Wakiilka Midowga Afrika oo Maanta La Kulmay Madaxweynaha Soomaaliya (SAWIRO)
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Aboubakar Diarra oo maanta booqasho ugu tagay xafiiska Villa Soomaaliya.
Wadahadalka madaxweynaha iyo wakiilka Midowga Afrika ayaa ku saabsanaa u hambalyeynta raysul wasaaraha cusub ee dalka Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo maalintii shalay uu soo magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xaflad ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Danjire Diarra ayaa ku amaanay madaxweyne Xasan Sheekh inuu soo magacaabay raysul wasaare ka soo jeeda bulshada rayidka isla markaana beesha caalamka ay ka fileyso inay horey loo sii wado dhismaha xukuumadda iyo sidii amniga dalka loo soo celin lahaa xilligan oo meelo badan oo dalka ka mid ah ay ka socdaan hawlgalo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.
Sarkaalkan ka socday Midowga Afrika ayaa ballanqaaday in Midowga Afrika uu ii wadayo taageerada dawlada Soomaaliya iyo sidii dawlada gacan loogu siin lahaa sidii ay amaanka ku xasilin lahayd isla markaana ay u meelmarin lahayd habka dawlad wanaaga.
Dhankiisa madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ballanqaaday in waqtiga ugu dhow lagu soo dhisi doono gole xukuumadeed oo shaqo ka bilaaba dalka kuwaasoo noqonaya golihii ugu horeeyay ee aan ahayn ku-meelgaar oo Soomaaliya yeelato mudo 20 sano ka badan.
Ururka Midowga Afrika oo ay hoostagaan ciidamada AMISOM, Qaramada Midoobay iyo dawlado ka mid ah kuwa caalamka ayaa soo dhoweeyay magacaabista raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo shalay magaalada Muqdisho ku magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
RBC Radio












