Warqad Furan Oo Ku Wajahan Xildhibaanada Puntland. W/Q Eng Adbirashid Abdi Daad


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Warqad Furan Oo Ku Wajahan Xildhibaanada Puntland.|
Eng Adbirashid Abdi Daad
Guurey@hotmaill.com
Oktoobar 11 2012

Warqad Furan Oo Ku Wajahan Xildhibaanada Puntland

Eng Abdirashid Abdi Daad

Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh
Mudanayaal iyo Marwooyin, sidaad ogtihiinba waxaad huwan tihiin cimaamad sharafeed ay idin saareen shacabka qiimaha iyo qaayaha badan ee Puntland…

· Waxay idin siiyeen codkoodii iyo kalsoonidoodii oo idinku aamineen.

· Waxay muran la’aan qaateen cidaad u doorataan hagidda waddanka.

· Waxay u samraan qalad kasta oo aad gashaan xilliga doorashada.

· Waxay ku qancaan waxaad tiro dheeri isku raacdaan oo aad go’aamisaan.

Mudanayaal iyo Marwooyin, shacabkaas qiimaha iyo qaayaha badan ee reer Puntland maal idinma waydiisan oo iyagaa muhshaaradiina baxsha, dhac iyo boob idinma waydiisan oo waa shacab xalaal quudata ah oo xaaraanta neceb, wax kasta oo bulsho ku tanaaddo iyagaa u kacay oo qabsada sida waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga…iwm

Mudanayaal iyo Marwooyin, shacabka Puntland waxa kaliya oo ay idin waydiisteen waxaa weeye…

· Inaad doorataan Maamul hanta nabad galyadooda oo noqda xarrigga isku haya soddon iyo todobadaa degmo ee shacabkaasi deggan yahay.

· Inaad utaagnaataan xaquuqda degma kastaa ku leedahay maamulkaa aad u doorateen ka talinta aayaha soddon iyo todabadaa degmo shacakaasi deggan yahay.

· Inaad dhowrtaan sharafta, karaamada iyo damiirka shacakaas ku nool soddon iyo todobadaa degmo iyo daafaha adduunka.

· Inaad xuuraamisaan oo u kuur gashaan dhawaqa, sawaxanka iyo cabashada shacabka ku nool soddon iyo todobadaa degmo ee kalsoonidooda idin siiyey oo aydaan dhegaha ka furayasan.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waagaan yaraa waxaan maqli jiray dawacadu markay qayliso hadaan dawaca kale qayladeeda u jawaabin dhogortaa ka muruxda ceeb iyo yaxyax darteed, dhogortu waa hu’ga ama dharka xayawaanka ceebtiisa Rabbi swtc ugu asturay… dharka ama hu’ga runta ah ee bulsho leedahay waa nabadda.

Mudanayaal iyo Marwooyin, dharka saxa ah Rabbi swtc wuxuu ku tilmaamay inuu yahay Libaasu Attaqwaa, waxaa caqli kasta oo nadiif ahi garan karaa in Taqwadu tahay nabadda ka dhaxaysa shaqsiga iyo Allah Raxmaanka ah ee abuuray, hadduu jabiyana uu shaqsigaasi u bareeray colaadda Allahii abuuray. Waxaa kaloo Rabbi ina faray wadajir, wadajir waxa keena waa nabadda, waxaa kaloo Rabbi inagula taliyey saamaxaad iyo iscafin, waxay saamaxaaddu dhex dhigtaa labadii is qoonsaday nabad.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan filayaa inaydaan ka garasha liidan dawacada garatay inay dhegta u raariciso dawacada kale dhawaaqeeda, oo aad dhagaysataan dhawaaqa bulshadii cimaamadda sharafeed idin huwisay oo aydaan ka abaal dhicin.

Mudanayaal iyo Marwooyin, haddaanu nahay shacabka puntland ee qiimaha iyo qaayaha Rabbi swtc ku manaystay waxaan idin leenahay …

· Aqoon yahanaddii iyo wax garadkii dhex mushaaxi jiray dhammaan soddon iyo todobada degmo ee Puntland meel manoogu sheegi kartaan aan ka doonannee.

· Baayac mushtarkii camirayey dhammaan soddon iyo todobada degmo ee Puntland meel manoogu sheegi kartaan aan ka doonannee.

· Sinaantii iyo xuquuqdii ay mudnaayeen dhammaan soddon iyo todobada degmo ee Puntland meel manoogu sheegi kartaan aan ka doonannee.

· Sodon iyo todabadii degmo meeshay ku danbeeyeen meel manoogu sheegi kartaan aan ka doonannee.

· Burjigii iyo karaamadii aan lahayn oo bulshooyinka inagu xeeran nooga gabanayeen oo nagu ixtiraamayeen meel manoogu sheegi kartaan aan ka doonannee

Mudanayaal iyo Marwooyin, haddaanu nahay shacakii sharaftoodii idin huwiyey maanta kaaramadii, damiirkii iyo burjigii aan lahayn wuxuu ka dhacay haadaan, waxaana masuuliyaddeeda qaadaya waa idinka, sababtoo ah waxaa marxaladaas keenay maamulka aad u doorateen inuu ilaaliyo karaamada iyo sharafta shacabka reer Puntland.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waajibaadka saaran maamulka aad doorateen wuxuu ahaa…

· Inuu xukunkiisa ku baahiyo dhammaan soddon iyo todobada degmo ee Puntland

· Inuu hanto nabad kuwada noolshaha shacabka Puntland kana ilaaliyo cid alaale iyo ciddii xadgudub ku samaynaysa xasiloonida iyo nabaddooda.

· Inuu garab istaago kuna taageero dhammaan siyaasiyiinta reer Puntland ee tartanka u gala madaxtinimada Jamhuuriyadda Federalka Somaliya.

· Inuu isu taago ilaalinta xuquuqda dhammaan ganacsatada reer Puntland ee heshiisyo la sameeya shirkadaha aan ahayn reer Puntland.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaa markhaanti ma doonta ah in maamulka maanta talada hayaa gabay dhammaan waxii loo idmaday inuu hanto…

· Waxaan markhaanti ka tihiin inaan maanta xukuumaddii gaarsiisnayn dhammaan 37 degmo ee shacabka reer Puntland deganaayeen.

· Waxaaad markhaanti ka tihiin in nabaddii iyo xasiloonida faraha ka baxday oo aan xataa martidii doonaysay inay horumar ka dhexsameeyaan dariiqa loo galo.

· Waxaad markhaanti ka tihiin in si bareer ah maamulka hadda jira ugu dhawaaqay inaay siyaasiyiinta Puntland soo mareen jagooyinka sare ee Federalka oo ay u baneeyaan siyaasiyiinta kale.

· Waxaad markhaanti ka tihiin in maamulka hadda jiraa olole u galay jagada guddoonka baarlamaanka si siyaasiyiinta Puntland u waayaan Madaxwayne iyo Raysal Wasaare.

· Waxaad markhaanti ka tihiin in dhammaan ganacsatadii waa waynaa ay katageen Puntland oo magaalooyinkii Boosaaso iyo gaalkacyo haawanayaan maanta.

Mudanayaal iyo Marwooyin, haddaanu nahay shacabka Puntland intaas iyo in kabadan oo hagardaama ah iyadoo ay na soo faadsaartay hanoogu darina dhibaatooyin kale, runtii Nidaamka Axsaabta waa rabnaa laakiin haddaan maamul nabad galyada iyo xasiloonida hanan karaa jirin, nidaam kaas axsaabta ee wanaagga ahi waxuu abuurayaa holac iyo burbur aan laga soo kaban karin.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Dastuur sidiisaba waa ilaalinta xuquuqda iyo nabad galayada shicibka, haddii maamul jiraa hanan waayo ilaalinta xuquuqda iyo nabadgelyada shacabka dhammaan qodobada Dastuurka maamulkaasi waa Jabiyey.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaa Dastuurku awood buuxda idiin siinayaa haddii maamul jabiyo qodobo Dastuuri inaad kala noqon kartaan kalsoonida, maamulnimadana ka xayuubisaan.

Mudanayaal iyo Marwooyin, haddaydaan awoodi karin kalfadhi inaad isugu timaadaan daruufo nabad galyadiina awgeed ah waxaad awoodi kartaan inaad ku noqotaan shacabkii idin sharfay oo aad iska casishaan oo iska tuurtaan heeryadaas gunnimo oo aan Rabbi idin badin…

Maamul aan ilaalin karin xasiloonida, nabadgalyada, xuquuqda iyo karaamada dhammaan shacabka reer Puntland xaq umalaha inuu jagada hayo…. Run Sheeg Waa Xaq Sheeg.

Wa Billaahi Taw Fiiq
Qore: Eng Adbirashid Abdi Daad
Guurey@hotmaill.com

————————————————————————

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

27 Responses for “Warqad Furan Oo Ku Wajahan Xildhibaanada Puntland. W/Q Eng Adbirashid Abdi Daad”

  1. [...] Visit site: Warqad Furan Oo Ku Wajahan Xildhibaanada Puntland. W/Q [...]

  2. Mohamed says:

    Eng abdirashiid talooyin fiican ayuu soo jeediyay waana in warkiisa la qiimeeyaa in kastoo ay ku fiicneyd intii aysan reeb puntland salka soo taaban oo aysan soomali oo dhan tooshaka ku ifin waa aan aaminsanahay reer puntland hadii ay tartiib socon lahaayeed in aysan waxa ku dhacay ku dhaceen ee faroole hala cayriyo dad wanaagsan ayaa ka buuxa puntland ee hala soo hormariyo guulseta

  3. [...] See the article here: Warqad Furan Oo Ku Wajahan Xildhibaanada Puntland. W/Q Eng Adbirashid Abdi Daad [...]

  4. Somali says:

    Ninka qoraalkaan soo qoray waa nin seexday oo aan la socon siyaasada puntland, maantay marayso. Walaal waa labedelay tastuurkii puntland, puntland waa amaan hadii aad xukun rabtit xisbi furo hadii kale fakaa xiro.

  5. Libaax-libaax DHalay says:

    Nin baa waxaa laga sheegay “Hebel Waa Waalanyahay” oo hadana yiri “Oo laakiin muxuu isu qaawiyay?” Markaasaa lagu yiri “Hadduu waalanyahay qaawanaantiisa maxaad innaga weydiinaysaa?!” marka waxaa weeye Daad wuxuu doono buu ku hadli karaa waanadan agtiisa waaba ceeb in la qaato, nimanka uu hadda sal-salaaxayo oo uu leeyahay mudanayaal iyo marwooyin, sow kuwii Hoodaaddada” uu ku sheegayay ma aha….War ninku cabbiraad xumaa waaba Engineer-ee.

    Oo bal hadda day, wixii uu ka ciil qabay waa qarsan waayay, xisaab iyo qaynuunna shaqo kuma laha, wuxuu ku leeyahay Puntland maxay Cabdi-Wali si loo doorto lacag ugu bixin weyday?! annagaa yaab aragnay! wixii suuqa looga hadlaba Engineer waa inoo cilmiyeeyay, Puntland xilka ka saaran nin tartamaya oo jago federal-ka ka raadsan muxuu yahay? mise qaynuun qoraya baa jira? sidee bay kaa noqotay sow adigii qodobbada soo qorayay….War Daadow kugu ag ceebownay, Hadaan aamusi lahayna subax walba eey sarar sitaan aragnaa!…

    Baayac Mushtarkii, Aqoonyahankii (oo mindhaa siday kula tahay aad adigu ugu horayso) idin mee?!…waxaanse ku weydiiyay ma faalkaad dhigan BURJI maxay tahay lagaaga gabbanayo?!…nin weyn ahaan dadka wax ugu sheeg, waa laynaga gabban jiray sababtoo ah BURJI baan lahaan jirnay, adeer marka aan faaliyo sidaadoo kale burji nin leeyahay ninna kama qaado, laakiin danta qoraalkaaga dheer ee macnaha yar waxaa kugu jira oo aad qarinaysaa waa Cabdi-Wali maxay Puntland u taageeri weyday! Allow Xasan-weyne Xoolo Sii Aan Ka Xoogsanee!…Wali waad sabri la’dahay!

    Waxaa waayadan aad loo bartay int been la soo taxo in lagu soo xiro “Wa-billaahi towfiiq” mindhaa haddii la doonana macnaheeda lama yaqaan, shuruuddeedana waxba lagama fahamsana, adeer Daadow Alle towfiiqduu waafajiyo sharcigiisana la talo geliyay, laakiin been intaas la tiro eg oo nin aan gelin lagu eedaynayo, oo si laba wajiilinimo ah marna aad ugu yeerayso “Mudanayaal iyo Marwooyin” marna “Hoodaaddada” bal fiiri qaybtan yar ee aan ka soo qaaday qormadaadii foosha xumayd nimanka aad maanta Mudanayaal iyo Marwooyin aad leedahay waxaad ugu yeeraysay, aqri waa waxaad adigu qortay shalay:

    {Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow dadka noocaas ah ee hoodadada ahi waxaa kaloo ay u been sheegaan qofka jagada sare haya iyagoo sacab iyo caleemo qoyan ku asqeeya, waxayna ka dhaadhiciyaan in bulshadoo dhan doonayso kuna taageersan tahay maamul wanaagiisa. Dadkaasi waxay isugu jiraan xildhibaano, lataliyayaal, wasiiro, xoghayayaal, gudoomiyayaal iyo qaraabo ama ehel, degma iyo tuula kasta waxay ku yeeshaan dad ay wax u tuuraan oo indha sarcaad kaas ay ku hayaan ruuxaas jegada sare haya la fuliya. Waxayna isku dayaan inay caburiyaan, sawaxanka iyo cabshada ka soo yeeraysa bulshada qaybaheeda kala duwan, iyagoo ku shaabadeeya inay yihiin mucaarad wanaagga iyo horumarka diidan, ogoowna shicib diida wanaag iyo horumar inaanu jirin.}

    Walaal, koleey anigu ilama aha inaad wax halee is leedahay laakiin aqoon yari aad u baahsan baa iiga kaa muuqata, goormaad saxantahay, nimanka aad sifahaas ku sheegtay shalay sidee baad maanta waraaq ugu soo qoraysaa adigoo ku tilmaamaya inay yihiin Mas’uulyiin ummadeed?!

    Midda kale Cabdi-Wali waad ku waalatayee, Puntland inta danbi uu ka galay intuu ra’iisal wasaaraha ahaa ma ka war haysaa, waan hubaa laciin baad tahay waadna ogtahay laakiin ka jawaabi maysid, oo waxaan hubaa inaad ka mid tahay raggii la aqoolayay, balse qoraalkaaga danbe baan uga faaloonayaa ilaa koleey innaga xishoon maysidee, waxaanse Alle ugu mahdinayaa inay Raxanreeb inoo oggolaatay inaan u jawaabno cid kasta oo damacda inay innagu feegaarto.

    Madax-weynaha Puntland, Golaha SHacabka ee Puntland, Golaha Wasiirrada, iyo guud ahaan SHacabka mudan ee Puntland Guul baan Alle idinkaga baryayaa, waxaana idin leeyahay, waxaana idin leeyahay midnimmadiina adkeeya waxaa jira cadow badan oo gudaha ah oo ay u horeeyaan noocyadan waxbaan qoraynaa leh, iyo kuwo kale ee ka ilaaliya inay wax u dhimaan ummdnimada iyo midnimmada Puntland.

    M A H A D S A N I D I I N

  6. somali says:

    Warfiican haddii layeelayo talo xumo iyo tafaraaruq laguma jireen. Tan xigta doorashada puntland maha mid shacab ee waa mid dhuuni qaatayaal odyaal soo doorteen kuna gaarayaan dantood oo keliya. waa chacab ay u tashadeen odayaal iyo dhooni qaatayaal ay soo doorteen waxna aan la weydiinayn.
    Balse aan eegno meesha ay ku furaan.

  7. Axmed says:

    xildhibaanadu waa khasab qaataan taladaan muhiimka ah shacabka badbaadiyaan
    eng daad runtii hogaamiye dhaba baad tahay inaad ogtahay fiicnaan laheyd

  8. Axmed yare says:

    Waan salaamayaa ENG Warqad Furan. Wuuna Mahad san yahay, warqada ku xigta amin caamir u dir. Waa talo soo jeedin. Go’aanka se adigaa iskaleh Mahad sanid… ENG Axmed yare

  9. deqa says:

    runtii damiirkii umada wali inujiray kutusaysaa aad iyo aad baad umahadsantahay qoraladada wakartidii ay kutilmanayen umadasi mansha alah wankaga mahadcelin wlaaal sida dhibrinta leh ee ad umadada ugu sojedinayso taloyinka ti madaxwaynaha wan aqriyay runtii nin qima leh ayatahay alaha kusiyo cimri iyo cafimad. qoraalkaga shacba ayukaturjumaya runti wan kulaqabna siyasad mesha matalo siyasada dibada ayanku ordaya gudihina waunshay ninka marku qoyskiisa ka adkado ayuu bulashada wax u shegikara marka madaxwayne adoomahadsan wadankii iyo dadkiiba adaalaguhaysta siyasiyiintada aad dhabarka ujedisay adaa lagu haysta .baarlamanka ,madaxwaynuhu wa shaqsi awodana idinkasiyay idinkana ka qadikara,dorashada wadankugalayo aqoonyahan ban ubahanahay karti leh oo hanankara umadan iyo dalkan

  10. Birlaqe says:

    yaa furey warqada yaana xirey waxa uu qorey bal arka dameerkan oo waxbaan qorayaa yiri war meesha ka tag ama cows cun meesha dadka kuma jecla adeer ee isga baxa Puntland

  11. Somali & puntland says:

    Ninkii wax haya hatago puntlan, xisbi hafurto ee Yuu meelahaan ka caytamin. Fadhi ku dirirka ha layska daayo hanalatago puntland, waa ninkii wax usku hayah.engineerku waa nin aan warhayn. Marka hurdadaadii iska noqo.

  12. hashitanade says:

    Asalamu Calaykum warahma.

    Eng, Abdirashid wuxuu bixiyay talo wax ku ool ah waxaanse isleeyahay hadaan nahay reer puntland, waxwalba oo buuxsama waxay yeeshaan nusqaan, waxaa nagu socda nusqaantii aan hoos u soconlahayn waxaase ilaahay mahadii ah in reer puntland ay ka buuxaan culimo,cuqaal,mutacalimiin,hooyooyin iyo dhalinyaro waxgaradda, haddii aanaan hadda wax qabsan waxaa imaanaya xili kan ka adag oo aan waxlaqaban karin, kuma talinayo in reer puntland hubka isu qaataan oo hada dagaal sokeeyo la abuuro, iyadoo ay jirto hada in reer puntland ayan talo guud ka dhaxayn, waxaanse leeyahay dhanka maslaxada iyo wax qabsiga xooga halasaaro, CAANO DAATAY WAA LADABA QABTAA ee aynu dadkeena,dalkeena iyo diinteena badbaadsano oo hadal wax ma badalee Action cilmiyaysan aan ku dhaqaaqno, cidna maanta kama qarsoona xaalada puntland ay maryso iyo meeshay ku socoto, waa inaan isbadal samayno,sidaan dadkeena iyo dalkeenu kuma jiri karaan, hawsha maanta taalana birri looma dib dhigto, ha istaageen dhalinta,waxgaradka iyo odayaasha reer puntland gacmaha ha laysqabsado iyadoon qabyaaladi jirin isbadalkana hala taageero horana haloo socdo ee yaan gadaal lafiirin.

  13. Axmed says:

    kkkkkkkkkkkkkkk

    maxaa haysta duulkii faroole ka daba tukanayey cabaadka kabaxaya eega

    faroole diidnay dilaaca hadaad doontaan

  14. SHirwac says:

    @Daad

    Walaal waxaan qoraal ma aha waa feegaar aad baan ula yaabaa waxaad soo qorto, bal aqristayaal fiiriya October 4teedii wuxuu ka qoray nimankan uu ku celcelinayo Mudanayaal iyo Marwooyiin, wuxuu usbuucii hore ugu yeerayay Hoodaado, wuxuuna ka dhigay inay madax-weyne Faroole khayaanayaan maantana iyagii buu uga dacooniyaa madax-weynihii oo uu leeyahay rida ninkaan!!!!…shaki la’aan ninkaan isagoo xis qaba wax ma qoro, bal fiiri pragraph-ka siddedaad ee qoraalka link-igiisa hoos ku yaala oo ah kii uu usbuucii hore qoray ee uu ugu magac daray Warqad furan ee ku socota madax-weynaha…
    http://www.raxanreeb.com/2012/10/warqad-furan-oo-ku-socota-madaxwaynaha-puntland-wq-eng-abdirashid-abdi-daad/

    Aqoontaa ku yar ninkaan, warqad furan muxuu ka fahmay, waxaana qiyaasayaa sida uu isagaba Daad sheegay inuu Faroole markay isku arkeen Turkiga uu shaqo weydiistay Faroolana uu u diiday ama uu yiri “Adeer wax ha bannaanaadaan”…..

  15. Jamal says:

    @SHirwac

    walaal qoraalka Eng Daad wuxuu tilmaamay jiritaan dad hoodado oo isugu jira xildhibaanao wasiiro lataliyal iyo qaraabo adiga iyo libaax libaax qoraaladiina mugaan eegay waxaa iisoobaxday inaad tihiin dadkuu engneerku sheegay aflagaado iyo taageero camoola oo qayaxan weeyo qoraalkiina

    End Daad qoraalku qoray wuxuu u dhignaa Dadkaasi waxay isugu jiraan xildhibaano, lataliyayaal, wasiiro, xoghayayaal, gudoomiyayaal iyo qaraabo ama ehel, degma iyo tuula kasta waxay ku yeeshaan dad ay wax u tuuraan oo indha sarcaad kaas ay ku hayaan ruuxaas jegada sare haya la fuliya. Waxayna isku dayaan inay caburiyaan, sawaxanka iyo cabshada ka soo yeeraysa bulshada qaybaheeda kala duwan, iyagoo ku shaabadeeya inay yihiin mucaarad wanaagga iyo horumarka diidan, ogoowna shicib diida wanaag iyo horumar inaanu jirin.

    dadkaasi waxay isugu jiraan iyo xildhibaanado waa hoodado waa kala labo ee hoodadaa tihiin adiga iyo libaax libaax dhalay aflagaada iyo aqoon xumada joojiya.

    @ Daad

    walaal aad baad ugu mahadsantahay taladaada waana muhiim kuwaan aqoon yaridu u gaysay inay caytamaan anaga kaa xaalmarinay

  16. SHirwac says:

    @Jamal, maxaa kaa khaldan walaal, adigii baa waxaan sheegnay aniga iyo Libaax-libaax DHalay ku celinaya haddana waxaad leedhay waa saxanyahay,sidee wax u fahmtaana, mise waxaad tahay Daad oo is qarinaya caqligaasna waad yeelan kartaa hadaad Daad tahay inaad Impersonate samayso, war aqoon yaridaa.

    Libaax-libaax DHalay, waxaan ku raacsanahay oo kale in Faroole aad ugu caraysantahay hunguri, aadna aad ugu kacday markii aad ka quusatay booskii xog-haynta ahaa ee Cabdi_wali aad ka sugaysay.

    Adigu ama Jamaal la baxa, ama magacaaga dhabta ah ku imow, xisaab xumidaada waxaad tahay ninka ku doodaya Puntland maxay lacag ugu bixin weyday nimankii federal-ka u tartamayay ee reer Puntlandka ahaa, oo yaa sharci ka dhigay taas? mise waxaad ku khaldaysaa Cabdullaahi Yuusuf markii uu Puntland xukumay lacagtii Puntland buu ku tartamay…balse aan ku weydiiyee ilaa shan qof baa gobolka ka soo jeedayee ma waxaad rabtay in Cabdi-wali keliya la taageero?…

    War adeer wax kula taliye ama aad wax ka barato ma weyday, intaas waan kula hadlaynaa waxna maqli maysid oo kolba annagii baad magaca ino soo bedelanaysaa oo inala murmaysaayee, bal beentiisa isagii baa Jamaal la baxay oo isu mahad celinaya….u malayn maayo nin waxaad qortay aqriyay inuu kuu mahad celinayo!Been Badanaa!

  17. Rooraaye says:

    Ninkaani goob joog maaha waxa xaqiiqadana lama socdo anigu waxaan qabaa dowladu waxay qabatey howl wanaagsan kii diidan xisbi ha furto looma baahna warqad furan iyo mid xiran haduu dacwad qabo xildhibaan baa metela

  18. reermagaal says:

    ala maxaa calaacal kayeeraya shaqaalahii reer faroole uu qabyaalada iyo musuqmaasuqa ugu sad buriyey kkkk bal ila eega midkan wata magacyada DHalay iyo SHirwac walaahay baan ku dhaartee waa hal qof oo dhowr magac isku badbadalaya magacyada kale uu pagekan kusoo galey waxa kamida Somali iyo Somali & puntland.

    hala yaabina musuqmaasuqii uu faroole firdhiye naasnuujinayey ayuu u baqayaa inuu waayo

    waxa kaloo hoos ka eegtan pagekan uu dhowrka magac ku difaacayo faroole magacyadaas oo ay kamid yihiin Puntland boy,Anti Horsedmedia,Somali,Atoore23,faroole,Joorre.

    http://www.raxanreeb.com/2012/10/puntland-oo-baaq-loo-jeediyay/

    waryaa DHalay aka SHirwac aka SUULDHABAALE ha kudaalin beenta iyo propagandada faroolahan aad la wareegeyso waa loo wada jeedaa ruxii saxsan oo xaq iyo xaqiiq ku doodaya, adigase wax kuu cusub mahan waan aqaan inaad tahay midka qora oo isku badbadla websideyada kala ah garoweonline,dunidariyahaonline iyo puntlandpost sida aad websiteyadaas iskugu badbadsho ayaa magacyada commentyadana iskugu badbadshaa, waxana kaa keenaya ceebqarin aad u ceeb qarineyso reer faroole kk

  19. reermagaal says:

    aka SHirwac aka SUULDHABAALE bootaale fuleya baad tahay fuleyna wax ka qorya aruursti badan, waan ogahay inaad kamid tahay iskugu yeera reer Waamo waligeey waxaan maqli jirey hadaad aragto mid oo laba erey isku dari kara waa miday kismaayo kusoo ilbixiyeen kkk

  20. Jamal says:

    @SHirwac

    hubal inaad akhlaaq lagugu ogayn adiga iyo libaax dhalay halshaqsi wada tihiin fahamku kuyaryahay eng daad hufnaan iyo wadanimo jugaystay qoraalka engneerka kuusoo copygareeyey kuu sheegay wali maad fahmin manafahmaysid kuwa faroole faroole kuwardiyaa tahay.
    oohinta iskdhaaf tuuga faroole waqtigiis waa dhacay ama ooy ama qosol adlee waaye

  21. Libaax-libaax DHalay says:

    @Shirwac

    Adeer waan ka xumahay, waxaan waxba fahmayn baa Alle wax inoogu daray! bal midka wax soo qoray iyo kuwaan ma ciyaal suuq baan dood la qaybsan karnaa, adeer waxaa Alle mahaddii ah in noocaan iyo kuwa la midka ah ay reer Puntland waa hore ka tashadeen, Daad-Daad iyo, Gaagaab iyo, waxaan xeer kaa celinayn, caqli kaa celinayn, markay kula hadlayaan aad moodo in la soo ciilay!, marka adeer, waxaan waxba ha u jawaabin, waxaadse Alle ugu mahadisaa in talada Puntland ay gacanta ku hayaan rag ehel u ah, marka adeer innaga dhaaf! kuwaan waa caruur dheg adag hadaad la hadasho noocoodaad noqonaysaa oo waad ku ceeboobaysaa.

  22. reermagaal says:

    Lax-lax DHalay aka SHirwac aka Rooraaye oo ma isla adigaa isu jawaabaya duf ku bax, war maantana ma ku sheegtay talo iyo xukun ayey ehel u yihiin kkkkkkkkkkkk 4sanoo garoowe affirmative action lagaaga hirgaliyey sidii adoontii mareykanka iyo south africa hadaa talo ehel u taqaanid waa gartaa ileen ka hor afka iskaga maalan jirtaye kkk walee adigaa u eg mid la ciiley sidaan qoraaladaada ka dheehday, koley raga aad cuqdada ka qabto waa rag isku kalsoon doohaantiina jaahilka ah ee faroole shalay ku indha kala qaadey waa jaahil bixiyaan oo u caqli celiyaan, 3da bilood kuu hartey reer barigaas masaakiinta ah iska waabso oo bosaaso ugu cagojugley, waaxid.

  23. Axmed says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    reermagaal kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    lax lax dhalay that is is the real name kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk his thoughts is same like a lax

  24. c/laahi says:

    wax macne ma adan soo jeedin duf ku bax mucaarid qurmay baa thay

  25. kkkk sax sxbdaey baa hadalkiii dhameeyay raxanreeb pleaz gaarsii odayga maqaalkan qoray kaliya ”waxaad qorta been aad soo dhoodhoobatay ee xaqqiqda marna xataa maadan soo ag marin marka waxaa kuleeyahay haku hungoobin inaad meel aan wax jirinn aad wax ka raaidso puntland waa ay tahshatay oo hadda nidaamkii qabiilka waa laga bixixn ee hadaad awood siyaasadeed iyo aqooneed leedhaay imaw oo isbadek samee cidan waxba kugu samayeen kartaee hadii kale meelahaa ka qeyli sidii ”habartii xararadheere”

  26. Axmed says:

    maxaa muxaafad haysta faroole fiin aa ku ciday kukale mooyee kani galbayey

  27. sharaf says:

    ASCK
    Anigu ma doonayo in aan cidna ku xad gudbo shacab iyo maamul toona,Waxaana Allaha weeyn uga baryaya soomaali gobal kasta iyo meel kasta oo ay joogtaba Allaha ku amaansado,aamiin yaa Allaah.
    Waxaan ahay muwaadin somali ah,oo ay dhibeeyso meel kasta oo somali ka mid ah oo dhib ka jiro,
    Waxaan aad uga xumaada markaan arko is eedeeyn,iyo wax fidmo abuuri kara in webabka lagu soo qoro,uma jeedo cid gaara,balse walaalka warqadaan furan soo qoray hadii uu toosin ula jeeday,yaan eed lala daba gelin,waa sida aan qabo ee hala xaqiijiyo ma jiraan waxa uu ka hadlayo?mase?
    Waxaan jeclaan lahaa in aan u sheego dhamaan walaalaha soomaaliyeed,horta aan fahano macnaha mucaarad,
    Mucaara waa 2 nooc heeykalka sare.
    mucaaradka aan hubka wadan,waa loo baahanyahay,in uu saxo qaladaadka maamulka markaas jira,isagoo run ka sheegaya,waxaana lagu magacaaba mucaaradkaas sixitaan qalad jira.
    2-Mucaaradka kale waxaa lagu magacaaba,mucaarab wax dumiya ,waa kan hubka wata,waana kan ugu liita kuwa mucaaradka sheegta,waa dal dumis,ee maaha mucaarad,saas aan isula fahano.
    In farta lagu fiiqo qaladka jira muwaadin kasta xaq ayu u leeyahay si asluubeeysan.
    Tan ugu dameeysa aan aan doonayo in aan xasuusiyo walaaleheey soomaaliyeed wexeey tahay,yeeynaan ilaabin marna in aanu ka mid nahay qaarada africa,oo caalamku ku yaqaano caburin,kursi jeceeyl,daneeystanimo,iyo xatooyo hanti qaran,hadeba miyaaney eheeyn maadaama aan intaas ognahay,in jiilka cusub si farsameeysan ula macaamilo wadciga taagan,si looga fara maroojiyo keligiitalisnimada iyadoon loo marin wadada keeni karta bur bur hor leh,
    Walaal yaal mar kasta aan ku dadaalno deganaanshaha dalka,anagoo adeegsaneeyna maskaxdeena iyo kartideena,u daneeyneeyna dadkeena iyo dalkeena.

    waa billaahi toofiiq

Leave a Reply