Wadatashiyadii ugu Dambeeyay ee Magacaabista Raysul Wasaaraha Cusub oo Ka Socda Villa Soomaaliya (Faahfaahin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa tan iyo xalay ka socday wadatashiyo mugleh oo ku saabsan magacaabista raysul wasaaraha cusub ee dalka.

Wararka ugu dambeeya ee Raxanreeb soo gaaraya ayaa sheegaya in madaxweynuhu shalay qaabilay afar musharax oo ka mid ah kuwa u tartamaya xilka raysul wasaaranimo iyadoo habeenkii xalayna uu markale madaxweynuhu la kulmay afar musharax oo kale.

Ilo wareedyo la hadlay Raxanreeb waxay sheegeen in siddeeda (8) musharax ee shalay iyo xalay uu qaabilay madaxweynuhu ay yihiin  kuwa u soo gudbay wareega ugu dambeeya ee lagu xulanayo raysul wasaaraha cusub, waxaana lagu wadaa in madaxweyne Xasan Sheekh ay hal xubin kala baxaan siddeeda nin ee illaa hadda soo haray.

Maxaa keenay kala xulista?

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo la taliyaashiisa ku dhow ayaa raadinaya shakhsi leh labo tilmaamood oo muhim u ah siyaasada hogaanka haatan madaxtooyada fadhiya ee u badan kooxda Dam Jadiid, kuwaasoo kala ah;-

Waa marka koowaade, madaxweynuhu ma rabo nin ku adkaan doona hadhow oo ay dhici karto inuu ka hor yimaado go’aanada madaxweynaha sidii horey u soo martay dawladihii isaga ka horeeyay.  Arinta labaadse waxay tahay; in la helo nin miisaan weyn leh oo ka soo jeeda beelaha xilka raysul wasaaranimada iska leh.

Ilo wareedka ayaa intaa ku daraya in dhowr maalmood ee ay socdeen wadatashjiyada lagu raadinayey raysul wasaaraha dalka, ay jireen rag ay isku dheceen madaxweynah kadib markii madaxweynaha iyo la taliyaashiisu soo bandhigeen liis ka kooban 11 xubnood oo kooxda ‘Dam Jadiid’ ka tirsan kuwaasoo la sheegay in la siinayo xilalka wasaaradaha arimaha dibada, waxbarashada, maaliyada, arimaha gudaha iyo wasiiro ku xigeeno muhim ah.

Dalabkan waxaa ka biyo diiday dhowr nin oo musharixiinta ka mid ahaa oo madaxweynaha u sheegay in kaliya shan ama afar wasaaradood uu keensado wasiiradooda laakiin xukuumada inteeda kale uu u daayo wasiirka koowaad ee uu soo magacaabo. Waxaana tan ay keentay in rag badan oo musharixiin u ahaa xilka raysul wasaaraha ay meesha ka baxaan.

Haddaba waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu madaxweynuhu shaaciyo ninka uu u xushay xilka wasiirka koowaad, kaasoo illaa hadda aan dhab ahaan loo ogeyn, walow ay jiraan illaa saddex nin oo hadda miiska saaran, sida Raxanreeb ay ka heleyso ilo wareedyada madaxtooyada.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

18 Responses for “Wadatashiyadii ugu Dambeeyay ee Magacaabista Raysul Wasaaraha Cusub oo Ka Socda Villa Soomaaliya (Faahfaahin)”

  1. Ali ciise abdi waa ugu horeeya. Farmaajo labo. Bye bye bye gaas and awaare. Kk.

  2. Torobo says:

    Caqlima ma hayo ninka raisul wasare doonaya hadana diidaya waxa kooxda madaxwaynuhu rabaan war maw hadhow diido hada haduu diido sidoo rabaa in aw wax ku noqdo walee xasan duluf waa nala ku soo gamee yaa na dhaafiya yuusan magacaabin haduu rabee

  3. lee gaas somaliland says:

    waayaab kii raysalwasaara ahaa w shay

  4. Jugsodhacay says:

    Kkkkkk. Waxan layabanahay. Dadka wali. Xisaha u qaba arinta raisalwasareha , xikaas waxaa qiimo riday. Xasan oo. Sidii. Biibito ay iibiso gabar qurxoon oo mooryaan Usoo shukansi tageen u maamulay. 11wasiir baan soo magacabaynaa ku lahaa hadaa Rabaan xataa 20wasiir soo magacabaynaa Yaa siiso u haya oo idinka Aan Waxba mucaradin ayaaba laydiin nacay.

  5. daacad says:

    madaxweyne waad fashilantay kalsoonidii aan ku gu qabnay waan kaala laabanay madaxweyne somaliyeed ma tihid eee ‘Dam Jadiid’ ayaa madaxweyne u tahay koleeey Dr ali ciise waa diiiday dalabkaadii ahaaa in 10 wasiir aaad keeensato somalia waa u dhamaatay

  6. ceel-ciid says:

    waxan ilahay ka rajaynaya inuu noqdo mid khyr qaba oo dalka dadka iyo diintaba anfaca maanta qof og ma jiro ninka tayadaas yeelan dona balse aniga shakhsi ahaan waxaan taageersanahay inuu ku soo boxo dr,abdikadir haashi balse waxan leeyahay illahay cidi dalka khyr ugu jiro hano keeni cidii kalena gees illahay ha inaga mariyo amiin

  7. darwiish-kude says:

    Darwiish Khaatumi,

    Ali Isse iyo farmaajo waa labbo dib jir, iskuma dhererin karaan Gaas. Mida kale – what will you with people like Gas, the people you hate so much. berri baad iman adigoo tolnimo sheeganaya, adigoo koombo baryo ku raadinaya.

    Dogonka nabi Muse baa habaaray

  8. aisha says:

    jugsodhacay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waad iga qoslisiisay maanta ninyahaw maxaad u shukansi tagtey biibito ay iibiso gabar qurxoon oo mooryaan hubaysan aykugu wareersheen, walee hadalkaaga waxbaa iiga baxay oo fila soomaliya waxay noqotay biibito, booskii gabarta waxa jooga madaxwaynaha, booskii mooryaantana odayaal beeleed iyo rag xil doon ah.

  9. samatar says:

    ninka lamagacaabey waa nin katirsanaa dooxada jubba oo uqaabilsanaa arimaha caalamiga ah,wuxuu jecel yahay in reer galgaduud lagubeero kismaayo,wuxuu aad unecebyahay puntland,waxaa majaraha uhaya xaaskiisa oo cadaado ah,jubbaland wey kawarhaysaa

  10. xaawo says:

    WAXAA XIISU U QABA CIDII AY KA MAQAN TAHAY EE MAHAN CIDKALE REYSILWASARAHA WAXAA U BAHAN INTII AY NADADA KA MAQAN TAHAY EE INTII AYADU DOOWLAD LEH YEYSAN KABA HADLIN EE XISBIYADOODA HAKU MASHUULAAN VIVA MADAXWEYNE IYO REYSILWASARAHA CUSUB RAXANREEB WAXAAN LEE YAHAY COMMENT HAYGA HAQARIN PLS

  11. muse says:

    PM Somalia maahan wax wayn oo hada la sugo waayo dhamaantood Mahiga ayaa kor ka xukum.Ninka madaxwaynaha lagadhigayna illaaa hada sawiro qurqurxan ayuu galayaa Villa somali foto miyaa??

  12. Wiil says:

    Wan soo dhawaynayaa hadii uu magacaaawo nin ah laakiin ha ogaado hadii uu xaqdhawri waayo walaalaheen Reer Puntland oo ah awooda Kali ah ee beelweynta in uu Xamar soo dhaafeen. Mana awoodi doono in ay u shaqeeyso yuusana galin qaladkii farmaajo. Isla markaana uusan dabadhilif u noqon mooryaanta Xamar oo jecel in ay iska horkeenaan walaalaha daarood ismaaciil thanks

  13. warfa says:

    Waxaan u arkaa xisbigan sharta isku baheystey mooryaan shaarkii badashey oo dhiig cusub daadiyayaal iskula baxay, hadaba ogaada kiina uun buu alla daadin insha’allah, sababtoo ah sharcigii baat ku tumateen kaasoo ah CAHDI.

  14. Kismayo33 says:

    Ninkan taxliilkiisa waa uu i cajab geliyay

    __________________

    Ali Zubeer says:

    05/10/2012 at 6:36 am Seeraar si macquul ah ayuu u hadlay.

    Laakiin waad ogtihiin waxa uu Ali Zubeer qabo ama odhan lahaa.

    Just to give you the background of the junta group in Villa Somalia. their affialation, wealth, political agenda iwm.

    Kooxdan qabsatay xukunka

    Waa koox ka kooban

    gaar ahaan iyo Few Venom

    Koox ah

    iyo kuwa beela yar ka soo jeedo.

    Haddaan kuu sii sharraxo

    Kooxdan waxay la baxeen damun jadiid during maxaakimta iyaga oo ku andacooday in Islaaxdii sheekhaaleed wax walba laqeen oo hantidii dhaceen kana leexdeen manhajkii ikhaawanul muslimiin.

    Waxay gacanta ku dhigeen hay’ad la yidhaa AMA (African Muslim Agency) oo kuwait laga leeyahay.

    Taasi waxay siisay fursad qaali ah oo ah inay lacag badan ku helaan in the name of relief.

    Xamar waxaa attoore ka ahaa . AMA na waxaa madax ka ahaa Faarax Sakiin oo.

    Si uu faarax sakiin u badbaado waxaa uu noqday ninka hilibka u keena isagana qaata cad quudheedka,

    Waxaa uu guryo ka dhistay Nairobi, Qaahira iyo meelo kale.

    Waxaa la dhihi karaa waa nin caqli badan haddii uu 20 years ku dhex badbaaday hyena oo khaarijsa nin kasta oo ka soo horjeeda ama aan ka horjeedin ee jiirada la mara. Farax sakiin kept low profile serving his masters in Mogadishu by giving them xoolihii carabta ee ku socotay Somalia isagana waxoogagiisa ayaa loo tuuri jiray.

    In shariif time iyo wixii la socday oo ku jiro ayaa go’aan sadey in xarko ahaan ku galaan maamulka shariifka. Waxay ku guuleysteen nin jiidle ah oo la yidhaa Cumar Dheere inay safiir Qatar uga dhigaan.

    Cumar dheere waa nin aaminsan dawlad ikhwaan ah dhalinteeda, lehna waxbarasho fiican oo ku dhashay Mandeera, NFD.

    Wuxuu wax ku soo bartay Jaamacadda Ifriiqiya alcaalamiyah ee Khartoum oo iskala soo baxeen Abdulwahaab Caydiid oo reer wajeer ah.

    Waxaa isla markaa shaqo ka helay al jaziira Arabic service nin reer aw xasan ah oo colaad ba’an u haya in mysterious way oo la yidhaa Fahad Yaasin.

    Waxaa political arena ama civil society u galay nin Habar gidir ah oo la yidhaa Abdikariim Guleed oo king maker ah oo maanta la dhihi karo waa caqliyadda kooxda damun jadiid.

    Ninkan dambe waxaa uu gacanta ku dhigay Xasan Sheekh oo aad arkayso hadalladiisa inay ka muuqato iyo adeerkiisa nacayb iwm.

    Cumar dheere waxaa uu ku guulaystay inuu carabta ka gado barnaamij dhahaya in Somalia file la carabeeyo

    Farax Sakiin oo ahna waxaa uu ku guulaystay in arrintaa thru AMA ka dhaliyo lacag badan

    Shekkh Nuur Baaruudna uu market gareeyo

    Abdikarim uu si fiican u macaankana muudsado

    Xasan Sheekhna uu maanta ku caddaysto Hiiraan agendaha ee Jubbaland iyo dhisidda Empire is southland Somalia.

    intaasi waa casharka 1aad ee siyaasadda……inta kale markeeda

    Jubbaland anigaa iska leh

  15. yaaska says:

    iyo hunguri maxaa kala heesto xitaa kuwii ay daaroodka isla ahaayeen waxba uma ogola kuwaas ayaa ku leh waxaan rabnaa resalwasaare fadlan xasan shiikh markaan ka booti uraayo ee ka dhig mariixaan bal aan aragno waxa ar taraayaan kkkkkk ogoow horaa loo yiri ri miyaa caano diidi karto taas xasuusnaada

  16. Godirwaahis says:

    Maxaa Ka jira in Prof. Gaabane aad ola yaabay markii madaxwaynuhu tusay liis wasiiro oo u diyaarsanaa kuna yiri intaasaa ka dhimane ma buuxinaysaa?

  17. qardho says:

    meeshani dowlad kama jirtee waxaa maqlay in ey dowladi somaliyeed qabiilada yaryarka ey utalayaan oo lugu salaamayo dowladii marka sheekadaan ma aan fahmin waayo ururka dam jadiid ahna madaxtooyada heystana madaxdooda waa reer marka kuwí ahey waa shaqaalo madaxtooyo ah oo maamulka waxaa iska leh faarax sakiin marka dowlad sidaas ah maxaa la isku daalinayaah

  18. jamac says:

    ali zubeyr runta ayuu kahadlay ninka ururka sameeyay waa faarax sakin ninka wax qeybinaayo ama siyaasada qeybinaayo waa faarax iyo fahad yasin lkn aniga waa taageersanahey in ey somalida qabiilada iska deeso ey urur sameysato sida faarax farsamo sameeyay

Leave a Reply