DOOD FURAN: Maamul U Samaynta Jubooyinka Yaa Iska Leh, Dowlada Soomaaliya, IGAD, Mise Dadka Deegaanka?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa waxaa la wareegay ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMSIOM, iyo Dagaalyahano ka tirsan ururka Raaskambooni, ka dib markii ay halkaasi ka saareen kooxda Al-Shabaab oo mudo badan ka ariminaysay.

Qabsashada magaalada Kismaayo ayaa dhilisay in dadka deegaanka ay si deg deg ah ugu fikiraan in maamul guud loo sameeyo gobalada Jubooyinka, xili inta badan gobaladaasi ay wali ku suganyihiin dagaalyahanada Al Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka bilowday kulamo looga arinsanayo in maamul loogu sameeyo gobaladaasi, waxaana kulamadaasi qayb ah isla markaana soo qaban qaabiyay Urur gobaleedka IGAD, sidoo kale waxaa magaalada Nairobi mudooyinkii ugu danbeeyay gaaray masuuliyiin iyo siyaasiyiin badan oo ka qaybgalaya kulamada maamul u samaynta gobalada Jubooyinka.

Dood Furan oo Raxanreeb.com u Qabatay Soomaalida oo aanu u magacdarnay Maamul u Sameynta Kismaayo Yaa Ka Masuul ah?, ayaa shacabka aad ugu kala fikir Duwanaadeen.

Hadaba iyada oo arimaha maamul u sameynta Jubbaland cida sida gaarka ah  ay masuuliyad ka saarantahay in maamul loo sameeyo, Dadka dagan, Dowlada Soomaaliya, mise dowladaha IGAD?

DOWLADAHA IGAD.

Dowladaha ku jira urur gobaleedka IGAD waxay faragalin wayn ay ku leeyihiin isbadalada iyo howlaha haatan ka socda gobalada Jubooyinka, waxaana la aaminsanyahay in ay jiraan dano gaar ah oo ay leeyihiin dowladaha dariska sida Kenya iyo waliba Itoobiya.

Shacab Soomaliyeed oo aan yareyn ayaa u riyaaqay Fartiinta IGAD ee ku saabsan Maamul u Sameynta sadexda ee Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ee la isku yiraahdo Jubbaland.

Dhanka kale Shacab Soomaliyeed ayaa layaab ku noqotay ka dib markii Ururka IGAD uu ku dhawaaqay xiliga rasmiga ah ee maamul u gaar ah gobalada Jubooyinka oo waliba ah maamul gobaleed la samaynayo.

Urur Gobaleedka IGAD ayaa sheegay in maamul u sameynta Gobalada Jubbooyinka la dhameestiri doono dabayaaqada bisha December ee sannadkan 2012-ka.

Mas’uul u hadlay Urur goboleedka IGAD ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in iminka ay socdaan kulumo joogta ah oo looga arinsanayo qaabka ugu haboon ee maamul loo dhan yahay oo ka yimaada dadka rayidka loogu samaeyn lahaa Gobolada Jubbaland.

Sidoo kale IGAD ayaa daneynaysa in la soo afjaro shirka ugu furmay Guddiga farsamada maamulka Jubaland magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya kaasi oo ujeedkiisu yahay sidii gobolada Jubbooyinka oo dhibaatooyin ay ka taagan yihiin maamul loogu sameysan lahaa,kulankaasi oo hordhac u ah kulan kale oo lagu qabanayo Kismaayo oo ay ka soo qeyb galayaan dhamaan qabaai’lada degga Jubbaland.

DOWLADA SOOMAALIYA.

Dowlada cusub ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si dabacsanaan ah isha ugu haysa xaalada gobalada Jubooyinka waxaana la rumaysanyahay in dowlada aysan kaalin sidaasi uwayn aysan ku lahayn maamulka loo samaynayo gobooyinka.

Inkatoo aanan wali la soo dhisin xukuumad isla markaana Raysal wasaare Saacid oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya uu ka soojeedo gobalada Jubooyinka, ayaa hadana sadaxda masuul ee ugu saraysa dowlada waysan si rasmi ah aysan kaga hadlin xaalada iyo isbadalka gobaladaan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan wuxuu magaalada kampala kulan kula yeeshay dhigiisa wadanka Kenya waxayna ka wada hadleen howlgalada lagula wareegay magaalada Kismaayo iyo maamul u samayna gobaladaasi Jubooyinka.

Labadaan Masuul ayaa ugu danbayntii waxay isku afgarteen oo kulankooda ka soo baxday sida la sheegay in maamul ay rabaan dadka deegaanka loo sameeyo gobaladaasi Jubooyinka.

DADKA KA DAGA GOBALADAAN.

Waxaa Hubaal ah oo aanan in beelaha kala duwan ee daga gobaladaasi aysan haatan qaarkood ku qanacsanayn sida ay wax u socdaan iyo maamulka la doonayo in loo sameeyo gobaladaasi oo haatanba lagu howlanyahay dhismihiisa.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi ah in qilaaf uu soo kala dhexgalo beelaha qaar kaasi oo ku qotoma cida hogaanka ka noqonaysa maamulka la samaynayo, inkastoo dowladaha dariska ah ay dadaal badan ugu jiraan inuusan dhicin wax gacan ka hadal ah.

Siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta ka soo jeeda gobaladaan ayaa qaarkood haatan ay ku suganyihiin magaalada Nairobi waxayna halkaasi u tageen in ay ka qayb galaan kulamo hor u dhac ah oo halkaasi ka socda.

Sidoo kale waxaa jira Siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka hadlay maamulka loo samaynayo gobaladaan sheegayna in aanan  loo baahnayn maamul aysan raali ka ahayn dadka daga gobaladaan.

Dhowaan ayay ahayd markii maaml KMG ah loo sameeyay gobalada Jubooyinka kaasi oo looga dhawaaqay magaalada Kismaayo isla markaana uu hogaaminayo Axmed Madoobe oo asagu ahaa hogaanka Raskambooni.

Ugu danbayntii  Maamul U Samaynta Jubooyinka Yaa Iska Leh, Dowlada Soomaaliya, IGAD, Mise Dadka Deegaanka?

Waa Dood Furan

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

65 Responses for “DOOD FURAN: Maamul U Samaynta Jubooyinka Yaa Iska Leh, Dowlada Soomaaliya, IGAD, Mise Dadka Deegaanka?”

  1. [...] See more here: DOOD FURAN: Maamul U Samaynta Jubooyinka Yaa Iska Leh, Dowlada Soomaaliya, IGAD, Mise Dadka Deegaank… [...]

  2. wadaad yare says:

    Ma sida ku habboon mise sidey tahey?

    Sida ku habboon waa dadka deegaanka iyo dowladda Soomaliyeed oo iska kaashada sidii maamul loogu dhisi lahaa gobol kasta.

    Sidase ay tahey waa Kenya iyo Itoobiya oo Igad wata magaceeda oo hore ugu soo heshiiyey iney maamul goboleed ka dhisaan gobolkaas, iyagoo qabaa,ilka ugu awoodda badan u maraya.

    Arrintaasi ma ahan arrin sharci ah, ee waa qeybi oo xukun fikrad ku saleysan. Waanan sugeynaa meeshey ku danbeyso.

  3. kismaayo says:

    Asc, aniga waxay ilatahay dadka deegaanka inay aayahooda ka tashtaan maamul loo dhan yahayna ay samaystaan. ururka IGadna korka ka ilaashaan kana war hayaan sababtoo ah waa wadamo daris la ah goboladaan xuduud dheerna la wadaaga waxwalba oo ka dhacana samayn ayuu ku yeelanayaa,faro galin badana inay ku yeeshaan ma fiicna oo iyagu doorttan dadka maamulaya gobolkan. somali hadaan nahay waan is ognahay qabiilo aan bislaan ayaan nahay oo weli qabiil ku jiro marka kama maarano wadamada dariska for example hada shirka ka socda nairobi iyagaa dhaqaale iyo meel nabad ah oo lagu qabtaba siiyay, waligeedna xataa dowladeena dhexe wey siin jireen meel ay shir ku qabtaan iyo dhaqaalaba. dowlada dhexe hadalkii mweynaha bweyne ka yiri ayaa dadku aad ula yaabeen ee ahaa hiiraan maamul ha dhistan lakin kan kismaayo anagaa dhisayna! dowlada somalia iyadaa kalsoonida shacabkeeda sameesan karta waana lagu kalsoonaan lahaa hadii laga arko qabiil la’aan daacadnimo etc

  4. wadaad yare says:

    Dadka soomaalidu waa dad aqli badan marka ay waxa daacad ka yihiin. Marka aysan rabinna damiin dhego waaweyn oon wax fahmeyn sidiisi ayey u dhaqmaan!

    In adduunka iyo waddamada Afrikaankaaba dowladda soomaaliyeed uu ka qaran ahaan wada jira u caawiyo si uu dal jira u noqdo waa arrin aan la inkiri karin oo dadka xag jirkaa ma ahane dadka kale ee iskaashiga iyo wax wada qabsiga caalamigaa aamminsan ay fahmi karaan.

    Taasi way ka geddisan tahey in dalkaagi laguu gacan dhaafo laga sameysto buffer zone iyo maamullo qoyseed oo iyagu danahooda ku ilaashadaan oo ay u taliyaan oo iyaga ku xiran!

    Shaki kuma jiro arrintaas inaan dadkiinna difaacaya fahmo xumo u geyn, laakiin wax kale ood damacsantihiin ayaa idinkala xoog badan inaad sida wanaagsan oo gobannimadaa aad arrinta ka abbaartaan!

    Laakiin ogaada dirty game haddaan dalkeenna ku ciyaarno dirty game kaas meel uu ka dhammaado inuusan laheyne marba weji cusub uu lasoo baxayo!

    22 sano waa idinku fillaan weysey inaad wanaagga ku qanacdaan iyo inaan si dowladnimo ah u dhaqanno.

    Waan arkeynaa meeshey Bantustaannada la idiin sameynayo idin geeyaan. Laakiin yaan hadhow la cataabin!

  5. caraseedo says:

    Aniga waxay ila tahay in ay iyagu samaystaan dadka deegaanku maamul ay iskaga raali yihiin,dawladduna la ogaato haddii uu yimaado khilaaf si ay ula xaliso si aanu u imaan isku dhac dhexmara beelaha wada dagan degaanadaas,ubaahan maamul u samaynta.Waa yaabe maxaa Igaad kagalay????!!!!!!!!!dhulka miiyagaa iskale???.

  6. mohamed says:

    raxanreeb sina wuu ucadyahay warkiisu sina waxbuumaldahaya adeer usha xaarkakudhufo sheeg yaa iskuhaya kismayo shaqasiyaad danagaar ah leh iyo kuwo walaba aan rabin soomali oonabad noqota mooyee ninka soomaaliga saxda ah wuugarankaraa meesha waxa kasocda kenya ciidamadeed igad ayay kamidyihiin meesha waxa socda eeshabaab kabixiyay waa cidii oogubadnayd jubada hoose waa 5 dagmo !jamaame afmadow 3 badhaadhe 4 xagar 5 kismaayo oomagaalamadaxda ah bal adigusoo qor dadka kaladaga dagmooyinkaas adoo miyirqaba kadibna nawaydii suaal ah yaa qabsaday kismaayo maamul yaa usamaynkara waanakabaxay thanks

  7. daacad says:

    runta waxaawaaye dhul ninkiisii baa iskale kenya ha ku ilaaliso ama itoobiya haku ilaaliyaano waqti aan dheerayn waad kacaraabinaysaa waxaana u haraayo dadka udhashay degaanka sida iyo oo ah dadka asalka loogu yimid iyo kuligood waxay kayimaadeen gadaal waxaan ilaabay iyo iyaguna waxay kahooreeyeen kuwa kale aaqirkii waxaan meesha ka maqneen iyo oo ah dad aan layareesan karin hadaba maxaa kuu baxay ku darsoo indhahay soo taagaysaa laftiisa gobalka kama fogee kudarso kkkkkkkk

  8. daacad says:

    waxaa kaliya oo qancinkara intaa kuu soo sheegay waa dowlada oo kaliya

  9. cadaani says:

    arinta kismaayo dadka deegaanka ayaa xaq u leh inaysoodhistaan maamul, lakiin haday arintu calawdo siday hada tahay waxaa xaq uleh inay dawlada soomaaliyeed caganka gaysato dhsiida maamulka maadaama ay iyadu tahay dawlada sharcigaa ee wadanka ,dalalka dariskaa waaka xaraan inay arimahaan faraha lasoo galaan waa arin madaxbanaanideena dhaacaw ku ah garanamaayo meelay ugu banantahay shisheeye inay dal xor ah oo dawlad rasmiyaleh maamul gobol u dhisaan qofkii haya wuxuukusharciyeeya hayana fagaaraha hakeeno

  10. galdogob daily says:

    ksimayo waxaa xaq u leh dadka deegaanka in ay maamul usameystaan waana u suubiyeen mis ku meel gaar ah hada. axmed madoobe beeshiisa waa ku badanyihiinn yihiin jubooyinka marka asagu in uu maamuulo waa arin fiican teeda kale beesha gedo iyo jubooyinka waa in ay wax kamaamulaan dadka kale ayagana oo soomaalida oo ladagan waa in sharaftooda la ilaaliyaa iyo maalkooda waana la ilaalin jiray oo sida xamar nala ku sameeyay anagu kumaana sameyn dadka kismaayo nala dagan marka dowladu wey fiicnaan laheyd in ay wax ka ogaato lakin ninkii balad weyne sidii la ogeyd u hadlayay dowlad uu hogaaminayo la iskuma haleyn karee iska hilmaama dowladaas iyo jubooyinka in ay sameeyn ku yeelato

  11. Muwaadin says:

    HARGEYSA WAX LAISKAMA WEYDIIIN, GAROOWE LAGAMA HADLIN, MUQDISHO LAGAMA DOODIN, BEYDHABO LA ISKAMA ARAG………LAAKIIN KISMAAYO WAA IN AAN KA HADALNAA HAR & HABEEN. CADDAALADDA NOOCAAS AH XAGGEE KA SHAQEYSAA???
    KUWAA AAN SOO SHEEGAY DADKOODAA LAGA BAQAYAA OO WAA LA IS KARBAASHAYAA HADDII MAGAALOOYINKOODA MURAN LA GELIYO, LAAKIIN REER KISMAAYOODKU WAA MASAAKIIN MIYAA SHEEKADU? OO MISKIN BAA MAJO LA FUULO LEH…….
    KISMAAYO DADKA DAGGAN WELIGOODNA DAGGANAA AYAA ISKA LEH IYAGAANA XAQ U LEH IN AY MAAMULKOODA OO DHISTAAN. WAAGII SOOMAALI WAX WADA QEYBSATO HALA GAARO…INTA KA HORREYSA SOO QAAD-QAADKEEDAABA KHALAD AH..

  12. sadexda qaybood waa muhiin in ay ka qaybqataan waayo oo hadii mid ka mid ah laga tago waxay sababi kartaa cilad tusaale igad (kenya iyo itoobiy ) qay ayey ka ahayeen qabashada kismaayo hadii aysan imaana maanta lagama hadleen see wax loogo dhisaa, dowlada soomaaliya waa dowladda kaliya ee hada jirta oo aduunka aqoonsan yahay, dadka deegaankuna waaba dadkii iyaga wax loo sameyn lahaa oo hadii aysan raali ka noqon waxa lasameynayo ay noqonayso halbacaad lago lisey marka isku soo duuba waxaan ilaahay uga baryanaynaa in kubaland ay noqoto meel dagaalka ka caagan oo nabadii ay caanka ku ahayd ilaahay u sahlo

  13. Puntland boy says:

    Soomalia waa federal J/hoose dadkeedaa nina marti uga noqon maayaan iyagaa iska leh , Waa in lagu dhawaaqaa jubaland asap , Viva Puntland , Jubaland & Soomaalia

  14. muna says:

    Dadka deegaanka ayaa xuq uleh in ay soo sameystaan maamul hadana mid kumeel gaar ayaaba la sameeyey waana soo dhaweyneynaa waana ugu hambalyeeyneynaa dadkaas hada maamulka hayo Guul ayaan leenahay dadkaas hada madaxda ku meelgaarka ah allah ha idinla garab galo aameen

  15. Waxaan la yaabay kuwan xiiqay ee meeshan comments ku soo qoraya. Adeer kismaayo ilaa somaliya waxay ku jirtaa gumeysi madow. Waa inaan sidii awoowayashay darawiish dalka u xoreynaa.

    Waxaa inoo balan ah hadal yar iyo hawl badan. Lol.

  16. dhenged says:

    adeer jubaland dadka dega ayaga ayey hooshaas utaalaa xamar waxba kama quseeyo qofka maqaalka qoray waxa ku leeyahay kenya dana gaar bay ka leedahay somaliya maxaa usoo hadal qaadi weeday ugandha iyo djibuuti ethiopia iyaga waa la xamareeyay oo dana gaar mawataan maad ileedahay ufiirso xamar waxay carabka ku hayaa kenya ha ka baxdo wadanka ma arkeesid iyadoo
    leh ugandha djibuuti Ethiopia ha kabaxaan ama danagaar bay leyihiin leh adeer kenya waxay bexeesaa marka ugadha djibuuti baxaan

  17. Adeer ninkan xasan calasow maxaa kismaayo laga siiyaa? kuwan damaca xun ee dhulkoodii ka soo cararey war galinsoor & caabudwaaq ku noqdo raxanreeb iska daaya riwaayada ee bareerihiina cadeysta kismaayo dadkii lahaa baa u tashadey CID aan iyaga aheyn oo katalineysaa ma jirto

  18. wadaad yare says:

    Waayahey marka aan arrinta ka eegno dhinacyo kale oo aan aheyn sidaas ayaa ila qumman iyo sidaas ayaa ila qalloocan. Oo aan ka eegno sida wax u dhici karaan.

    Sida kaliya oo uu maamul goboleedkaas ku jiri karo waxey tahey iyadoo labada dowladood oo deriskaa ay geliyaan dadaal dheeraad ah iyo waqti sidii uu ku jiri lahaa. Isla markaasna ay dowladda soomaaliyeed sii ahaato sidey ahaan jirtey DKMG aheyd ee iyada ka horreysey xag awoodeed iyo xag siyaasadeedba.

    Caqabadaha ku hor gudban

    Shabaabka oo ka fa,iideysta qaabka hadda wax loo qooshayo oo garabna sidaas uga hela qabaa,ilka ku dulman shaxda cusub.

    Dowladda Itoobiya oo uga baxda Kenya heshiiskii hore ay uga wada gaareen arrintaas oo iyaduna taageerta qabaa,ilka qaar.

    Dowladda soomaaliyeed oo si kulul uga hor timaadda arrintaas oo dadaal diplumaasiyadeed iyo mid abaabulba uga hor tagta arrintaas. Taasna waxey ku xirantahey in Shabaab meesha ka baxo iyo inuu sii joogo.

    Haddii Shabaab xoog leh uu u dhaxeeyo dowladda iyo maamul goboleedkaas Igad wadato dowladda kaalin uma furna. Mana ka suurto gasho iney sameyso dadaal mirihiisa ay Shabaabku guranayaan. Sababtoo ah Shabaabku iyagaa wax kasta uga khatarsan dowladnimada iyo midnimada dalka.

  19. Asc walal yaal aniga waxay ilatahay kismayo mamul usamaynteda in aysan ahayn hada maxaa yelay hada kismayo ma ahan mel xor ah o somali gacanta ugu jirto waxay ila tahay markay shisheyaha kabaxan ayey habontahay in an kahadalno waxaa laga yabaa hadal kayga in ad layabtan lkn aniga waxan kahadlayo wa wax xaqiq ah ojiro manta somali melkaste hajogtee wax gacanta ugujiro malahan ama balad wayn hajogto ama kismayo hajogto ama muqdisho hajogto wadanka wa lahaystaa

  20. galkacyo says:

    sida saxdaa waxaa weeyeh iney ayga samaystaan laakin igad waa goobjoogayaal waana daris
    sina loogama maarmo dhinaca amniga iyo dhinaca kalabo waa loo baahan yahay

  21. Puntlander Man says:

    Maxay muqdisho nabad kismaanyo ugu diidan tahay. Waa sadexdaan qodob. 1 waxaa u badan qabiil tartan iyo nacayb kala dhexeeyo. 2 baqdin ah amaa dhaqaalihiinu hoos u dhacaa oo dakada kismaanyo saamayn ganacsi la timaada. Khaasatan badeecada aada Kenya. 3 ka hortag tartan iyo saamayn siyaadeed. Waxaa xaqiiqa ah in goboladaas iyagu meesha is dhigeen sababtu waa inay isku fureen albaabka wadaada siyaasadeed ee muqdisho. Waxaan maqlayaa muqdisho maamul ha u samayso kismaanyo Cajiib. Xassan shiikh madax nomadiisa ma Somali baa samaysay hadii si xaqiiqa ah loo hadlo. Hadu ogol yahay in shisheeye dhisay dowladnima u sheegto muxuu ku diidi kara in IGAD ay maamul u samayso jubbaland. Waxas oo dhan waa kalisooni daro Somali dhexdeede ah. Inshallah Allah sida qorshuhu yahay Jubbaland waa iman. Bay, Bakool iyo wixii raaca waa ku xigaan. Geedi waa socon ninkaan meesha loo socdo raacin. Ha iska sugto dowlada dhexe uu kuriyoonayo

  22. joorre says:

    Aniga waxay Ila tahay in dadka deegaanka ee saxda ah ay maamul sameystaan dowlada somaliya iyo dowladaha kalena waa kenya iyo itoobiye ay la socdaan.. kismaayo wali waxaa kaguuxaya dhibaatadii 1991kiiwaxa la isku haystana waa uun taas .tankale qabaailka dega halkaan waxay badankooda kasoo farcameen qabiilla dega meela kala duwan sida ogadenia puntland hiiraan bay iyo bakool iyo meela kale .halkii ay dadkaan isku deegaanka ah lakiin kale qabiil ah u midoobi lahaayeen maamulna u samaysan lahaayeen waxay tageero hogaamin iyo siyaasad karaadsadeen meelihii ay kasoo kala jeedeen. Waxa meesha kamaqan kaalintii reer waamo..nine walba oo qabqablenimo ama inuu deegaanka dhuxusha iyo geedaha kadhameeyo u yimid waxuu ku dhahayaa kismaayo anigaa leh.

  23. qoono says:

    Ader miskiin )ayaa misko la fulo leh
    Somali dantooda guud ma taqaann
    Iyo mustqabalka dalkooda iyo dadkoda
    Laakiin waxay daneeyaan shaqsi dangaar
    Ah leh,kiina waa adagtahay iney isku
    Raacaan.sidaas derteed waa dowladu
    Magacaawdaa ,

  24. guuriye says:

    kuwaan raxanreeb websiteyada mooryaanta ayey ku dayanayaan sababtoo ah kismaayo ayey muran galinayaan war kismaayo waxaa leh dadka hada qabsaday iska dhaafa dayniile in aad ku dayataan oo maseyr hayo

  25. soomajeeste says:

    ACWW:Anigu waxaa ay ila tahay in arrinta aan u kula qaadno mid sharci ah oo ay arrintaasi xaq noqonayso dawalada somaliya in ay hoos timaaddo.Mid ah dadka degaanka in ay rabaitaanku iyaga ka yimaado,iyo doorka dalalka dariska ah.
    Marka laga tago caadifadda qabiilka runtna lo yimaado kismaayo waa maagalo aad u dhib badan waxaana ugu wacan qabaailka isku haytsa iyo kuwa wadda degan mana ahan mid la dafiri karo,kismaayo la mid ma ahan balaweyne iyo baydhabo sababtoo ah beledweyne hawiye kaliya ayaa degan halka baydhabo raxanweyn kaliya degan tahay,balse kismaayo beelo somaliyed oo aan daarood ahayn ayaa degan waana kula kala badnaan karaa.Awoodaha beelaha jubaland iyo sida loo kala degan yahay marka la eego dawaladii 1991 kii waa sidan.
    1-Jubalad hoose Afmadow,Badhaadhe,Jamaame iyo Kismaayo,Kimsaayo waa comples city qabiilo badan ayaa degan maantana weyba is bedeshay oo qoladii shayal u badnayn maanta waa ku minority sida Hartiga oo kale.Afmadow iyo Badhadhe waxaa degan Absame halka Jamaame uu degan yahay biyomaal.Kismaayo waa la wada degan yahay.
    2-Jubada dhexe waa Buaale,Jilib,Saakow.Buaale waxaa laga helayaa qabiilada soo socda,Absame(Cawlyahan,iyo Bartire)Ajuuraan,Dabare iyo mareexaan.Jilib Shiikhaal dad kala waan ku arkay sida habargidir oo kale.Saakow waxaa degan Raxanweyn(Malainweyne)dhinaca baardheere xigtana waxaa degan marexan
    3-Gedo Waa sidan.G/haarey,B/xaawo,Doolow waa absulate marexan.Baardheere 85%waa marexan 10 raxanweyn laysaan 5%beelo kale sida ajuuraan carab somali.Ceelwaaq 70% waxaan ku qiyaasi lahaa marexan hadaanan qaldanayn halka Luuq marexan uu yahay majority waxaan cadaynayaa in 3 gobol ay yihiin gobolo la wada degan yahay ceeb na ma ahan in meel lagu kala badan yahay.
    Ta muhiimka ah waxaa ay tahay markii la diidanaa in arrimaha somaliya ay soo fara galiyaan wadama Front line ah(Itpbiya,Kenya,Jabuti)waxan ayaa laga baqayay haddii maanta la ogolaado in maamul ay ka qayb qaataan Kenya ama IGAD waa jid aynu furnay in ay siday donaan noo mamaulan.Balse is weydii Somalidu iyada dhexdeeda wax ma samayn karaan?waa may 22 sano ka dib wali weynu awoodi la nahay inagu xal isuma hayno dalalka dariska xal inooma hayaan.sidaa xalku yahay 3 gobol waxaa u badan daarod waliba marexan iyo absame,haddii population iyo degaan ba la yiraahdo 2 daa beelood ayaa u badan labadaa beelood dood kama taagna cida madaxweyne noqonaysaa muhiim ma ahan ama doorasho ayaa lagu kala baxayaa ama degaan laakiin beelaha kale waa in la xaq dhawraa kuwa didsanna ha is dejiyaan kuwa qaska wadana haka waan toobaan,kuwa qaska wadaa waa kuwo aan rabi in ay nabad noqdaan 3 gobol.Arrinta Kismaayo xalal badan yahay lee dahay
    A-In maamulka kismaayo loo dhiibo nin BAANTUU ah lagana ilaaliya daarood maadaama ay iyagu isu jeedaan.
    2-In qoloba 3 sanno maamusho si nabad loo helo
    3-In dadka maagalada ay si xadaarad leh oo aan qabiil iyo musuqmaasuq ahayn u doortaan qofkii mamauli haa
    4-In loo soameeyo xeerar goori ah oo lagu maamulo
    Suuaro gal ma ahan in lagu dagaalamo dadna ay u dhintaan si maalaayacni ah

  26. kismaayo boy says:

    arinta mamul usamaynta dadka deegaanka ayaa leh itoobiyana saamayn badan kuma laha sababta oo ah iyadii ayaaba dhax dbaalanayso guul darrooyin siyaasadeed kenya ayaa ka qayb qaadanayso xaq ayayna uleedahay inay talo ka dhiibato waayo waxay ku wayday askar iyo hub dowlada somalia waa in ay ka qayb gashaa gydina udirsataa shirka nairobi hadii kale oy rabaan in iyaga inkay doonaan ka soo magac caabaan xamar hadee waay waalanyihiin xasan sheekhna laga aqbali ma hayo in uu baladwayne maamul samaysato kismaayana muu usameeyo

  27. Muuse says:

    Raxanreeb Doodiinu maahan mid saamayn ku yeelan karta qotshaha maamul u samaynta ee jubooyinka , kuwa fikirka dhiibanayana waa idin lamid ah, inaad isku mashquulisan ma qabo, howlo kale o in laga hadlo mudan baa jira, Deegaankaan dadkiisi baa u tashtay

  28. gaasira says:

    waar ma yamyam iyo qadaadwayn baa weli soomaali la daba wadaa waar kismaayo waa gobolka jubada hooose ee soomaaliya inta aftida distoorka la samaynayana dadka dhulka wada daga inay nabadku wada noolaadaan baan u rajaynayaa wadankana dawlad baa ka dhalatay ee ha la xushmeeyo meeshu maafiya dambe joogi mayso

  29. HANFADE says:

    ma sida dastuurku qorayo mise sikale?

    sida dastuurka ku qoran waa in dadka deegaanku ayagu aayahooda ka tashadaan 2 gobol iyo waxii kabadan xaq ayay uleeyihiin aayahooda in ay samaystaan, dowlada fadaralka ahina ay wax ka ogaato si daacadnimo iyo dhex dhexaadna ah ay qaybteeda uga qaadato, waxas soo haray igad tabardarida dowlada soomaaliyeed ayaa meesha keentay dalalka dariska ah. haday dowladu hanan karto howlaheeda sidan xaalku ma ahaadeeeeeeeen. hay,adeheeda fulinta sida amniga,dhaqaalaha, ayadoo awal horaba dowladaha lagu soo dhisi jiray dalalka dariska ah ooy keenyaba kamid ahayd marka taasi xujo ma noqonayso waa baroortu orgiga kawayn. intaa wixii kasoo hara waa murug maarug.

  30. A.Abanur says:

    ASCWW,

    Waxaa iska leh dhisidda Maamulka Jubooyinka dadka Deegaanka.

  31. saxar diid says:

    to : sooma jeeste nacaska la baxay
    adiga waxan ku weeydiiyay , bantuu haloo dhiibo ayaa leedahay kismayo adiga oo moryaan ah yaa wax kaa qabsan karaa . kismayo ma xoola kaa yaala , Daarood halaga ilaaliyo ayaa tiri majorty kismayo waa darood
    markaa sixun u dhimo ayaan ku dhahay waxyoow qabiilka dilooday cudur xun ba ku hayee isi soo daawey . 22 sano ayaa xaraaan cuneysay 22 sano ayaa guri xaran ku jirtay , 22 sano dil iyo kufsi iyo barakac ku jirtay , wuxuu umada aad ka suubiseen ayaa maanta ku heysataa ayaa kaa saraaya hee laa toobad aad keentaan oo ilaahey u laabataaan , doli qabiilkii ayuu wali ku dhex jiraa jahil xaran ku naax nocaga oo kale wan kasayaa shit , hadal kuuma yaalo

  32. Puntlander Man says:

    Dhib kast oo bulsho dhexmartay. Waxaa la heli karaa kuwa kale oo ku guulaystay dhibkaas xalintiisa. Somalida maanta joogta isma indha buuxiyaan. Dadka wax ka qorayna waxay isku raaceen iyadoon lagu dhex jirin wax ma socon karaan. Taasna waan Aragnay dhab ahaan teeda. Inaan sidaan iska ahaano waxa ka fiican in qabiilkasta dowlad ahaado qaranimada lawada ilaaliyo. Ogow Swisserland waa 50 dowladood dhulkeeduna wuu ka yaryahay hiiraan. USA waa 52 dowladood isu fiiri labada wadan. Swisserland ma faqri iyo burbur bay ukeentay federal nooca ay ku dhaqmayeen in ka badan boqolaal sano . Tusaale kale UAE. Emarat. Waa 7 dowladood sadex ka mid ah isku darkooda Kama badna hal magaalo wayn. Hadii daacad la yahay xalka waa badan yahay.

  33. Reer Allan-caato says:

    Axmmed Madoobe, Ethiopian iyo Kenyan ayaa raali ka ah. iyagaana ku heshiiyey inay isaga u dhiibaan…Waliba isaga oo lawada ogyahay Inuu Ethiopia ku dhashay!!! Car yaa wax ka tari kara? Waa sandulle aan cidi juu ka odhan kareyn. Adeer, hadal baad barateena wakaa ka hor imaada. Yaa og in ninkan u shaqey jirey wadamadaas xataa markii uu ICU-da ka mid ahaa.
    Markan siyaasada way isbadashay oo waa wax wada qabsi.

  34. Qooqaani says:

    Maamul loo sameeyo Jubbooyinka sow arrin Soomaali leedahaya ma aha? Waliba dadka deegaanka ayaa kaalinta 1-aad leh iyo dowladda Soomaaliyeed oo la ogyahay inay kalsooni ka haysato shacabka Soomaaliyeed. Maxaa keenay in IGAD ay wadan xor ah maamul u dhisto? Soomaaliya, Soomaali baa leh

  35. Mahdi says:

    Maadaama soomaali is leesay kabacdina ku heshiiyeen federalism waa in la tixgaliyaa heshiiskii isku kaaya keenay, hadii loo diido reer waamo damocooda, waxaa halkaa ka cad in laga xunyahay xalka soomaali gaartey oo ah federalism, insha’allah horaa loogu sii socondoonaa, cid wax innaga qaadi kartaana majirto, dooladan xoogaaga nafta ku soo celiseyna ha ogaadeen iney aqbalaat soomaaliweyn ku timid kabacdi markii lagu heshiiyey federalism, taasi hadii la waayana, ogaada inaan tii hore dib loogu laaban doono insha’allah,.

    Dadka diidan waxey aamin sanyihiin waa mar hadii federal la noqdo in laba tilaabo loo jiro iney go’aan oo doolad gaar ah noqdaan, taasi waa run, laakiin soo xoriyadooda ma’ahan? Maxaa idinka galey? Shaley markaat barikicineyseen oo aad gumaadeyseen malaga fakirey meesha ay gaari karaan? Sidee la’isku aamini karaa mar labaad oo xamar loo hoostagaa si buuxda? Taasi waa caqli xumo, waxaase ka horeysa in marka hore lasoo cesho hantida ku maqan iyo dambiilayaashii dagaalka oo la maxkamadeeyo.

  36. Qooqaani says:

    Labaatankii sano ee ina dhaaftay kolbe qabiil Soomaaliyeed ayaa jadba shisheeye kalkaalnimo ku waalnaa oo soo kaxeysan jirey dabadeedna inta kale ku qasbi jirey wadan hebel walaalo ayaan nahay DANTA dalka iyo ta dadkuba wadan hebel ayaa noo wada ee aan u jilicsanaano! Aan aragno imanka waxa na horboodaya qolooyin cusub oo na leh hala adeeco Kenya! Waxba inoo dhibi maayaan!!!

  37. soomajeeste says:

    @SAXARDIID Saaxiib adigoo caytamin maxaad aragtidaada u dhiban wayday?Runta aan kuu sheego runta baro daarood ayaa Kismaayo isku laynayay from 1993 to 2008 Col Ahmed Cumar Jees Gen Morgan iyo Col Bare hiiraale hal mashruc oo ay ka fuliyeen ma jirin ankee xafiisyadooda wey dayactiri waayeen waana hal beel oo daarood ah maxay ugu heshiin waayeen?Daaroodka aad sidii diinta u aaminsan tahay ayaan kula ahay maxay soo kordhiyeen ragaas oo aan ka ahayn isdil iyo in Kismaayo ay noqoto furuin dgaal?maanta ma ku heshiin karaan diintan aad caabudayso ee qabiilka ah?22 sanno Kismayo daarood un baa isku laynayay beenta ayaan la isu sheegin xalka kismayo caqli ayuu u baahan yahay ee ma ahan in marka amxaaro hub lalaga soo qaato marna isbahaysiyo qabiil la sameyo marka kenya hub laga soo qaato xalku kuma jiro dadkan nabad ayay u baahan yihin ama daarood ku sheeg ama hawiye ku sheeg ama digil iyo mirifle ku sheeg caqligana adigoo kalee marka dadka ku sheegaya qabiilaste marna qabiilka wata oo aan daacadnimo loo abuurin ayaa jira
    Kismaayo waa magaalo somaliyed waxaana xaq u leh inta ku nool in ay maamul u samayso kenyana waxaa kaga xaq badan kagana haboon dawlada somaliya meeshu ma ahan Garisa iyo Mandera.Mar un wadaniyad hala idinka helo somaliyeey

  38. khadar says:

    kismaayo waa magaalo yar , maaha magaalo weyn marka loo eego magaalooyinka muqdisho , hargeisa iyo boosaaso, waxaan maqlay inay sagaashameedyadii ahaanjirtay magaalo weyn, laakiinse hada sidaasi uma weyna ,. magalada sidoo kale waa meel lawada deganyahay waxaa qabiil oo xataa waxaa ka mid ah qabiil la yiraahdo “baajuun”, oo runtii ahayd markii ugu horeysay ee aan magacaasi maqlo. sida loo hadalhayana muhiim uma aha,kolka dadka halkaasi iyaga ayaa soo horboodayey kenya, meesha wax dawlad somaliyeed oo jirtana malaha,anigu waaxaan odhanlahaa halgu daro gobolka NFD, soo awalba gaarisa iyo wajeer NFD ma ahayn, kismayana halagu daro,

  39. xog ogaal says:

    kismaayo xoog ayaa lagu kala qabsadaa intii ay dhacday dawladii soomaaliaya waxaana maamulkeeda leh cidii xoog ku qabsata inta lahelaayo dawlad xoog leh ee soomaaliyeed ,
    hadana waxaa looga fadhiyaa maamulkeeda malaysiyaadka qabsaday , cid kasta oo tacadi ka gaysatay kismaayo waa qorantahay waxaana la keeni doonaa maxkamad qaran hadii allaah idmo maalin ka mid ah maalmaha ,

  40. absame says:

    Asc,Arigtideeyda hadii aan arinkaan sina ufudud sina uadag oo dee 20-sano xal loo waayey,waa-arin-ka kismaayee,waxaan ku-talin-lahaa.
    Maadaama magaaladu majority aay hal qabiil oo daarood la’isku yiraahdo kayihiin,daaroodku haqaato 65%,kabacdina hasii kale qaybsadaan daarood-ku oo sixaqa oo tanaasul iyo wada dhalasho ku-jirto haloo qaybsado,again arigtideeyda sidaan ayaan ugu qaybinlahaa daaroodka.
    1) Absame oo deegaan muda ku’ahaa degmooyin-ka ugu badan oo jubada hoose -na degan halaga dhigo madaxweeyna-ha jubaland.
    2) Mareexaan oo gobal-ka gedo wata,oo ahna gobol weyn halaga dhigo madaxweeyna ku xigeen.
    3) raisul baarlaaman-ka halaga dhigo qabiilada aan daarood-ka aheeyn wax-na kadaga midka ugu tunkaa weeyn.
    5) Majeerteen oo ah qabiil-ka hadii daacad loo hadlo ugu badnaan jirey magaalada kismaanyo gudaheeda xaafadaha ugu badnaana deganaan jirey iyo waliba guryaha ugu badan maanta xataa wali leh ku magaalada ,after 20 sano xataa,waxaan ku-talin-lahaa in laga dhigo Duqa iyo gobalatooraha kismaanyo,waxana majeerteen aay isla socdaan qabiilooyin kale ogaado oo harti la’isku yiraahdo sida leelkase,warsangali,awrtable,dhulbahante,carab saalax iyo majeerteen intaas markii kismaanyo la’jooga waxay ahaayeen gaashaan buur ka-miodeysan arimaha kismaanyo.
    6) police-ka,dekada,maxkamadaha,airport-ka IWM,waxaan siin-laha baajuun,shhiikhaal,caawramale,raxanweyn IWM.
    Waxaa hal-kaas kasoo bixi-lahaaa maamul gobaleed aad uxoogan oo door-weeyn ka-ciyaara siyaasada,dhaqaalaha,iyo arima fedaraalka,kana quwad weeyn kan hada puntland ka jira oo aay-na hogaaminayaan daaarood weeyn,maadaama siyaasadii qabiileeysam-ka aan laga bixin daarood ooo aad ugu qasaarey (4.5-ka) waxa uu si aan muran kujirin unoqan lahaa daarood-kiisi hore oo taliyaha soomaliya waligii ka’haa.

  41. xuuxle says:

    waxaa xaq uleh dawlada Itoobiya in ay magacawdo mamulka akaismayo

  42. abdulkadir says:

    ASC.
    Wadaadyare & Somajeeste waxaad suubsankartaan xisbi rajo saadina sida ”wacyiga jadiidka” anigune waxaan ahay taageerihiina kowaad. Iska celiya hororka rabaan inay dadka kala irdheeyaan oo reer reer u ugaarsadaan. Bantu, Hindi ama Carab ha loo dhiibo waxaan ku taliyay bishii labaad 1991di waxayna ku sigatay inay hirgasho laakiin waxaa curyaamiyay wax ma garato kuwaan idin xagxaganaa oo kale ah balse da’dayda ahaa. WBL-towfiiq.

  43. abdulkadir says:

    ASC.
    Maamul u samaynta kismaayo waxaa iska leh dadka dega laakiin shir gudoonka waa dawladda Somaliyeed si ay u kala hagto oo sadbuursi loga dhawro.WBLT.

  44. Somalia_GBG says:

    Waxay ilatahay in Raxanreeb raaligalin ka bixiso qaladka ay ku qoreen warbixintan oo ay ku sheegeen in raysaal wasaaraha cusubi uu ka soojeedo gobalada Jubooyinka. Maxay Raxanreen arintaa ka leeyihiin markay xaqiiqdu tahay in raysal wasaaruhu ku dhashay Dhuusomareeb ee Galgaduud.

    Sidan ayay Raxanreeb uqoreen:

    “.. Inkatoo aanan wali la soo dhisin xukuumad isla markaana Raysal wasaare Saacid oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya uu ka soojeedo gobalada Jubooyinka ..”

  45. cabdiYare says:

    Adduunyada ninkaan dhimannin een dhabanka loo laabin,
    Dhawaaquu maqlaa waa mid aan dhaamin kii hore e!

    maanta soomaalidu ma waxay isku haysataa dhulkeenna shisheeyuhu xaq buu u leeyahay in uu maamul u sameeyo iyo mayee xaq uma laha? Waxyaalo kalena waa sugeynaa.

  46. Shaki miyaa geli geli markii run …. Waxan filaa markii runta laga sheegayo arinkan maamulka in aan shaki geli karin cidda xaqa u leh samayntiisa oo ay tahay dhamaan dadka soomaaliyeed ee dego gobolkaas ama goboladaas.Sidoo kale haddii ay dhab tahay sidii naloo sheegayey oo ahayd in dowladda cusub ee soomaalidu rasmiya oo la aqoonsan yahay iyada xaq u leh inay gacanta ku hayso marka shacabka goboladaasi dooranayaan maamulkooda.Ururka EGAD ama dowladaha ka tirsan qaar goobjooge way ka noqon karaan haddii dowladda soomaalidu ku casunto howshaas. Wixii inta kaso hara sida kuwa hadda socda waa barkumataal iyo shimbirayaho heesa. Dulucda hadalkayguna ma ahan maamul sanka gelisa oo qasaba looma samayn karo laakiin maamul aysan dadka degaanku raali ka ahayn intuu waari karaa? Midda kale ayaa sahlan in marka hore gobol walba goonidii maamul loogu sameeyo kadibna markii ay raali ka wada noqdaan maamul goboleed loo wada sameeyo iyo in iyadoo seddexda gobol mid kastaa isagu israacsanayn maamul goboleed loo wada sameeyo.Waxan oran lahaa soomaliyey caqliga saliimkaa ha shaqeeyo,nin aan kuu furi doonin yuusan ku ranin. SCW.

  47. ali says:

    hadii la dhaho magaalo hebel yaa iska leh yaynaan Kismaayo kaliya ku ekaanine aan ku soo darno Xamar yaa iska leh aan wadno ilaa aan wada sheegayno tuulo kasta qoyska iska leh, majirto magaalo soomaaliyeed oo hal qabiil kaliya ku nool yahay , ee waxaan macno samaynayn wakhtiga ha iskaga qaadina, kismaayo maamulkeeda waxaa iska leh dadka dagaanka. dadka jecel inay fidno huriyaan miyayna ku filayn 20 sano ????????? pls Stop qabyaalada iyo xumaanta ,

  48. cadaalada hala ilaayo says:

    Markii ciidamada dowlada, ururka Raas-Kambooni iyo Kenya la wareegeen magaalada Kismaayo, waxaa dagaal afka ah oo salka ku haya caadifad qabiil uu ka soo baxayey dad badan oo aan raali ka ahayn la wareegida Kismaayo, dadkaas oo intooda badan ka soo jeeda gobolada Galgaduud, Mudug, Baay iyo Banaadir, balse hadda ku wada sugan Muqdisho. Dadkaasi waxay ku andacoonayaan in beel gooni ahi la wareegtay Kismaayo. Dadka noocaas ah waxaa la gudboon in marka hore ay ka hadlaan in magaalada Muqdisho loo dhiso maamul loo dhan yahay maadaama ay tahay caasimadii qaranka Soomaaliyeed, isla markaasna la joojiyo dulmiga siyaasadeed ee lagu hayo beelaha Banaadiriga ah oo ah dadka magaalada Muqdisho ku abtirsato.

    Magaalada Muqdisho waxay ka kooban tahay 14 degmo oo ah tiradii waqtigii dowlada Soomaaliya jirtay, iyo laba degmo oo lagu kordhiyey intii ka danbeysay 1991. 16-kaas degmo ee ay ka kooban tahay Muqdisho, waxaa jira 15 Guddoomiye-Degmo oo ka soo wada jeeda hal beel ah!!! Arintaas miyaa cadaalad ah? Maxaase looga hadli waayey arintan inta la isku mashquulinayo maamul u samaynta Kismaayo?!

    Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Magacyada Guddoomiye-Degmooyinka waa sidan:

    Cabdullaahi Xirsi Wardheer – Guddoomiyaha Degmada Boondheere.
    Cabdullaahi Xuseen Xassan – Guddoomiyaha Degmada Cabdulcasiis.
    Axmed Xassan Cadoowo – Guddoomiyaha Degmada Wadajir.
    Cabdulle Cali Hilowle – Guddoomiyaha Degmada Dharkeenlay.
    Maxamed Cali Axmed – Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab.
    Cabdullaahi Ibraahim Sahal – Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne.
    Cabdi Maxamed Warsame – Guddoomiyaha Degmada Hodan.
    Maxamed Abuukar Cali – Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag.
    Cali Cumar Abuuka – Guddoomiyaha Degmada Shangaani.
    Cabdullaahi Axmed Cali – Guddoomiyaha Degmada Kaaraan.
    Daa’uud Cabdulle Maxamed – Guddoomiyaha Degmada Shibis.
    Axmed Mayre Makaraan – Guddoomiyaha Degmada Waabari.
    Muxyadiin Xassan Jurus – Guddoomiyaha Degmada Yaaqshid.
    Deeqa Cabdulqaadir Axmed – Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley.
    Cumar Cabdulle Axmed – Guddoomiyaha Degmada Heliwaa
    Daahir Xassan Xuseen – Guddoomiyaha Degmada Dayniile

    Beelaha Banaadiriga oo Lagu Hayo Dulmi Siyaasadeed:

    Magaca “banaadir” waxa uu ka soo jeedaa kalmada “bandar” oo ah afka Persian, macnaheeduna yahay “Dekad”. Waxaa la hubaa in beelaha Banaadiriga ahi ay taariikh fog ku leeyihiin magaalada Muqdisho, balse maanta hal degmo oo kaliya ayey gudoomiye ka yihiin. Waxaa kale oo jira in duqa magaalada Muqdisho ay isu bad-badalaan hal beel ah!!!.

    Dadka ka soo caytamaya Muqdisho ee u soo hanqal taagaya maamul u samaynta Kismaayo, waxaa la gudboon in marka hore ay xal waara oo cadaalad ku dhisan u helaan maamul u samaynta magaalada Muqdisho.

  49. Goofka Kismaayo says:

    Mr Caddaaladda Hala Ilaaliyo…
    Magaalada Kismaayo agagaarkeeda yaa dega? Yaa dega Sacmooje, Ceeldhurow, Ceeldhiig, Ceelcaafimaad, Dabdheere, Qayla-dheere, Ciidda cad, Dudumo gaduud, Yaaqooti, Beeraha gumurta ee caanaha magaalada keena ee leh goofafka magaalada ku wareegsan sow reer la isla yaqaano ma aha? Waa ee haddii aad caddaalad rabto wataa haddii kale nin ka yimi Ethoipia sanka naga gali kadibna cadaalad sheego. Morgan, Col Jeed iyo Barre Hiiraale halka ay ku dhasheen afkaaga ku balaari. Haddii meelo kale ku dhasheen oo aan Kismaayo ahayn maxaa u diidey dadka iyaguna meelo kale ka imaan kara ee hunguri doon ka ah ee iyaguna soo doolaal tagay? Mise……

  50. kawsar ali says:

    waxan u malaynayaa soomalidu mafahansana danaha lagaleeyahay kismaayo maamul usamaynteedana waxakeenaya dadka oo hurda oo qabiil issucayrsanya lkn maxuma mamul ee IGAD IYO KENYA ITOOBIYA>>> wanaqaana ITOOBIYA Marka miyaan joogin wax dhiig iyo uusleh marka keenya iyo itoobiya ukala gacmaynayaan hantidooda dabiiciga ah >> wanka xumahay ka soomali ahan >>> lkn gar ilahay hadan u hadli maamul aan gudaha ka iman kama shaqeynayo kismayo>>>
    DARDAARN

    WAXANI WAA ADUUN DALKA YAAN LASIIN SHISHEEYE HADI LAGASARAY SHABAB

    waxa igalasiixun xagee lagu arkay madaxweyne kari wayey kenya joojiya internalka wadanku dawlad ayuu leeyahay hada dhammatay kumeelgaar >> meshankii wanagsan xitaa walagu neefsanayaa
    ALLAHAYOW REER EEDNAYEE RAXAN RAXAN HANOO DABARGOYN BIRTANA ANAGASIDANEE >>YAAAAAAAAAAAAAAAAAAA ALAAAH

  51. shabbeel says:

    asc somaliyey waan idin salamay kadib waxan idiin sheegayaa in ay haboontahay in maamul u samaynta gobolada jubbooyinka iyo gado loo daayo dadka deegaanka sida loogu daayay dadka gobolada kale ee somaliya. mida kale hadii aad tiraahdaan kenya dano gaar ah ayay ka leedahay kismaayo ama gobolada jubbooyinka haa taas waa run somaliya wadan aan dan kalahayn masoo galin xataa djabuuti dan gaar ah ayay u soo gashay marka waxba taas yaan lagu mashquulin

  52. prof piccolo says:

    hal beel ayaa Muqdishow iskuwada koobey gudoomye si ay u ilashaadn xoolaha xaranta ah ay dhaceen si aan looga dabao hadlin marka kismaayo kama hadli karaan tuugadan mooryanta u badan

  53. cadaalada hala ilaaliyo says:

    @Goofka Kismaayo;

    saaxiib waa ogalahay in qoys kasta oo daga deegaanka kismaayo la siiyo xaqoooda, laakiin waxaan ka soo horjeedaa in nin isba duudsiyay xuquuqda dadka ay wada dagaan uu ka hadlo xuquuq, nin tiisa daryeela ayaa tu kale talo ku yeesha,

  54. Ali Yare says:

    waxaan filayaa dooda waxay ku koobantahay maamulka jubbooyinka ma dawladaa soo dhisayso mise dadka deegaanka, arriintani uma baahna in dood dheer laga galo waxayna ku habboontahay in ay maamulkooda soo dhistaan dadka deegaanka, sababtu waxaa weeye dawladda hadda xamar ka jirtaa wali uma bisla ku dhaqanka habka federaalka ah, waxaana caddaynaya waa tii uu maaxweynaha yiri aniga ayaa maamul u soo dhisaya kismaayo marka waxaa cad in madaxweynah uusan u hoggaansanayn ama uusanba diyaan u ahayn dastuurka federaalka ah, sidaa awgeed ma habboona in dawladda xamar fadhido waqtiga la isaga lumiyo waana in dadka jubbooyinka aayahooda ka tashaddaan oo ay dhistaan maamulkooda isla marakaasna ay amnigooda ka shaqeeyaan, dawladda qaas ahaan madaxweynah waxaan kula talinaynaa in uu raaco dastuurka oo uu ku dhaqmo waxyaalaha uu farayo iyo waxa uu ka reebayo dastuurka, waxaan kaloo ka codsanaynaa in uu dhexdhexaad u ahaado dadka uu madaxweynaha u yahay

  55. sacid says:

    prof piccolo kkkkkkkkkk wa iga qosolsiisay ina adeer kkkkkkkkkkkkkkkk
    xoola xaranta u ilaalsadaan iga dheh waa runtaa midaasi been ma sheegin , bal waan arkeynaa madaxweynahan cusub waxa uu qaban doono in uu ka saari doono guryaha boolida ah xaranta lagu qabsaday iyo in uu ina aderkiisa u dhaafi doono , ileen isagaaba cabsi ku jireeee iyo neeef tuuur duf ku baxa reera xaraan ku naxaayaal

  56. xaawo says:

    waanba yaabanahay maxaan dowlad ku falaynaa maanba iska dhaafno dhibkeeda umaba adkey san karnee soomaali haday fikir kayga qaadan lehey waay ku faaiidi lahay aniga ahaan waxaa ila fiican inaan inta dowlad iskaduuduubno qabiil qabiil isu xakuno maadaama aan qabiil ka hari waynay asna naga hari mayo wax badan ayaa nooga baaba ay intaan dowlad soomaaliyeed raadinaynay hadaanba lagaarayn arman iska dhaafnaa qof walba hortiisa hor alle ninkii wadanka qabsada aan wax la qabsano

  57. arbow says:

    @xaawo

    abaayo sidaad sheegtay weeye -qabiil waa basal oo kale ma dhamaado ilaa adiga iyo aabahaa ciyaalka uu dhalay aad is qabsataan, waan qurun aan qiimo lahayn, somali dhibka haysta waxba iskuma ogola, iska daa inay wax isku ogolaadaane xataa somalinimadii ayaa lagaa saarayaa.waxay ila tahay hadaan wax la isku ogolaan in uuna jiri doonin qabiil ku guulaysan doona inuu kaligii wax noqdo. somali waxay wax ku noqon kartaa wadajir.

  58. Cilmi says:

    Kismaayo arrinteedu dada Kama dhaxayso. Ayan dada laga whaling. Wax ayan Somalia ool ayan food la galin. Qofna tuuladiisa tala deeds lala wadaagi maayo

  59. [...] dhacday, iyadoo sidoo kalana laga hadli doono aragtida dawlada Soomaaliya ay rabto in maamul loogu dhiso gobolada Jubbooyinka oo ah gobol ballaaran oo Soomaalida oo dhan wada [...]

  60. umazubyer says:

    dawlado ma dawlad somliyeed mise dawlad qabiilo garah leyehiin haday dawlad somliyeed tahay maha inaay dadka u kala exato waxaana eexdaa laga dareemyaa sheekh shariif ila madxwynha imika tala da qabtay ilaa wasiirka hore ee gashandhiga ilaa kan diinta iyo awqaafta jabuuti maxaa isku af ka dhigay??sushaas yaa ka jawaabi karaaa

  61. [...] Madaxweynaha Puntland wuxuu ka hadlay arimaha gobolada Jubbooyinka oo dhowaan ciidamada dawlada iyo kuwa Kenya ay ka saareen Al-Shabaab isla markaana muran ku saabsan maamul u sameyntooda ay hadda taagan tahay. [...]

  62. Kismayo33 says:

    Maamul u samaynta Jubbaland waxaa iska leh beesha ugu badan

    Kismaayo,

    Afmadow,

    Dhobley,

    Qooqaani,

    Badhaadhe

    Raskambooni

    Kulbiyow

    Buurgaabo

    Mareereey

    Hargeysa Yarey

    Jilib

    Jamame

    Goobwayne

    Yoontoy

    Luglow

    Wadajir

    urur Annaa

    Hoosingow

    Jiira

    Dhasheeg Waamo

    Gosha

    Jana Abdalla

    Miiddo

    Biibii

    Xagar

    Harboole

    Diif

    Buaale

    iwm

    ee warka badan joojiya.

    Waa beesha qabatay Jubbaland badankeeda degtana, kambooniyiintana u badan yihiin.

    Ha dhowro xuquuqda Minoritiga waa wax la garto laakiin yaa maamul u dhisaya waa sheeko xariir.

    Sida qoraha kalaba yidhi, Banaadir Soomaali oo dhan bay ka dhaxaysay laakiin maanta baa isku koobay.

    Taasi ma ahan mid la aqbali karo. ma dhisin Muqdisho mana laha keligiisa, Waxa uu ku leeyahay ayaa iska yar.

    Hiiraan waa la mid.

    Galkacyo iyo galgaduud waa la mid

    Puntland waa la mid

    Woqooyi galbeed iyadu waydiin ma leh.

    Bay iyo bakool warkooda daa

    Labada shabeelle waa mid

    Gedo waa sidaa oo kale.

    Marka hadal haan ma buuxsho,

    Ama Somalinnimo iyo islaamnnimo wada jidha hala keeno ama beel walba ha ka soo heesto sandaqadeeda yar.

    Jubbaland imminka waxaa maamulkeeda iyo taladeeda iska leh beesha u badan dhulkaasi

  63. [...] Madaxweynaha Puntland wuxuu ka hadlay arimaha gobolada Jubbooyinka oo dhowaan ciidamada dawlada iyo kuwa Kenya ay ka saareen Al-Shabaab isla markaana muran ku saabsan maamul u sameyntooda ay hadda taagan tahay. [...]

  64. [...] loo hogaansamo ayaa qorshahan u aragta mid suurtagali kara, isla markaana qancin kara dhammaan beelaha degan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo qaar badani horey ay shaki uga muujiyeen dadaalada qaarkood ayna sheegeen in faragelin shisheeye ay ku lamaantahay, iyadoo ay qaar kalana ku doodayaan [...]

  65. [...] Garbahaarey (RBC) Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo horey u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaankii kumeel-gaarka ee Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garbahaareyee gobolka Gedo isagoo markii ugu horreysay ka hadlay xaalada magaalada Kismaayo iyo arrimaha maamul u sameyna Jubbooyinka. [...]

Leave a Reply