Taliska Ciidamada Dawlada oo Sheegay Inay Ku Dhow Yihiin Garoonkii Ballidoogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose
Muqdisho (RBC) Kadib dagaal kooban oo shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee dhaca wadada dheer ee tagta dhanka Baydhabo ayaa saraakiisha ciidamada dawlada Soomaaliya waxay shaaca ka qaadeen inay kaabiga ku hayaan deegaanada Balidoogle iyo Wanlaweynoo ka irsan gobolkaasi.
Abaanduulaha ciidamada Xooga Dalka Gen C/kariin Yuusuf Aadan Dhagabadan ayaa sheegay in shalay hawlgal ay qaadeen ay ku gaareen illaa duleedka degmada Wanlaweyn iyo Warmaxan oo qiyaastii 90-km u jira Muqdisho halkaasoo xalay ciidamadooda ay ku hoydeen.
“Ciidanka magaalada [Wanlaweyn] ma gelin ee banaanka ayaanu xalay ka joognay, saacadaha soo socdana waan geli doonaa” ayuu yiri Gen Dhegabadan.
Abaanduulaha ayaa sheegay in sidoo kale ay ku sii jeedaan garoonkii hore ee ciidamada cirka Soomaaliyeed ee Balidoogle halkaasoo uu sheegay inay ka dhigan doonaan fariisin ciidan.
“Maalmaha xiga waanu sii socon doonaa illaa gobolka oo dhan aanu ka sifeyneyno nimankaan jid iyio jiha diidka’ ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Ma cadda khasaaraha uu sababay dagaalkan shalay galab ka dhacay inta u dhexeysa Afgooye illaa Wanla Weyn ee ay ciidamadu sheegeen inay gaareen.
Dhanka kale qof miineysan ayaa shalay isku qarxiyey kontoroolka Baar Ismaaciil oo ku yaalla Afgooye halkaasoo ay degan yihiin ciidamo ka tirsan dawlada. Masuuliyiinta Afgooye waxay sheegeen in kaliya qofkii isqarxiyey uu ku dhintay.
Duulaanka Shabeelaha Hoose iyo Baay
Sida saraakiil ciidan ay u xaqiijiyeen Raxanreeb waxaa qorshaha Duulaanka uu ku saleysan yahay in la isku xiro wadsada Muqdisho illaa Baydhabo kaasoo muhim u ah isu socodka gobolada koonfureed ee dalka.
Warar ku dhow taliska AMISOM ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka codsaday ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada inay isu furaan wadada dheer ee tagta Baydhabo illaa Muqdisho mudo 30 maalmood gudahood ah, isla markaana degmooyinka intaasi u dhexeeya la dhigo ciidamo si loo bilaabo qiorshe gargaar lagu gaarsiinayo dadka tabaaleysan dibna loogu dejinayo dadkii ka soo barakacay deegaanadaasi ee daadsan waddooyinka caasimada Muqdisho.
RBC Radio












