Wafdi Ka Socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo Muqdisho Yimid Lana Kulmay Madaxweynaha (Sawirro)
Muqdisho (RBC) Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi heerkiiasu sareeyo oo ka socda ururka Iskaashiga Islaamka “O.I.C” kuwaasoo uu hogaaminayey xoghayaha guud ee ururka Ekmaluddin Ihsan Oglu.
Wafdigan oo ay u ahayd booqshadii ugu horeysay ee Muqdisho ku yimaadaan tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa markiiba loo gudbiyey xarunta madaxtooyada halkaasoo ay kula kulmeen madaxweynaha ka hor intii uusan u duulin wadanka Uganda duhurnimadii maanta.
Xubnaha wafdiga Iskaashiga Islaamka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ugu hambalyeeyay doorashadiisa bishii Sebtembar iyo magacaabista raysul wasaaraha cusub, waxayna sheegeen inay garab istaagayaan dawlada cusb ee Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Ekmaluddin Ihsan Oglu ayaa tilmaamay sida ururka uu uga qeybqaatay dadaaladii nabad ku soo celinta Soomaaliya isagoo sidoo kalana cadeeyay in ururka uu weli sii wadi doono sidii uu shacabka Soomaaliyeed u caawin lahaa.
Dhankiisa madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay wafdiga, wuxuuna uga mahadceliyey booqashada iyadoo sidoo kalana uu tilmaamay baahida loo qabo in ururada iyo wadamada Islaamka ay sii laba jibaaraan kaalintooda ay uga jiraan garab istaaga Soomaalida.
Ururka O.I.C ayaa lagu tiriyaa ururada sida dhow u taageeray ololihii doorashada madaxweyne Xasan Sheekh waxaana ururka xubno ka ah xafiiskiisa Soomaaliya qaar ka mid ah xubnaha hadda ku dhow madaxweynaha, sidaasi darteed ayaa booqashada wafdiga O.I.C waxaa loo arki karaa mid sii adkeyneysa xiriirka madaxweynaha iyo ururkan ka dhexeeya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu qaabilay wafdigan waxaa uu isla markiiba u duulay wadanka Uganda oo uu berito kaga qeybgali doono munaasabada 50-guurada xoryada wadanka Uganda oo ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.






RBC Radio












nabee mahaas faroolaa kufiicnaay.
qalin shubato iska ilaali madaxwayne
Faroolow danbigii aad lahayd wuxuu Illaah kaaga dhaafayaa markii habar waliba afka kula soo aaday,Farrole ma wuxuu ka danbi badan yahay kuwii madaxda ka ahaa dalka mise kartida iyo in waxii uu xaqa u leeyahay in la duudsan karin,midda kale Faroole Puntland ayuu madax ka yahay oo kaliya kuwa kale aan reer puntlad ahayd maxay la naq naq leeyihiin ooFaroole ka rabaa.
Reer Puntland oo kaliya ayaa la xisaabtami kara,waxii intaas ka soo hara oo dadka kale ah waa naceeb ay u qabo reer Puntland oo idil
Madaxweynahu Qosol badanaa??? Meesha waxbaa kasoo socda, oo kaalya soow Sheikh Shariif sidaa umuusan qosol badneyn asna?
Mararka qaarkood waxaa haboon qofka siyaasiga inuusan qosolka siyaado ka dhigan, mararka qaarkoodna uu qosol meel dhexaad ah la imaado, laakiinse looma baahna inaad qof afka kala haya noqotid afar iyo labaatanka saac, waxaad u ekaan qof ‘Naive’ ah ama afsoomaali hadii ladhaho waa qof ilmo camal ah, oo kii uu arkaba isaga qosla sidii inuu ‘NacNac’ (ama shaxaad) siinayo camal.
Tani waxeey kusocotaa “SIYAASIYIINTA SOOMAALIDA OO DHAN” oo qofki ajanabi eey arkaanba ciridka u cadeeya sidii ilma yariis camal ah oo nacnac sugaya, fadlan SOOMAALIYA Ceebta ka daaya, SOOMAALIDA KALEBA qosolka tirada badan uma qososhaan ee maxaa idin sixray oo jiljileec iyo ilma camal idinka dhigay markii aad ajaaniibta dhex joogtaan, war istoosiya oo dad taagan oo ‘GOALS LEH’ u ekaado!!
Waa sax hadalkaaga saaxib” too much laughing is poison, it is not good all the time to show your teeth others you can smile a little but not too exceed Anaga haddi aan soomali nahay waxaa fiican in aan noqono sida China iyo India o kale ( china too much work less smiling/laughing) iyo (India do not talk to strangers) which means limit your control with strangers) according to me We Somalis better to adapt like china and India. maxaa yaalay haddi aad u qososhid in badan qof ka kale waxuu ku arki in aadan waxba hayn.
waan kugu raacsanahay madaxweynaha horta qosal badanaa fiiri nimanka uu salamayo ma qoslayaan muxuu asaga afka ukala hayaa. naaneysyo badan ayuu dhaqso yeesay. Guurguurte, NGO, iyo Qoslaaye.
Guuleyso, Caasho,,, marmarse waa loo baahanyahey cadowgaaga inaad uqosohid. Siyaasada 80% waxay kudabakhantahay ilkacadeyn, hadii xataa lagaa wado adiga, Halka 20% laorankaro baa loo isticmaalaa kankanoosnimada. Mid waan kulaqabaa oo xiliyadaan danbe somalida siyaasi hanoqdo ama shacabe hankii baa laga dhintay ixiideena shisheeyaha kuaadan baa badatay, iyadana waxaa sabab uah baan orankaraa dawladla’aanta iyo inagii oo ilbaxnima moodney kuhadliada eraya ajanabi, isuekayn ajanabi, kacarar dhaqankeenii iyo inagoo waliba kulkala cararnay dhaqankeenii iyo dhalashadeenii. “afqalaad aqoontu miyaa, maya maya maahee waa midii eebe gashaa” bay ahayd baan malaynayaa. xiligaas baa kacaankii iyo somalidii kahoraysay dhahaysay dabcan,
way iskahagaagin insha’allah,,, markii qaranku tooso, oo niyadu noo dhisanto inaan tuurta toosino ixiida badana joojino sifiican dawladaha iyo dadyawga ula qaxweyno anagoo bujaadeena iyo ixiida dhaqaalaysanayna,,,,,kkkk
Madaxwaynuhu waji ahlu khayr buu lee yahay. ILAKCADDAYSKA iyo BASHAASHNIMADu waa labo shay oo islaamku dadka faray.
muqdisho time baby
Haddana qosolkii miyaa mowduuc noqdey?!