Wasaaradda Caafimaadka Puntland Oo Deeq Daawo oo ay ka heshay Hay’adda PERGIP u qaybisay Isbitaalada Gobalada, Degmooyinka iyo Kuwa Gaarka loo leeyahay (Warbixin Sawiro)

Midig Wasiir ku xigeenka Beeraha Eng. Cabdi Jaamac Geesood iyo Wasiiru dowlaha Deegaanka iyo Duurjoogta Saleebaan Dhoodi oo qaybtii Degmada Goldogob agtaagan
Garowe: Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa daawo deeq ah oo ay ka heshay Hay’adda Pergio ee dalka Italy waxay u qaybisay Isbitaalada guud ee Gobalada, Degmooyinka, Xarumaha lagu xanaaneeyo dadka dhimirka qaba iyo Isbitaalada gaarka isu maamula ee bulshada.
Deeqdan Daawadda ah oo dhamayd 4 tone waxaa ku deeqday hay’adda PERGIO oo fadhigeedu yahay wadanka Talyaaniga kana keentey daawadda wadanka Maraykanka. Xaflad balaaran oo Wasaaraddu deeqda daawadda ah kula wareegaysay isla markaasna Gobalada loogu qaybinayay ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland.
Wakiilka hay’adda PERGIOP Eng Xuseen Abuukar ayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame waxa uu ku wareejiyey Daawadda, Wasiirka oo markii uu daawadda kal aweeWasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa hay’adda PERGIO uga mahadceliyey daawalada Kaalmada ah ee ay soo gaarsiisay Puntland, daawadan ayaa ah mid ka duwan daawooyinkii horey ay wasaaradda caafimaadku u heli jirtey sida uu wasiirku ka sheegay xafladii qaybinta iyo kala wareegista hay’adda PERGIO ee daawada keentey.
“Daawooyinka horey noogu imaan jirey tani way ka duwan tahay waayo waa daawo loogu talagalay cudurada inoogu daran maantey dalkeena ee bulshada haysta sida Sonkorta, Qalalka, Daawada xanuunada kaadihaysta ku dhaca iyo kuwo la mid ah” ayuu yiri Wasiirku.
Prof. Maxamed Jaamac Salaad oo ka mid ah dhakhaatiirta ugu caansan dalka Soomaaliya oo isagu qayb libaax leh ka qaadey in daawadan ay dalka timaado ayaa sheegay in daawadan tahay mid tayadeedu sarayso oo ka timid Maraykanka ayna ku deeqeen Hay’addo, waxa uu mahadnaq balaaran u jeediyey hay’adda PERGIO Agaasimaheeda guud oo aqbalay codsiyadii Wasaaradda caafimaadka iyo dhakhaatiirta Puntland.
Prof. Maxamed Jaamac Salaad waxa uu sheegay in daawadan loogu deeqay Isbitaalka guud ee Gobalada Mudug balse ay goosteen inay Wasaaradda Caafimaadka daawada ku wareejiyaan si Isbitaalada wadanka loogu wada qaybiyo maadaama uu dhakhtarku sheegay in Wasaaraddu ay tahay mida awooda ugu sareysa ee daawo qaybinta leh dalkuna uu wada leeyahay sida dhakhtarku sheegay wixii deeq ah ee yimaada loona waago si wadajir ah.
Daawadan ay ku deeqday hay’adda PERGIO waxaa wasiirka caafimaadka ku wareejiyey wakiilka hay’adda PERGIO ee Puntland Eng. Xuseen Abuukar, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay in hay’adda uu wakiilka ka yahay ay daawo 4 tone ah oo tayo badan leh ay ku wareejiso wasaaradda caafimaadka Puntland, Eng. Xuseen Abuukar waxa kale oo uu balan qaadey inuu qaadayo codsiyada Wasaaradda caafimaadka ay hay’adda uu wakiilka u yahay kaga codsanayaan daawooyinka joogteynteeda inuu gaarsiinayo xafiisyada hay’adda uuna rajo wayn yahay in deeqaha daawadu aysan ka istaagi doonin Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxa uu sheegay in Wasaaradda Caafimaadku ay daawada u qaybinayso dhamaan Isbitaalada muhiimada koowaadna ay leeyihiin Isbitaalada guud, Wasaaradda Caafimaadku qaybta daawadda waxay ku dartey Isbitaalka guud ee Laascaanood iyadoo la xasuusan yahay in Laascaanood aysan gacanta dowladda Puntland ugu jirin oo Somaliland haysato hadana Wasaaradda Caafimaadka Masuuliyiinteedu waxay sheegeen in dadka iyo deegaanku ay Puntlanders yihiin baahina ay u qabaan inay daawo helaan sidaasna qaybta wax looga siiyey Isbitaalka Laascaanood, Wasaaraddu waxay sidoo kale daawadda wax ka siisay Isbitaaladda Gaarka loo leeyahay sida Puntland Hospital oo Boosaaso ku yaal, Cartan Hospital oo Garowe ku yaal, GMC iyo Norway oo iyana Gaalkacyo ku yaala.
Sidan ayayna Wasaarada Caafimaadku Gobalada ugu qoondeysay Daawadda
Gobalka Nugaal:
Isbitaalka guud ee Garowe, Isbitaalka Guud ee Degmada EYL, Isbitaalka guud ee Degmada Buurtinle, Xarunta Dhimirka ee Garowe iyo Isbitaalka Cartan ee Garowe.
Gobalka Bari
Isbitaalka guud ee Bandarqaasim Boosaaso, Xarunta Dhimirka ee Boosaaso
Gobalka Karkaar
Isbitaalka guud ee Qardho
Gobalka Sanaag
Isbitaalka guud ee Dhahar
Gobalka Sool Isbitaalka guud ee Laascaanood
Gobalka Cayn
Isbitaalka guud ee Degmada Buuhoodle
Gobalka Mudug
Isbitaalka guud ee Gaalkacyo, Isbitaalka guud ee Degmada Goldogob, Isbitaalka GMC (Dhagacadde), Isbitaalka Norway iyo Xarunta Dhimirka ee Gaalkacyo.
Wasaaradda Caafimaadka Dowadda Puntland waxay sheegtey inay si cadaalad ah mar walba ugu qaybinayso Isbitaalada Gobalada Puntland wixii deeq ah oo yimaada uuna xil ka saaran Wasaaradda Caafimaadka inay hubiso in daawaddu gaarto Isbitaalkasta iyo Xarun kasta oo la siiyey, waxay kaloo Wasaaradda Caafimaadku sheegtey in daawaddu tahay lacag la’aan iyadoo Wasaaraddu ka codsatey Isbitaalada inay daawadda dadka u baahan siiyaan si deg deg ah maadaamabaahi weyn loo qabo.






C/qaadir Warsame
Wasaaradda Caafimaadka
abdiqadir72@gmail.com















Maansha Allah waa wax loo baahan yahay oo lagu farxo.
scww maashaa alaah masuuliyiinta wasaarada caafimaadka ku dayasho bay mudan yihiin waana idiin hambalyeynaynaa wax qabadkiin hufan waa doowooyin ay ka faaidaysan doonaan danyarta xanuunsan iyo iyo dhimirka dadka la xanuunsan ilaah ha idcin caafiyo tan mahadsanidiin maamulka wasaarada iyo tan doowladaba noolaada buntuland
[...] View article: Wasaaradda Caafimaadka Puntland Oo Deeq Daawo oo ay ka heshay Hay’adda PERGIP u qaybisay Isbitaala… [...]
goooooooood job.
Adeer putland. 4wasaradood baa dadka iyo. Dalka wax u qabta waana. 1)wasaarada caafimaadka. 2)wasaarada waxbarashada. 3)wasaarada qoyska. 4)wasaarada dekedaha. Inta soo hartay. Kheyrkooda ilaah Hana siiso,shartoodana hanaga xijaabo.
Aawey ragii m/weyne faroole caynaayey ogoow faroole inuu yahay muwaadin sa ah anigu waxaan leeyahay ninkaan faroole rabin waa qof kan imaandoonana rabin
mashallah
Wasiir saleebaan shaqo fiican ayaad qabatey. Halkaa kasii wad.
waa arin wanagsan dadkii soo dhameyayna ajar allaha ka siiyo waxaase fiicnan lahayd deeqaha lakeeno oo idil in sidaas loosoo sawiro loona qaybsho
puntland haday deegaanada galbeedka wax u qabanayso 12kii million ee qarama-midoobay ku deeqday ee degmooyinka gaar ah lagu naas nuujiyay ayeey cadallad u qaybin lahayd waxa kan aan dhamayn 1000$ oon maha raga soo qadayna dib hanooga ceshaan haday caqli leeyihiin
Rooraaye,kkk war odeygaagan faroole firdhiye ayaa wax iga dhigey ku waashey ee boqolka magac dadka dabawada beenta maa iska yareysid oo riyahaada dib iskaga noqotid maamul waxaad wax kataqaanid ma’ahane dadka ehelka u ah udaa waxaad qaladay iyagaa saxayee, adigu 2009 ayaa waxakan kuugu horeysey january 2013 waa kuugu danbeysaa, marka maxa iska galey dimuqraadiyad xisbiyo lafurto iyo halka sano uu faroole rabo unuu si tuugnimo ah ugu darsado? maxa iska galay diidmada faroole laga diidayo inuu ku xadgudbo sharciga iyo qaanuunka dalka u yaal iyo shaqsiga isaga ku xigi doona? war waxwalba been iyo parapagando ha ku qarine faroole iyo wuxu wato cid dooneysa malahan waxa january 9, 2013, lasugaba waa isbadal dhab ah dalka ka dhaca iyo madaxweyne cusub oo awooda maamulka lawareega sidii isagaba awooda maamulka loogu wareejiyey.
cadaalad ma Jidho saxiib, waayo Reer Qardho waa loo geynaa la dhahay iyo Badhan, Badar Beyla Halkee la gu dhaafay iyo qoton Boqortooyadii Hore soo ma degna
as c aqyaarta dhaaman waa salaam
wasaarada caafimadka ugu horeeyo wasiirka runtii aad ayeey dadaal u mujiyeen waana uga mahad celin wasaaradaha puntland iyo xukuumadba runti waa halka wasarad ah oo la oran karo sii hagar la aan ah ayeey u dadaasha ilaahy hanoo daayo wasiirka iyo inta la midka ah oo wanaagsan talo hadii la iga qaadanayo waxan oran laha weligii aan xilkaas laga badalin oo dorashaba lagu darin walow haduu doarasho timadana asaga an u cudan doono inshaa alah nolow
Ali Abdullahi warsame
laakin wasaarada waxan waydiin lahaa goboladii kale dawada waa la siiye weliba waxa la siye dawo ku filan gobolada iyo tul;oyinka hoostaga aay ka wada faa idaysan karan yacni in aay qab qabsadan
alle ha u barakeye
laakin wasiir away qabtii gobalka nugaal halka aad gobalada ka casumad ka degmo u siisay awey tii garoowe ama tii wargaduud ama ely ama qarxis xataa hal degmo wax maad noo siin madaama aan reer puntland ahay anoo jecel inaa cadalad u qaybisan walow aniga aan gaar ahan 3 gobal khaas ah aan u ahay garoowe galkacyo iyo qardho cadeey as c
Wargaduud lama gayn aa? Hadaan yeelno waala arkin!
mashaa allah halkaas ka
kawada dr ali guul lesoo.