Talosoo jeedin ku socota Dowladda Puntland. W/Q Farah Warsame


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Talosoo jeedin ku socota Dowladda Puntland.
Farah Warsame
Bile1971@hotmail.com
Oktoobar 05 2012

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Farah Warsame

Waxaa bilihii ugu dambeeyay dowladda Puntland ee soomaaliyeed gudaheeda ka dhacayay arrimo u muuqda inmustaqbalkeeda siyaasadeed wax u dhimi karaan. Arrimahan ayaa waxaa ka mid ah in gudaha Puntland lagu wax yeeleeyo koox ama shakhsiyaad marti ku ah gudaha geyigaas.Dhacdadii ugu dambeysay waxay aheyd tii lagu weeraray wafdi ka socday Turkiga & qaar ka tirsan wasiirada Puntland.

Markii falkani dhacay dad badan oo aan ka mid ahay waxay nagu noqotay LA YAAB. Kama wado in arrimahan oo kale aysan dhici Karin, laakiin waxaan la yaabay sida maamul dhowr iyo toban sano jiray, magac & maamuus-na ku leh gudaha Soomaaliya & dibeddaba ay waxyaabahan oo kale uga dhacaan ama ugu soo noq-noqdaan, waxayna noogu muuqatay in uu jiro dayac (negligence ) soo badanaya.

Inta badan doodaheena waxaa ka mid ah in amni xumadu xitaa ka dhacdo wadamo hore u maray, sida kuwa reer galbeedka haddana taasi cudur-daar uma noqoto dayac xaggaaga ka yimid. Sababta oo ah wixii dhaca cashar ayay noqdaan degdegna wax waa looga qabtaa. Wax walba oo dhacaana waxaa lagu qiimeeyaa sida marka dambe wax looga qabto ama tallaabada xigta ee ku habboon ee dowladi ka qaadato wayaabihii dhacay.

Hore ayay arrintan oo kale noo soo martay, waan hubaa in ay markii labaad tahay haddeysan aheyn markii saddexaad. Waxaynaaheyd in khibrad laga qaato kuwii hore si taxadar gooni ah looga sii yeesho inaysan ma dambe dhicin. Mararka qaarkoodna ciidamo nabadgalyo oo aad daba dhigto dad booqasho kuugu yimid wax badan ma qabato. Sida tan hadda dhacday ookale.

Hoos ayaan ku soo sheegi doonaa wixii talo iyo tusaale ah laakiin waxaan wax ka oran doonaa waxa qoraalkan igudhaliyay.

Waxaan aad u sugay jawaabta ay Dowladda puntland ka bixisay falkii lagu weeraray masuulkii ka socday hey’adda TIKA iyo madaxdii kale, jawaabta keliya ee aan helay waxay noqotay in masuul ka tirsan ciidanka amniga uu hadal koobanarrintan ka jeediyay. Taasina kuma filna ama ma dabooli karto wixii aan kafileynay in ay dowladda Puntland ka qabato arrimahan oo kale.

Sababta oo ah waxa meesha ka dhacay ma aha shacab la weeraray, mana aha ciidamo isku dhacay, xitaa ma aha masuul dowladda ka tirsan oo la weeraray ee Marti gurigaaga joogta weliba dantaada wada ayaa la dhibaateeyay.

MAXAY MARTIDU/WAFDIGU UGA DUWAN YIHIIN DADKA KALE?

Dadka martida ama wafdiga ah ee ku soo booqanaya labo shey ayay xambaarsan yihiin, mar ujeedadada socdaalkiiisa ayay ku saleysan tahay; sida SALAAN ay dowladahooda kaaga sidaan ama wax-tar ay kula doonayaan, shir ay meesha uga qeyb galayaan iwm, iyo marka kale oo ah waxay kaa gudbiyaan wixii uu kugu soo arkeen intii uu kula joogeen XUMAAN & SAMAAN, taas oo hadhow lagugu qiimeeyo.

Martidu waa dad muuqda (visible) lagana dhex garan karo dadka kale kuwaas oo si sahal ah lagu bartilmaameedsankaro. Inkastoo qofka dhaqanka wanaagsani ama diinteenna suuban ee islaamka wax ka garanaya uusan marna dhibaato la doonan karin dadka Martida ah haddna waa in feejignaan dheeri ah oo arrintan ku saabsan ay mar walba jirto.

MAXAA KAA CAAWIN KARA MARTIDA & SOO DHAWEYNTEEDA?

Sida nadaamka dowladeed u shaqeeyowaxaa jira xafiis qaabilsan soo dhaweynta Madaxda & Martida kale ee meelaha kala duwan kaaga timaadda. Xafiiskan oo howshiisu tahay Hab-maamuuskaSiyaasadda & Tan Dowliga. Waddamada qaar masuulka xafiiskan (Chief of Protocol) waa kan ugu horreya ee magacaabistiisa lagu dhawaaqo marka madaxweynaha la doorto kadib. Xitaa waxaa laga hormariyaa Ra’salwasaaraha ama wasiirada muhiimka ah sida kan arrimaha dibedda. Sababtuna waxay tahay hagaajinta nidaamka shaqo ee xafiiska madaxweynaha ama kan dowladda ayuu gacan weyn ka geystaa gudaha & dibeddaba.

Inkastoo Soomaaliya inteeda badan aanba laga aqoon xafiiskan haddii uu jiro-na dad aan aqoon fiican u laheyn ay maamulaan, waxaadna ka dareemeysaa qaabka madaxda soomaalidu u dhaqmaan marka ay la joogaan madax kale, xaflad ay goob joog ka yihiin, safar dibedda ah ku maqan yihiin ama la gaaro marti-soorka . Qaar baa xitaa habkii u hadli lahaayeen habaar kaga dhacay cilladuna isaga ma ahee waxaan jirin cid markii hore ka caawisay ama ka koontarooshay.

Waa muhiim marka in aad hesho dad aqoon u leh qaab maamuuseedka siyaasadda gudaha & dibedda iyo shaqaale tabo-baran kuwaas oo kaa caawiya soo dhaweynta iyo nabad gelinta Martida ama Wufuudda ku soo booqaneysa.

MAXAA LOO BAAHANAA?

Arrinta ugu muhiimsan waa u diyaargarowga dadka ku soo booqanaya oo aad maalmo ka hor inta aysan iman sii diyaariso. Adiga oo ku xisaabtamaya maankana ku haya halka aad joogto iyo awoodaada. Waxaanakamid ah:

a) In la sii diyaariyo meelaha iyo waqtiga ay booqanayaan(itineraries) haddii ay yihiin shirar, xaflado ama meelo kale.

b) Amniga(security) meelaha ay booqanayaan & jidadka ay marayaan oo la sii adkeeyo.

c) Iyoqaab maamuuseedka (Protocol System) wafdigan oo la sii diyaariyo laga soo bilaabo marka Airport-ga laga soo qaadayo illaa marka ay ka duulaan garoonka. Sidacidda ay yihiin (madaxweyne, wasiir, ergay,shakhsi caadi ah iwm), cidda ku habboon ee gudaha ku qaabileysa iyo cidda soo dhaweynteeda leh. Iyo kuwo kale oo badan oo aan halkan ku soo koobi Karin.

Naseexo/: CEEB ma aha in aad wafdiga kusoo booqanaya noocuu doono ha ahaadee aad maalmo dib u dhigto booqashadooda inta aad howlahaaga amni ka suganeyso.

MAXAAN FILAYAY!!

Marka laga yimaado sida dowladda Puntland ay gacanta ugu qabatay dadkii ka dambeeyay falkan waxaa sidoo kale muhiim ah in xilka laga qaado haddiiba uu jiro masuulka ugu sarreeya ee xafiiska Protocolkaee Dowladda Puntland. Iyo sidoo kale masuuliyiiinta xagga amniga u qaabisanaa wafdigan ama darajooyinkooda hoos loo dhigo maadaama ay yihiin dadkii lagadoonayay in ay masuuliyadda howshan qaadaan. Ama xitaa la sameeyo sidii kale ee khaladkooda lagu dareensiin karo sida badal lagu sameeyo oo meeshii kale ee uu aqoon u leeyahay la geeyo ama digniin la siiyo.Taana weli iima muuqato inkastoo arrimaha qaar aan ogaan karin sida digniinaha iwm.

Waxaa sidoo kale dhacda in markafalalkan oo kale dhacaan aan dib dambe la isaga wareysan waana sababta keenta inay marar kale soo noq-noqdaan.

MAXAY ARRIMAHAN OO KALE KEENI KARAAN?

· Amnigaoo khalkhal gala,

· Sumacaddaoo kaa dhimata.

· Awooddaadaoo yaraata

· Fursadokaa baaqda

· Kalsoonidalagugu qabo oo yaraata

· amaisku halleynta oo la waayo, IWM

WAXAAN KU TALIN LAHAA

· In hadda & wixii ka dambeeya laga taxadaro sidii ay arrimahan oo kale mardambe u soo noqon.

· In tababar, kharash iyo awood dheeraad ah la siiyo haddii uu jiro xafiiska Protocolka Puntland iyo hey’adaha amniga Puntland sida Nabad-sugidda &Amniga.

· In wada shaqeyn joogto ah ka dhaxeyso xafiiskan & hey’adaha nabad sugidda iyoamniga Puntland.

· In dadka shacabka ah lagu baraarujiyo xaq dhowrka Martida.

· Iyougu dambeyn in lala xisaabtamo cid walba oo dayacda howshii loo igmaday, khaasatan tan amniga gudaha Puntland.

Waxaan rajeynayaa in farriintani gaari doonto ciddii ay khuseyso.

Farah Warsame

Melbourne, Australia.

Bile1971@hotmail.com

===============================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

21 Responses for “Talosoo jeedin ku socota Dowladda Puntland. W/Q Farah Warsame”

  1. garsoor says:

    thnhs bro waxii talo ah oo haysid waa inaadan sidaas oo kale aadan ka hagran

  2. Ariboowe hadee pintiland waxay ku socotaa burbur waayo waxaad sheegaysid horta somaliya lagagama dhaqmo. Muqdisho oo Amisom iyo sirdoonwalba joogo ayaa maalinkasta madaxda la qarxiyaa ama wadada biino la dhigaa. Bal ka waran maleeshiyo wado gashay.

    Sidii somaliland oo kale ayaad hada khiyaalo. Iyo fiction waxaan jirin iskugu sheekeysaan. Kkkkkkkk.

    Ariboowe hadee faroole meesha ha baneeyo ilee dad mucaarad ah ayaa jira oo degaanka ah hadii kale dee sheekadaada noo wad kkkkkkk.

    Rasialwasarihii ka warama ma helaysaan sanadkan kkkkkk sheekadaas ayaa iigu soconeysa. Kkk. Walee inta cirku inii jiro ayuu rasialwasaare inii jira kkkkk.

    Viva Gedo iyo khaatumo state labadaa reer mid ayuu ka imanayaa taas iga qora. Reer siciid harti kkkkkkkkk.

  3. Nugal gibin says:

    Walal mahad sanid sida wanagsan oo aad fikirkaga nogu so gudbisay aniguse lama yabani in marti la layo wayo puntland dhawan walagu kala tagayaye garowe hatashato

  4. GUUL AMA GEERI says:

    A/C SALAN KADIB AAD BAAD UGU MAHADSANTAHY WANAAGA BADAN EE AAD U SOO JEEDISAY REER PUNTLAND FAROLENA ILLAHAY HATUSO WAXAANA HUBAAL AH IN SHACABKA REER PUNTLAND AY NABADA JECEYIHIIN OO WAX WALBA UGA HORMARIYAAN LAAKIIN MAAMULKA FOROOLE PUNTLAND WAGUBAYAA WAQTI DHAWNA WAA LAGU KALA TAGI DOONAA HADAN SHACABKA REER PUNTLAND ISDABA QABAN OO MAMULKA FAROLE LABADALIN THANKS ILLAAH GUUL AMA GEERI

  5. duurgal.com (oday somaliyeed) says:

    aar heey yahyah

  6. marka hore waxaan salmaya Qoraka Farah Warsame oo soo jeediyay qormo mihiima
    mihiima u ah soomali oo dhan gar ahaan meelaha ay ka jirto mamulada

    waxaan kalle uu an dhihii kara puntland waa inay ka faa, iidaysata Talooyinka mihiimka
    ee ay soo jeediyaan aqoon yahanka soomaliyeed gar ahaan aqoon yahanka Reer puntland

    waxaa jira Habac sanan badan oo ka jirta Puntland in kasta oo ay tahay mid yar waayo Dawlada Puntland waxay haysataa Ciidan aad u badan oo isku jira milatri Police iyo Nabad sugiid marka 2 qof oo jid gashaa waa ka adag yihiin hadii dacaad jirto

    marka sida uu sheegay farax waa inay jiraan ciidan loo xil saray sigida amniga wafuuda imanaysa gudaha puntland

  7. dayo says:

    Thanks walaal peace lover baa tahay taladaada tii anfacda xukuumadda iyo reer mudug Allaha ka dhigo sameecadii bay ka dileen dalka iyo dadkaba. Maalinkasta nin dawlad isku sheegaya oo martidiisa jidka loogalaayo waxay illa tahay Gen Cadde Muse baa sheekay Puntland ninna marabo kkkkkkkkkkkkkkkk. runtiis weeye waxa waxaas samayna waa reer Puntland mawaadin reer Mudug ah kkkkkkkkkkkkkk hormarkii wakaas intaas baa macalin lagu yahay………………… Allaha soo hanuunsho aamin

  8. lee gaas somaliland says:

    markahore salaan markaxigta nin ka khaatumo labaxay waanin ka ugunacasan waa ayo raga komantiga bixinaya nin walba waxaakamuuqda daganaasho iyo masuulnimo maxaa keenay somaliland lagama hadlayn saaxiib somaliland cay malaha ugaandhiis mahayto keenyana mahaysto itobiyaana mahaysto ragiilahaabaa utaliya adigoo wali qaxootiya ooqaar hargaysa joogaan oo biilasiiyo qaarna garoowe laguhayo maxaad kuhad li khaatumana galaydh baarabay in uu waxkuhelo waxayna ugoysay xubin baarlamaan kabadan waakuheliwaayay saaxiibdad ka adaa ugu ayaandaran ssc na hargaysay joogaan laascaanood na warkeeda waad haysaa oo lagaaga waramemaayo kkk

  9. lee gaas somaliland says:

    ninka dhaatumo sheeganaya kgaatumo sawtii galaydg waxba ugoyn wayday ee uuxubin baar lamaan kabadan kuheliwaayay kkkk saaxiib somaliland cay mele yugaan dhiis mahays to itoobiyaana mahaysto ragiilahaabaa utaliya saxiib haku hab saamin ssc na way isasoodhiibtayy laascaanood na lagaaga waramimaayo waligiin ba dowlad kunool baad ahaydeen markaa saaxiib marna garoowe kadarso marna hargaysa kkkkk kolay waakuu dawarsi inta noloshaada kahadhaykkkk

  10. lee gaas somaliland says:

    kkkk

  11. RUNSHEEG says:

    waan salaamay qoraaga taladiisana waa wanaag iyo talo fayow laakiin walaal miyaadan joogin dhulka ay kataliso ama inta layiraahdo puntland waxaa meesha kadhacaya waxaa kamasuula only one fameli oo qaatay dhamaan haday xumaanlahayd puntland iyo haday wanaag lahayd puntland dadka intiisa kale waa daacad loona baahan yahay inlaqiro inay yihiin muwaadiniin xalaala oo samir iyo nabad kuwada noolaasho badan oo lilaahiya waxa puntland qasayaana waa iimaanlaawe yaashii somaliya oo dhana kaqaylisay oo ilaamaanta doonaya inay jaqaan masaakiinta somaliyeed dhiigooda sida KAMUUQATA WAQOOYIGA SOOMAALIYA EE ISAAQU ISUHAYSTO INAY IYAGU CIRKA KASOODHACEEN HAWSHUNA WELI MADHAWA ILAA WAN WAYN INDHIHIISU CIRKA ARKAAN WAXAA MEESHAAS IYO WAQOOYIGABA KASOCDAA WAA DULI DIID IYO DULMI DOON AMA AAN KUCUNO IYO ICUNI MAYSID waxaana hubaala hadii laba xaaraan kuheshiiyaan inay XALAASHA KUKALA TEGI DOONAAN OO HORAA LOOSOO ARKAY hadana waa muuqataa ilaahna waa uu arkaa anana waa aragnaa ee walaal hadaad kamidtay beelahaa wax dulmiya usheeg in aan aduunyo ku ekaan doonin laysna bartay oo QOFKASTAA INDHAHA KUHAYO WAXA DALKA IYO DIBADABA KASOCDA BEEN IYO WAX ISDABAMARINA MEEL LAGUGAARI KARIN

  12. RUNSHEEG says:

    walaal kuwa ishaystaa waa kuwii kuheshiiyey inay uheshiiyaan inta kale EE WAX ladhistay oo lilaahiya iyo inlashaqaysa eebal aan eegno xaaraan iyo dulmi ciday wax ukordhiyaan ilaahoow dulmi iyo xaqdaro waad nooga digtay ee nagafogee oo hanoosahlin marinkiisana NAGA XIJAAB AAMIIN

  13. RUNSHEEG says:

    FAROOLE MA REER PUNTLAND BUU WAX U DOONAYAA MISE BAHDIISA? WAXAAN SUGNAA WAA CADAYNTII FAROOLE EE ILAAHOOW AAN WAAGA WARAABEH CUNIN ARMAA SAMIRKU WAX BADAN QABTAA NINKII SAMRAA SADKII HELA EE ILAAHOOW SAMIRKA IYO IIMAANKA NOOHAGAAJI NOOHAGAAJISEE

  14. Reer Guuraa says:

    Faarax , dhibaatada haysata somaalida oo dhan ama badankeed waa aqoon darrada naga heysata sida qofka shakhsiga ah loogu hambalyeeyo haddii ay wax fiican sameeyaan , laakin” in tin iyo cirib la gooyo waxba naguma aha inteena badan”. Kolley aniga weli kama akhrin shabaakadaha somaalida sida hadalkaaga wanaag maahee uusan wax xumaan ah huwaneyn “job well done keep up the good work and may allah bless us all “.

  15. cumar says:

    dhamaan waan idin salaamayaa gaar ahaan qoraaga sharafta leh oo hadalka uu ninkii caqli iyo daacadnimo ku jirtana uu ka faaiidaysanayo kii kalana uu dowlad diid ugu yeerayo sida faroole oo qofkii wax saxan ka hadlaba sidii uu qiil ugu helo wuxuu saxaafada ka dhahaa waa alqaacida waa nobad diid waa dowlad diid waa mucaarads iwm
    walal hortu waad mahadsantahay taladaada saliimka ah oo aad noo soo jeedisay waxaad tahay muwaadin dhiig leh ilaahayna hakaa abaalmariyo kolay waa xaq wadankaadu kugu lahaa oo aad ka soo baxday
    walaal anigu waxaan dhihi lahaa faroole isaga ayaa ka masuul ah wax kasta puntland ka dhaca gaar ahaan mudug waayo gobolka mudug kama tirsana baan dhihi karnaa waayo faroole wadankii intii kale waxbuu ka qabtay baa la dhihi karaa sida tuulada xunta ah ee uu ka soo jeedo ee garowe waa aragnay sida uu ka dhigay galkaio na faraha buu ka qaaday marka meel awal aadan maamul iyo ciidan iyo kharash kaaga bixin oo mooryaaantu ku ilka dhacsatay oo kaadidayda baan u soo cabay ka jirto oo dadka madaxa laga wada jabinayo kii wax garadaba oo qabiiladii laysku diray waxaaan u arkaa waa khalad waxaad wafti ama marti usoo dhex marisaa miyaadan caqli lahayn mise maamulka baadan wax ka aqoon adeer waxaan ku talin lahaa marka hore mudug waa in lagu soo daraa puntland waa in maamul sax ah loo sameeyaa waa in sida garowe wax uga qabatay oo kale wax uga qabataa markaas baa wafti lasoo dhex marinkaraa tan kale waa dadka aqoonta leh sida walalkeen qoraaga oo kale lala tashadaa waayo dalka iyo dadka buu wax u bartay faroole waxaan kala garan waayay in aad cumar maxamuud ka baqdid oo aadan galkaio imaan karin iyo in aad xaasid nicib tahay waana labadaas mid adeer ilaahay hanakaa dhaafiyo dalkii waad la hartaye i am salman nor

  16. Suldaan says:

    Kan La baxay Darwiish Khatumo ,, waar Laas Canood waxa Xukuma Somali Land, adiga ayaa gumeysi ku jira markaas ayaad Punt Land afka ku taageysaa, waar adiga oo kale waxay ahayd in aadan ragga la kaftamin oo aad is qarisid, misiikin yahay.
    Kan la baxay Nugal Gibin habaarkaga kugu noqay. State of Punt Land waa Dowlad Calan leh, Cadowgeeda Hore ayuu u jibay , Haddana Ilaah ayaa Jabinaaya In shaa Alaaah

  17. Ali Faarax xusseyn says:

    waxaa la yaab leh inay dhib kugu heyn weydo carruurtadi iyo walaalaha dhibka maalin walba soo gaara oo nin ajanabi ah oo turki ah oo dantiisa u socdo ay aad kuu dhibeyso ma garan arrintaas

  18. rooble cumar xaqyahan says:

    waxaan u arkaa hadalada khiyaali la is ka qoro ciidi nabad rabta ha joogta meesheeda cidii faroole ka soo horjeedana caadi ha u cadaysato walle wad hureysaan xayawano caqli laawayaal

  19. Mohamed says:

    Miyaa taqaan wasiirka ugu indha adag Somaliland, waa wasiir duulimaadka Mr. Muhanad wasiirkaasi
    waxa uu yidhi shirkad China ah ayaa Airportka Hargeisa dhisaysa, waxaana ku baxa 10 milyan dollar

    Hadaba waxa yaab iyo amakaag noqday dad yar oo aan badnayn ayaa dhisa qalabka ay isticmaalaan
    waa kaar yoonayaal ay in yar oo sibidh ah soo saareen, shirkadii la siiyay iyo qabalabkii lagu dhisayayna ma joogaan Media ha ayuun baa laga sheegay

    Waa corruption kii uga xumaa oo si indha adayga ah niman isku reer ahi ay u sameeyaan
    waxaan leeyay dadwaynow arintaa hadaad ka hadli waydaan oo aad ku baraarugi waydaan

    Kii hore ee riyaale i qarso ayuu noqonayaa indha adayga ka socda Hargeisa Airport.

    Nimanka hawshaa wadaana waxay isku qolo yihiin madaxwaynaya Axmed Mohame Siilaanyo
    tolow miyaanu ogayn arintaa mise sidaas ayuu raali kaga yahy.

  20. WASUGE says:

    GEELU WAA DHALAY EE HA LA MAALO?

  21. WASUGE says:

    NUGAALA; WAA NUGAAL NINA GIBIN HA LA SOO GALO. WAXAN U SHEEGAYA GIBINKA NUGAAL NINKA SOO QORTAY, MAANDHOW ODOYAAL HADAAD LEEDAHAY KEEN. AMA IDHAAF. ANIGA WAXBA IGUMA KORDHIN KARTIDE, ADNA ISKUMA FILID, EE FIDMAD IGALA TAG , RAG BAAN UBAAHNAHAY TALO IYO TUSAALE II KEENEE. CUQDADA GAROWE KUU HAYSANA WALAAAL CAANO DAMBAR AH KA CAB . GEELU WAA DHALAYE, DURDURINA. MUSQULNA QODO, CALOOSHANA SIFEE IYO BEERKA, AYAKAA UDAAAWA AH.

Leave a Reply