Ururka ICG Oo Ka Digay Howsha Turkiga Uu Ka Wado Soomaaliya (Faahfaahin)
Nairobi (RBC Radio) Warbixin uu soo saaray Ururka Xasaradaha Caalamka ee loo soo gaabiyo ICG ayaa lagu sheegay in Turkiga looga digaayo howasha ay ka wado dalka Soomaaliya.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Turkiga kaligiisa uusan waxbo ka qaban karin dhibaatada ka jirta Soomaaliya, , isla markaana waxa loogu baaqay in uu baddelo howasha halka dhinaca ah ee uu isku koobay kaligiis.
Waxa kaloo Turkiga looga digay howshaan inay curyaamin karto dedaalada la waday ee ku aadanaa siddii xal loogu heli lahaa ammaanka iyo nabadgalyada dalka ku yaalla geeska Africa.
ICG ayaa ugu baaqday Turkiga in howsha ay ka wado kala kaashato hey’addaha caalamiga iyo dadka Soomaalida.
Soomaaliya ayaa 20-sano ku jirtay dhibaato, sidaad darted waxa ay u baahan yihiin dadka ku nool dalkaas in ay helaan nabad ayaa lagu yiri warbixinta.
Turkiga waqti badan ma joogin Soomaaliya, waxa uu yimid sannadkii hore markaas oo abaaro xooggan ay ku dhufteyn gobalada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Dowladda Turkiga waxa ay kaalin ka geestay gargaarka la keenayay Soomaaliya, iyadoo xarumo caafimaad iyo kuwa lagu quudiyo dadka soo barakacay ka furay caasimada Soomaaliya iyo deegganada ku dhow-dhow.
Ugu dambeyn hey’adda xasardaha aduunka ee ICG ayaa dhowr tallo ah siiyay dowladda Turkiga
- In ay si cad u soo bandhigto qorshaheeda ku aadan Soomaaliya, dhinaca Soomaaliya, iyadoo la hubinaayo ammaanka, iyadoo Muqdisho iyo Ankara ay ka hadlayaan doorku ku saabsan xagga waxbarashadda oo la isku xiro dedaaladda ku aadan Soomaaliya iyo dalalka kale iyo hey’addaha caalamiga ee dalka ka howgala.
- In aysan cid gaar ah ama koox siyaasadeed ay la safato
- In howlaha ay ka wado Soomaaliya la ballaariyo oo la geeyo goobaha nabadoon oo ka baxsan Muqdisho
- In gacanta ugaliyaan NGO qandaraas layaal ah kuwaasoo si xun u maamula howlaha loo dhiibay.
- In Turkiga uu door ka qaato dedaallada QM ee ku saabsan dib u dhiska nabadda.
- In uu taageero howgalka ciidanka AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya, gaar ahaan iyagoo ka qeybqaadanaya dib u dhiska xarumaha ciidanka.
- In ganacsatada Turkiga ah ee ka howgala Soomaaliya kaliye la heshiin ganacsato gaar ah ama ay ka shaqeeyaan goobo gooni ah.
- In aanu isku dhigmin rajada Soomaalida ay ka lee yihiin Turkiga iyo wax yaabaha ay qabtaan.
- In ay taageeraan guddiga maaliyadda wadajirka ah ee lagu sameeyay London iyo Istanbul
Si kastaba, warbixintan kooxda ICG ayaa ku soo aaday iyadoo dowladda Turkiga ay hadda howlo mashaariic ah ka wado dalka Soomaaliya, in kastoo howshaas ay xoogeeda ka wadaan caasimada Muqdisho.
Radio RBC
Xafiiska Wararka Nairobi










[...] Originally posted here: Ururka ICG Oo Ka Digay Howsha Turkiga Uu Ka Wado Soomaaliya [...]
hadalka siyaasiga somaliga ah ee ka tirsan hey’ada ICG qeybteeda bariga afrika waxaa laga dhadhamin karaa in uusan dooneyn in Muqdisho oo caasimadii somaliya ah dadaal badan ku bixiso dowlada Turkiga.laakiin dowlada turikiga wax badan ayey somalida u qabatay oo kumanaan somali ah ayey bad baadisay caasimada somaliyana aduunka intiisa kale ayey ku soo xirtay,waana wax lagu farxo in dowlada turkiga taageero dhan walbo ah la garab istaagto umada somaliyeed oo waqtigaan aad ugu bahan wadan gacan run ah u fidiyo,laakiin qofkii soomaaliga ahaa sidaa waxba umada arkayo sababna waxaa inoogu filan siyaasigaan somaliga ah ee caadifa qabiilka soo burqday bal eeg isagoo magaca ICG ku gambanaa ayuu dowlada turkiga weerar afka ah ku qaaday sababtoo ah wuxuu ka xun yahay waxoogaaga yar ee dowlada turkiga u qabaneyso magaalada Muqdisho laakiin dowlada turkiga ayada ayaa go’aankeeda leh mana jirin cid ku soo jajuubtay in ey somalida gargaarto inaguna hadii eynu nahay somalida xalaasha ahi waan soo dhaweyneynaa cid walba oo umada somaliyeed wax u qabaneysa hadlka ruux liitana waxba uma kama bedeli doono dolwadaha raba in somalida caawiyaan.
Gaalo muslin wax kaligi wax qabsanaya inay aragto marabto, Muslimiin iscaawinaya inay aragtana ma rabto. Hadda Turkey waxaa loo canaanayaa, waxay tahay, Kacaankii baad ka dheeraysa.
ICG BAROORTA ORGIGA KAWAYN WAA MAXAY HAY ADAHA CAALAMIGA AH EE AY KA HADLAYAAN 20 SANO AYAY WADANKA KASHAQAYNAYEEN ILAA HADANA WAX AY QABTEEN OO MUUQDA MAJIRAAN TURKIGANA WUXUU JOOGAA WADANKA SANAD KALIYA WAX QABADKOODANA MEEL WALBA AYAA LAGA DAREEMAY MARKA WARBIXINTAAN WAA MID KAXUN WAX QABAD WALAALAHA TURKI EE AY WALALHOOD SOMALIYEED WAX U QABANAYAAN OO HAY ADIHII CAALAMI KUSHEEGA AHAA AYAA SHAQO LA,AAN KUDHACDAY HADAAN NAHAY SOOMALI ANAGA AAN IS DAGAALNO LAAKIIN WAXAAN NAHAY DAD CAQLI LEH OO GARAN KARA CADAWGOODA IYO WALAALKOODA QABIIL UNBAA NALA HARAY ICG WAXAAN LEEYAHAY (GO TO HELL)
waa dhab in ICG u cuntami-weyday Hawsha wanagsan oo Muqdisho keliya ha fuliyaan, inkatoo Turkigu ka sii jeestay Gobolada kale ee Somaliyeed, taasna wa cilad ;; si kataba ha ahaatee misana waxaan Aaminsanahay in Somali waxtar weyn Turkigu u taray.
Icg Maxay Somalia ka qabataa? Labaatan sano ka badan ayey somalia dhextaagnaayeen kana shaqaynayeen sidii aan xal waara loo gaarin
Icg hawla gaar ah ayey Somalia u joogtaa cid cusubna uma rabto arrimaha somalia
kkkkk kooxdan shayaadiinta ah ee dhibaataynta somalia bal maxay somalia u qabteen somalia somali baa leh walaahay somaliyeey haddaynaan fadhiga ka kicin sidani si maaha gumaysi baynu ku jirnaa bal ufiirso ma xishoodayaashani waxay ku leeyihiin waa in uu turkigu taageeraa amisom oo maxay tahay taageerada ka weyn in dad masaakiin ah la quudiyo oo caafimaadkooda la daryeelo walle waa yaab mr.guurguurte hawlo badan baa horyaal bal in uu ka dabaasho iyo in uu quuso aan aragno
waxay rabaan lacagta nairobi lagu cuno hungira iyo quud darayn ayaa ka galay dhaqaala somalia la galinaayo e walaalaha turkidu wax noogu qabaanayaan ma yeelno ayaan leenahay hadba magac samaysta nairobi mar dame dhaqaalahayaga lagu cuni maayo
Cadawga ugu weyn ay somalidu leedahay waa ICG oo raadinaaya inaan Soomaaliya wax howl horumarin ah laga fulinin..waa wax la yaab leh in la yiraahdo Turkiga kaligii inuu isku kobo ma ahan howlaha socda..waxay ka soo horjeedaan in wax horumar ah ay gaarto Soomaaliya…Turkiga waa dowladda kaliya ee daacadda u ah shacabkaan baab’ay oon heysan cid u gargaarta..xataa kuwa dalka u dhashay qaarkood ayaa ka soo horjeeda in Turkiga uu kaalmeeyo dadka deggan koofurta dalka…inkastoo ay howlo ka wadaan xataa Puntland.
Goormaa la gaari doonaa in la helo dad dacad u ah dalkaan ?
Hay,adan reer kalbeedu waxay ka massayrtay kalgacalada ka soomuuqatay 2 shacab ee isku mabaaadida caqiidada ah . waxaykaloo ka naxsantahay fadeexada ka soo wajih maaliyaday dhunsadeen haya,daha UN-KU waxay cabsi gaqabaan in labada dawladood heshiis ciidan dhexmaro taas oo ta,cab ba,ay kadhigikarta dhartii aymudu ka soo shaqeeyeen.
mar su,aalo laydiiyay shaqsi afsoomali ku hadlayay oo ka ag-dawarsada NGO xaaranta ah wuxuu ku calaacay inan AMISOM hawsheed turkigu farah lagalin taas oo lafahmikaro. shaqsigaan waxan u gadigayaa inuusan mardanbe dhagaha shacabka soomaaliyeed waxaas liidaanyaha ah u soosheegin oo uu siyaabo kale biilkiisa kuraadsado.
icg waa cadahay in ay rabaan in turkigu soo mariyo dhaqaalaha uu soomaaliya ugu talagay
si nairoobi loogu cuno
Turkiga waa inuu aado gobolada dalka oo dhan inuu isku koobo meel ay mooryaan ay dhacdey guryo islaameed uuna ka kireysto waa laga fiicanyahey Turkiga guryaha uu ijaarka ugu jiro waxaa leh dad masaakiin ah oo laga dhacey ragga ka qaatana waa mooryanta Indhacde iyo kooxdiisa Turkiga waxaa looga fadhiya inuu guryo badan uu kaga jiro iajaa ayna ka qaatan kuwa shabaab ku quudiya somaliya oo ah haddba waa sax ICG waa iney somaliya oo dhanaado Somaliland,Puntland,JubaLand,Galgaduud lanad,Burtlaland,goldogob lanad,laascaanoland,buuhodle land,dhamaan waa iney tagtaa somaliya ilaa meesha ay xuduuda kau taalo maa’ahn iney xamar guryo xaarn ah oo la dhacey in laga kireysto ayna shabaab lagu quudiyo lacagta laga helo xaaranta marka sida ugu dhaqsaha badan tuugada Turkiga iyo Mooryaanta xaaranta ku heysta guryaha islameed waa in laga saaraa sida ugu dhaqsaha badan waa hadey dowlad shaqeyneysa jirto
kooxdan waa qawlaysato ka xun in dawladda turkigu somaliya wax la qabato.
Hay’ada ICG, waxay la qayliyeen beentii ay Soomaaliya ku cunijireen iyo NGO goodii baa kashifmay, marka waxay rabaan in meesha cid wax cad oo muuqda Soomaalida u qabanaysa aysan soo galin.
Laakiin taladu Soomaali bay u taalaa, waa in ay muujiyaan taageereeda ay u hayaan Walaalahooda Turkiga, waana in la iska ilaaliyaa dadka cadaqaatayaasha Soomaalida sheeganaya oo nimankaas NGO ga ah la shaqaysta ay adeegsan karaan.
Haday arrintaasi cadaato oo soo baxdo dadweynaha Soomaaliyeed waa in ay banaan baxyo ku muuqiyaan sida ay uga soo horjeedaaan arrintaas.
Yaa ilaahay yaqaan, war na daaya ICG, maxaad naga rabtaan? qofkii biyo na siiyaba miyuu xun yahay?
Waxaan qabaa in la xaq dhowr aragtida ICG oo ah aad ugu hawlan dhibaatooyinka ka socda Soomaliya. Hay’adda aragtideeda ku saabsan dawladda Turkiga waxqabadka ay ka waddo degaamo keliya oo ka mid ah Soomaliya iyo hashiis ay la gasho shakhsiyaad aa lagama maarmaan inay ka hadlaan waayo waxa imaan kara dhibaatooyin badan oo aan xal loo heli doonin. Dhisidda qaranku malaha qoys ama shakhsiyaad ee waa mid guud oo dalku u siman yahay haddii aan iminka la turxaan bixin oo aan la saxin way adkaan in gadaal laga saxo. Waana muhiim in Soomalidu ku cibrad qaadato 22kii sano oo colaadda iyo burburka, ayna foodda saaraan horumar iyo mustaqbal wanaagsan, laakiin haddii caadifad iyo qoysnimo loo adeegsado waajibaadka guud waxay keeni kartaa dib u dhac iyo in horay loo socon. Hay’adani u malaynmaayo inay ka xun tahay wax muslimin isu qabanayaan ay waxay saluugsanyihiin sida aan cadayn oo daboolku saaran yahay oo adeega bulshadu u socoto iyo sida Turkigu wax u wadaan.
looooooolz xaasid maaha ninka wixiisa kuu diida lkn waxaa xaasid ah kan isku dayaya in uu kuu diido wax aan gacantiisa ku jirin oo umad kale ku siinayso aryaahe ICG iyada hadii ay wax qabaneeso ame umad kale oo wax qabaneeso ay heeso somalia wax haka qabteen anigu ma garanayo sabab keeni karta in Turkey dadaalada uu ka wado Somalia oo umadaas wax ugu qabanayo ladhaliilo balse waxaan leenahay guuuuuuuuuuuul waxqabadka Turkey ee somalia love love turkey
ASC, dhamaantiin, walaalaha Somaliyeed. Runtii warbixinta meeshan ku qoran waxaan ka dhageystay waraysi eey ninka Somaliga ah ee Abdirashiid la dhaho ee u shaqeeya International Crisis Group (ICG), waraysigaas oo aan ka dhageystay idaacada VOA, waxaan ka dareemay oo aan markaan dhageystay ii soo baxay in hay’adaan ICG eey qeeyb ka tahay dhibka wadankeena ka jira, ogaada magaceeda ayaaba la dhahaa “kooxda qalalaasaha caalamigia”. Marka Somaliya maadaama eey tahay meel qalalaaso ka taagnaa 23 sano ayeey u soo shaqa tageen dadkaan hay’adaan u shaqeeya. Si eey uga shaqeeystaana oo eey lacag badan uga helaana waxaa qasab ku noqotay in eey qortaan shaqaalo Somali ah, sida ninkaan u shaqeeya hada. Laakiin, waxaa nacasnimo ah in ninkaan uusan karti yar xataa inta muujiyo uu ku dhaho organization ka uu u shaqeeyo iyo madaxdeeda “Somali waa idin fahantay, waana idinla xisaabtamee” ee ka joogo in aad been iyo quraafaad cidla ah ka qortaan Turkiga oo runtii an dad walaalo wanaagsan ah oo u soo gurmaday dadka Somaliyeed, una niyad dhisay waqti adag oo eey Somalida ku jirto maantay.
Gabagabadii, waxaan rabaa in dowlada Somaliyeed eey la xisaabtanto hay’adaha iyo qandaraasleeyda inta Nairobi fadhiista magaca Somaliya ku qaraabto, amaba meel uga dhaca wadanka Turkiga iyo saaxiibada dhabta ah ee Somaliya. Waa in ashtako ama dacwad laga geeyaa ninkaan u shaqeeyo ICG, loona sheega “national security and interest of Somali people” ayaad qatar ku tahay. Mahadsanidiin.
ICG waa NGO qawleysato ah oo lugu naas-nuujiyo deeqaha Soomaaliya loogu talo galay ee Nairobi lugu kala tuurto. Mar kastana waxaa ku adeegta ciddii lacag ku shubata. Maantana waxaa ka dhex hadlaya Faroole iyo Itoobiya oo ka niyad xun is garabsiga walaalnimo ee Muqdisho iyo Ankara ama Soomaaliya iyo Turkiye… Shimbirayahow heesa…