishu still lingers in my mind. I don’t wish that experience for any other somali child. I can honestly say that experience has
affected me psychologically in a permanent way,
so please stop insulting our intelligence, and do little research on why many Somalis including myself would rather see no Somalia rather than going back to Mogadishu.
War Ninkaan Umadda Niyadda ka dilaa muxuu ahaa. Somaaliya waxey cagta saartay Xiligii la isku baabi i lahaa ku lahaa.
Qoraagu halista ku digayo waa halis qof kastoo wax fahamsan u muuqata waana federalismka qoorta loo geliyey. Laakiin federlismku qur,aan ma ahane waa wax la baddali karo. In la baddalana waxaa kaliya oo ku xirantahey in dowladdu hanato gobollada Bartamaha iyo Koofurta dalka.
Markey intaas hanato dowladda iyo wakiillada iyo wax garadku waxey qiimeyn ku sameynayaan in gebigiisba federalka meesha laga saaro iyo in lagu saleeyo saddex. Waxeyna u badantahey in la laali doono.
Qorshe kale oo waxaa jira kaas dhinac socda oo ah in shan ilaa lix federal loo qeyb qeybiyo dalka.
Dadka federalka ku dheggan waxoodu cilmi kuma dhisnee baqdin iyo dulmi tirsasho iyo damac unbey ku dhisanyihiin.
Federalku uma shaqeyn karo habka hadda loo dhigayo, waana in ummaddu isku rogmato oo hadda iyo koow loo dhigo koob cusub oo dagaal ah.
Aadbaan ugu faraxsanahay in aan yeelannay raysulwasaare cusub oon ku meelgaar ahayn, aadbaan ugu faraxsanahay in PUNTLAND ay soo dhawayso raysulwasaaraha cusub ee madaxwayne xassan uu soo magacaabay kaasoo aan filayno inuu noqon doono ninkii soomaali u baahnayd haddaysan wadadu ka qaldamin.
TALO SOO JEEDIN:
DOWLADDA SOOMAALIYA:
Talada haddaan lawadaagin wax ma saxmaan soomaali hawada tashato
waxaan kula talinayaa madaxda cusub inay ogaadaan in dadka soomaaliyeed ay isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal.
1. inaanay boogaha damqin.
2. waa inay ka dheeraadaan eexda iyo nacaybka.
3. Waa inay kadheeraadaan qabyaaladda iyo caddaalad darida, iyo
4. Waa inay kadheeraadaan wax walba oo keenaya in halkii lajoogan sanado kahor dib loogu laabto.
PUNTLAND:
waxaan kula talinayaa madaxda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee puntland inay ogaadaan in ummadda soomaaliyeed isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal u halgama sinnaanta iyo caddaaladda.
waxaan idin oran lahaa waad ku mahadsantihiin sida aad isugu howsheen in soomaaliya ay dowlad aad ka midtihiin yeelato, waxaad ku dadaashaan
1. puntland waxaan ka codsanaynaa inaysan soomaaliya ka go’in.
2. in ay u dulqaataan waxwalba oo khalad ama is fahan waa ah oo uga yimaada madaxda cusub.
3. in dowladda soomaaliya ay kala shaqeeyaan sidii dalka dib loogu dhisilahaa.
4. in soomaalida ay ka caawiyaan in maamuladooda ay dhistaan iyagoo madaxbannaan oon lagu samayn wax faragalin ah.
5. in ummadda soomaaliyeed ee ay dib u dajinta siiyeen ay sii hayaan lana dadaalaan.
6. in dastuurka iyo sharciga ay il gaara ku hayaan si dalku aanu dib isugu dhexyaacin, maxaa yeelay wixii lagu heshiiyay haddii laga bayro waxbaa qaldama.
SHACABKA SOOMAALIYEED
Shacabow RABBI utoobad keena, kana tuuga in dal iyo dad midaysan uu nasiiyo oo barwaaqo iyo horumar ku jira inta adduunka ka dhimman.
FG:
Waxaan ogaysiinlahaa soomaalida arimo dhowr ah:
B. ogaada soomaali waxa halkaa ina dhigay waa caddaalad darro aan inagu dalbanay, hadii aanan caddaaladda baadigoob ugu dhaqaaqinna sidan kama baxayno.
T. soomaali muddo badan ayay wax inaga qaldanaayeen sidii loosixilahaana waa adkaatay, mar haddii maanta aan heshiinay helnayna dowlad aan ku meelgaar ahayn waa inaan dhowrnaa wixii soomaali ku heshiisay, ku dadaalnaa midnimo iyo isku soodhawaansho wanaagsan.
Mahadsanidin
ASALAMUCALAYKUM W. W. B.
Qoraalkaan wuxuu I xasuusisay maalmo radio Muqdisho uu ku dhawaaqayay. Dulmi diidow dulmi doonaan aragnee dulmi diidow dab hulaaqay ka digtoonow. Maalmahas jidad muqdisho caadi uma mari karin anigoo dulmi la ii gaysto ka baqaya. Waxaa ii xigtay codadkii dadka qaar heesta ku jiray in ay hor boodayeen kooxdii dulmiga maanta meeshan na dhigay. Dowladnideena ma ahan aan ku dulmiyee dulqaad yeelo. qoraagu waxaan umalayn inuusan fahmin hanaanka dowladeed ee nooca federal. Waxaan u malayn inuu u qaatay reer hebel baa leh ceelka cid kalana ka cabi mayso. Hadaad sidaa u qaadatay. Taasi oo ay dadka qaarkii umad dhan uga tirtireen meelo lagu wada noola mudo aad u dheer. Qoraagu wuxuu ku cel celiyay Somali inay wax badan wadaagno waa sax afka aynu ku wada hadalna waxba nooma siyaadin aan ahayn in aan in laba qof aan loo kala tarjumay. Diintuna kaliya in aan masaajid ku wada cibaadasan karo. Ogow kuwa af, Diin, asal iyo midab wadaagin ayaa iska keen jecel si fiicana nabad ugu wada nool dulmina uusan ka jiri. Dhexdooda. Hadii la yiri guriga aynu harsano ninba meeshu ka joogo ha hagaajiyo ma ceeba. Heeshiisyada aan wada galayno ha ahaadeen kuwa cad cad oo Bari aynu isku dulmin sida dhacday. Ogow noloshu oo dhan waa heshiis la galay ka bilow qoys ilaa qaran. Hadalka waxaan ku soo xirin. Wax hala wadaago waxna halla kala lahaado
Fikir ahaan, anigu waxaan qabaa in nidaamka Federaalka uu san Soomaaliya waxba u tareynin. Waxaana Ra’iisal Wasaare Saacid u soo jeedin lahaa; in 18ka gobol ee Soomaaliya, uu gobol walba u magaaco 1 wasiir, 2 ku xigeen, agaasimayaal gobol iyo hal ama ka badan oo safiiro dibaddaha ah, gobolladana aan loo eegin hab Qabiil, balse loo eego hab xul iyo xal ah, Ka dibna uu baarlamaanka u gudbiyo. Haddii kale Qab iyo Iil maaro looma helayo. Raysal wasaaruhu ha ogaado in Maan dad uu yahay Miciyo caaraddood, isla markaana uusan wada qancin karin dhamaan maammulada jira.
aad ayaan ugu diirsaday farriinta ay xanbaarsantahay maqaalka qoraaga. dawlad kastaa oo soomaliya ka dhalataa waxa ugu horaysa ee ay lugaha lagalaysaa waa nidaam la’aantan federaalku ugu horeeyo. waxan ogayn ficilkii ugu danbeeyay ee madaxwaynuhu qaaday ee xulashada raysal wasaaraha. kadib ku dhawaaqidii raysal wasaaraha waxaa lais waydiinayay maamul hebel iyo maamul hebel muxuu ka orran doonaa. taasi ma nidaam baa mase waa qabyaaladii oo la casriyeeyay oo ah reer hebel maxay magaacibida reer hebel ka orran doonaan hadiise maamulka reer hebel diido sidee reerka kalle iyana nabad ula ahan doonaan. war meesha qoraagu ka hadlayo waa meel fog oo aan la huranayn loona joogee.
ciidamadda soomaaliya mayihiin ciidamo soomaali oo dhan ka kooban mise waa kuwo hal beel ka kooban ama u badan, horta halkaa hala saxo .waa arinta ugu weyn dhibna ka imaan karo ciidamada dawlada dhexe waa inay ka yimaadaan dhamaan gobolada soomaaliya.qabiil qaran manoqdo