Ururka Al-Shabaab Maxay ka Dheheen Raysal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Ururka Al-Shabaab ayaa ka hadalay fikirkooda ku aadan Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Al-Shabaab ayaa sheegay in qowqifkoodii hore aysan jirin wax iska badalay ilaa iyo iminka isla markaana ay wali ka soo horjeedaan dowlada Soomaaliya iyo waliba ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo la hadlay wakaalada wararka Reuters ayaa wuxuu sheegay inaysan marnaba ka tanaasulin fekerkooda ku aadana dagaalada.

Cali Dheere ayaa sheegay in raysal wasaaraha cusub uu la midyahay kuwii hore isla markaana isla markaana ay sii wadi doonaan  dagaalada ay kula jiraan dowlada Soomaaliya.

Ugu dambeyn Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay in Raysal Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya ay meesha keeneen sida uu sheegay reer galbeedka oo danahooda ku fushanaya.

Hadalkaan ka soo yeeray kooxda Al-Shabaab ayaa wuxuu ku soo adayaa xili la wiiqay awoodii kooxda Al-Shabaab isla markaana meelo badan oo ka tirsan Soomaaliya laga saaray kooxdaan.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbadal xaga siyaasada ah waxaana meesha ka baxay dhamaanba hogaamiyaashii hore ee dowlada waxaana sidoo kale haatan yimid hogaan cusub.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

8 Responses for “Ururka Al-Shabaab Maxay ka Dheheen Raysal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya?”

  1. [...] Follow this link: Ururka Al-Shabaab Maxay ka Dheheen Raysal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya? [...]

  2. Allow na Badbaadi says:

    CAli dheere waxaa isugu darmaday caqiido xumo iyo nacayb

  3. Allow na Badbaadi says:

    maalintii kismaayo dadkii lahaa ka qabsadeenna waxuu yiri: jubbooyinka waxaa lagu dari rabaa garisa. garo waxuu uga jeedo

  4. Rooraaye says:

    Waa nacas dhiigya cab ah meel loo socdo ma oga in soomaaliya dadku ka daaleen dagaal iyoxabad doqney dabkaa be,e doqanta nabi muusaa habaarey

  5. aboy@_+161 says:

    waa run waxan dawlad xitaa in ladheho ma istaahisho. Mujahidinta way guulaysandonan bes waqtiga ayaanan garankarin.

  6. Ali soomali says:

    shaydaan waxuu wax u ogol yahay shaydaan kale, laakiin haddii u maqlo ummad baa wax qabsatay,horumar gaartey wuu ka naxayaa marka shaydaan weligaa wanaag haka filan.

  7. khadar says:

    somali waa la yaab, kolba waxay la jiraa cida guulaystaa ee markaasi tamar badan, haddii alshabab gacanta sarre lahaan lahaydna waxaad arki lahayd kuwo badan oo usacbina , sidii horeba u dhacday, maxaa si badal oo yimid?, maxaa loo weyey hal qof oo taageersan, mise waa laga awood batay uun,
    ?,

  8. Ali soomali says:

    ku: khadar, waxaa kugu yar waddaniyadda oo qof walba waxaad u haysataa sidaada oo kale walaal nimanka adigu aad shegeyso ee Alshaydaan haba yaraatee wax lagu taageero ma leeyihiin? bal noo sheeg hadday jiraan wax haba yaraatee lagu taageeri karo ilama aha hadday waddanka oo dhan qabsadaan inaan in yarna taageeri lahaa ,waayo ayagaba ma laha wax lagu taageero.

Leave a Reply