Taliska Booliska AMISOM Oo Sheegay Inay Wax ka Qaban Doonaan Amaanka Darida Ka Jirta Magaalada Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Taliska ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga ayaa waxay sheegeen in ay wax ka qaban doonaan xaalada amaanka ee magaalada Muqdisho xili maalmihii ugu danbeeyay ay magaalada ka dhacayeen dilal qorsheesan iyo waliba qaraxyo.
Taliye ku xigeenka Booliiska Midowga Afrika ee AMISOM General Oyonko oo la hadlay Saxaafada ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Booliiska AMISOM ay ku dadaalayaan xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho.

Oyonko ayuu wuxuu soo hadal qaaday xaalada amaanka ee magaalada wuxuuna sheegay in xiligaan ay jiraan falal ka dhan ah amaanka oo inta badan ka dhaca magaalada oo loo baahanyahay in wax laga qabto

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay haatan magaalada Muqdisho ay joogaan ciidamo boolis ah oo ka socda wadamada qaar oo ay ciidanka ka joogaan Soomaaliya sida wadanka Uganda ciidamadaasina ay diyaar u yihiin sugida amaanka magaalada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Booliiska AMISOM ay balan qaadayaan xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho ayna la shaqeynayaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Oyonko ayaa ugu dambeyn wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga shaqeyn doonaan magaalada Muqdisho ammaankana ay ku dadaalayaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dilal qorsheesan iyo waliba falal ka soo horjeeda amaanka kuwaasi oo lala xariirinayo in ay ka danbeeyaan kooxda Al-Shabaab.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

1 Response for “Taliska Booliska AMISOM Oo Sheegay Inay Wax ka Qaban Doonaan Amaanka Darida Ka Jirta Magaalada Muqdisho”

  1. [...] View the original here: Taliska Booliska AMISOM Oo Sheegay Inay Wax ka Qaban Doonaan Amaanka Darida Ka Jirta Magaalada Muqdi… [...]

Leave a Reply