Ururka Al-Shabaab Oo Gudoomiyaha Galgaduud u Magacaabay Sheekh Xasan Yacquub Cali
Muqdisho (RBC Radio) Gudoomiyihii Al-Shabaab ee gobalada Jubooyinka ayaa loo wareejiyay gobalka Galgaduud, iyadoona dhowaan magaalada Ksimaayo laga saaray kooxda Al-Shabaab.
Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa wuxuu ahaa gudoomiyihii Al-Shabaab ee gobalada Jubooyinka laakiin waxaa haatan loo magaacbay gobalka Galgaduud sida ay sheegtay warbaahinta Al-Shabaab.
Sheekh Xasan oo la hadlay warbaahinta Al-Shabaab ayaa wuxuu sheegay in uu tagay deegaano ka tirsan gobalkaasi ka dib markii loo magacaabay maamulka gobalkaasi.
Sidoo kale wuxuu sheegay in uu latashiyo la yeeshay dadka deegaanka isla markaana uu kala hadlay sidii ay maamulka Al-Shabaab ay ula shaqayn lahaayeen.
Xasan Yacquub ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la difaacdo deegaanada hada ku sugan yihiin Al-Shabaab ee Gobalka Galgaduud halkaasi buu yiri hadii cadowga ay soo weeraraan.
Gobalka Galgaduud ayaa waxaa Guddoomiye ka ahaan jiray Sheekh Kaba-kudake halka iminkana laga dhigay Guddoomiyaha halkaasi ee Al-Shabaab Sheekh Xasan Yacquub oo horay u ahaan jiray Guddoomiyaha Gobalada Jubbooyinka ee Al-Shabaab.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho












kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk, malaha qabrigiisaa ka qodan Galguduud. Maxeey Baay iyo Bakool ugu magacaabi waayeen halagu dhinac aaso awoowayaashiise????
lama huraan waa cawska jiilaal dib ayuu ugu qaxay meeshii uu ka yimid markii hore bana filyaa
ASC,
Nimankaan Alshabaab waa niman u yeeraya Ethopia iyo Kenya ineey wadanka soo galaan waayo hada macnahoodu sow ma aha ineey salaxayaan in Ethopia galgaduud soo gasho oo ilaa bada absato ilaa xarardheere. Bal awwoda ay Ethopia kaga hortagayaan xagee beey ka keenayaan. Kismaayo waa kuwaas ka soo cararay hadana waa kuwaan galgaduud uga yareeya. Sow marka lama oran karo Alshabaab waxeey u shaqeeyan oo ku soo hagaan ama marmarsiyo u yihiin soo gelitaanka dowdaha deriska. Al cilmu cilmu lah
Gabalkooda ayaa dhacay waana waxa nin u dhashay Buurhakaba ay Galgaduud ugu magacaabeen. shaydaanka ilmahiisa xaduud ma kala laha waa isku furan yihiin sida Alshaydaan.