Waa Kuma Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’ oo Maanta Loo Magacaabay Raysul Wasaaraha Dalka? (Taariikhdiisa)
Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha cusub ee dalka ayaa maanta loo magacaabay Dr Cabdi Faarax Shirdoon Garaad oo ku magacdheer ‘Saacid’ oo lagu magacaabay wareegto uu ku dhawaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Haddaba waa kuma Saacid?
Magaciisa oo buuxa waa; Cabdi Faarax Shirdoon Garaad ‘Saacid’
Wuxuu ku dhashay; magaalada Dhuusamareeb, sanadkii 1958.
Sanadkii 1978; waxyar kadib markii uu ka baxay dugsiga sare, wuxuu ku biiray dugsigii tababarka ciidamada ee Xalane kadibna wuxuu ka mid noqday dhalinyaradii soo msrtay shaqada qaranka ee mudada halka sano ahaa.
Sanadkii 1983; wuxuu ka qalinjabiyey Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed [SNU] ee Gaheyr, wuxuuna qaatayt shahaadada koowaad ee jaamacada isagoo bartay culuumta dhaqaalaha.
1983- 1985; Wuxuu shaqaale ka noqday wasaaradda maaliyada ee dawladii dhexe ee dalka.
Sanadkii 1985; wuxuu ka tagay shaqada dawlada, wuxuuna furtay shirkad ganacsi oo uu isagu leeyahay.
Sanadkii 1991; markii ay dagaalada dheceen ayuu u guuray dalka Kenya, wuxuuna sameystay xafiis ganacsi oo lagu magacaabi jiray Shire Co. Ltd & Shaam. Wuxuuna halkaasi ka watay hawlihiisa ganacsi ee gaarka ahaa.
Bishii May 2012; Wuxuu Cabdi Shirdoon noqday gudoomiyaha urur la baxay ‘Rajo Forum’ oo uu isagu kaga dhawaaqay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.
6 Oktoobar, 2012; Wuxuu noqday raysul wasaarihii ugu horeeyay ee dawlad aan ku-meelgaar ahayn ee dalka Soomaaliya kadib markii uu magacaabay madaxweynaha.
Cabdi Faarax wuxuu leeyahay afar carruur ah, waxaana xaas u ah Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya isla markaana ahayd gudoomiyaha guddigii doorashada ee baarlamaanka.
_________________________________________________________
Waxaa soo ururiyey: RBC Radio, Raxanreeb.com














Acww, waxaan soo dhawaynayaa PM cusub oo la magacaabay, ma aqaan waxa lagu soo xulay laakin ninka soo xulay bay u taalaa, waxaan aaminsanahay in waqti lasiiyo si haddii uu wax u qabanayo umada Somaliyeed loo arko. Ma aha nin horay wax qabadkiisa loo yaqaaney, qof cusub baa la magacaabayna macnaheedu maaha in qof shaqada qaban kara uu yahay, marka aan sugno oo soo dhawayno.
Aad buu u daahay xulitaankan, waana ku faraxsanahay in maanta dawlad cusub wadanka laga dhisayo, waxaan ninkan kula talin lahaa inuu wasiirada kadhigo ilaa 7 wasiir, waayo hadduu damco inuu qanciyo qabiil ama urur, isbadal ma imaanayo. waana inuusan ninka madaxwaynaha ah, ama kan raisul barlamanka ah midna dad iyagu wataan uusan wasiir kadhigin.
Allaah (swt) mid khayr wata ha ka dhigo.
Talo.
Saacid waxaa la gudboon in uu haddeerba aado Puntland oo uu dadkiisa uu u yahay RW kana dhashay lana hadlaa oo la xaajoodaa.Waa in uu ka mayraa dhaawacii uu Ina Fremaajo ku reebay ee ahaa anigu ma aqoonsi wax la yiraahdo puntland.Saacid waxuu jagada ku helay sed qeybsi.Kii isagaa helay.
Puntland baana ka mida labada meelood ee uu ugu xooga badan yahay.Kursigu waa kursi oo Saacid lagama xigo waase in uu ka soo baxaa hawlaha loo doortay.Haddiise uu is yiraahdo sidii Ina Farmaajo qofkii ah reer puntland yaan la soo dhaweeyn wuu ka sheegayn doonaa tii ka raacda.
saacid waa ninkii ugu dheereeyey 57dii nin ee doonaayey – wasiirka 1aad ee soomaaliya , waa inuu noqdaa sidii loo doortay , ee aan khilaaf ;la imaan . waa inuu soo dhisaa dawlada uu madaxweynu doonaayo hadii kale waa in labadalaa sidii kuwii hore ?????????
CVga waa waxba kama jiraan ninakni waxaa uu ahaa asakarta koofiyad casta waxaa uu ilaalo ka ahaa guriga khadiijo macalin Bar FIAT kadibna waxa lagu wareejiyey salan sharafta 1985 waxaa xasuuq ba’an ka geystey dagalkii wadaadada ee 14/7/1989 ee ka dhacey masjidka sheekh cali suufi oo uu dad badan oo rayid ah ku laayey ninkani waa uu baxsdey 1991 kadib saiyaad barre markii loo galbiyey Kenya halkaas ayuu ku harey asagoo watta lacag faro badan oo Doller oo laga dhacey Bangigga dhexe isaga iyo C/risaaq Bidaar oo ahaa waardiyaha Afweyne haddba sheekdau waa muqayil iyo nin daroogo gadi jirey oo dhiig shacb qaba oo ahaa nin araxna daro u diley dad badan
WAA LAYAAB 1985 WUXUU KASHJAQOGALAY WASAARAADII MAALIYADDA ISLA 85TII
WUXUU KATEGEY SHAQADII DAWLADDA WUXUUNA FURTAY SHIRKAD GANACSI
HADDABA NIN SHAQAALE DAWLADEED AHAA BILO YAR ILLEEN QORMADA KAWARBIXINAYSA AYAA SHEEGEYSA INUU SANNADKUU SHAQADA GALAY ISLA SANNADKIIBA KATEGEY MARKAA DHAQAALUHUU SHIRKADDA KUFURTAY XAGGEE KAYIMID WAA ISKA CADDAHAY WAANA HANTIDII UMMADDA EE UU MUDDADA YAR WAXKA MAAMULAYEY HADDANA DAWLADA R IISULWASAARAHA LOOGA DHIGAY OO HORAY BAHALLO UCUNEEN WAALOO YAABAA.
ader waxaa ladhahay shinbirba shinbirkiisa ayuu laduulah marka madax waynuhu asagaa fadhiid aha marka mid lamid ah ayuu soo doortay sxb waanah soo dhawaynay naah hadaan nahay puntland
[...] ee dalka kadib wuxuu tilmaamay in indhaha lagu hayo qaabka uu u shaqeeyo raysul wasaaraha cusub Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’ iyo xukuumadiisa. [DAAWO [...]
ASC Welcome PM guul iyo wadajir sc.
Marka laga tago inuu ahaa nin Somalia ka agdhow oo Nairobi degen kama muuqato CV giisa Aqoon uu kursiga kaga Mudnaa raggii kale ee Raisal Wasaraha kula loolamayey sida mr Farmaajo iyo Dr Ali Isse iwm Balse mar hadday sidan u dhacday bal ha tijaabiyo oo la eego wuxuu soo kordhiyo Raisal wasaare Qandaraasle ahaa..
Maansha alaah Madaxweynaha aad ayuu ugu mahadasanyahay siduu sharciga u raacay oo uu waqtigii loogu tala taley ee bisha ahaa uusan dib uga dhicin iyo sida uu ooga fikiray oo wada tashiga dheer uu suameeayay ugna deg degan magacaabista xilka Reysal wasaaraha maadaama uuyhay Xil aad u culus….. Waxaan leeyahay hambalyo Saacid waa nin aqoon sare leh oo xaga dhaqaalaha ku taqasusay heybad iyo muqaalna alle siyay waxaan urajeynayaa inuu Alle u fududeeyo xilkaan aadka u culus ee loo doortay
Aniga waxa ay ila tahay in mesha waxa qabsadey ay yihiin madaxweyne ngo ahaan jiray iyo r/wasare ngo ahaan jiray
WAXAA JAGOOYINKII ARUURSADAY DAD KAYIMID GOBOLADA BURBURSAN EE KOOFURTA SOOMAALIYA ,WAX TARIIKH AH OOY GOBOLADOODA KU BADBADINAYAANA WALIGOOD KAMAY QAYBGALIN …BAL AANARAGNO….ALOW SAHAL…
ASC,dhamaantiin. Walaalayaal, wax iska sheeg sheegida ma fiicno, oo qof aan cilad laheeyn ma jiro, oo ilaaheey kaliya ayaa “perfect” ah. Marka, aan soo dhaweeyno ninkaan prime ministerka madaxweeynaha u magaaabay, oo hala wada garab istaago. Madaxweeyne, iyo prime minister iyo 275 xildhibaan iyo waliba ciidanka hada loo habeeynayo dolwada kaligood wax ma qaban karaan, waa in qof kasta oo dadka Somaliyeed ka mid ah uu kaalin wanaagsan ka ciyaaro dib u dhiska iyo walaaleeynta dadka Somaliyeed, taasoo waxa ugu yar ee lagu kaalmeeyn karo eey ka mid tahay ayadoo wax been ah oo aan jirin laga sheeg sheego, amaba qabyaalad iyo kala qeeybinta dadka Somaliyeed shaqo laga dhigto. Taladaas waxaan usoo jeedinayaa qofkasta oo wax garad ah oo Somaliyeed. Aan dowlada wanaaga ku kaalmeeyno. Mahadsanidiin. Viva Somalia.
Professor iku sheeg picollo, marxuumiinta hakaa nabad galaa, uurkaa wasaq iyo cuqdad qabiil kusidataa in kabadan 20 sanadood. 1989 meeqaa kadanbaysay oo ay umadda somaaliyeed dil dhac iyo kufsi soo dhexmaray oo la isu wada cafiyey. Waan soo dhawaynaynaa qof alaale qofkii doonaya in uu umaddaa somaliyeed wax uqabad keeda ka shaqeynaya.
PM Dr Cabdi Faarax Shirdoon weligiis askar ma noqon. Ilaahay ka cabsada
Waa nin dhaqaale yaqaan ah dulqaad badan dad xiriiris leh. Akhlaaq Wanaagsan.
Anigu shaksi ahaan ayaan wallaahi u aqaan qabiilna lama ahi.
Soomaali badan ayaa xagga xumaha wax u beddela. Saacid Faarax Garaad
Weligeey ma arag qof la kulmay oo xumaan ka sheeganaya.Allaha nooga dhigo
Kii dalka horumar ka hirgeliya iyo barwaaqo iyo nabad. Aamiin
Fadlan ha la joojiyo sida tagrifalidda ah ee loo isticmaalo ereyga Dr. taas oo ah inuu qofku sito shahaadada loo yaqaan Ph.D. amaba uu yahay Dhakhtar caafimaad. sida ka muuqata qodobkanna web-kan ayaa sheegaya in Abdi Shirdoon wato shaadada “Laurea” oo ay bixin jirtey Jamacadda Umadda Somaliyeed qofka shahaadadaas qaatana afka Talyaaniga lagu yiraahdo “Dottore” kana duwan erega Dr. “Doctor”.
@piccolo
Beenta aad falkinaysid ka xishood
Ilaahii ku abuurtayna kabaq waxaan
Aad afuufaysid waa lagu waydiin doonaa
mooyaan wakaalada mooska somaaliya beeraheedii dhoofsan jiray dhawaan xoog ku deganaa gurigii mooska ee kismaanyo ku yaalay saldhiga police ka dhiniciisa qaatil hada ka hor nin cadaan ah gacantiisa ku dilay reer kismaanyo dhan waa ogyihiin wuxuu yahay
niman hayadaha UN Ka tuugsan jiray ee NGO’s baa isu maaliyay dan guud iyo maslaxad umadeed midna maysan eegin waxaad ka heshaan baad leedihiin si fiican baan idila shaqaynaynaa.
WAR HADA BALO BOOWE MAAD NAGA DEYSAAN KII LA ARKABA WAXAAD LEEDIHHIIN KOOFIYAD CAS AMA IYO BAA SOO DIRSATAY AMA WAQOOYI AYUU XASUUQAY ANAGU DHIIGA DAKAAN CABNAA OO WAA RUNTAA. LAAKIIN KA WALAALAHEEN WAN ISKA ILAALINAA KISMAAYOSE KA WALAALAHA XATAA MA CAFINO KKKKKK.
A/C WAR JIRAABA CAKAARO BUU IMAAN ANIGU SHAQSI AHAAN AQOON OOMA QABO NINKAAN LAAKIIN TIMIR LAFBAA KUJIDHA WAAYO WUXUU QAATAY CID WALAALKIIS, OO LAGU BADALAY ASAGA, TIYOW AHAYD NINKII UGU FIICNAA SHAQSI AHAAN SIDA AY SOOMALIDU SHEEGEEN,ANIGU UTILMAAMI, MAAYO SHAQADIISA LAAKIIN HA OGAADO WUXUU KU YIMID REF,4.5 OO AH MID QABYAALADEED.
prof piccolo maxad cadeyn haysana in uu sidaa ahaa ninkan sabatoo ah qof iskama shegan karo d/h/dhexe & sare & jamacaddii gahayr ee ka tirsaneyd jamacada umada somaliyed oo ardey waqtigas dhiganeyneysey baa la helayaa oo laguma dhex dhuban karo ee armuu labada howl ba isku wadey wase arkeyna siduu wax u mamulo hadi kale barejo baa lagu kala baxaa oo ah in qof walba buulkisa ado oo soo dhisto hadi kale somaliya hal dagal ba ku harey oo lagu hoobto wero mundayalo………..
[...] (RBC) Xilli raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon uu ku jiro sugitaanka ansixinta golaha baarlamaanka dalka ayaa dhanka kale kooxda Damu Jadiid oo ah [...]
[...] Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa noqonaya raysul wasaarihii ugu horeeyay ee aqlabiyad guu oo aan ka aamus iyo diidmo lahayn lagu asixiyo. Kadib ansixinta baarlamaanka waxaa uu heystaa mudo afar usbuuc ah si uu u soo dhiso xukuumadda. [AKHRI TAARIIKHDA RAYSUL WASAARAHA] [...]
[...] Hadalka raysul wasaaraha ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee uu si toos ah ugu sheego baarlamaanka cusub ee dalka tan iyo markii la soo magacaabay 6-dii Oktoobar. [TAARIIKHDA RAYSUL WASAARE SHIRDOON] [...]
[...] beryahan dambe, isagoo dhanka kale intii uu shirkiisa jaraa’id ku jiray u hambalyeeyay raysul wasaaraha cusub ee dalka Cabdi Faarax Shirdoon ee bishan horaanteedii uu soo magacaabay [...]