War-murtiyeed 12 qodob ka kooban oo laga soo saaray Shir saddex maalmood ka socday Madaxtooyada Somaliland


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC):- Shir muddo saddex maalmood ah socday oo uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kula Xisaabtamayey Golihiisa Wasiirrada, isla markaana lagu qiimaynayey horumarka iyo dib-u-dhaca laba sano iyo dhawr bilood oo Xukuumaddu jirtay la sameeyey, sidoo kalena lagu dejinayey qorshaha Xukuumadda ee 2013-ka ayaa caawa la soo gebo-gabeeyey.
Shirkaas oo saddexda maalmood ka socday xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeysa, waxa Guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaana gunaanadkii shirka laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 12 qodob.
Shir Jaraa’id oo uu caawa madaxtooyada ku qabtay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul), ayuu ka aqriyey War-murtiyeedka 12-ka qodob ka kooban, qoraalka uu Afhayeenku aqriyeyna waxa uu u dhignaa sidan:-
“Sida aad la socotaan waxaa caawa ku soo gebageboobay qasriga Madaxtooyada shirkii qiimaynta wax-qabadka iyo qorshaha mustaqbalka, shirkaas oo socday muddo sadex maalmood ah, oo uu gudoominayay Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Silanyo. Waxaa ka soo baxay war-murtiyeedkan:
1. Shirka waxa lagu soo bandhigay wax-qabadkii Xukuumadda ee labadii sano ee la soo dhaafay, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray halka ay marayaan adeegyada bulshadda ee degmo kasta ilaa heer tuulo.
2. Shirku wuxuu isla qaatay in la fuliyey balan-qaadyadii Bulshada loogu balanqaaday shanta sano 70%. 3. Shirku wuxuu isla qaatay in wax laga qabto 130 qodob, kuwaas oo saldhig u noqon doonna Siyaasadda sanadka cusub ee 2013.
4. Shirku wuxuu isla qaatay adkaynta nabadgelyadda, la dagaalka argagixisada/budhcad-badeeda iyadoo kor loo qaadayo tayada Hay’addaha amaanka, lana xoojiyo xidhiidhka dhexdooda.
5. Shirku wuxuu isla qaatay in Gobollada Sool, Sanaag-bari iyo Buuhoodle laga sii wado nabadaynta iyo maamul-fidinta, iyadoo xoogga la saarayo dhinaca horumarinta.
6. Shirku wuxuu isla qaatay in Horumarinta Cadaaladda, toosinta iyo kobcinta garsoorku, ay aasaas u tahay kor u qaadida milgaha Cadaaladda iyo madax bannaanida garsoorka.
7. Shirku wuxuu isla qaatay In la sameeyo barnaamij shaqo abuur, si xal loogu helo mushkilada dhalinyarada, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta dhaqaalaha Dalka, wacyi-gelinta Bulshada iyo la-dagaalanka faqriga.
8. Shirku wuxuu isla qaatay in qarankani baahi weyn u qabo sidii loo heli-lahaa cunto ku filan, iyadoo taa laga duulayana in sanadka cusub xoogga la saaro wax-soo-saarka (Sida, Beeraha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha), iyadoo la samayn doono barnaamij u gaar ah, oo tusmo iyo tixgelin ku leh Miisaaniyadda Qaranka ee 2013.
9. Shirku wuxuu isla qaatay in la dejiyo siyaasadii guud ee dhulka lana illaaliyo degaanka.
10. Shirku wuxuu isla qaatay in bartilmaameedka 1aad yahay aqoonsi buuxa oo Somaliland ka hesho dunida, in la sameeyo dib-u-habayn iyo diyaarinta siyaasad qorshaysan, xidhiidh fur-furan iyo iskaashi fiican oo ku wajahan dhinacyada kala duwan ee Beesha Caalamka, sida Africa, Dunidda Carabta, Yurub, America, Urur Goboleedka IGAD, AU iyo jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Sidoo kale in la xoojiyo doorka qurba-jooga Somaliland ka qaadan karo ictiraafka.
11. Shirku wuxuu isla qaatay in sanadkan Siyaasadda miisaaniyadda 2013 ku salaysnaato, xoogana la saaro nabadgelyada, horumarinta Cadaaladda, xoojinta Siyaasadda arrimaha dibedda, Horumarinta Gobollada bariga (Sool, Sanaag bari iyo Buuhuudle), kor u qaadida shaqo abuurka iyo wax-soo-saarka.
12. Shirku wuxuu isla qaatay ahmiyada ay doorashooyinka xorta iyo xalaasha ahi u leeyihiin qaran, sidaa darted xukuumada waxaa ka go’an in doorashooyinka Dawladaha Hoose ugu qabsoomaan si nabadgelyo ah xiligii loo cayimay.”
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

11 Responses for “War-murtiyeed 12 qodob ka kooban oo laga soo saaray Shir saddex maalmood ka socday Madaxtooyada Somaliland”

  1. [...] Continue reading here: War-murtiyeed 12 qodob ka kooban oo laga soo saaray Shir saddex maalmood ka socday Madaxtooyada Soma… [...]

  2. yaska says:

    Somaliland , guul ba uso dow , wayo dehh , dadki waayen fahman innan daadka la dulmaan oo haaqoodaa a kuu helaan ONE PERSON for a VOTE. Manta wahan maqlay inuu uu Wallahod so aday , isaga iyoo wallahan Bouudle . So dowada wallalyal, Somalind baad eheydeen waligaan baa wanoo soo doowaaynnana Dadkaa ka sheqeya nabad iyo waannag, Wihi ahada konfor ama woquyi ..

  3. beeldaage says:

    guul iyo horumar barwaaqo

  4. SomaliASAL says:

    Soomaalaay ma run mise been..nimankaasi haday goostaan somaaliya danbe jirimayso ee yaan la sii dayn,ha qaataan wixii rabaan xitaa m/wayne iyo wax walbawaa daacad weligoodna way ahaayeen, waa hdii runta la doonaayo

  5. Dankuug says:

    Ma ku soo dareen in ninka Axmed Gudane uga wakiilka ah Somaliland, Md. Xirsi Gaab si degdeg ah looga saaro madaxtooyada?

  6. M.H.Buraleh says:

    Reer Buuhoodle waa Khaatumo State of Somalia waana Soomaali Weyn,marar badan bay taas si cad u sheegeen. Beenta ka socota Burco,Berbera iyo Hargeysa waxaba kama bedeli karto. Cidda rabta inay ku sii socoto beentii socotey 22 sano cirka roob dahab ah ha ka keento. Ingiriis baa waa ina wada xukumi jirey qiil ma aha, Reer Khaatumo waa Soomaali weyn,inta ruux ka nool yahay. Degaanka SNM waa wixii Dubur xeeb ka xiga,bilaa shuruud dib ha ugu noqdeen. Wixii ay geysteen cafis iyo magdhaw baa ka xiga waa hadday rabaan nabad iyo deris wanaag.

  7. Khaatumaawi says:

    Waxaasi waa bodh iskuqasin wax ayqabten iyo meley xukumad kayihin majirto waa dawlad saxafada oo halmagaalaa.sufalool wasuf alool.

  8. Ali soomali says:

    Reer Somaliland waxaan ka xumahay in jidkii 21 sano aad isku qaadeen oo aad tiraahdeen somali inteeda kale ayaan uga goaynaa ee aad ka soo qusateen oo addunkana uu idin sheegay in aadan ictiraaf sidaas aydan ku heleyn idinkoo Xamar ka raadsada mooyaane, waa nasiib darro inaad weli isku haysaan ictiraaf waxaa noo haya America, ingriis oo na gumeysan jirey, yurub iwm. waxaas oo dhan wey shaqeyn waayeen ee Somalidiina iskaga soo noqda, haddii qabiil dowlad lagu noqonayo addunka oo dhan ayaa wada noqon lahaa ee iska ilooba waxaas ee wellcome back.

  9. qabiil haku feera jabin says:

    aad baan ugu faraxsanahay somaliland nadaamka wanaagsan ee lagu nastay ee sameysatay lakin waa maamul goboleed sida Khaatumo iyo Galmudug, Puntlanad iyo xibin iyo xeeb iyo hiraan iyo kuwa kale oo soosocda dhamaantoodna waxey hoos imaadaan Dowlada SOmaliyeed ee Xasan sheekh Madaxweynaha kayahay. waa ku amaanan tihiin sida wanaagsan ee aad mamulka uga dhaliseen goboladaas SOmalida kalana wanaaga wey idinkaga dayan doonaan insha allah Cadaalad darada aad tirsaneysaa ee la idinku sameeyay waa la idnka xaalmarin doonaa, wada hadanaliidna waa eey ubilaabmeen labada dhinacba insha allah SOmaliweyn ayaa sidi hore ayeey kusoo labaneysaa Viva somalia

  10. qabqabsey says:

    @M.H.Buraleh iyo ninka la baxay khaatumaawi

    waxa aad ka hadlaysaan ma garanaysaan ee issir nacaybka somali geeyay in african madmadow iyo buurya qab uraaya ay u daba fadhiistaan nabadgalyadooda ee ay karaamadii kaga dhimatay waa nooca aad u fakiraysaan ee beelaha iyo dadka walaalaha ah ee nidaamka samaystay aflagaadad ka daaya waa la idin yaqaanaa oo wax cilmiya ood barateen ma jiro intaana qurbaad joogteen e.

  11. farhaan says:

    war ladagaalanka qaadka may ku daraan qodobada kkkkkkk

Leave a Reply