War-Saxaafadeed Cabasho Loo Jeediyay Ciidanka Kenya Ee Ku Sugan Kismaayo Oo Xoog Ku Degay Dhismihii Jaamacadda Kismaayo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kismaayo (RBC Radio) Kaddib markii toddobaadkii hore si rasmi ah ula wareegay ciidamada Kenya oo qeyb ka ah AMISOM, kuwa dowladda iyo kuwa Raskambooni  magaalada dekadda leh ee Kismaayo koonfurta Soomaaliya, waxa soo baxaya cabashooyin loo jeedinaayo ciidanka halkaas qabsaday.

Hadaba maamulka Jaamacadda Kimaayo ayaa maanta cabasho u jeediyay ciidanka Kenya oo xoog ku degay qeyb kamid ah dhismaha Jaamacadda Kismaayo xilli ay daraasadii socoto, taasoo caqabad ku ah habsami usocodka waxbarashada, sida lagu sheegay war-murtiyeedka.

 Nuqul ka mid ah war-saxaafadeedkaas oo la soo gaarsiiyay shabakadda RBC Radio ayaa sidan u  qornaa:-

war-saxaaafadeedka cabashada loogu jeedinaayo ciidanka Kenya

War-saxaaafadeedka cabashada loogu jeedinaayo ciidanka Kenya

 Magaalada tan iyo markii ciidanka huwanta ay qabsadeen waxa ka dhacay dilal iyo boob loo geestay goobo ganacsi oo ku yaalay Kismaayo.

Magaalada waxa ka jira cabsi ballaaran oo ay muujinayaan dadka ku dhaqan, wali magaaalada looma sameyn wax maamul ah tan iyo markii laga saaray Al-Shabaab.

Goobaha ganacsiga wali si fiican uma furmin.

Radio RBC

 

Share

Tags:

2 Responses for “War-Saxaafadeed Cabasho Loo Jeediyay Ciidanka Kenya Ee Ku Sugan Kismaayo Oo Xoog Ku Degay Dhismihii Jaamacadda Kismaayo”

  1. samatar says:

    ciidama kenya oo jaamacadii lafoole degay,uganda oo dugsigii sare ee marka degtay,djibouti iyo itoobiya oo dugsiyadii beledweyn iyo baydhaba degtey

  2. Jaamac dhiin says:

    Waad salaamantihiin dhamaan shaqaalaha iyo maamulka RBC/ and raxanreeb. Slaan kagadaal kenya hawsha ey qabatay way ku mahadsantahay waxii xadgudub ey gaysatana hadda iyo had denbe waa lagula xisaabtamayaa. Laakiin khaladaadka badan ee ka dhexdhacaya dadka kismaayo dagan sidee lagu xakamayn karaa mase jiraa qorshe loo dhanyahay oo dawladdu ugu talo gashay maamul salballaaran oo deegaankaa loo sameeyo, haddaan labadan arimood si maskaxaysan oo dhakhsa badan loogu hawlgalin,xaqiiqdii waxaa dhacaya dhibaatooyin baaxadleh, waxaana dheeraaneysa sii joogidda ciidan shisheeye ah oo kismaayo kusugnaada waqti dheer ama dalkoo idil. Intaan qori wadano nabaddi nagadheer intay nabaddi dheertahayna magaca nabad ilaalinta ayaa lagugu dullaynayaa oo madaxbanaanidaada iyo sharafta qaranimadeenaba loogu xadgudbayaa. Waana cambaaraynayaa tallaabadaa fooshaxun. Markale fadlan soomaaliyay waxfahma oo qoriga dhiga. Mawaydaan arag ciidamadaan la iska soo dabagurayo maalin walba. Wax garta.thanks

Leave a Reply