Wafdi IGAD oo Maanta Muqdisho Yimid, Xog Hoose oo Ka Soo Baxaysa Kulan Ay La Qaateen Madaxweynaha & Odayaal Ka Cawday Arimaha Jubbooyinka (Warbixin)
Muqdisho (RBC) Waxaa maanta magaalada Muqdisho yimid wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD kuwaasoo ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Waxayna wafdigan markii ay ka soo degeen kulan la yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ugu tageen Villa Soomaaliya.
Ilo wareedyada ku sugan Villa Soomaaliya ayaa Raxanreeb u sheegay in wafdi IGAD ay madaxweynaha la yeesheen kulan albaabada u xirnaayeen oo qaatay qadar saacad ku dhow iyadoo arinta magaalada Kismaayo si weyn looga dooday.
Maamul u sameynta Kismaayo
Wafdiga IGAD waxaa ku jiray illaa labo xubnood oo ka socda dawlada Kenya waxaana intii kulanka ay la qaateen madaxweyne Xasan Sheekh la soo qaaday qaabka maamul u sameynta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Sida il wareedka sheegayo wafdiga IGAD waxay madaxweynaha kala hadleen inay rabaan in qaar ka mid ah xubnaha kooxda Raskambooni gaar ahaan Sheekh Axmed Madoobe lagu soo daro maamul la sheegay oo heerka gobol ah oo xulafada Madaxweynaha ay rabaan in ay ka sameeyaan Kismaayo iyo in beelaha gobolka Jubbada Hoose laga soo wada qeybgaliyo maamulka. Saraakiisha Kenya ayaa qaba aragti ah in Sheekh Axmed Madoobe uu soo galay halgan dheer sidaasi darteedna laga dhigo gudoomiyaha gobolka. [AKHRI HADAL KA SOO BAXAY SARKAAL KENYAN AH]
Waxaa xusid Mudan in Beelaha wada dega Gobolada Gedo, Jubadda Hoose iyo Jubbad Dhexe ay shirar uga socdaan Magaalada Nairobi shirarkaasna ay ku saabsan yihiin Sidii Maamul Goboleed loo Dhan yahay Loogu Sameyn Lahaa Sadexdaan Gobol.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ka cudurdaartay in waqtigan uu ku mashquulo arimaha Jubbooyinka, maadaama uu hadda magacaabay raysul wasaare uu doonayo in arimaha maamulada gobolada iyo heer deegaan looga dambeeyo raysul wasaaraha iyo xukuumadda cusub ee dalka loo sameynayo.
Xubnaha ka socday Kenya waxay aad uga xumaayeen jawaabta uu bixiyey madaxweynaha ee ahayd in dawlada aysan hadda ku mashquuli karin qorshaha maamul u sameynta gobolka Jubbada Hoose oo u muuqda in loolan qabiil uu hadda ka soo ifbaxay. Waxayna wafdiga IGAD isla galabta dib ugu laabteen magaalada Nairobi.
Dhanka kale, Raxanreeb waxay saraakiisha madaxtooyada ka ogaatay in madaxweynuhu uu qorsheynayo in guddi gaar ah oo ka socda xukuumadda uu u saari doono arimaha Kismaayo marka la dhiso golaha wasiirada cusub kadib, inta ka horeysana uusan madaxweynuhu rabin in dhegihiisu ay maqlaan buuqa iyo isqabqabsiga ka aloosan maamul u sameynta Jubbooyinka oo dawlada Kenya ay si weyn faraha ugula jirto taasoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu aad u gariifsan yahay.
Madaxweynuhu wuxuu bishii hore warqad uu u diray dawlada Kenya kaga dalbaday inay joojiso qorshe maamul loogu dhisi lahaa Jubbooyinka oo laga waday magaalada Nairobi. [HALKAN KA AKHRI WARQADA MADAXWEYNAHA]
Shan beelood oo la kulmay UN iyo Midowga Afrika
Intii wafdiga ka socday IGAD ay madaxweynaha la joogeen madaxtooyada waxaa dhanka kale garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka socday kulan u dhexeeyay odayaal ka socday shan beelood oo ka mid ah kuwa dega Jubbooyinka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Midowga Afrika iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee UNPOS. Sidoo kale saraakiisha AMISOM ayaa iyaguna joogay kulankan.
Kulanka garoonka ka dhacay waxaa looga hadlay talo ay keeneen odayaasha shantan beelood ee kala ah; Shiikhaal, Gaaljecel, Gaadsan/Dir, Cawrmale iyo Jareerweyne (beesha Shanaad) kuwaasoo soo gudbiyey dhaliilo ay ka qabaan hawlgalka ciidamada Kenya ee Kismaayo iyo in dadka deegaankaasi u dhashay qaarkood aaney kaalin ku lahayn dhaqdhaqaaqyada ka jira Jubbooyinka, sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay mid ka mid ah odayaashii kulanka maanta kaga qeybgalay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Odayaasha maanta kulanka la yeeshay UNPOS iyo Midowga Afrika waxaa ka mid ah;
1) Xuseen Baantuu oo ka socday beelaha Jareerweyne
2) Cabdi Buule Ibraahim oo ka socday beesha Gaaljecel
3) Daahir Cali Xasan oo ka socday beesha Shiikhaal.
4) Ugaas C/laahi Barre oo ka socday beesha Cawrmale
5) Ugaas Maxamed Ugaas Maxamuud oo ka socday beelaha Gaadsan/Dir.
Sida uu Raxanreeb u sheegay Daahir Cali Xasan oo kulanka ka qeybgalay, waxay odayaasha cadeeyeen mowqifka ay ka joogaan shirar beryahan Nairobi ka socday oo aysan raali ka ahayn kuwaasoo ay ku tilmaameen kuwo lagu afduubayo beelaha kale ee dega gobolka. [AKHRI Warbixin khilaafka Jubbooyinka]
Ma jiro wax war ah oo Raxanreeb ka heshay saraakiisha UNPOS, Midowga Afrika iyo AMISOM ee kulankan ka qeybgalay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka













Very good. Waa tallaabo muhiim madaxweynuhu ilaaiyo hadda wuxuu u muuqdaa nin go’aan adag leh
shantaa beelood alshabaaba ayey ahaayeen ,ninkii meesha usoo halgamey ayunbaa waxnoqonaya,axmed madoobana wuu usoo dagaalamey kismaayo qasab ayuuna kunoqon gudoomiyaha gobolka jubbada hoose
@ raxanreeb
waxaad moodaa inaad mucaarad kutihiin raskambooni,lakiin idinka ayunbaa daali,we are 8 million
Raxanreeb waa u dhmaatay (finish) wax tifaftira ma lahan warkiinu kalsooni waa ka dhaamaday, waxaad u guntanteen inaad jibisaan darbigii lagu yaqiin———- iyo maskaxdii. Maamul u samaynta Kismaayo uma taalo Kenya, iyo ina Garguurte ee waxay u taalaa beelaha dega Jubada sidii ay iyagu uga tashanlahaayeen uguna sameysanlahaayeen iyagay u gaartahay FIIRO GAAR AH. RAXANREEB Kasheekeeya deegaankiina horumarka uu ku tilaabsaday iyo waliba hurumarka uu hiigsanayo MASKAXDIINAA FOORARSANTAY SIDA FAROOLE AY U FOORARTO EE KA SHEEKEEYA WADA DHISKA BILACDA NABAD GALYADA IYO MUSTAQBALKA. kuma xumidin mucaarad laakiin mucaarad dadka iyo dalka dan u ah noqda. Anigu beelaha laga tiro badanyahay ee dega puntland baan ahay baan ahay mucaaradna waan ku ahay faroole maxaa yeelay dib udhac baa iyo gaabis baa nagu yimid haday saas ku socotana waxaa dilaacaya qaadicu dariiqyo ama isbaarooyin.
Aad u fiirsada soomaaliyeey oo dhuuxa hadalkaan
Haddii maamulka Kismaayo loo dhiibo Axmed Madoobe oo uu ka noqdo sida Tarzan ka yahey Muqdisho wax dhibaato ah oo ku jira ma jiraan. Isaga iyo dowladdabana guul bay u tahey taasi. Haddii dekadda Muqdisho loo magacaabo nin isna qabiil kalaa oo uu la mid noqdo ninka dekedda Muqdisho agaasimaha ka ah oo dowladda dhexe toos u hoos taga iyaduna wax dhib ah ma leh.
Ee dadka qeylyaya oo qiireysan ma oggolyihiin iney Kismaayo noqoto mid dowladda dhexe toos u hoos tagta?
Midda federalismka
Ikhwaanii kaasi hadda ma ahan mid miiska saaran. Waa arrin dhimman oo laga hadli karo markii dalka la xasiliyo kaddib. Markey dowladdu dalka gacanta ku dhigto oo dadka cod laga qaadi karo ayaa arrintaas go,aankeeda kama danbeystaa ay ka gaareysaa dowladda soomaaliyeed. Waxaana loo marayaa afti dadweyne.
Laaaaaaaaaaaaaakiiiiiiiiiiiiiiiiiin
Federal black mailing ah oo inta dowladdu jilicsantahey la doonayo in degmooyin la ooto iyadoo loo marayo awood shisheeye waa arrin khatarteeda leh oo qaladna ah.
Dowladduna black mailingkaas(baqo maalkaas) iyo waxaas lala cararayo arrin ay oggolaan kareyso ma ahan.
Is dejiya marka
First priority hadda ma ahan federalism ee waa xasilin iyo soo xero gelin dalka.
Waxaan la yaabaa qolyaha. Xamar xooga ku haysta iyo madax ku sheegooda inay ku mashquulaan dhul iyo dad ayna waxba ka qaban karin,waxaan uga digi lahaa inay faraha kala baxaan arimaha jubooyinka iyo gedo hadii aaney taagereyn ,hadii kale ha ogaadaan al shabaab meeshuu maray inay mari doonaan,horena waa isugu ogeyn in marwalba ay shaati cusub noo soo qaataan laakiin maanta waxaan u sheegaynaa marna taagtiin marna tabartiin idinkoon waxba la hadhin isu keen siiya ilmo madmadoobe
Sxbayaal kismaanyo waxaa laga danbeynaya raisulwadaraha haduu axmed umagacabane waa la shaqayn hadii kalane gobalka barlamankisa ayaa doran waa sadexda gobale ogadena sadex dagmuu kuleyahay carada wax uu kaligii dago ee aan wada nolaano
Waa yaab dhulka ma haddaa la helay? GAADSAN halkuu ka degaa Jubbaland? SHEKHAAL Geesguud iyo Hoos-hungow oo Ogaaden iyo Harti la degaan mooye magaladee gooni u degaan? Cawramaleh so Warsangeli ma noqon mar hore? Ciise dheemow (GALJECEL) Beerxaani oo Harti isla degaan mooye halkey kaloo ka degaan Jubbaland? So tii ay noqdee Ciise Dhuux. Kakakakakaka. Yes Jareer weyne dhulka wax waa ka degaan jiidda wabiga marka laga bilaabo Kismaayo ilaa Jamaame. Jilib ilaaBu’aale wa deegaankooda. war sida Daaroodka u dego Marka Xamar Baydhabo Beledweyne Daafeed unbay qolyahaan u degaan marka haday iyagu wax ku shegtaan Jubbaland Daaroodkana xaq buu u leeyahay in magaaloyinkas wax ku yeesho.
Runtii dawladdu sida ay wax u wado niyad jab baan ka ahay Somali waxay u baahantahay in ay gacmaha is qabsato uma baahna in layska horkeeno dawladu waxay rabtaa inay beelaha jubooyinka iska horkeento waana sababta ay RW cusub u magacawday laakiin dadka jubooyinka waa dad caqli u dhashay wayna xalin doonaan caqabad kasta oo ka hortimaada Insha Allah.
sida aanaragni webkan aad ayuu u la dagalsan yahay raaskaanbini , laakin dagaalki 21 sano yan soomaliya lagu soocelin, madaxweyne lagu aaminay wadan inuu maamulo ayay u muuqata inuu hada dagaal cusub soo galay
war meesha ruwaayad bay ku hayaan wuxuu ka sheekeynayo waa may noorati dadka dhulka leh ayuu kamid yahay ahmed madoobe ha loga danbeeyo hadii waa meesha ugu horeysa ay dowladaan ku fashilmayso ogoow raaskambooni waa xaq inay helaan waxay xaq u leeyihiin hadii kale waa dagaal hor leh
Raxanreeb Runta ayeey soo qortaa ayaan ku jeclaaday
@Samatar ninki xoog leh oo Kenyan wata ayaa meesha ka talinaya miyaa shekadada
Hadad xoog leedahay orod oo Kenyanka garissa ka dhacso Ethiopiankana gobolka S/Galbed
Kanboni waa in looga danbeeyaa DHOOBLEY, Ahmed Madobe Somaliyaba kuma dhalan ee qabiil unbaa wada.
Kenya noogu talinmeyso Somalia oo nagu dhihimeyso LETA KIPANDA,Adigana ujaajusimeysid Labadiina waa la idin raacsiin hadaadan Gumeeysi kalkaalka aadan Joojin,waanad arki dontaa.
Dowlada Somalia waa in eey Maamul kumeel gaar ah u magacowdaa jubooyinka inta eey iyaga umuurahooda gacanta ku dhigayaan sida lagu sameyey Bay,Bokool,Hiiraan,Iyo Sh.Hose,Sh. Dhexe.
JUBADA HOSE maxaa ka duway meelahaas kale oo Maamulkeda KENYA udhiseysaa?
Reer Dhobleey waa in eey wax Fahmaan Dalka waa Dalkoda ee cadawga aan si iskumid ah u aragno Somali waxba kaama dhibee.
Beelaha hoos ku qoran waa kuwi waligood lagu kor dagaalameyey oo Doxatada Juba,Moragan,iyo USC,iyo Qolo walbo eey magalada ku duqeysay maantana waa kuwaa leh inaga wadankena Kenyan waxba udhisimayo! Samataroow adiga maxaa Dhiiga kaa qaaday? ood urabtaa ninki 40 sano kahor Kismayo sheganayey in uu maamul kuu dhiso??>>?
Dr. Xasan lamood noqonsawaa….. kumeel gaar kii ugu hooseeyay ayaa lagu socdaa ! Marhadii Mahiiga weli lug iyo eray ku leeyahay siyaasadda Somalia … Allow nagasoo gaar
Haddii aan arko in aad qarisaan fikrada dadka leeyihiin maanta ayaa iigu dambeysa Web/kiina waayo xuriyatul qowlka ayaadan tixgelineyn
Goormaa laga tagayaa reer hebel iyo reer hebel oo loo gudbayaa xaq uu muwaadin kasta u leeyahay inuu doorto qofka matalaya…ka dibna cadaalad ku saleysan qof ka sareeya qaanuunka iyo sharciga inuusan jirin wax lagu maamulo???
Si kale haddaan u dhigo bal sidaanna inaan isla fahanno.
Dadku waxey ku waasheen qabaa,ilka degaankaa maamul u dhisanaya! Pointiga dhanna halkaas maba ahane waa:
1. Kaalinta ay dowladda Soomaaliyeed ama Kenya ku yeelaneyso maamulkaas sameyntiisa?
2. Muxuu noqonayaa nooca maamulkaas? Ma maamul hal gobol mise maamul goboleed?
3.Dhaqaalaha kasoo baxa dekedda Kismaayo yaa maamulaya?
Saddexdaas su,aalood dul dhig degaannada kale ee dowladdu gacanta ku heyso sida Muqdisho,Marka, Afgooye,Balcad iwm.
Tan dhaqaalaha maamulkiisa
Ma idinla tahey gar loo islaam yahey in ra,iisal wasaaruhu uu toos u maamulo dhaqaalaha kasoo xarooda dekedda Muqdisho iyo air portigeeda, laakiin uusan shuqul ku yeelan kan kasoo xarooda dekedda Kismaayo?
Su,aalahaas dadka maamulka Kismaayo ka doodaya mannooga jawaabi karaan?
Waa ninkan Jamaame sheeganaya adeer SHIIKHAAL waxay kaligeed LEEDAHAY Jilib, Xaramka, Dhaytubaako, Hoosingoow, … KISMAANYO na adiga way kaaga badantahay.
Car haddaad run sheegayso oo aadan sad bursiyo rabin maxaa Nairobi kugu haya? Kismaanyo kaalay oo nagula shir. Adeer 100 sano kahor ayaa dhulka la’iga dhacay haku calaacalin, Axmed madoobe hadduu nin yahay isagu ha hadlo maxuu sarkaal Kenya ah ugu hadli?
Haddaad heshiis rabtaan: Diyaar, xaqayaga idiin se danmayno.
Haddaad diidaan: adeer Kenya joogi mayso, idinkana Meesha Jubba iyo Badwentii Hindiya ba way ku yaalaan e is jira, wallee Wabigii Raaso wuu yaraa’e!
asc shantaa beelood ma all shabaab ayeey ka mid ahaayeen intii dhibaatada socotay marna war lagama maqal waxaan umalaaynayaa inaay yihiin macaanjecal . waxaan qabaa reerka absame looga danbeeyaa maamulka waa majoorati axmed madoodana nin xaqiri kara majiro ..dadka doogaankana waxaan maqaaalkan ka dhadhansaday khiyaaligii jubooyinka soo mareen dad u hanqal tagaya inay beelaha daga madaxa isku galiyaan.
war hedhaha goormay kenya baray saa shidaalka aanu u shaqa tegnee naga soo gaban bageeya anagoo idil waa nagu filan yahay shidaalka ay kenya qodanayso soosas mahan hadaadan is dhafay oodan dhulkiina hoos u eegayn soo mahan in liidka maamulaa oo la maamushaa 100/%10 waa nagu filan tahay laakiin waxaan ka baqayaa iniy itoobiyo wax la aan ku soo dhacdokkkkkkk no no no kenya waa laga soo horeye oo waa laga xaq badan yahay itoobiya ayaa xaq nagu leh
ASC walaalayaal waxaan rabaa in aan u jawaabo nink layiraah Jammame marka hore soo kala baro somalida 5beelood waa degaan Jubboyinka (hoose iyo dhexe) waxeyna kala yihiin sidan
1-Dir , gaadsan (biyo-maal) waxey degan degmadda Jamaame
2-shiikhaal waxay degaan Degmadda Jilib, Hosingow,Geesduud waana lala deganyahay Qaar kood
3-Gaajecel beerxaani iyo baadiyaha Kismaayo waxaana degga lafta DOQONDIIDE
marka hadii ladhoho waa lagaa badanyahay waxaa ugu yar Hart ama majerteen oo la ogyahay xiligii lakeenay marka iyagaa isu raba in ay noqdaan number one meel walba anagaase diidnay umada kaloo dhan waa nagu raacaday in aan la aqbaleyn damaca waalida ah MJ
Nimanka labaxay samatar iyo boqor waa niman iyo oo ladagaalsan Qabiil
Horta ras kambooni ma kikuyuda bantuuga ah baay ka amar qaatan mesi madaxwenaha Somalia bay ka amar qaatan ,maa maxay Kenya maamul logo dhisaya? Kismayo ma gobol/magaalo Kenya ka tirsanba… Waayo maxay shirkaa Somalia loogo qaban waayey?…hadano soomaali nahay ma yaleeno faraglinta qaawan ee Kenya dhulkeena Somalia ku haysu.
OGADEEN LEH JUBOOYINKA ANAA LEH WAR MIYIIDAN XISHOONEEYN GOORMAA YEELATEEN AXMAD MADOOBE WAA SOMALIDA ITOOBIYA ABIHIIS AYAA TAGAY SOMALIYA GALGADUUD ISAGUU KUDHALAY CADAADO OO WAA LAYAQAAN GAANDI WAA NIN SOMALIDA ITOOBIYAA MIYIIDIN RABIN NABAD INAAD KU NOOLAANO YAASE IDINKA AWOOD YAR OO AAD DHUL KABOOBI KARTIIN DHULKAAN DADKII ISKALAHAA BAA KU NOOL NINKII VOA KA SHEEGTA IYO KII BBC KASHEEGTA INUU TAGEEY KATAQAAN SOOMALIYEEY HALA XISHOOD OO YAAN WIILDANBE BEENBEEN NOOGA DHIMAN MAANTANA GAALJECEL IYO SHIIKHAAL IYO BIYAMAAL IYO COOWRAMALE IYO WARDEEY IYO BAJUUN WAA SOO JEEDAAN LAMANA DHICI KARO WAXAANA GADAALKATAAGAN H/G IYO ABGAAL WAANA DAGAAL AAN DHAMAADLAHEEYN
ANIGU AXMED MADOOBE IYO KAANBOONI BUFIS KAMA QABO LAKIIN WAXAAN BUFIS IYO SHAKIBA KAQABAA KENYA MAAMUL HA U SAMAYSO JUBOYINKA DAWLADA SOOMALIYEEDNA XAQ UMALAHA INAY KAHADASHO JUBOOYINKA , TASAA JAWAAB U BAAHAN SOOMALIYA SOOMAALIBAA LEH HADII QABIILOYINKA KUHESHIYAAN WAA KHAYR HADII KHILAAF YIMAADANA DAWLADAA XAQ U LEH INAY SOOKALA DHEXGASHO OO XALISO YAAN INDHAHA LAYSKA TIRIN ANIGU REER P/LAND AYAAN AHAY WAXAANAN QABAA KALA QOQOB IYO TAFARAARUQ INAAN KHAYR LAGU GARAYNE DAWLADA WAA INAY TALADA UGU SARAYSA IYADA KULAHAATA WADANKOODHAN NO ONLY JUBA
Ma Raaskambooni baad loo jeeda mise SHIDAALKA iyo DHAXALKA BADA? Kenya waxay rabo waa loo jeedaa waxay rabtaa iney gabaad kaga dhigato Raaskambooni sida shidaal baarista u socoto. Taasna way ku fashilantey.
Ma jecli inaa faalo ka baxsho oo soo magac dhabo qabiil, balse waxaa iga keeney sida dad qaarkiis aysan u rabin iney realitiga ka hadlaan.
Bahda RR waxaad ka ilowdeen in shirka ka socda Nairobi Raxanweyn aad ayay uga soo horjeegsatay cidina uga qeyb gelin waayo iyadana maamul u khaas ah oo goboladas ku jiraan ayay wataan.
Marka la leeyahay Jubbaland waa sedexdii gobol oo Siyad Bare sameeyey, Jubada Hose, dhexe iyo Gedo. Waa la is wada yaqaanaa dhulka sida loo kala dego ama loogu kala badan yahay.
Marka aan ka hadleyno degmo, degmada waxaa hoos yimaada tuulooyin, ee majoritiga kama aasaasmayo cida ku badan degmada ee waa sida tuulooyinka loogu kala badan yahay. Hadii Beel A ay magaalado Kismayo ku badan tahay, balse 30ka tuulo Kismayo ka dhigaya degmo ku tiro badan BEEL B mala dhihi karaa Beel A baa weli badan? Jawaabtu waa maya, degmo waxaa loola jeedaa waa deegaanka, deegaankana waa tuulooyinka iyo magalada ugu weyn la isku darey (iyadoo la fiirinayo adeegyada, tirada dadka degan iyo strategiyada ay u leedahay xag dhaqaale iyo amniba), hadii kale tuulo kasto waxaa dhici karta sida Sh Shariifba ku waashey aakhirkii xilkiisa inuu afar tuulo isku jira 20KM ka dhigo degmo. Sharci ayaa ka yaal taas sida tuulo u noqon karto degmo.
Gedo waxaa degan Raxanweyn, Mareexaan iyo in yar oo Ogaden iyo Dir ah. Tusaale Ceelwaaq waxaa majority ku ah Gare (Raxanweyn/Digil), Luuq waxaa majority ku ah Raxanweyn (sida Gasaargude oo ah qabiilkii soo dejiyey Sade gobolka Gedo, Macalinweyne), waxaa kaloo dega Dir (Gaadsan). Doolow waxaa u badan Goobaweyn (Raxanweyn) waxa la dega Sade. Baardheere waxaa majority ku ah Raxanweyn, balse magaalada labo ayay u kala qeybsantahay. Garbahaarey, Beledxaawo, Buurdhuubo waxaa majority ku ah Sade. Marka lama dhihi karo Gedo waxaan ku dareynaa Juballand iyadoo qabiiladas kale ka maqan yihiin.
Jubada Hoose, Afmadow, Badhaadhe (oo hada tuulo noqotey) iyo Dhoobely waxaa u badan beesha Axamed Madoobe. Afmadow ilaa Kismayo iyo Jamaame waa looga badan yahay, waxana degan Gaadsan, Sheeqaal, Cawrmale, Raxanweyn (Hubeer iyo Tuni), Jareerweyne iyo Gaaljecel.
Jubada Dhexe – Bu’aale waxaa wada dega beesha Axmed Madoobe, Raxanweyn iyo Jareerwenye. Waa laga yaabaa in beesha ogaadeen u badan tahay magaalada balse tuulooyinka waa looga badan yahay. Saakow waa magaalo Raxanweyn waxaana u badan Macalinweyne. Jilib waxaa wada dega Tuni (Raxanweyn/Digil) iyo Sheeqaal iyo Jareerweyne.
Marka xalku sow ma ahayn in dhamaan dadka deeganka la socdaan?. Inta maamul guud la gaarin waxaan qabaa in degmo kasta maamul iyadu samaysato iyadoo aan degmo kale looga soo duulin.
Dhulku wuu na wada deeqaa ee halaga faa’ideysto, faa’idada waxay imaan marka cadaalad lagu kala baxo. Axmed Madoobe haduu uu ku dhashey degaanadas beeshiisa waa soo dooran kartaa balse ma ahan in beelaha lagu san duliyo ama lagu dulmiyo. Waxaynu wada nahay dad wada dhashay oo xiriir nooc kasta naga wada dhaxeeyaan, waxaa la heli karaa wiil hooyadii Ogaadeen ah, Abihii Mareexaan, gabadha uu qabona Raxanweyn ah, gabadhaasn hooyadeed Galjecel tahay, ilma abtiyaasheeda Dir ah.
Marka sidaas wax haloo eego ee siyaasada qabiilka lagu awr kacsanayo meel hala iska dhigo. Aakhira Illaahey nama weydiinayo qabiilkeena iyo waxaan u qabaney, balse dulmiga walaalka Muslimka ah ee Somaliga ah ku hayno baa la ina weydiin.
Anigu wax badan baan ka ogahay degaanadas, macluumaad badan waan ka hayaa tan iyo burburkii dowladii Siyad Bare.
waxay aniga ilatahay 5 qof oo so dacwoday in wax ka qaldan yihin ,dhulka wax waa ku leyihin lomana didana maxayse wadanka shaqada laga qabtay ciidanka wax makuleyihin maxaa karebay xorantii wadanka ama dhulka,maxayse ninmankii dhulka qabtay waxay kacabanayan ugu shegan wayen,mise waxa so dirsaday dad siyasad ku shaqaynaya mise waxay raban waxaysan shaqaysan.
shanta beelood markii wadanka alshabaab laga xoraynayay ee dhiigu daadnayay xagay jireen hadeer markii kismaayo la qabtay ayaa meelaha laga qaylyi waxba uma yaallaan dadka ka yimid galgaduud iyo hiiraan maamulka kismaayo waa la samayn waana loo dhannaan doonaa marka laga reebo shikhaal kuwaas waxba kuma leh meesha waxbana uma yaallaan
Qabaailadan aad soo qorten Kismaayo xaq way ku leeyihn o dad Somaliyeed oo degaan ah lkn sida ay u buunbuuniyaan wax ku heli maayan inay uga dartan ka yaabi badnina iyagaa ugu yar hantina iyagaa uggu yar, xaqooda way helayaane aayar meel hayska fadhistaan meesha rag baa kaadidooda u soo cabbaye
Horta somalidu mays waydiisay awood muxuu leeyahay madaxwaynu anuu waxaan qabaaa awood mamul usamaynita shaqqo kumale madax waynuu waa hadii dastuur laraacayo hadii kalena ninkii xoogle ayuun baa hadha san saw maaha waxda moda madax wayna xogaa inay qabyaaladi ku jirto anuu waxan odhan lah hadal aad ku hadalayso kafiirso mida kale dadkan aad moodan inaada si uga soowda jedan wadada wadanka wax kule somaliyeey ma badanaan toodan ka cararayna ilaahaybaa badiyay marka xaqooda haraada sadan haday madax wayna saman wax kaga wayna xumaaan haku raad sadaaan
Raxanreeb waxaad wadaan joojiya dhulkaan cidda leh waa la yaqaan, hadii Kenya ay Kismaayo joogto Muqdisho iyo Villa Somaliyaba Ugandees baa jooga, mida Maamulka waxaa xaq u leh dadka deegaanka, Muqdisho Maamulkeeda cidda wada haysa waa la yaqaanaa,
Howshu waa Federaalka
hada Dalku waa Federaal qolo walihba waxeeda ayadaa la imaanysaa wax Muqdisho laga soo yeerinayo majirto, cid qolo kale xoog ku qabsanaysana majiryto.
Mida Dowladad Dhexe
Dowlada dhexe xagee bay jirtay inti Goboladaas halganka loogu jiray sow ninki howlihi dhan curyamiyay maahayn sheekh shariif, Dowladu maxay gacan ah oo ka gaysatay qabashada Jubooyinka, Wiilasha ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay maxay tartay war runta hala isku sheego wixi somalia rogay waa cadaalad darro maantana qolo qolo ka xoog badan majiro.
Xasan Garguurte sow ninki yiri maahan Barre Hiiraale iyo Moorgan oo wixi ay dhigeen 15sano ee u danbaysay la ogaa maahann kii yiri maahan guddiga Kismaayob baan ku daraya, war nimanyahow runta ha la isku sheego, Madaxwaynuhu inu dhaho Beledweyne maamul ha dhisteen Kismaayana anagaa u samaynayna waxaasi dowladnimo maahan wax na qabtana maahan wax aanu yeelaynana maahan
raxanreen raga qorayoow dagaal fadhi kudirirnimo ayaad haysaan runtii idinka umbaa daalaya kismaayo ragii lahaa ayaa yimid somalida naladagan xaqooda ayaan siineynaa hadaan absame nahay wixii intaa ka soo hara futada ayaa xabad laga galinayaa ee niman yahoow nacasiinta ah ee afka huurada leh sheekh axmed madoobe xafidullaah isaga ayaa hogaaminaya joobooyinka ee ma dhuuso iyo fadhi kudirinimo ayaad wax oga qaadeysaan . wallaai bay waxnaga qaadeynin somaliya waxaa noo jooga axmed madoobe xafidulaah ithopiyana cabdi maxamed cumar xafidullaah kenyana yuusuf xaaji xafidullaah .
Xassan Shiikh. Riyuuu run mooday. Maanta wuxuu Xamar ka sheegay inuu udirayo ciidamo boolis iyo nabad Sugid isugu jira magaalada kismaanyo . Maba dhalane dhawrtaysan ogaa. Waa la is xaal og yahay muxuu soo dirayaa oo aan ahayn inuu soo aruuriyo wixii ka haray dooxada Jubba (walaalaha galgaduud) oo shaar dowladeed loo soo galiyo Taasi waa caqligu ka sheegay baladwayne reer hiiraan ha tashadeen reer kismaanyo anaa u talinaya. Taasi waa mid uu ku waayayo kursigiisa somalina horay nabad ugu wayday. Arinka fadaralka mid isaga hada hadal uga furan yahay ma ahaa dadka gobolkaas ha u madax baneeyo inay tashtan goaan ay qaatana oo aan sharciga iyo cadaalada umada ka hor imaanayn inuu u go aamiyo.
Anigu waxaa ay ila tahay somalidu in ay waalan yihiin dhulka waxaa iska leh wixii ku nool inagu kuma noolin waxaa ay u badan tahay inteena qurbaha ku nool in aan ku firi doonno halkaan.Ta kale waa run qabaalada qaar ayaa dhiig u soo daadiyay in shabaab ay ka xoreeyaan dhulkan waxaana ay kala yihiin Ogaadeen iyo marexaan qabiilada kale waa degan yihiin anigu waxaan qabaa in indhaha la kala furo qofkii soo dagaalamay xaq buu yeelanayaa qofkaan soo dagaalamin maamulka xaq buu ku lee yahay balse cadaaladda kuma jirto in meel dhiig ku soo daatay la iska qayliyo ugu danabayn maamulka qabiil kaligii ma wadi karo sida daarood oo kale.
Ta kale waxaan u arkaa cadaaladda mid ka fog in maamulka laga qadiyo 5 beelood ee kor lagu soo xusay majeerteena daarood ahaan wax ku helaan waa mid cadaalad daro ah sida harti group dhulka maba jogaan markii horena qajajac ayay ku joogaan hadana ankee hal qof oogama dhaawacmin.Waxaan filayaa caqliga in uu shaqeeyo in ay wax wanaagsan tahay,ta kale wax loo wada ordayaa waa TUUGNIMO in wax la xado
Awal baan horey u sheegay qaylada maamul u sameynta jubooyinka Nairobi laga abaabulayey in ay riyo ahayd, kuwii u durbaantumayeyna ay runta taabteen, Kismanyo taariikh bey lahayd 22 sano ee la soo dhaafay taasuna waxay ahayd hadba ninkii taageerada xamar haysta baa u talinaya hadana tii uun bay ku socon.
WAA SAAS AHMED MADOOBE BAAH GUDOOMIYAAH
[...] Dawlada cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo horey culeysyo badan ku saareysay odayaasha in iyada loo hogaansamo ayaa qorshahan u aragta mid suurtagali kara, isla markaana qancin kara dhammaan beelaha degan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo qaar badani horey ay shaki uga muujiyeen dadaalada qaarkood ayna sheegeen in faragelin shisheeye ay ku lamaantahay, iyadoo ay qaar kalana ku doodayaan in dalka oo dhanba ay faro gelinta shisheeyaha ka jirto. [...]